orrob
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
orrob
-ka: (magac, lab, keli) aboorka kiisa waaweyn. Dundumoda hoosteeda orrob baa ka buuxa. Dh: aboor.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
orob
-ka: (magac, lab, keli) qaylo iyo dhawaaq dheer. Dh: qaylo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oroob
oroob¹: m.l Socdaal dheer oo herinta meel fog u ugaarsi tageyso, iyadoo awr raranaysa sahayna qaadanaysa, oo maqnaanaysa bil ama laba.
oroob²: m.dh Socdaal dheer oo ay dumarku meel fog ugu caws doontaan iyagoo badan, qaatana awr iyo sahay, kuna qaadata muddo aan ka yareyn bil.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oroob
-ka: (magac, lab, keli) socdaal dheer oo herinta meel fog u ugaarsi tageyso, iyadoo awr raranaysa sahayna qaadanaysa, oo maqnaanaysa bil ama laba.
oroob -ta: (magac, dhedig, keli) socdaal dheer oo ay dumarku meel fog ugu caws doontaan iyagoo badan, qaatana awr iyo sahay, taasoo ku qaadata muddo dheer.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
borrow
/borrow/ (v) daymasho, la amaahiyo
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
borrow
/boorrow/ (v) etheeghythow. We borrow books from the library.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
borrow
borrowing, n., amaah, -di.
borrow: v.tr., amaaho, soo yeelo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gorros
(Gorros-ka)
Madaxa oo hoos loo laallaadsho, islahadal darti; gebida oo la rogto, feker daraaddi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gorros
gorros¹: m.l 1. Madaxa oo hoos loo laalaadiyo. 2. la-mid: gorrosid.
gorros²: f.mg1 (-say, -stay) Madax hoos u laalaadin (ido).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gorros
v. hang one's head
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gorros
-ka: (magac, lab, keli) ikir iyo werwer dartii, madaxa hoos u laalaadin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gorros
de: hang one's head
lx: gorros
nt: gorros (ka) [vn2a-m]
pd: (gorrosay)
ps: v1=
key: gorros
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
horror
/horor/ (n) cabsi, argagax. e.g. horror movie.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horror
-ka: (magac, lab, keli) waa waraabaha maalintii adhiga cuna.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
horror
n., naxdin, -ti; the horror of hell, naarta naxdinteeda.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
morrow
/moorow/ (n) berri (maanta maalinta ku xigta).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
morrow
n., berri, -di; tomorrow, ad., berri, berrito; until tomorrow, halkiyo berri.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ooroob
inch. v. have an ear secretion, catch otitis
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ooroob
de: have an ear secretion, catch otitis
lx: ooroob
pd: (ooroobay)
ps: v1=inch
key: ooroob
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
orróre
s.m. - argagax, cabsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qorrof
-ka: (magac, lab, keli) biyo qabatin dhagaxaan badan ku dhexyaal; meel godan oo sallaxyo leh. Daayeerku biyaha qorrofka ayuu cabbaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qorrog
-ga: (magac, lab, keli) jaad ka mid ah weelasha xoolaha lagu maalo. Dh: gorof.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sorrow
/soorow/ (n) murugo (calool-xumo).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
sorrow
n., calaacal or alaanacal, -ki, xumaan, -ti, weerweer, -ki, qulub, -ki, wahan, -ki; v.i., weerweer, qulub, calaacal, wahan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
oro
imperative v., sg. say!, speak!
