ereyga

p

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

P

DHAN

/pii/ (abbr) 1. waxaa loo soo gaabiyaa 'penny' oo senti la macna ah. 2. waxaa kaloo loo soo gaabiyaa 'page' oo la mida 'bog' oo ah bogga buugga.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Rubbiyad

DHAABAN
1

(Rubbiyad-da)

2

Lacagta lagaga dhaqmo Hindiya iyo Pakistan; middii waxay la qiime tahay shilin iyo bar, (Sh. 1.50).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

aayoonka haydarojiin

DHAABAN

m.l eeg asiidh; PH.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

askaaris

DHAABAN

m.l.u (-syo, m.dh) (baayoloji) Ablaablaynta qaarkeed waxay ka tirsanyihiin duulka loo yaqaan fasmaydiya (Phasmaidia), waxaanay leeyihiin af leh 3 ilaa 6 baabila.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

awood

DHAABAN
1

awood¹: m.dh (-do, m.l) 1. Kartida ay cidi u leedahay inay arrin meel mariso. 2. Xoogga muruqa.

2

awood²: m.dh (fiisikis) Summad P. Dhakhsaha hawl lagu qabtay ama ay tamari ku geddisantay P: hawl la qabtay amminta ay ku qaadatay habka caalamiga (HC) waxa lagu cabbiraa Waat (Juul halkii seken).

3

awood³: f.g/mg1 (-day, -dday) (f.g) A./(f.mg) u a.: arrin wax ka qabashadeeda karti u yeelasho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

awood-danabeed

DHAABAN

m.dh (fiisikis) Awoodda danab ee qalab koronto waa xaddiga tamarta ee ku geddisantahay hal halbeeg oo ammin ah. Awood danab waxa lagu cabbiraa Waat, summadduna waa P. Tamar danab QV ItV VI Ammin t t Awoodda danab ee Waat ah waxa lagu helaa taranta keyd faraqa V iyo qulqulka danabka ee Ambiiyeer (A).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

bah-cadceed

DHAABAN

m.dh (-ho ..., m.l) (c.fal) Koox walax cireeddo ah oo ka kooban qorraxda, meereyaasha, oo ku dul meeraysta, meereyareyaasha (plannetoid or asteroid), seefta cirka, shuhuubaha, cirka-soo-dhacaha iyo dayax gacmeeddada ku meeraysta meerayaasha, sida dayuxu dhulka ugu meeraysto.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

balambam

DHAABAN

m.l (kiimika) Summad: Pb. Curiye cufan oo bir jilicsan ah, midabkiisuna yahay boor furan. Waa curiyaha shanaad ee ururka 4aad ee tusaha kalgalka curiyayaasha. Waxa uu ku jiraa macdan kala duwan, hasayeeshee, waxyar ayaa dhaqaale ahaan waxtar leh. Kuwa ugu muhumsani wa a galiina (Pbs), angalisayt (Pbso), litaraj (Pbo), iyo siirusayt (PbCO ).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

bellaagra

DHAABAN

m.l (daawo) Cudur nafaqoxumo ama nafaqodarro oo ay keento la'aanta ama kayaraanta jirka fitamiinka la yiraahdo PP oo ka sameysan “nikotiinika asidh”. Astaamaha: maqaarka inta muuqda oo galdhaca, shuban iyo qalbixumo ama qulub.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

benisiliin

DHAABAN

m.dh (daawo) Daawo ka sameysanta jeermiga loo yaqan “penicillum notatum” loona isticmaalo daaweynta caabuqa oo ay keenaan jeermiyaal aad u kala duwan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

beys

DHAABAN

m.l (kiimika) Iskudhis sii daaya ayoonka haydarogsayl, OH- , marka uu ku jiro milanbiyood. Milannada beysyada ahi waxay leeyihiin pH ka sarreeya 7.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

cufnaan u-eegan

DHAABAN

m.l (fiisikis) Summad: d. Cufnaanta walax oo loo qaybshay cufnaanta biyaha. Cufnaan u-eegan (d) = cufnaanta walaxda (P)/cufnaanta biyaha (P). Mar haddii cufnaanta biyuhu ay le'egtahay 1000 kg/m3, cufnaanta u-eegan ee walaxi waxa le'egtahay 1/1,000 (hal kumaadka) cufnaanta walaxda.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

