paradiso
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
paradiso
s.m. - janno.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
paradis
paradis, n.m. - janno.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
paradise
/paaradhays/ (n) 1. janno 2. meel raaxo badan (janno adduun ah).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
paradise
n., janno, -adi.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
paradosso
s.m. - maan gal ahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Barariso
(Bararisa-da)
Cudur faraha ku dhaca.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barariso
m.dh Cudur ku dhaca meel jirka ka mid ah oo barariya oo aan af lahayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
barariso
f. n. disease that causes the fingers to swell
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barariso
-da: (magac, dhedig, keli) cudur faraha ku dhaca siiba xilliyada qaboobaha oo caabuq, barar iyo gaarac daran leh. Barariso nimay faraha naafaysay ooy bidix midigtu gaadhaynin!
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
barariso
de: disease that causes the fingers to swell
lx: barariso
pd: (/da)
ps: n6-f
key: barariso
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
paràlisi
s.f. - curyaannimo.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Parallismo
Garbo-sin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baryadilo
f.mg3 (-ishay, -ilatay) Xoolo, calanaqsi samayn. la-mid: baryaddilo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baryadilo
(fal) xoolo, calanaqsi samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aadis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg aadid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
radio
/reydiyow/ (n) raadye (reedyow).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
ràdio
s.f. invar. - raadiyo, reediyo.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
radio
radio, n.f. - reediyow; raadiye
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
radis
-ta: (magac, dhedig, keli) jilicid oo aad u qoyid.
radis -ta: (magac, dhedig, keli) eeg radin.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
radis
radis, n.m. - bagal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aadimo
m.l 1. (fiisikis) Cabbir xariiqeedka laga qaaday walax adke ah sida dhererka (l), ballaca (b) ama joogga (h). 2. (fiisikis) “Addimaha Xaddiyada Fisikaad” waa habka xaddiyada fisikaad looga soo dhirindhiriyo xaddi saleedyada oo la saaro jibbaaro habboon.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aadimo
m.l 1. (fiisikis) Cabbir xariiqeedka laga qaaday walax adke ah sida dhererka (l), ballaca (b) ama joogga (h). 2. (fiisikis) "Addimaha Xaddiyada Fisikaad" waa habka xaddiyada fisikaad looga soo dhirindhiriyo xaddi saleedyada oo la saaro jibbaaro habboon.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Aadimo
Dimension
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Aadimo
Dimension
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aadimo
-da: (magac, dhedig, keli) cabbirraadda dherer, joog, qoton iyo dhexroor ee jimidh adke ahi leeyahay. Kolka aadimooyinka aqalka la wada garanayo ayaa bedkiisa la soo saaraa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baadis
-ta: (magac, dhedig, keli) kala maqnaanshaha muddo dheer. Anna baadistaadaa, boholyow i gelisoo, naftaa kuu ba'aysee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daadis
m.l la-mid: daadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daadis
-ka: (magac, lab, keli) eeg daadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faadis
-ta: (magac, dhedig, keli) rogidda maro ama daah. Dh: faadid.
faadis-ta: (magac, dhedig, keli) hurdo daal keenay la gam'id; hurdo aan waxba lala dareemin gam'id.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaadis
(Gaadis-ta)
Gaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaadis
m.l la-mid: gaadid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaadis
vl. n. ambushing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gaadis
-ta: (n) the act of ambushing; ambush (aam buush); waylaying (weey leeying)', bushwhacking (bush waaking) ~ gaadmo, gaadniin, gaatin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaadis
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, si kadis ah u qabasho ama wax u yeelid; u gabbasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaadis
de: ambushing
lx: gaadis
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: gaadis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haadis
haadis¹: m.l la-mid: haadin.
haadis²: m.dh la-mid: haadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haadis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg haadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haadso
f.g3 (-saday, -satay) Cid dhibaato haysata darteed uga faa'iideysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hąadso
f.g3 (-saday, -satay) Badar buunsho ka saarasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
haadso
hąadso: f.g3 (-saday, -satay) Badar buunsho ka saarasho. m.f.dh, hąadsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haadso
v. exploit, take advantage of someone's weakness in order to harm him/her
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haadso
(fal) cid kale, dagaal ugu bood; ku bood oo xuubso. Dh: ku bood.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haadso
de: exploit, take advantage of s.o.'s weakness in order to harm him/her
lx: haadso
nt: haadsasho (/da) [vn6-f] 'exploitation'
pd: (haadsaday)
ps: v3a=
key: haadso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaadso
f.mg3 (-saday, -satay) U k.: wax dib u dhigasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kaadso
f.mg3 (-saday, -satay) U k.: wax dib u dhigasho. m.f.dh, kaadsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaadso
(fal) wax u fiirso; ha ku degdegin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kadiso
m.dh (-ooyin, m.l) Wax aan lagu talaggelin oo si lama filaan ah u dhaca. la-mid: kediso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kadiso
f. n. surprise, something unexpected
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kadiso
-kadisada: (n) emergency (imeerjansi); suddenness (sadan nes)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kadiso
-da: (magac, dhedig, keli) wax si degdeg iyo lamafilaan ah kugu dhaca. Dh: lamafilaan, kedo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kadiso
cf: kedis
de: surprise, s.t. unexpected
lx: kadiso
pd: (/da)
ps: n6-f
key: kadiso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laadis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg laadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maadis
m.l la-mid: maadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maadis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg maadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maadso
f.mg3 (-saday, -satay) Ku m.: qof ku dheeldheelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maadso
f.mg3 (-saday, -satay) Ku m.: qof ku dheeldheelid. m.f.dh, maadsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maadso
(fal) eeg maadeyso.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
marais
marais, n.m. - meel biyo fadhiistaan; dhiiqaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naadis
-ka: (magac, lab, keli) yeedhmo lagu raadinayo wax maqan ama wax la helay lagu sheegayo. Dh: baafin.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
palais
palais, n.m. - qasri; aqallada madaxda boqorrada iyo dadka hantida badan.
