parangon
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
parangon
parangon, n.m. - hab ama cabirka dheemanka iwm.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
paragon
/paaragan/ (n) tusaale habboon ah (qof ama wax ku dayasho mudan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
warango
m.dh Walax budo ah oo xalwada marka la samaynayo lagu daro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
warango
f. n., (mass n.): corn starch
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warango
-da: (magac, dhedig, keli) daqiid, sonkor iyo waxyaabo kale oo la isku daray oo laga sameeyo jaadad badan oo macmacaan ah. Dh: xalaawad, xalwad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
warango
cf: xalwad
de: corn starch Used in making candy
initial: w
lx: warango
pd: (/da)
ps: n6-f-mass
key: warango
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
paragóne
s.m. isbarbar dhigid (da).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tarango'
(fal) eray la isku habaaro; madho oo waxba kaama hadhaan, tafiir go'. Tarango' oo farac ba'.
tarango' -a: (magac, lab, keli) farac go'a, taarbeelka. Dh: baaba', taargo'.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darangeyn
m.f.dh eeg darangee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darangeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhul daran leh u kaxayn; daran ku soofin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garangoor
(Garangoor-ka)
Dhiig iyo malax isku jira; malax adag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garangoor
m.f.kh Malax adag oo dhiig yari ku jiro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
garangoor
m.f.kh Malax adag oo dhiig yari ku jiro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garangoor
m. n. bloody pus, suppuration
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garangoor
-ka: (magac, lab, keli) shilinta waaweyn oo micideedu dheer tahay oo xoolaha cunta. Garangoor baa xoolihii waxyeelleeyay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garangoor
de: bloody pus, suppuration
lx: garangoor
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: garangoor
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garansoon
Xusuusan; garwaaqsan; og; aqoonsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garansoon
f.g4 (-naa, -nayd) 1. Wax, wax xusuusan ahaansho. 2. Wax, wax fahamsan ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garansoon
der. [adjective] informed, knowledgeable
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garansoon
(tilmaame) mid waxa la sheegayo xusuusan oo garwaaqsan ama aqoonsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garansoon
de: informed, knowledgeable
lx: garansoon
pd: (garansoonaa)
ps: adj-der
key: garansoon
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karandoon
-ka: (magac, lab, keli) halka karantu ka da'day aadid; meesha karantu ku da'day u guurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magangoyn
m.dh la-mid: magangooyo.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
parkinson
parkinson, n.m. - cudur dareemada ku dhaca oo keena gariir.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
rango
s.m. - darajo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daango
(Daanga-da)
Galley la saloolay: salool; qaloon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daango
m.dh Galley ama messeggo la saloolay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daango
m.dh Galley ama messeggo la saloolay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daango
f. n., [collective] popped grain (such as corn, wheat, lentils)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daango
-daangada: (n) popcorn (paap-koorn) ~ salool, qaloon
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daango
-da: (magac, dhedig, keli) galley la saloolay. Daango iyo bigays baan ku cuwaaftay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daango
cf: qaloon, salool
de: popped grain (such as corn, wheat, lentils)
lx: daango
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: daango
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
dragon
/dhragon/ (n) 1. bahal xajmi wayn oo dab neefsada, oo carruurta looga sheekeeyo (n) 2. qof laga cabsado (qof bahal u eg). e.g. Her mother is a real dragon.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
dragon
n., mas duula, mas laayaan ah.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
jargon
/jargan/ (n) hadal xirfad ama cilmi gaar ah loo isticmaalo (erey-bixin cilmiyeed). e.g. They use a lot of professional jargon.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maango
da: (magac, dhedig, keli) midho macaan oo buruq jilicsan oo udgoon leh khudrada karin la'aanta lagu cunana ka mid ah oo qeedka cambaha la yidhaa uu bixiyo. Nin maango cabbaa mabsuud noqoy. Dh: cambo-laf, maangoo.
