panneau
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
panneau
panneau, n.m. - loox wayn oo wax dhexda looga qoro.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
anneau
anneau,n.m. - Far-gal (Kaatun).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
panna
s.f. - labeen.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
panne
panne, n.f. - cadilaad; baabuurka marka uu cadilmo.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
agneau
agneau, n.m. - Neylka ama naysha; ilmo yar ee adhiga (Idaha)
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
manteau
manteau, n.m. - Koodh; koodh weyn; kabbood; Jubbad.
manteau de fourrure - Jubbad suuf ah.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
pinceau
pinceau, n.m. - burushka wax lagu riinjiyeeyo.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
tonneau
tonneau, n.m. - haan
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
caniveau
caniveau, n.. - Saaqiyad; Gacan (ka biyuhu maraan).
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Pancreas
Baankriis, ganac
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
pancreas
(n) a long, soft, irregularly shaped gland lying behind the stomach that helps with digestion.
kubo
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
pancreas
/pankreyas/ (n) beer-yaro.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
pancreas
s.m. ganac.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
pancréas
pancréas, n.m. - beer yaro.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
pointeau
pointeau, n.m. - bir wax lagu calaameeyo oo calaameeysa meesha la rabo in la dalooliyo.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Spanners
Fure
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
anna
anna¹: mu.eb Magacuyaal qofka kowaad oo ka kooban 'ani' iyo 'na'.
anna²: mu.eb la-mid: annaga.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
anna
m..eb Magacuyaal qofka kowaad oo ka kooban 'ani' iyo 'na'.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
anna
pron., red, pl. we, us [exclusive.]
anna pron., red, [conjunction] I also ..., me too
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
anna
(pronoun I plus also or too ) me too or what about me
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
anna
(magac'uyaal) qofka koowaad ee hadlaha ah; 'aniga' iyo xidhiidhiyaha 'na' oo la isku ladhay.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
anna
(Indian money), n., gambo, -adi; two annas, saq, -hi; four annas, tumun, -ki; eight annas, rubi, -gi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
annu
class-pro, pl. let us, may we ... [exclusive.]
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
annu
(pronoun) let us... may we... Ex: annu shaqaysano; may we work or let us work
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
annu
de: let us, may we ... [exclusive] With optative verb form
lx: annu
pd: (an)
ps: class-pro-1pl
xe: Lets put it outside!
xv: annaga
key: annu
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
pane
/peyn/ (n) muraayad ama dhalo, badanaa daaqadaha iwm la geliyo.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
pane
s.m. - rooti.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
peau
peau, n.f. - dubka; oogada.
faire peau neuve - isbeddel fikradeed.
se mettre dans la peau de qn - meel qof kale isdhiga; isku badala.
vendre cher sa peau - si geesinimo iyo sharifi ku jirto isu difaacay intuuna dhiman.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aannu
mu.dhm.y Magacuyaal tilmaamaya qofka koowaad ee wadarta ah (marka laga reebo lala hadlaha). Tusaale: 'Xafiiska aannu aragnay waa xafiiskaada cusub'. la-mid: aan1.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aannu
m..dhm.y Magacuyaal tilmaamaya qofka koowaad ee wadarta ah (marka laga reebo lala hadlaha). Tusaale "Xafiiska aannu aragnay waa xafiiskaada cusub". la-mid: aan¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aannu
vl. pron., pl. we [exclusive.]
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aannu
(pronoun) let....us. Ex: Aannu u sheegno; let us tell him. Na keen aannu cashaynee; come on, let us have a dinner
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aannu
(magac'uyaal) yeelaha koowaad oo wadar ah loo adeegsado. Kolkii aannu maqallay qaylada ayaan baraarugnay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aannu
cf: annaga
de: we [exclusive]
lx: aannu
pd: (aan)
ps: vpro-1pl-excl
key: aannu
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
année
année, n.f. - Sanad, Sannad,
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
annex
/annekis/annexes, annexing, annexed; (v) 1. la wareegid (waddan ama dal) xoog lagu qabsaday. e.g. Kuwait was annexed by Iraq in 1990. (n) 2. dhismo ku dhagan dhimso kale ama wax lugu dhejiyey wax kale (lugu darro). e.g. This hall is an annex to the hotel.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
annex
/anneks/ (n) dhismy oo dhismy kely lyky nuthy.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
apnea
(n) absence of breathing.
neefsasho la'aan
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
canna
s.f. - qasab; dhuun.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
canne
canne, n.f. - Ul; Bakoorad.
canne à sucre - Qasabka sonkorta laga sameeyo,
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ganna
(tilmaame) mid madhan oo aan waxba kala garanayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanna
m.dh Dembi ah wax ka baxsan ballannada herinta ama xeerka qofkii ku xad gudba ayaa la yiraahdaa (hannaa gashay) waxaana ugu culus, u galmoodka naageed inta ugaarsiga lagu jiro ama loo tabaabushaysanaayo, siiba waqtiyada oroobka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kanna
deictic, [conjunction] and this ...
