ereyga

podsol

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Podsol

DHAN

Boodsol

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

boodsol

DHAFANDHAAF

m.l (juqraafi) Nooc carro oo astaan u ah gobollada leh cimilada cirif-hoosaad, oo ah ka ay ka baxaan inta badan dhirta dabiiciga ah ee caleen irbadleyda.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

osol

DHAFANDHAAF
1

osol¹: m.l la-mid: asoolid.

2

osol²: f.mg1 (-slay, -soshay; -sli) la-mid: asool².

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

osol

DHAFANDHAAF

v. be in heat (of a ewe)

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

osol

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) rimidda idaha. osolka iduhu xilli ayuu leeyahay. Dh: asool.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

osol

DHAFANDHAAF
1

de: be in heat (of a ewe)

2

lx: osol

3

pd: (oslay ~ osolay / ososhay)

4

ps: v1=intr

5

key: osol

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

pool

DHAFANDHAAF

/puul/ (n) 1. barkad (meel biyo ku jiraan)(n) 2. barkadda dabaasha (v) 3. wadaagid (wax isku-darsad) (n) 4. bilyaardi (v) 5.sharatan (bakhtiyaa-nasiib).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

codso

DHAFANDHAAF

f.g3 (codsaday, codsatay) Wax si xushmad iyo qaddarin leh u weyddiisasho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

codso

DHAFANDHAAF

f.g3 (-saday, -satay) Wax si xushmad iyo qaddarin leh u weyddiisasho. m.f.dh, codsasho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

codso

DHAFANDHAAF

v. request, appeal for oneself

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

codso

DHAFANDHAAF

(fal) cid kale, wax weydiiso. Dh: codo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

codso

DHAFANDHAAF
1

de: request, appeal for oneself

2

lx: codso

3

pd: (codsaday)

4

ps: v3a=

5

key: codso

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Godol

DHAFANDHAAF
1

(Godol-ka)

2

Candhada xoolaha, caanaha kol xoog ugu soo dhaca, oo laga liso.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

godol

DHAFANDHAAF
1

godol¹: m.l 1. Caano hal mar candho irmaan ku soo dhaca. 2. la-mid: godlid.

2

godol²: f.g1 (-dlay, -doshay; -dli) Neef irmaan si loo maalo candhada ka salaaxid. la-mid: godli.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

godol

DHAFANDHAAF

m. n., [abstract] state of being full of milk ~ ready to be milked

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

godol

DHAFANDHAAF
1

-ka: (magac, lab, keli) caanaha naasaha ku jira intooda kolka dambe timaadda. Anigu godolka ayaan sugiye adigu xooxda maal. Li: xoox.

2

godol: (fal) hasha candhada u salaax si ay caanaha naasaha u soo dayso. Dh: godli. Li: gaagixi.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

godol

DHAFANDHAAF
1

de: state of being full of milk ~ ready to be milked (of udders of a cow or other animal)

2

lx: godol

3

pd: (-ka)

4

ps: n2-m-abs

5

key: godol

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

gosol

DHAFANDHAAF

m.dh (-llo, m.dh) Wiyil dheddig.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

gosol

DHAFANDHAAF

m.dh (-llo, m.dh) Wiyil dheddig.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

gosol

DHAFANDHAAF
1

-ka: (magac, lab, keli) midabka lo'du yeelato ka ugu guduudan oo dhiinqaraar ah.

2

gosol -ka: (magac, lab, keli) maroodiga habaroobay ee gaboobay.

3

gosol-sha: (magac, dhedig, keli) wiyisha teeda dhedig.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]

pólso

DHAFANDHAAF

s.m. - jalaqlay.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Qosol

DHAFANDHAAF
1

(Qosol-ka)

2

Dhawaaq ama yeer dadka ka yimaada, oo faraxa iyo yaabka iyo jeesjeesku keenaan, oo inta muruqyada wejiga la giijiyo, afka la kala qaado.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

qosol

DHAFANDHAAF
1

qosol¹: m.l Cod gaar ah oo ay dadku sameeyaan marka ay faraxsanyihiin iyagoo ilkaha caddaynaya.

2

qosol²: f.mg1 (-slay, -soshay; -sli) 1. Ilkacaddayn, iyo cod isku darid farxad awgeed. 2. Ku q.: cid ku jeesjeesid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

qosol

DHAFANDHAAF
1

qosol¹: m.l Cod gaar ah oo ay dadku sameeyaan marka ay faraxsanyihiin iyagoo ilkaha caddaynaya.

2

qosol²: f.mg1 (-slay, -soshay; -sli) 1. Ilkacaddayn, iyo cod isku darid farxad awgeed. 2. Ku q.: cid ku jeesjeesid. m.f.dh, qoslid.