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
oro
s.m. dahab.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
óró
pref. - hor kabe macnihiisu yahay buur.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oro
(fal) dheh; odho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
oro
de: say!, speak! Rarely used
lx: oro
pd: (odho)
ps: v4a-imp-sg
see: dheh {N}
key: oro
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
rob
/rob/ (v) dhicid (boobid, sida xoolo la dhaco).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
rob
v.tr., xad, boob, dhac; be robbed, dhacan, dhacanaw.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
OHOB
[OHOB] Grewia penicillata 03, G. villosa 01
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ooro
(Oora-da)
Cudur dhegaha ku dhaca.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ooro
m.dh (daawo) Cudur dhegaha xoolaha dushooda sare ku dhaca oo qolfo iyo finan u yeela.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ooro
m.dh (daaw.) Cudur dhegaha xoolaha dushooda sare ku dhaca oo qolfo iyo finan u yeela.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ooro
f. n. secretion from otitis (disease of the ear); smegma
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ooro
-da: (magac, dhedig, keli) cudur dhegaha ku dhaca oo maqalka wax yeela.
ooro -da: (magac, dhedig, keli) usgag ku dhasha ilkaha fuula kolka la cadan waayo. Ooroda iska caday. Dh: huuro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ooro
de: secretion from otitis (disease of the ear); smegma
lx: ooro
pd: (/da)
ps: n6-f
key: ooro
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
órlo
s.m. - qar, gaw, daraf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ormo
m.dh (-ooyin, m.l) Koox. la-mid: hormo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ormo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg hormo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Orod
(Orod-ka)
Lugaha oo si degdeg ah oo socodka ka dhaqso badan kana fudud, loo qaado; roor.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
orod
orod¹: m.l Lugaha oo si degdeg ah oo socodka ka dhaqso badan kana fudud loo qaado; roor.
orod²: f.mg1 (-rday, -rodday; -rdi) Lugaha si degdeg ah oo socodka ka dhaqso badan kana fudud u qaadid; roorid.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
orod
run-up
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
orod
v. run
orod vl. n. running
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
orod
-ay / orodday: (n) run (ran) ~ carar.
orod -ka: (n) the act of running ~ orad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
orod
(fal) roor oo caymad cagaha wax ka day. Oorod orod araggaaga iga qari. Dh: carar.
orod -ka: (magac, lab, keli) dhaqaaq socodka ka degdeg badan oo xawli loo caymado. Arsaaq orod laguma helo. Dh: roor, carar.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
orod
عَدو، رَكْضَ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Oroh
(Oroh-da)
Hadal; hawraar; weer; tiraab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oroh
m.dh la-mid: oraah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
oroh
f. n. word, speech
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oroh
-da: (magac, dhedig, keli) hadal kooban oo la yidhaahdo. Oroh qudhaa ku filane kaalay dheh. Dh: weer, oraah, hawraar, tiraab.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
oroh
a: oraah
de: word, speech
lx: oroh
pd: (-da)
ps: n2-f
syn: erey
key: oroh
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
orri
f.mg2 (-iyay, -isay) la-mid: ori.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
órso
s.m. - madaxkuti.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
òrto
s.m. - beer yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Roob
(Roob-ka)
Biyo iyagoo dhibco ah dhiilka ku soo daata; waa biyaha, qiiqbiyood ahaan neecawda ugu jira, oo inta qabooba, dhibco iyo daruuro u rogmada, oo dabadeed kolkay cuslaadaan, oo heehaabi waayaan, soo daata.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
roob
m.l (-bab, m.l) (fiisikis) Dhibco biyo ah oo kala baxsan oo ku da'a dhulka kana soo da'a daruuraha, waxaana sameeya qaboob-ka xarfadka ku dhaca uumi biyoodka gibilka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
roob
m.l (-bab, m.l) (fiisikis) Dhibco biyo ah oo kala baxsan oo ku da'a dhulka kana soo da'a daruuraha, waxaana sameeya qaboobka xarfadka ku dhaca uumi biyoodka gibilka.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Roob
Rain
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
roob
m. n., [collective] rain
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
roob
-ka: (n) rain (reeyn); rainfall (reeyn-fool); shower (shaaw-er)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Roob
Pioggia
Rain
