otoobar
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Otoobar
f. n. October
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Otoobar
-ta: (n) October (ok-tow-bar) ~ Oktoobar. Ex: bisha Otoobar; the month of October
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Otoobar
de: October
lx: Otoobar
pd: (-ta)
ps: n0-f-time
see: Oktoobar
key: Otoobar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oktoobar
m.l Sanad qorraxeedka bishiisa tobnaad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
oktoobar
m.l Sanad qorraxeedka bishiisa tobnaad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Oktoobar
f. n. October (tenth month of Roman calendar)
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Oktoobar
Octobre.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Oktoobar
-ta: (n) October (ok-tow-bar) Otoobar. Ex: bisha Oktoobar; the month of October
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Oktoobar
a: Otoobar
cf: bil
de: October (tenth month of Roman calendar)
lx: Oktoobar
pd: (-ta)
ps: n0-f-time, n2-f
key: Oktoobar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Toobad
(Toobad-da)
Baryo ama cibaado kale oo qof gefey ama denbi falay la yimaado, si Ilaah u cafiyo; Ilaah u noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
toobad
m.dh U noqosho Ilaahay addeciddiisa loo noqdo. la-mid: tawbad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
toobad
m.dh U noqosho Ilaahay addeciddiisa loo noqdo. la-mid: tawbad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
toobad
f. n. repentance, penitence, contrition
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
toobad
-da: (n) repentance (ri-peen-tansi); contrition (kon-tara-shin); penitence (pena-tansi) ~ tawbad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toobad
-da: (magac, dhedig, keli) baryo ama cibaado kale oo qof gefey ama denbi falay la yimaaddo, oo rabbi ku weyddiisto maqfiro iyo cafis, eebbe u noqosho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
toobad
a: tawbad
bw: Arabic
de: repentance, penitence, contrition
initial: t
lx: toobad
pd: (-da)
ps: n-f
key: toobad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tooban
Toobin la saaray; la toobay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tooban
f.mg4 (-bnaa, -bnayd) Wax la toobay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tooban
f.mg4 (-bnaa, -bnayd) Wax la toobay ahaansho. m.f.dh, toobnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tooban
der. [adjective] bled, cupped (medically)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tooban
(tilmaame) toobin la saaray, qof la sarsaray oo toobin la saaray.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tooban
de: bled, cupped (medically)
initial: t
lx: tooban
pd: (toobnaa)
ps: adj-der
key: tooban
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khoobar
(Khoobar-ka)
Libaax-badeedka waaweyn mid kamid ah; hobbobboro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khoobar
m.l 1. Libaax badeedka waaweyn mid ka mid ah. 2. Hombaro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khoobar
m. n. dolphin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khoobar
-ka: (magac, lab, keli) libaaxbadeedka waaweyn jaad ka mid ah. Dh: khoor.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khoobar
a: hoombaro
de: dolphin
lx: khoobar
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: khoobar
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Aloobaar
Allobar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
motootax
motootax¹: m.l la-mid: mataataxid.
motootax²: f.mg1 (-xay, -xday) la-mid: mataatax².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
socooban
m.l la-mid: sacoobaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Toob
(Toob-ka)
Dhar; maro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
toob
toob¹: m.l (-bab, m.l) Nooc ka mid ah cambuurrada dumarku qaataan.
toob²: f.g1 (-bay, -btay) 1. Oogada, inta la saro, toobin dhiig kaga keenid. 2. Soo jiidid, soo uruurin; soo yarayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
toob
f.g1 (-bay, -btay) 1. Oogada, inta la saro, toobin dhiig kaga keenid. 2. Soo jiidid, soo uruurin; soo yarayn. m.f.dh, toobid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
toob
m. n. woman's robe ~ dress
toob: v. cup, bleed (medically)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
toob
-ka: (n) woman's dress: blouse (ba-laaz); gown (gaawn); frock (fa-rook); robe (rowb) ~ canbuur, cambuur, kurdad
toob -ay / tay: (n) perform a therapeutic cupping; treat with cupping
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toob
(fal) dawo ahaan sarsar jidhka dushiisa, qalabka toobinka saar soo nuug oo dhiig ka keen. Labada garab dhexdooda ka toob ninka.
toob: (ereydhawaaq) fardaha lagu yidhaa oo loola jeedo in uu raxanka ka nasto.
