paleosol
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
paléosol
paléosol, n.m. - dhul da' weyn oo ciid ka da' yaro daday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Alool
(Alool-ka)
Jaad dadabta aqalka ka mid ah oo laga sameeyo geed duur la yiraahdo ulihiisa, oo inta la sayo, jil lagu marriimo, oo badanaa qolalka lagu kala ilaxiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alool
m.l (-llo, m.dh) Nooc dadabta aqalka ka mid ah oo laga sameeyo ulaha geed-duurka oo lagu seexdo ama guryaha lagu ilxiro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
alool
m.l (aloollo, m.dh) Nooc dadabta aqalka ka mid ah oo laga sameeyo ulaha geed-duurka oo lagu seexdo ama guryaha lagu ilxiro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
alool
m. n. mat of woven cane (also used as a curtain)
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
ALOOL
(Alol) N Typha angustifolia L. Typhaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alool
-ka: (magac, lab, keli) shey dadabta aqalka ka mid ah oo laga sameeyo geedka duurka laamihiisa oo jil lagu marriimo. Badanaa aqalka ayaa lagu kala ilaxidhaa. Abeeso alool ku duuban baan dilay. Wa: aloollo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
alool
de: mat of woven cane (also used as a curtain)
lx: alool
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: alool
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
àlcool
s.m. - aalkol.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
alcool
alcool, n.m. - Isbiirte; Alkool
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balool
m.l Dhul xaaluf ah oo aad loo degay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
balool
m.l Dhul xaaluf ah oo aad loo degay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balool
-ka: (magac, lab, keli) timaha aan adkayn laakiin bistana aan ahayn oo kolka ay qoyaanna kala fida kolka ay engegaanna soo urura.
balool -ka: (magac, lab, keli) ubaxa duurka. Geelu balool buu daaqay. Dh: bul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Calool
(Caloo-sha)
1. Xubin iskujoogga cunnadu marto kamid ah; waxay u eg tahay kolay yar waxayna ku jirtaa uurka, kolka bogga la dhaafo; hawsheedu waa inay cunnada inta dhacaammo kala gaar ah oo ay leedahay ku darto, jilciso oo xiidmaha u gudbiso; kubo.
2. Uur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calool
m.dh (-lo, m.l) 1. Xubinta dheefshiidka nafleyda oo isku xirta hunguriga iyo xiidmaha. 2. Qaybta jilicsan oo u dhexeysa laabxuunshada iyo gummaarka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
calool
m.dh (-lo, m.l) 1. Xubinta dheefshiidka nafleyda oo isku xirta hunguriga iyo xiidmaha. 2. Qaybta jilicsan oo u dhexeysa laabxuunshada iyo gummaarka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
calool
f. n. stomach
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
calool
-caloosha:(n) stomach (istoomak); abdomen (aab-doo-men); belly (beeli); tummy (tam-i)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calool
-sha: (magac, dhedig, keli) xubin ka mid ah xubnaha dheefshiidka. Waa kolay yar oo ku yaalla bogga, hawsheeda na waxa ka mid ah, in cuntada soo dhexgasha ay dheecaamo kala jaad ah ku talliijiso oo ku jilciso oo ay dabeed xiidmaha u sii gudbiso.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
calool
بَطنُ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dalool
(Dalool-ka)
1. Meel furan oo aalaa wareegsan.
2. Saddex meelood oo meel; ⅓ ama 1/3.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalool
dalool¹: m.l (-llo, m.dh) 1. Meel yar furan, wareegsan oo wax ka bannaan. 2. Saddex qaybood oo wax loo qaybshay middood. la-mid: duleel¹.
dalool²: m.l (-lo, m.dh) (baayoloji) Dalool ku dhex yaallo saytobalaasanka unug noolkaas oo ay ka buuxaan hawo, biyo, dareerayaal kale, dheecaan ama saxarro cunto ah. Unugyada dhirta, had iyo jeer waxay leeyihiin dalool weyn oo keliya, laakiin unugyada xayawaanku inta badan waxay leeyihi in dhowr dalool oo yaryar.
dalool³: f.mg1 (-oolay, -ooshay) Meel yar, furan, wareegsan, bannaan yeelasho (wax). la-mid: duleel².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dalool
dalool¹: m.l (-llo, m.dh) 1. Meel yar furan, wareegsan oo wax ka bannaan. 2. Saddex qaybood oo wax loo qaybshay middood. la-mid: duleel.