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
roob
-ka: (magac, lab, keli) biyo dhibco ah oo dhulka ku soo daata; biyaha qiiqbiyood ahaan hawada ugu jira oo intay qaboobaan dhibco iyo daruuro noqda dabadeed markay cuslaadaan ee ay heehaabi kari waayaan soo daata oo dhulka ku da'a. Haddaan la kala roonaan roob ma da'o. Dh: raxmad, naxariis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
roob
de: rain
lx: roob
pd: (-ka Pl: roobab (ka))
ps: n4-m-col
key: roob
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
roob
نَوْءٍ، مَطَرٍ، قَطْرِ، غَيْثٍ
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Arrow
Fallaar
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
arrow
/aarow/arrows; (n) 1. leeb ama falaadh 2. xarriiq falaadh u eg oo wax lugu tilmaamo ama lugu calaamadiyo. e.g. The one-way sign is marked with an arrow.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
arrow
/aarow/ (n) 1. gammuung, filleer. 2. sumud gammuung haang eh. The road sign had an arrow to show which way vehicles. should go.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
arrow
n., (shaft) fallaadh, -i, gantal, -ki; a poisonous arrow, qamis, -ki; when the arrow is poisonous they call it qamis, kolka fallaadhu doxban tahay, waxa la yidhaahdaa qamis.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Error
Gef
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Error
Gef
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
error
/eror/ (n) khalad, gef.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
error
n., khatalaad, -di.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gorro
-da: (magac, dhedig, keli) gaashaan yar oo warmaha la isaga dhigo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horro
f.mg3 (-aday, -atay) Neef ido ah oo ilmihiisu xerada looga reebay, galabnimo dhanka aqalka u soo cararid.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
O'HOB
Grewia penicillata 01
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oorow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Ooro qaad (xoolo).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oorow
(fal) ooro iyo uskag yeelo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
orgoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Sac ama ri' wax boodid u baahan noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
orgoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Sac ama ri' wax boodid u baahan noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
orgoo
(fal) orgi doon oo wax oofanaya haw
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
orrax
m.dh la-mid: qorrax.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Orrax
magac loo baxiyo wiil sida cadceedda u cad ama dharaar dhashay. Waxa kale oo loo baxiyaa wiil dhiblow ahaa oo hooyadii mashaqeeyay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
orrax
-da: (magac, dhedig, keli) cadceedda dhulka iftiimisa oo ah xiddig weyn oo aad u kulul dhulkana u jirta 150 milyan oo km. Dh: qorrax, cadceed, libdho, milic.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
orrin
m.dh la-mid: orin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
orris
m.l la-mid: orin.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
throb
(v) to vibrate, pulsate, or sound rapidly or violently with steady rhythm; pound.
boodboodis
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
throb
/throb/ (v) 1. bood-boodid (garaacid, sida garaaca wadnaha) 2. bood-bood (garaac).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cirroob
inch. v. become gray-haired
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cirroob
-ay / cirrowday: (v) become white haired or gray haired; become old ~ duqoow
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cirroob
de: become gray-haired
lx: cirroob
pd: (cirroobay)
ps: v1=inch
key: cirroob
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
corrode
/korrowdh/ (v) baabi'in (dhammaansho uu sababo fal-gal kiimiko).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hororow
-ga: (magac, lab, keli) astaamo dhaqan xumo ah.
hororow: (fal) dhaqanka hororka yeelo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Koorrib
(Koorrib-ta)
Kuul madow oo quraarad ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koorrib
m.dh Kuul madow oo quraarad ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
koorrib
f. n. black beads (made of glass)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
koorrib
cf: kuul
de: black beads (made of glass)
lx: koorrib
pd: (-ta)
ps: n-f
key: koorrib
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
or'orod
-ka: (magac, lab, keli) kolba dhan u caymadid. Dh: rooroor.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
orgobbe
m.l (-bayaal, m.l/dh) 1. Shabeel lab oo qooqan oo dad cun ah. 2. Qof dhaqan bahal leh.