toob-ka: (magac, lab, keli) nooc ka mid ah dharka ay haweenku xidhaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
toor
toor¹: m.l 1. Beer iyo hilib la yar yareeyey oo la isku shiilay. 2. Bun duban, caano, daango iyo wixi lamida oo la isku daray.
toor²: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Bun duban, caano, daango iyo wixi lamida isku darid. 2. Beer, hilib iyo xayr isku shiilid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
toor
m.l 1. Beer iyo hilib la yar yareeyey oo la isku shiilay. 2. Bun duban, caano, daango iyo wixi lamida oo la isku daray.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toor
-ka: (magac, lab, keli) awranaan ama laf dheeraan wiil u dhashay marka la tilmaamayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Atoor
(Atoor-ka)
Sagaarada keeda lab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
atoor
m.l (-rro, m.dh) Sagaarada midkeeda lab.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
atoor
m.l (-rro, m.dh) Sagaarada midkeeda lab. atoore m.l Jilaha filinka halyayga ka ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
atoor
m. n. male dikdik (antelope)
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Atoor
name-m male dikdik (antelope). Lit: he who born while a dikdik is running around or is born on uninhabited dikdik environs
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
atoor
-ka: (n) dikdik (dikdik)-, a small East African male antelope ~ atoor sagaaro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Atoor
magac ama naanays loo baxsho wiil sagaarada keeda lab astaamaha wax kala wadaaga.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
atoor
-ka: (magac, lab, keli) labka sagaarada; yac.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
atoor
cf: sagaaro, yac
de: male dikdik (antelope)
lx: atoor
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: atoor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hooba
hooba!: (eraydhawaaq) geela habeensada loogu. dhawaaqo, si ay u soo ururaan. Dh: ohoo!
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kobar
m. n., (mass n.): copper {chemistry}
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kobar
-ka: (n) copper (kopper); Symbol Cu
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kobar
cf: naxaas
de: copper {chemistry}
lx: kobar
pd: (-ka)
ps: n2-m-mass
key: kobar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oroob
oroob¹: m.l Socdaal dheer oo herinta meel fog u ugaarsi tageyso, iyadoo awr raranaysa sahayna qaadanaysa, oo maqnaanaysa bil ama laba.
oroob²: m.dh Socdaal dheer oo ay dumarku meel fog ugu caws doontaan iyagoo badan, qaatana awr iyo sahay, kuna qaadata muddo aan ka yareyn bil.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oroob
-ka: (magac, lab, keli) socdaal dheer oo herinta meel fog u ugaarsi tageyso, iyadoo awr raranaysa sahayna qaadanaysa, oo maqnaanaysa bil ama laba.
oroob -ta: (magac, dhedig, keli) socdaal dheer oo ay dumarku meel fog ugu caws doontaan iyagoo badan, qaatana awr iyo sahay, taasoo ku qaadata muddo dheer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tabar
(Tabar-ta)
Xoog; itaal; taag; karti; awood (ama tamar).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabar
m.dh Xoog; itaal. la-mid: tabaro, tamar, tamaro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tabar
m.dh Xoog; itaal. la-mid: tamar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tabar
f. n., (mass n.): strength, ability, capability; power, force, energy
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tabar
-ta: (n) 1. capability (keeypabiliti); ability (abiliti) ~ awood, karaan. Syn: capacity, faculty, talent, skill, competence, aptitude. 2. power (paawar); strength (istareen-gath) ~ xoog, quwad, tabar
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Tabar
Energia
Energy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabar
-ta: (magac, dhedig, keli) awood dhaqaale. Dh: awood, taag.
tabar -ta: (magac, dhedig, keli) awoodda wax qabad ee xoogga ah ee noolaha, Dh: tag, karti, awood, tamar,.