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kanna
[pronoun this plus and] and this; with this; about this. Ex: kanna ka waran; say something about this one
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kanna
de: and this ... = kan + -na
lx: kanna
ps: deic-m + conj
key: kanna
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
manne
manne, n.f. - Mannaa; uno badan oo Ilaahay Yahuudda cirka ugasoo daadiyey.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
pagne
pagne, n.m. - macawiis; hoos gunti; fagdad; gundhato.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
panca
s.f. - kursi dheer (foom).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
panca
n., bankad, -di.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
panel
/paanal/ (n) 1. guddi (dad hawl gaar ah loo xilsaaro) 2. alwaax ama shay kale oo leydi ah (sidii albaabkii u samaysan) 3. meesha mashiinka laga wado (laga maamulo).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
panse
panse, n.f. - caloosha inteeda hore.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
pante
pante, n.f. - qof jilicsan; oo shakhsiyad daciif ah la duduwi karo.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
pénna
s.f. - qalin.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Pinna
Caroog
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
préau
préau, n.m. - daarad korka ka dadan dhinac yadana ka bannaan
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
tanne
tanne, n.f. - asalka (geed jiliftiisa hargaha la mariyo).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
zanna
s.f. - faan, fool (maroodi, doofaar i.w.m.)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-annaa
de: we do (X)
lx: -annaa
ps: v3-1pl-prhb
xe: we borrow
xv: amaahannaa
key: -annaa
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-annay
de: we did (X)
lx: -annay
ps: v3-1pl-past
xe: we got married
xv: -anney ~ -anay
key: -annay
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-annee
de: suppose we do (X); what if we do (X)?
lx: -annee
ps: v3-1pl-pot
xe: What if we borrow their car?
xv: Sow baabuurkooda amaahannee?
key: -annee
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aannan
vl. pron., neg. we [excl.] ... not
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aannan
(pronoun) not; we or I if ... not. Ex: haddii aannan imaan, iska tag; if I didn 't come, go. Ex: haddii annaan shaqaynin, lacag nala siin mayo; ifwe didn't work, we will not be paid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aannan
de: we [excl] ... not = aannu + aan
lx: aannan
ps: vpro + neg
xe: We are not paid for an hour that we have not worked.
xv: Saacad aannan shaqeynin lacag nala ma siiyo.
key: aannan
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Annual
Sannadkii
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
annual
/aannyuwal/annuals, annually; (adj) sanadle ama wax sannad kasta mar dhaca. e.g. The annual meeting of the United Nations will be held in Geneva.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
annual
/ann-yuwal/ (adj) sinidly (sinidkiiby madoo).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
annual
a., gu' walba waa mar; this annual feast, ciiddaasi gu' walba waa mar, or gu'ba waa kol.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bannay
(fal) meel wax yaalleen ama ku awdnaayeen ka qaad ama ka gur si ay bannaanaato. Bannay afaafka oo daaha ka qaad. Dh: binnaay, bannee, fur. Li: xidh, awd, juf, ood.
bannay: (fal) qaanuun ahaan wax bannaan ka dhig; wax mamnuuc ahaa sharciyee. Dawladdu waxay bannaysay ka ganacsiga qaadka. Dh: bannee.
bannay: (fal) weel wax ku jireen madhi oo faaruqi. Bannee dhiilka aan hasha godlan ku lisnee. Dh: bannee.