maango -da: (magac, dhedig, keli) geed weyn oo hadh macaan leh oo bixiya midhaha maangada. Dh: cambe-laf.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
pagano
agg. es.m. - cawaam(ah).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
parage
parage, n.m. - inta xun oo laga saaro hilibka.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
pardon
/pardhan/ (n) 1. saamaxaad (cafis) 2. maxaad tiri (yaah).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
pardon
pardon, n.m. - saamaxaad; cafis; dambi dhaaf.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
pardon
n., saamax, -di, cafi, -gi; v.tr., saamax, cafi; pardon each other, is cafiya.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
parson
/paarsan/ (n) wadaad kaniisad u sarreeya.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
pranzo
s.m. - qado.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
rançon
rançon, n.f. - madax furasho
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
abandon
/abandhan/abandoning, abandoned; (v) ka tegid aan soo nogod lahayn ama in muddo dheer ah. e.g. You should not abandon your studies.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
abandon
/abandan/ (v) ku tabow, gooyow. She abandoned her car in the snow.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
abandon
v.tr., daa, iska daa, nac; abandon all, wax kasta ka kaalay; do you abandon me? ma i nacaysaa?
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
brandon
brandon, n.m. - marka caws ama qori la shido si wax loogu ifiyo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daranyo
m.dh Dacdarro.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DARANYO
(Darengno) S Tephrosia nubica (Boiss) Bak. Papilionaceae.
S Tephrosia polyphylla (Chiov.)Gillett. Papilionaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daranyo
-da: (magac, dhedig, keli) baylah iyo dayac hanti ku dhaca. Xoolaha ha daranyeyn ee ilaali. Dh: baylah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faragan
(tilmaame) qof liishaan wanaagsan; qof toogta yaqaan; qof dhoog fiican. Dh: shiishyahan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaangoo
f.g/mg2 (-gooyay, -gooysay) 1. (f.g) Wax qorshaysan samayn. 2. (f.mg) Ku j.: wax, wax kale ka simid. 3. (f.g) Kabo jaan u samayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jaangoo
f.g/mg2 (-gooyay, -gooysay) 1. (f.g) Wax qorshaysan samayn. 2. (f.mg) Ku j.: wax, wax kale ka simid. 3. (f.g) Kabo jaan u samayn. m.l/dh, jaango'naansho. m.f.dh, jaangoyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jaangoo
v. plan, project, design
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jaangoo
-yey / jaangawsay: [with preposition ku] (v) make it fit; make suitable ~ ku jaangoo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaangoo
(fal) qorshee oo habee shaqada aad qabaneyso iyo lacagta ku baxaysa. Dh: sargoo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jaangoo
a: jaangooy
de: plan, project, design
lx: jaangoo
pd: (jaangooyey)
ps: v2a=tr
key: jaangoo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laangoo
f.mg2 (-gooyay, -goysay) Laan gooyo samayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laangoo
v. cut branches off; cut green branches for animals
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laangoo
-da: (magac, dhedig, keli) meel aad rabtay in aad waddo ka samayso, laangooyo ku samee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laangoo
de: cut branches off; cut green branches for animals (during a dry spell)
lx: laangoo
pd: (laangooyey)
ps: v2a=
key: laangoo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maranyo
-da: (magac, dhedig, keli) hab lagu sameeyo hasha rimi weyda oo ah fandhaal maydhax lagu duubo oo sibisha lagaga xoqo si loogu daweeyo oo ay u rinto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masango
-da: (magac, dhedig, keli) nooc ka mid ah hadhuudhka ka mid ah oo maddaqo umulaha loo ridqo laga sameeyo. Dh: masaggo.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Paradox
Iska horimaad
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
paradox
/paaradhaks/ (n) 1. hadal ama laba wax oo is-burinaya aragtida hore, lagana yaabo in run ku jirto 2. hadal is-khilaafsan (is-beeninaya).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
parages
parages, n.m.pl. - agagaarka; u dhaw.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
parasol
/paarasool/ (n) dallad (siiba midda yar ee qorraxda).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
parasol
parasol, n.m. - dallad wayn; dallaayada qorraxda laga qaato.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
parasol
n., dallaayad, -di.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
pharaon
pharaon, n.m. - Fircoon; magacii boqorradii Masaaridii hore.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
planton
planton, n.m. - biyatooni.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaranro
-da: (magac, dhedig, keli) geed quwaax ka mid ah jirridaweynta oo maydhax leh waxna lagu midabeeyo maydhaxdiisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raranso
f.g3 (-saday, -satay) Cunto raran ku bislaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raranso
(fal) bur ama wax kale raran ku samayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saangan
saangan¹: f.g1 (-gamay, -gantay; -gmi) Qof sixir uu kaga cararo meel uu joogay ku samayn.