3

qosolgariir¹: m.l Qosol naxdin iyo yaxyax keenaan.

4

qosolgariir²: f.mg1 (-ray, -rtay) Naxdin iyo yaxyax awgood la qoslid. m.f.dh, qosolgariirid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

qosol

DHAFANDHAAF
1

m. n., [collective] laugh, laughter

2

qosol v. laugh

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

qosol

DHAFANDHAAF
1

-ka: (n) laugh (laaf) ~ qoslid

2

qosol -ay / qososhay: (v) laugh (laaf). Ex: qosol bay la dhacday markay akhbaartii maqashay; she started laughing when she heard the news

3

ka qosli -yey / say: (v) cause someone to laugh

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

qosol

DHAFANDHAAF
1

(fal) farxad muuji adoo dhoollaha cadday- naya oo cod sawaxan leh ku daraya.

2

qosol -ka: (magac, lab, keli) dhawaaq iyo dhoollacaddayn wada jira oo farxad iyo raalli ahaantu keento oo inta muruqyada wejiga la gijiyo afka la kala qaado oo hawada sanbabada ka soo baxaysa la celcelsho oo laga xaragaysiiyo. Li: oohin, murugo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]

qosol

DHAFANDHAAF

ضحكة ، ضحكة

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Rodol

DHAFANDHAAF
1

(Rodol-ka)

2

Cabbir culayskiisu le'eg yahay 16 wuqiyadood.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

rodol

DHAFANDHAAF

m.l (-llo, m.dh) Halbeeg culayseed u dhigma 16 wiqiyadood (habka ingiriiska).

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

rodol

DHAFANDHAAF

m.l (-llo, m.dh) Halbeeg culayseed u dhigma 16 wiqiyadood (habka ingiriiska).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Rodol

DHAFANDHAAF

Pound

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

rodol

DHAFANDHAAF

m. n. pound (measure of weight)

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

rodol

DHAFANDHAAF

-ka: (n) pound (paawndh); unit of measurement equal to 16 ounces or 453.592 grams ~ hal-beeg lugu cabbiro culayska, siiba nidaamka Ingiriiska

waa la naqliyay ✓

Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]

Rodol

DHAFANDHAAF
1

Libbra

2

Pound

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

rodol

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) cabbir culayskiisu le'eg yahay 16 wiqiyadood. Rodol sonkor ah ii soo miis.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

rodol

DHAFANDHAAF
1

bw: Arabic

2

cf: wuqiyad (ounce)

3

de: pound (measure of weight)

4

lx: rodol

5

pd: (-ka Pl: rodaal (/sha))

6

ps: n2-m, n8-m

7

key: rodol

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Poison

DHAFANDHAAF

Sun

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]

poison

DHAFANDHAAF
1

(n) a substance that causes injury, illness, or death, esp. by chemical means.

2

sun

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

poison

DHAFANDHAAF

/pooysan/ (n) 1. sun (maaddo nafleyda disha ama dhaawacda)(v) 2. Sumayn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]

poison

DHAFANDHAAF

poison, n.m. - sun; dhimasho ama dhaawac xun u keenta naflayda

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]

poison

DHAFANDHAAF

n., dhunkaal, -shi, sun, -ki, urgumo, -adi, waabaayo, -adi.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

console

DHAFANDHAAF

/konsol/ (v) 1. u tacsiyayn (n) 2. halka mashiinka laga maamulo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]

cònsole

DHAFANDHAAF

s.m. - qunsul.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

parasol

DHAFANDHAAF

/paarasool/ (n) dallad (siiba midda yar ee qorraxda).

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]

parasol

DHAFANDHAAF

parasol, n.m. - dallad wayn; dallaayada qorraxda laga qaato.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]

parasol

DHAFANDHAAF

n., dallaayad, -di.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]

poisson

DHAFANDHAAF

poisson, n.m. - kalluun; malaay

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

pothole

DHAFANDHAAF

/pat howl/ (n) kannaal (kelli biyo mareen ah).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

potshot

DHAFANDHAAF

/pat shat/ (n) iska-shiishid (wax layska tuuro ayadoon si fiican loo shiishin).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

sponsor

DHAFANDHAAF

/sponsar/ (v) 1. kafaala-qaadid (wax howshooda iyo eeddeeda la qaado) (n) 2. kafaalo (damiinasho, laamaanasho).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Topsoil

DHAFANDHAAF

Ooogada carrada

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

xodhtol

DHAFANDHAAF
1

(fal) xodhtol ka dhig. Marada i odhol Dh: xortol.

2

xodhtol-ka: (magac, lab, keli) hab maryihii hore ee dumarka ama go'yaasha loo toli jiray oo dhexda gabal laga gelin jiray. Dh: xortol.

waa la naqliyay ✓