q
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Q
(qaaf; qa'*)
Xarafka 16d. oo Alifka Soomaalida. Waa shibbane.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
q
m.dh (qa') Xarafka lix iyo tobnaad ee alifka Soomaaliga oo shibbane ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
q
(qa') m.dh Xarafka lix iyo tobnaad ee alifka Soomaaliga oo shibbane ah.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
q
-da: (n) the sixteenth [16th] letter of the Somali alphabet, pronounced as [qa' or qaaf], according to the style used by this dictionary, it is a consonant ~ shibbane
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
q
(qa'): xarafka lix iyo tobnaad ee xuruufta Far-Soomaalida ahna shibbane u qorma: Q. q.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
A
a: (a')
Xarafka koowaad oo Alifka Soomaalida. Waa shaqal.
-a: (naxwe) qodob raaca ereyada lab oo kelida ah oo 6 shibbane ku dhammaada (c, h, kh, q, x iyo hamsa, sida: magac-a, daah-a, jookh-a, maraq-a, madax-a iyo go'-a).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aabbe
(Aabba-ha)
Qof lab oo wax dhalay; labada waalid kan lab (ama aabbo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aadane
(Aadana-ha)
Intii Nebi Aadan dhalay ka mid ah; dad; qof.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aalaa
Inta badan; badanaa; dhaaxa; qajeel
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aalad
(Aalad-da)
Alaabo wax lagu qabsado; qalab; hub.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aaladeyn
(Aaladeyn-ta)
Aalad u yeelid; qalabayn; hubayn; qurxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aalkol
* (Aalkol-ka)
Biyabbiyood aan midab lahayn, oo ur sillan, oo daarmi og, oo baabbi'i og, oo siyaalo badan loo soo saaro, waxna loogu qabsado, (ama aalkolo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aalo
(Aala-da)
Qaalmaha yaryar oo lo'da.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aammin
1. (qof) Aan dhagar iyo laqdabo aqoon; daacad; lillaahi.
2. (meel, kd.) nabad ah; aan cabsi lahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aamminid
(Aamminid-da)
Kalsooni u qabid; rumaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aan
(Aniga; aan; i; ii - annaga; innaga; aannu; na; noo) qofka hadla haya ama wax qora haya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aaran
(Aaran-ka)
1. Qaalmaha yaryar oo geela; qaan.
2. Doog iyo barwaaqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aarid
(Aarid-da)
Qof hor loo diley darti, qof u dilid; aargudid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aas
(Aas-ka)
1. Xabaasha (dadka dhinta) iyo waxa ku saabsan; duug.
2. Iftiinka midabyada leh oo qorraxdhaca; cirguduud; cilcillow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aayad
(Aayad-da)
1. Suurad quraan, tixaha ay ka kooban tahay, middiiba.
2. Wax aan hor loo arki jirin oo yaab leh.
3. Mucjiso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aayar
Si deggan oo miyir leh; qunyar; tartiib; xasil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aayo
1. (Aaya-da) (waa shedan tahay) Carruurta hooyadood maahee, oorida kale, oo aabbahood qabo.
2. (Aaya-ha) Waxtar waa danbe wax laga dheefo; ciribdanbeed; aayatiin; meecaad; liil danbe; (ama aaye).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abaabulid
(Abaabulid-da)
Arrin isku duwid; hagaajin; qabanqaabin; dumid (col).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abbaaraha
Goor aan la sugi karin, laakiin la soo dhoweynayo; ku dhowaad; meelahaas; qiyaas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abeer
(Abeer-ka)
Neef ishkin ah (geel, lo') oo dheddig oo goortuu ku curan lahaa aan ku curan; qaalin aan weli dhalin; galgaal (lo'); tebis (ari) (ama ameer).