cunto-sumow

DHAABAN

m.l (daawo) Xaalad cudur oo saameysa qaybta dheefshiidka gaar ahaan iyo jirka oo dhan, waxaana keena cunitaanka cunno faasid ah oo wadata baktiiriya ama sun baktiiriya, ama sunta lagu laayo xasharaadka miraha iyo khudradda, amase sun kiimikaad: Pb, Hg (merkuuriyada). Astaamo: 1-24 saacadood kaddib markii la cunay cuntadii sumeysnayd waxaa la isku arkayaa: matag, shuban, calool xanuun iyo lallabo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

daafad

DHAABAN

m.dh (fiisikis) Daafad xariiqeed (p) ee walax waa taranta cufkeeda (m) iyo keynaanka (v) ee walaxda. Daafaddu waa xaddi leeb oo u jeeda dhanka jihada keynaanka.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

faradh

DHAABAN

m.l (-dho, m.dh) (fiisikis) Summad F. Halbeegga Caalamiga (H.C.) ee madhxinta, waxana loo qeexaa madhxinta madhxiye kasbaday saldanab 1 kuulam, marka keyd taraqiisa la gaarsiiyey 1 foolt. F. waa halbeeg ka weyn istiicmaalka caadiga ah, waxana la qaataa jajabkiisa oo ay ka mid yihiin biiko-f. (PF) iyo maykaro f. (µF).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

foormaliin

DHAABAN

m.dh (kiimika) Milan ka kooban biyo iyo 40% oo “formaldehyde” ah loona isticmaalo jeermidile (sterilization) ama dhajiye (fixative) gaar ahaan qaybta cudur barashada (pathology) waxaana lagu dilaa “antharax spores”.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

gudbitaan-danabeed

DHAABAN

m.l (fiisikis) Rogaalka caabbitaanka (lammaanaha caabbiga P) ee walax. Waxa lagu cabbiraa saymen (S) halkii oom (S/omega). Gudbin danabeed (mdh.): maritaanka saldanab dhexmaro walax (gudbiye), marka ay badad danab saamayso walaxdaasi.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

holac-xuub-wadneed

DHAABAN

m.l (-cyo .., m.dh) (daawo) Halaamacood muddo gaaban ama muddo dheer ee xuubka wadnaha (pericardium) ku daboolan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

intalbi

DHAABAN

m.l (-iyo, m.dh) (fiisikis) Summada H ayaa lagu asteeyaa waana wadarta tamargudeedka (U) iyo cadaadiska (P) iyo mugga (V) ee hab leeyahay ( H = U + PV).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

isle'egta xaaladda maatarka

DHAABAN

m.dh (fiisikis) Isle'eg xisaabeed oo xiriirisa cadaadiska P, mugga V, iyo heerkulka kul daynaamikada T ee xaddi walax n. Isle'egta ugu fudud waa tan neefaha mitaaliga ah: PV = nRT, taas oo R ay tahay madoorsoomaha neefaha. Laakiin, adkeyaasha, hoorarka iyo neefaha kaleba, isle'egtu waa murakab adag.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

kaalsiyam

DHAABAN

m.dh (kiimika) Bir firfircoon oo jilicsan, heerkul hoosana ku dhalaasha. Waa curiyaha saddexaad ee ururka 2aad ee tusaha kalgalka curiyayaasha. Waxay ku badantahay jeesada ama dhagaxa didibka iyada oo ah CaCO3, jibsimka iyada oo ah CaSO4 2H2O, jibsim ooman iyada oo ah CaSO4, faloorasbaar iyada oo ah CaF2 iyo abatayt iyada oo ah CaF2 Ca3 (PO4). Marka kaalsiyam lagu gubo meel hawo leh, waxa samaysma kaalsiyam ogsaydh (CaO) oo ah adke yooneed oo cad, waxase ka habboon in ogsaydhka laga diyaariyo kaarbooneytyada kaalsiyam kaas oo u kala baxa ilaa 800° C. Ogsaydhka iyo birta nafteeduba waxay sameeyaan haydarog-saydh (Ca(OH)2) marka ay la falgalaan biyaha.

waa la naqliyay ✓