parking
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
parking
/parkin/ (n) 1. baabuur meel dhigasho. 2. halka baabuurta la dhigto.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
parking
parking, n.m. - meesha baabuurta la dhigto.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
parting
/partin/ (n) 1. kala tegid (laba qof iwm) 2. timo kala barasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
garaash
-ka: (n) 1. parking garage (garaash); park (paark). 2. car repair or service shop
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhigo_1
de: put s.t aside for oneself; put down; [ext.] park (a car)
hm: 1
lx: dhigo
pd: (dhigtay)
ps: v3b=tr
xe: No parking (traffic sign)
xv: Lama dhigan karo.
key: dhigo_1
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
sparkling
a., biligbilig leh.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
parpaing
parpaing, n.m. - dhagax wayn oo ishaya oo darbi laga dhigto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Barkin
1. (Barkin-ka) Barkimo qori ah (ama barshin).
2. (Barkin-ta) Barkimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barkin
barkin¹: m.l (-nno, m.dh) Qori si wanaagsan loo qorey, leh madax qaab bileed ah oo la barkado,lug, gacan gelis ama gacan qabsi ah iyo sal wareegsan, ballaaran oo uu ku fariisto. la-mid: barshin.
barkin²: m.dh (-imo, m.dh) Kiish maro ah oo cudbi, isbuunyo iyo wixi lamida laga buuxiyo oo la barkado. la-mid: barkimo.
barkin³: m.f.dh eeg barki.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
barkin
barkin¹: m.l (-nno, m.dh) Qori si wanaagsan loo qorey, leh madax qaab bileed ah oo la barkado,lug, gacan gelis ama gacan qabsi ah iyo sal wareegsan, ballaaran oo uu ku fariisto. la-mid: barshin.
barkin²: m.dh (-imo, m.dh) Kiish maro ah oo cudbi, isbuunyo iyo wixi lamida laga buuxiyo oo la barkado.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
barkin
m. n. wooden neck-rest
barkin: [feminine] n. pillow
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
barkin
-ta: (n) [barkimo-ha] pillow (piloow); or decorative cushion
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barkin
-ta: (magac, dhedig, keli) walax ka samaysan cutub, maryo ama baalka digaagga oo kiish lagu hudbay, la barkado. Baradaada markaad timaad ee barkimo laguu daadsho. Dh: barkimo, makhadad.
barkin -ka: (magac, lab, keli) qori si farshaxan leh loo qoro oo sal ballaadhan iyo madax labageesle loo yeelo dhexdana xaradh iyo sharraxaad loogu sameeyo oo raggu barkan jiray. Dh: barki, barji.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Barkin
Looxa koobaaban ee ku yaal salka qaansowaraarida ee gaaddada lagu reebo marka magdaxa wax lagu duleelinayo.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
barkin
وِسَادَةَ، نُمْرْقَة، رَفْرَفَ
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
daring
/dheerin/ (adj) dhiirranaan (indha-adayg).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
making
n., samayn, -ti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
markin
m.f.dh eeg marki. la-mid: markis.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
paving
/peyvin/ (n) alaabta dhulka lugu shamiiteeyo (sida dhagaxa la goglo marka hore).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
waking
/weykin/ (n) soo-jeed.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Backing
Jiho beddelka dabaysha
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
backing
/baaking/backings;(n) 1. gacan-siin ama dhaqaale-siin si arin loo dhameeyo (loo fuliyo) (n) 2. shay wax lugu kabo ama lugu xoojiyo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
carving
/kaarving/ (n) 1. farsamada wax qorista (siiba alwaaxda iwm) (n) 2. kala-qalidda hilibka (kala jarjaridda).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
carving
n., xaradh, -ki.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
darling
/dhaarlin/ (n) xabiib (xabiibkaa ama xabiibtaa).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
earning
/iiring/ (n) dhego (dhegaha la xirto).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
earring
n., ilhad, -di.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
farming
/faarmin/ (n) beer-falasho.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
lacking
/laakin/ (adj) aan haysan; la' (aan lahayn; aan ku filnayn)
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
padding
/paadhin/ (n) dahaar (wax lugu dahaaro shay qurux ama dhawrid darteed).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
panting
n., hinraag, -gi.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
passing
/paasin/ (adj) 1. gudbaya (dhaafaya) 2. waqti yar socda. 3. in yar ka sheegid (wax yar ka xusid).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
ranking
/raankin/ (adj) ugu garaadda sarreeya, ugu garaadda badan.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sparing
/speerin/ (adj) dhaqaalo ama taxaddar badan. e.g. She was sparing with heat and light.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
warning
digniin
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
warning
/woornin/ (n) digniin.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
warning
n., digniin, -ti; send a warning, digniin dir.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
warring
/woorin/ (v) dagaalamaya (xarbiyaya).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
marketing
/markatin/ (n) habka suuq-geynta (cilmiga suuq-galinta sida xayiisiinta, sicir gooynta, suuq u raadinta iwm).
