q,q
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
Q,q
/kyuu/ xarafka toddoba iyo tobnaad ee alifbeetada ingiriisiga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaandhaw
qaandhaw¹: m.l 1. la-mid: qaandhebid, qandhow 1. Bixinta qaan laysku lahaa layska baxsho. 2. Kabarray.
qaandhaw²: f.mg1 (-dhebay, -dhawtay; - dhebi) U q.: qaan laysku lahaa bixin. la-mid: qaandhow².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaddac
qaddac¹: m.l 1. Weel yar oo subagga iyo saliidda iyo wixi lamida lagu cabbiro. 2. Wax muuqda ama fudud oo malaha lagu garan karo; wax muuqda, wax cad. 3. la-mid: qaddicid.
qaddac²: f.g1 (-cay, -cday; -dici) 1. Wax goyn. 2. Ka q.: qof saad kala goyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qamiicsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Ka q.: qof wax saluugsan ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaybgale
m.l (-layaal, m.l/dh) Ka q.: qof hawl ama tartan la qabanayo ka qayb qaadanayo.

qaybgeli
f.g2 (-iyay, -isay) Ka q.: qof hawl, tartan, arrin iyo wixi lamida in uu qayb kaqaato u oggolaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaybsan
qaybsan¹: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Wax la qaybiyey noqosho.
qaybsan²: f.g/mg4 (-naa, -nayd) 1. (f.g) Qof wax xafidsan ahaansho. 2. (f.g) Wax la qaybiyay ahaansho. 3. (f.mg) Ku q.: qof hawl, arrin iyo wixi lamida, fulinteeda iyo wixi lamida, lagu aaddiyey ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qayladhaanso
f.mg3 (-saday, -satay) U q.: qayladhaan cid u dirasho. la-mid: cilladhaanso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaysho
f.mg3 (-shaday, -shatay) U q.: qof dhibaateysan cid kaalmo ka dalbasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoolan
qoolan¹: f.mg1 (-lmay, -lantay; -lmi) Xarig wax la qoolay noqosho.
qoolan²: f.mg4 (-lnaa, -lnayd) 1. Xarig wax la qoolay ahaansho. 2. U q.: qof, wax dhacay ama dhici doona dhibaatada ka timaada ka masuul ah ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoox
f.g1 (-xay, -xday) 1. Ul, qaanso iyo wixi lamida qalloocin. 2. Is q.: qof xarrago isla godid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qordi
f.g2 (-iyay, -isay) Ku q.: qof isku deyid in uu qof kale wax gacantiisa ku jiro la qaybsado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoro
f.g3 (-rtay, -ratay) 1. Hadal qoraal ka dhigasho. 2. Geed, dhagax, laf iyo wixi lamida qalab la isticmaalo ka samaysasho. 3. Ilkaha q.: qof ilko fiiqasho. 4. Qof shaqaale ka dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qulaami
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Ku q.: qof jirran jeenan siin. 2. ku q.: nafley wax ay cabto si khasab ah afka ugu shubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qulqul qumman (q.q.)
m.l (fiisikis) (q.q.) Qulqul danab oo u socdo jiho kaliya marka uu dhexmaraayo mareeg danab.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaybgale
m.l (-layaal, m.l/dh) Ka q.: qof hawl ama tartan la qabanayo ka qayb qaadanayo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaybgeli
f.g2 (-iyay, -isay) Ka q.: qof hawl, tartan, arrin iyo wixi lamida in uu qayb kaqaato u oggolaan. m.f.dh, qaybgelin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaybsan
qaybsan¹: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Wax la qaybiyey noqosho. m.f.dh, qaybsamid.
qaybsan²: f.g/mg4 (-naa, -nayd) 1. (f.g) Qof wax xafidsan ahaansho. 2. (f.g) Wax la qaybiyay ahaansho. 3. (f.mg) Ku q.: qof hawl, arrin iyo wixi lamida, fulinteeda iyo wixi lamida, lagu aaddiyey ahaansho. m.f.dh, qaybsanaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qayladhaanso
f.mg3 (-saday, -satay) U q.: qayladhaan cid u dirasho. m.f.dh, qayladhaansasho. la-mid: cilladhaanso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qoro
f.g3 (-rtay, -ratay) 1. Hadal qoraal ka dhigasho. 2. Geed, dhagax, laf iyo wixi lamida qalab la isticmaalo ka samaysasho. 3. Ilkaha q.: qof ilko fiiqasho. 4. Qof shaqaale ka dhigasho. m.f.dh, qorasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qulqul-qumman
m.l (fiisikis) (q.q.) Qulqul danab oo u socdo jiho kaliya marka uu dhexmaraayo mareeg danab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quq
(ereycodeed) hungaacada lagu tusmeeyo. Xalay oo dhan ayuu hungaaco quqda hayay Dh: haq.