tabar -ta: (magac, dhedig, keli) quwadda kooraanka
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tabar
bw: tabaro, tamar, tamaro
de: strength, ability, capability; power, force, energy
initial: t
lx: tabar
pd: (-ta)
ps: n1-f-mass
syn: daaqad ~ daaqo, itaal, maaro, xoog
key: tabar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Toban
(Toban-ka)
Tirada u dhexaysa sagaalka iyo kow-iyo-tobanka; (10) (ama toman).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
toban
m.l.t. Tirada u dhexeysa sagaal iyo koob iyo toban; “10”. la-mid: toman.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
toban
m.l.t. Tirada u dhexeysa sagaal iyo koob iyo toban; 10. la-mid: toman.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Toban
Deca
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
toban
num: ten
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Toban
dix.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
toban
-ka: (n) ten (teen)-, number [10] ~ toman.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toban
-ka: (magac, lab, keli) tirada sagaalka ka sarraysa kow iyo tobankana ka hoosaysa. Dh: toman.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
toban
a: toman
de: ten
initial: t
lx: toban
pd: (-ka)
ps: num-m
key: toban
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
tómba
s.f. - xabaal, qabri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
toobe
m.l (-bayaal, m.l/dh) Geed ka soo baxa jirrid dhulka hoostiisa ah, ka dibna bannaanka u soo baxa, isaga oo ka soo baxaya meel ka durugsan jirriddii hore. Waxa suurto gal ah inuu xidid la baxo oo uu geed goonniya noqdo.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
TOOBI
(Tobi) N Ipomoea spathulata Hall. F. Convolvulaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tooda
Tan iyagu ay lee yihiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tooda
tooda¹: mu.lh.dh (kuwooda, w) Magacuyaal lahaansho oo tilmaamaya wax iyagu (qofka saddexaad ee wadarta ah) ay leeyihiin. Tusaale: “Tooda u yeel!”.
tooda²: (-tooda) dk.lh.dh Dibkabe lahaansho oo tilmaamaya wax iyagu (qofka saddexaad ee wadarta ah) ay leeyihiin. Tusaale: “Nimankaas beertooda ayaa miro badan leh”. la-mid: tood.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tooda
tooda¹: mu.lh.dh (kuwooda, w) (naxwe) Magacuyaal lahaansho oo tilmaamaya wax iyagu (qofka saddexaad ee wadarta ah) ay leeyihiin. Tusaale: Tooda u yeel!
tooda²: (-tooda) dk.lh.dh (naxwe) Dibkabe lahaansho oo tilmaamaya wax iyagu (qofka saddexaad ee wadarta ah) ay leeyihiin. Tusaale: Nimankaas beertooda ayaa miro badan leh. la-mid: tood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tooda
(magac'uyaal) waxooda, oo ah la haansho cid u gaara. Dh: waxooda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toona
(magac'uyaal) tilmaama qofka saddexaad ee dhedig oo kaa fog. Dh: teer, taas.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-tooda
de: their, of them With feminine nouns
lx: -tooda
ps: pro-det-3pl
xe: their things
xv: -dooda, -shooda
key: -tooda
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boobas
m.l Habaas; boor.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bootar
m.l (-rro, m.dh) la-mid: boodhar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bootar
-ka: (magac, lab, keli) budo ur udgoon leh oo araaradda carruurta laga mariyo dhididkana ka tirta. Bootar u mari cunugga intaan baagiyaha dubi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
coobir
m.l (-rro, m.dh) Nin fil weyn oo xoog leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doobir
(Doobir-ta)
Ayaan; nasiib.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doobir
m.dh Ayaan; nasiib.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
doobir
f. n., [abstract] luck, fate
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doobir
-ta: (magac, dhedig, keli) ayaan iyo nasiib. Keyse waa nacas doobir badan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
doobir
de: luck, fate
lx: doobir
pd: (-ta)
ps: n-f-abs
syn: ayaan, nasiib
key: doobir
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
doolar
-ka: (n) dollar (daalar)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dotoor
(Dotoor-ka)
Takhtar; (ama doktor, dhakhtar).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dotoor
m.l la-mid: doktoor.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dotoor
m. n. doctor
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dotoor
-ka: (n) doctorate (dhak-toreeyt) holder, Ph.D; university graduate ~ dotoore
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dotoor
-ka: (magac, lab, keli) qofka wax daaweeya ee dhakhtarka ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dotoor
de: doctor
lx: dotoor
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: dotoor
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foorar
foorar¹: m.l la-mid: foororid.
foorar²: f.mg1 (-ray, -rtay) la-mid: fooror².
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Foorar
Dip
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
foorar
-ka: (n) a tilt or an inclination; lean (liin); upside down ~ fooror
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foorar
(fal) gorodda rog; qarqarka sare, hoos u qallooci. Dh: fooror.
foorar-ka: (magac, lab, keli) qarqarka sare oo hoos iyo hore loo qalloociyo. Dh: fooror