bannay: (fal) (u ~) wax lagugu soo ganay ama lagugu soo tuuray oo aad dhan uga booddid ama uga dhaqaaqdid. Dhagaxii la igu soo tuuray baan u banneeyey. Dh: bannee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bannee
f.g2 (-neeyay, -naysay) 1. Wax meel sida waddo, irrid iyo wixi lamida ku gudban ka wareejin. 2. Meel xadeysan wax ku jira ka saarid. 3. Meel geedo ku yaalin bannaan ka dhigid. 4. Wax samayntooda oggolaan (sharci).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bannee
f.g2 (-neeyay, -naysay) 1. Wax meel sida waddo, irrid iyo wixi lamida ku gudban ka wareejin. 2. Meel xadeysan wax ku jira ka saarid. 3. Meel geedo ku yaalin bannaan ka dhigid. 4. Wax samayntooda oggolaan (sharci). m.f.dh, bannayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bannee
v. remove, empty, sweep away, clear (a path ~ field); level ~ smooth (out); free something; permit, legalize
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bannee
yey banneysay: (v) 1. remove the contents of; empty (em ti); vacate (vekeeyt) ~ mari. 2. make legal or lawful; legalize (lige laayz); authorize (oo tha raayz) ogolow. Ex: yaa idiin banneeyey inaad waxaan cuntaan? who authorized you to eat this?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bannee
(fal) eeg bannay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bannee
bw: bannaanee
de: remove, empty, sweep away, clear (a path ~ field); level ~ smooth (out); free s.t.; [ext.] permit, legalize; authenticate, certify
lx: bannee
pd: (banneeyey)
ps: v2b=tr
syn: cidlee
key: bannee
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
banner
/baanar/banners;(n) calan ama maro wax lugu qoro, sida kuwa mudaharaadka ama iidhehda lugu qoro. e.g. A lot of people filled the streets carrying banners.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
banner
/baanar/ (n) alang (bandiiry).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
bateau
bateau, n.m. - Dooni; Markab.
bateau à voiles - Dooni (shiraac leh).
bateau à moteur - Markab.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
cadeau
cadeau, n.m. - Hibo; Hadyad.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
canned
/kaanidh/ (adj) 1. qasacadaysan 2. wax horay loo duubay, sida muusiko, barnaamij iwm.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gannad
(Gannad-ka)
1. Bahal gendiga u eg oo xoolaha cuna, siiba geela.
2. Raadka jiilaalka ama abaarta ama gannadka cuniddiisu xoolaha ku reebto; jaynaf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gannad
gannad¹: m.l 1. Cayayaan u eg gendiga oo xoolaha dhiigga ka nuugta ayadoo geela ku reebta cudurka dhukaanka. 2. Caatoobidda xoolaha siiba geela marka dhukaanka ku dhaco ama abaari hesho; jaynaf. 3. la-mid: gannadid.
gannad²: f.mg1 (-day, -dday) Nafley kacsan ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gannad
m. n. insect species, parasitic on livestock, especially camels
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gannad
de: insect sp., parasitic on livestock, especially camels
lx: gannad
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: gannad
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
gâteau
gâteau, n.m. - macmacaan.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
hameau
hameau, n.m. - tuulo yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hannas
(Hannas-ka) Meel xadaafiir ah; lamaddegaan; hawkar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hannas
m.l Kulayl badan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hannas
m. n. empty country, desert; worthless thing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hannas
-ka: (magac, lab, keli) meel lamadegaan ah oo qallalan. Dh: lamadegaan.
hannas-ka: (magac, lab, keli) wax garadkiisu liito oo fahankiisu gaaban yahay. Hannasow dareenkaa, gannajow dardarahaa, dacaroow carcarahaa. Dh: doqon, hoorri, haytolosh, gannaje.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hannas
de: empty country, desert; [fig.] worthless thing
lx: hannas
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: hannas
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hannee
(fal) nafta ama hanti aad haysato cid kale, u quudh oo iska hur. Dh: hur, quudh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jannee
f.g2 (-neeyay, -naysay) Janno gelin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jannee
v. send someone to heaven ~ paradise
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jannee
-yey / janneysay: (v) settle someone in the heaven or paradise
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jannee
de: send s.o. to heaven ~ paradise
lx: jannee
pd: (janneeyey)
ps: v2b=tr
see: janno
key: jannee
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
landau
landau, n.m. - Gaadhiga caruurta yaryar lagu riixo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mannee
f.mg2 (-neeyay, -neysay) Ku m.: Alle cid wax ugu deeqid. la-mid: minnee.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mannee
f.mg2 (-neeyay, -neysay) Ku m.: Alle cid wax ugu deeqid. m.f.dh, manneyn. la-mid: minnee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mannee
(fal) xad la'aan wax u sii oo ku maashee. Ilaahoow khayraadkaaga nagu mannee.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
manner
/maanar/ (n) 1. habka wax u dhacaan ama u qabsoomaan 2. dhaqanka qofka (sida qof u dhaqmo).