saangan²: f.mg4 (-naa, -nayd) Wax sixir ka dheereeya meeshii uu joogay lagu sameeyey ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saango'
-a: (magac, lab, keli) dhammaadka xoolo cidi lahayd oo aanay waxba ka hadhin. Dh: sayngo', dabargo'.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taranso
f.g3 (-saday, -satay) Wax faa'iideysasho ama badsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
taranso
v. increase production; get more for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taranso
(fal) wax badso oo korodhso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
taranso
de: increase production; get more for oneself
initial: t
lx: taranso
nt: taransad (ka) [vn-m], taransasho (/da) [vn-f]
pd: (taransaday)
ps: v3a=tr
key: taranso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darangee
f.g2 (-geeyay, -geysay) Xoolo, meel daran leh daajin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
darangee
v. take animals to where they can graze on a specific plant
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darangee
(fal) meel uu daaq ka baxo gey ama ku soofi. Riyaha darangee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
darangee
cf: daran
de: take animals to where they can graze on a specific plant
lx: darangee
pd: (darangeeyey)
ps: v2b=tr
key: darangee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daranyoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Dacdarro la kulmid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daranyoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Dacdarro la kulmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daranyoo
(fal) baylah iyo daranyo ha kugu dhacdo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daranyow
-ga: (magac, lab, keli) eeg daranyood.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
farasyon
m. n. fraction
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
farasyon
de: fraction
lx: farasyon
pd: (-ka)
ps: n2-m
syn: jab {It}
key: farasyon
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garangar
(Garangar-ta)
1. Qalab ama daruur wareegsan oo iskii kor wareega oo bartanka ku leh wadaage isu haya; baabuurrada iyo wixii culus ama la doonayo in fudayd iyo dhaqso loo wado, baa loo yeelaa oo lagu dhaqaajiyaa.
2. Wixii garangar qaabkeed, ama dhaqaaqeed leh; gadow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garangar
garangar¹: m.dh (-ro, m.l) 1. Bir wareegsan dhexda ka bannaan oo carruurtu ku ciyaarto. 2. Hab loo dego oo aqallada lagu wareejiyo xoolaha. la-mid: garaangar, garaangir, giraan, giraangir, girangir.
garangar²: f.mg1 (-ray, -rtay) Wax si dilindillo ah u socosho. la-mid: garaangar², garaangir², giraangir², giringir².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
garangar
garangar¹: m.dh (-ro, m.l) 1. Bir wareegsan dhexda ka bannaan oo carruurtu ku ciyaarto. 2. Hab loo dego oo aqallada lagu wareejiyo xoolaha. la-mid: garaangar, garaangir, girangir.
garangar²: f.mg1 (-ray, -rtay) Wax si dilindillo ah u socosho. m.f.dh, garangarid. la-mid: garaangar, garaangir, giraangir.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
Garangar
ring
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garangar
f. n. wheel, hoop, circle, ring, disc
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
garangar
-ta: (n) hoop (huup); wheel (wiiyel)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garangar
-ta: (tilmaame) wax wareeg oo goobaabo ah. Golihii geela garangar baa loo fadhiyay.
garangar -ta: (magac, dhedig, keli) goob, meel ama sabo la degganyahay.
garangar -ta: (magac, dhedig, keli) beel meel taal; reero badan oo isla yaalla.
garangar-ta: (magac, dhedig, keli) usha la duubay ee haamaha saabkooda lagu qabto. Dh: giraangir, giraan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garangar
de: wheel, hoop, circle, ring, disc
lx: garangar
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: garangar