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Marketing
Suuq geyn, iibin
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
parkinson
parkinson, n.m. - cudur dareemada ku dhaca oo keena gariir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
barkin_1
a: barshin
de: wooden neck-rest
hm: 1
lx: barkin
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: barkin_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
barkin_2
a: barkimo
de: pillow
hm: 2
lx: barkin
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: barkin_2
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
charging
jiirid
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Charging
Gelin
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
charming
/jaarming/ (adj) soo jiidasha leh.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
charming
/jarmin/ (adj) suurud leh, hindho ha jiithithaayang.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
earnings
/eernings/ (n) kasab, dakhli.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
guarding
ilaalinaya
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
learning
n., barniin, -ti.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
painting
/peyntin/ (n) 1. naqshad ama masawir-gacmeed samayn 2. masawir gacmeed.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Planning
Qaroomayn
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
planning
planning, n.m. - shaqo diyaarinta.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
pricking
n., mudnin, -ti.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
speaking
n., (in sleep) hawaawi, -gi, tamanta, -ihi.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sporting
/spoortin/ (adj) ee ciyaaraha (ciyaar la xiriira).
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Starting
Kicin
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
starving
a., dihaalan, abax ah.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
striking
/straykin/ strikingly;(adj) xiiso leh (cajiib ah, soo-jiidasho leh).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
akin
/akin/ (adj) 1. isku qoys ah, qaraaba ah. 2. wax is shabbaha, isu eg.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
akin
a., xig.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
arin
أَمْرٌ
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
king
/king/ (n) 1. boqor 2. baashi turub.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
king
n., boqor, -ki, maalik, -gi, suldaan, -ki, ugaas, -ki.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
pain
(n) an unpleasant sensation, occurring in varying degrees of severity as a consequence of injury, disease, or emotional disorder.
xanuun
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
pain
pain, n.m. - rooti.
avoir du pain sur la planche - shaqo badan leh; shaqo badani u taalo.
pain complet - rooti nafaqadiisu u dhan tahay.
pain d'épices - macmacaan laga sameeyay bur qamadi oo lagu qaso sokor iyo malab.
pain noir - rootiga madow (nooc rootiga kamid ah).
pain perdu - rooti lagu sameeyay caano iyo sonkor.
pain de sucre - macmacaan dhamaanti ka samaysan sonkor.
pour une bouchée de pain - qiimo yar.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
pain
n., (penalty) tacsiirad, -di; (ache) xanuun, -ki, silic, -i, tacab, -ki.
pain, v.tr., (afflict) xanuuni, xanuuji, silci; v.imp., xanuun.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
pang
/paang/ (n) xanuun daran oo kedis ah (ama dareen xanuun badan).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
pari
agg. invar. - jin, la siman.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
pari
pari, n.m. - sharad; sharatan.
engager un pari - sharatan.
pari mutuel - ciyaarta lacagta sida bakhtiya nasiibka.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
park
/park/ (n) 1. beer ama jardiino caws leh oo dad-weynuhu ku nastaan 2. meesha baabuurta la dhigto.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
park
n., (zariba) sariibad, -di.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
prig
/prig/ (adj) isla-qumman (qof isla-saxan mar kasta).