palais, n.m. - hanqalaalka.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
parade
/pareydh/ (v) 1. rigeyn (isu-soo bixinta askarta) 2. is-tustusid (ku faanid). 3. isu soo bax dad ama baabuur, badanaa is-daba socda.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
parade
parade, n.f. - rigo.
parade militaire - rigada ciidamada.
manière d'esquiver un coup - is difaacid.
de parade - bandhigid gaadaciyaarid; banaan bax.
faire parade de - tamashlayn.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
parish
/paarish/ (n) degmo hal kaniisad ku wada xiran.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
parvis
parvis, n.m. - banaanka ku yaala albaabka kaniisada hortiisa.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
praise
/preys/ (v) 1. ammaanid (ammaan) 2. tasbiixsasho (ilaah nasihid).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
praise
v.tr., amaan; n., amaan, -ti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaadis
m.dh la-mid: qaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaadis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raadis
m.l la-mid: raadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raadis
-ka: (magac, lab, keli) wax lumay ama hallaabay raadintii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raadso
f.g3 (-saday, -satay) 1. Wax maqan daydayasho (qof). 2. Wax meel lagu ogaa ka doonasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
raadso
f.g3 (-saday, -satay) 1. Wax maqan daydayasho (qof). 2. Wax meel lagu ogaa ka doonasho. m.f.dh, raadsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
raadso
v. look for someone ~ something for oneself
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
raadso
-raadsaday / raadsatay: (v) look for in order to get, gain or accomplish
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raadso
(fal) wax maqan, raadcayso. Dh: daydayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
raadso
de: look for s.o. ~ s.t. for oneself
lx: raadso
pd: (raadsaday)
ps: v3a=tr
key: raadso
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
radish
n., baqal, -ki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rafiso
(Rafisa-da)
Xoolaha magta ah, qaybta ugu horraysa oo la bixiyo; jifo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rafiso
m.dh Hanti horumarin ahaan looga qaato cid diyo lagu yeeshay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rafiso
f. n. first installment of a blood-money payment
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rafiso
-rafisada: (n) partial payment of a blood money
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rafiso
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo la raaciyo qof dhinta oo loogu duceeyo; xoolaha qofka geeriyooday aaskiisa lagu dul cuno. Dh: axan, fidde, xabaalqod.
rafiso -da: (magac, dhedig, keli) xoolaha la soo hor marsho ee dhagarta laga bixiyo; xoolo mag ah qaybta u horraysa ee la bixiyo. Afar halaad oo rafiso ah bay bixisay qoladii ninka dishay. Dh: jifo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rafiso
cf: mag
de: first installment of a blood-money payment (in traditional law)
lx: rafiso
pd: (/da)
ps: n6-f
key: rafiso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saadis
m.l la-mid: saadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saadis
-ka: (magac, lab, keli) wax dhiciddooda awaalis; hadal saad ah ku hadlid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saadso
f.g3 (-saday, -satay) Wax siraadsasho; saraadasha; wax xun isu saa-din.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saadso
f.g3 (-saday, -satay) Wax siraadsasho; saraadasha; wax xun isu saadin. m.f.dh, saadsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saadso
v. prophesy, augur (up); predict ~ give an omen for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saadso
(fal) wax aan weli dhicin' sii sheeg inuu ku helayo. Belo ha saadsan weligaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saadso
de: prophesy, augur (up); predict ~ give an omen for oneself
initial: s
lx: saadso
nt: saadsad (ka) [vn-m], saadsasho (/da) [vn-f], saadsi (ga) [vn-m]
pd: (saadsaday)
ps: v3a=tr
key: saadso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waraso
(Warasa-da)
Waalidku dhasha uu reebo, uu ka tago, oo dhaxasha; ilmo; dhal; ubad; carruur; wariis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waraso
m.dh.u Ubad la dhalay; awlaad; ilmo; dhal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waraso
f. n., [collective] descendants
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
waraso
-warasada: (n) offspring (oof-ispiring); descendant (di-sen-dhant); children (jiil-dhareen) ~ fir, dhal, durriyad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waraso
-da: (magac, dhedig, keli) qof dhintay inta uu dhalay iyo inta u dhaw ee dhaxalkiisa le. Wixii uu marxuumku ku dardaarmo maahee xoolaha inta kale warasadaa loo qaybiyaa. Dh: dhaxal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waraso
cf: dhal; carruur, ilmo, wasiir; waalid
de: descendants
initial: w
lx: waraso
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: waraso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaadis
-ta: (magac, dhedig, keli) dusha sare wixii ku hadhay ka qaadid; ka sifayn. Dh: xaadin.
xaadis -ta: (magac, dhedig, keli) wax la qoray ganka iyo xaadda ku hadha ka xiirid. Xaadistii mooyaha ayaan ku raagay: Dh: tafaftirid, xaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaadso
f.g3 (-saday, -satay) Ul, qori iyo wixi lamida sulub ka dhigasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaadso
v. cut off ~ remove any protruding part of something for oneself