dalool²: m.l (-lo, m.dh) (baay.) Dalool ku dhex yaallo saytobalaasanka unug noolkaas oo ay ka buuxaan hawo, biyo, dareerayaal kale, dheecaan ama saxarro cunto ah. Unugyada dhirta, had iyo jeer waxay leeyihiin dalool weyn oo keliya, laakiin unugyada xayawaanku inta badan waxay leeyihi in dhowr dalool oo yaryar.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dalool
Aperture, Hollow, Slit
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dalool
m. n. hole, opening, aperture; socket; tab; keyhole; calibre (of gun)
dalool : fraction
dalool [inchoative] v. be perforated, get a hole in
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DALOOL
(Dalol) S Talinum portulacifolium (Forsk) Asch & Schweinf. Portulacaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dalool
-ka: (n) hole (hool); gap (gaap); opening (owpenin) ~hog, duleel. Ex: jeebkaygu waa daloolaa; there is a hole in my pocket —daloolshan: (adj) drilled (diriiled); bored (booridh) daloolsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalool
-ka: (magac, lab, keli) meel furan oo badanaa wareegsan.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
dalool
جوف
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galool
1. (Galool-ka) Geed qodax leh oo sarmaanta u eg; wuxuu lee yahay laamo toostoosan oo qalab badan laga jaro (udbo, dhigo, hangoollo, ulo, ...) mayrax laga sameeyo kebdo, xargo; asal wax lagu aslo sida shaahana loo cabbo.
2. (Galoo-sha) Mindhicirka qaarki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galool
galool¹: m.l (-llo, m.dh) 1. Geed weyn, qaydarka la bah ah, laf adag, mayrax adag iyo asal wanaagsan leh. 2. Duub wareegsan oo liifad, tubaako iyo wixi lamida ka sameysan. 3. Xidid hab gaar ah loo wareejiyay oo sagaarada lagu dabo.
galool²: m.dh 1. Qayb ka mid ah mindhicirta nafleyda. 2. Qayb ka mid ah debinka ugaarta loo dhigo.
galool³: f.g1 (-oolay, -ooshay) Xarig iyo wixi lamida dhawr jeer isku wareejin si duub looga dhigo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
galool
galool¹: m.l (-llo, m.dh) 1. Geed weyn, qaydarka la bah ah, laf adag, mayrax adag iyo asal wanaagsan leh. 2. Duub wareegsan oo liifad, tubaako iyo wixi lamida ka sameysan. 3. Xidid hab gaar ah loo wareejiyay oo sagaarada lagu dabo.
galool²: m.dh 1. Qayb ka mid ah mindhicirta nafleyda. 2. Qayb ka mid ah debinka ugaarta loo dhigo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
galool
v. wrap (around), curve
galool m. n., [collective] acacia tree species
galool [feminine] n., [collective] bends ~ folds of the intestine
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GALOOL
(Galol) All.Som. Acacia bussei Sjoestedt. Mimosaceae.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Galool
nickname; name-m curve, wrap; acacia tree specie
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
galool
-ay / galooshay: (v) twist (tuwist); curl (kurel)
galool -ka (n) name of a tree
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galool
-ka: (magac, lab, keli) geed weyn oo qodaxdiisu cambuul leedahay oo laga goosto ulaha, udbaha, iyo wixii la mid ah. Maydhaxdiisana, waxa laga sameeyaa asal iyo maydhax liilsan oo wax lagu samaysto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Salool
(Salool-ka)
Badar raran kulul ama oomaar lagu dubey; qaloon; daango.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
salool
salool¹: m.l 1. Hilib odkac ah oo subaggii laga miiray. 2. Badar, raran kulul ama dufan lagu dubay.
salool²: f.g1 (-oolay, -ooshay) Hilib salool ka dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
salool
m.l 1. Hilib odkac ah oo subaggii laga miiray. 2. Badar, raran kulul ama dufan lagu dubay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
salool
m. n., (mass n.): parched corn, popcorn
salool v. parch (corn); make popcorn
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
salool
-ka: (n) popcorn (paap-koori) ~ daango
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salool
(fal) badar siiba arabbikhi, raran iyo wixii la mid ah, ku kululee ama oomaar ku dub. Dh: qaloon.
salool -ka: (magac, lab, keli) badar raran kulul ama oomaar lagu dubay. Dh: qaloon, daango.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
aerosol
(n)* a solid or liquid drug carried in a fine mist for inhalation therapy.
dawo buufis ah
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
aerosol
/erasool/aerosols; (n) dhalo ama weel lagu cadaadiyey waxyaabaha la buufiyo, sida dhalooyinka barafuunka iyo qalabka kaloo wax lagu carfiyo. e.g. a product sold in aerosol form.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
aérosol
aérosol, n.m. - Ceeryaanta.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Alcohol
Alkohool
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
alcohol
(n)* a water soluble molecule; an intoxicating liquor.
aalkolo
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
alcohol
/alkahol/ (n) aalkolo. e.g I never drink alcohol.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
alcohol
/alkahol/ (n) aalkoly.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
parasol
/paarasool/ (n) dallad (siiba midda yar ee qorraxda).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
parasol
parasol, n.m. - dallad wayn; dallaayada qorraxda laga qaato.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
parasol
n., dallaayad, -di.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
pauróso
agg. - cabsi leh, baqid leh.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
palisson
palisson, n.m. - qalab loo isticmaalo magdinta hargaha.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
paléozoïque
paléozoïque, n.m. - baaliyosooyik; waa cimri joolooji ah oo laga joogo 200 oo milyan oo sano.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
pare-soleil
pare-soleil, n.m. - dallad.