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Ring
Giraan
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
ring
Garangar
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
ring
/ring/ (n) 1. far-gashi (faraanti) (n) 2. wareeg (xalqo, ama meel wareegsan) (n) 3. dhawaaq (dhawaajin siiba dhawaqa gambaleelka)(v) 4. wicid teleefoon (wicid) (n) 5. baando qawlaysato ah.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Ring
garangar
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
ring
ring, n.m. - rinka; meesha lagu feedhtamo
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
ring
n., (for a finger) khatun, -ki.
ring, v.tr., (to sound, as a bell) garaac, ku dhufo; ring the bell, gandadi garaac or ku dhufo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Arkid
(Arkid-da)
Indhaha ku duwid oo ku garasho; dhugasho; fiirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arkid
m.f.dh eeg arag².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
arkid
vl. n. look, gaze, observation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
arkid
-da: (n) seeing (siiying); watching
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arkid
-da: (magac, dhedig, keli) indha ku qabad: dhugashada wax la arki karo. Dh: dhugad, fiirin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
arkid
bw: arag
de: look, gaze, observation
lx: arkid
pd: (-da)
ps: vn-f
syn: aragti
key: arkid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Arrin
(Arrin-ka, Arrin-ta)
Talo, hadal iyo in wax laga qabto u baahan; xaal; talo; xaajo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arrin
m.l/dh (-imo, m.l) Talo, hadal iyo in wax laga qabto u baahan; xaajo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
arrin
m.l/dh (-imo, m.l) Talo, hadal iyo in wax laga qabto u baahan; xaajo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
arrin
f. n. matter, affair, case, problem, situation, topic, question, clause, provision
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
arrin
-ta: (n) a subject of concern, feeling, or action: matter (maa ter)-, a state of affairs; a situation; case (keeys) ~ xaajo
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Arrin
Argomento; oggetto
Issue; subject
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arrin
-ka: (magac, lab, keli) male iyo fikir laga tashanayo. Dh: talo, xaal, xaajo.
arrin -ta: (magac, dhedig, keli) xaajo ama hawlo taladeedu taagantahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
arrin
de: matter, affair, case, problem, situation, topic, question, clause, provision
lx: arrin
pd: (-ta ~ -ka)
ps: n1-f, n2c-m
key: arrin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barki
f.g2 (-iyay, -isay) U b.: cid barkin dhabanka u dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
barki
f.g2 (-iyay, -isay) U b.: cid barkin dhabanka u dhigid. m.f.dh, barkin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barki
-ga: (magac, lab, keli) qori la barkado oo sal uu ku istaago iyo laba dhaban oo balballaadhan oo kor u taagan leh. Kolka la seexanayo ayaa madaxa la dhexgeliyaa. Dh: barkin, barji, barshing.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bring
/biring/bringing, brought; (v) 1. keenid; la kaalayid (keen). e.g. Could you bring your friend to the party? (v) 2. ku gadmaya (lugu gadi karo). e.g. This old machine will bring about $200 at the auction. (v) 3. sharci ku fulin. e.g. The police brought a charge against the murderer.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
bring
/bring/ (v) sheenow.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
bring
v.tr., (fetch) keen, ka keen, gee, la kaalay; bring to me, bring to us, ii keen, noo keen or ii la kaalay, noo la kaalay; bring to him, her, them, u gee, or ula tag; bring me a coach, gaadhi ii keen; bring Ali with you, Cali soo kaxee; bring to light, dhal, yeelo; she brought a child into the world, inan bay ifka keentay; bring him into debt, qaan geli; bring into danger, cabsi geli; bring him to do it, ha falee waxaas u gee; bring back or again, soo celi; bring back to, u celi; bring to life again, noolee, soo nolaysii; bring away, sii qaad, soo saar, kasoo saar; bring the boy down, wiilka dafta usoo rog, or soo deji; bring forward, horo u keen, horo u jiid, horo usoo jiid; bring in, soo geli; bring here, halka keen, la kaalay, soo gur; bring out, tus, dibadda u saar; bring out your story, sheekadaada soo sar; bring that man out of trouble, war! ninka xumaanta ka bixi; he was brought forth before the time, shinku dhalad ma aha, or shinki ma dhalan, or shinki ma gaadhin; he was brought forth at his time, shinki ku dhalan; the she-camel brought forth a young one, hashi nerig bay abax ku dhashay or dhalatay or dhalisay: bring up (educate...) kori; help to bring up, la kori; be brought up, kor; be brought up with, la kor; your bad conduct will bring mischief upon you, asluubtaada xumi meel daran bay ka ridi or ka tuuri.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carig
-ga: (magac, lab, keli) caleen yaryar oo jilicsan. Goortuu galoolkii tifmuu tawlay cariggiiye.