orraxayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
orraxayn
m.dh la-mid: qorraxayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qorraxayn
(Qorraxayn-ta)
Qorraxda u dhigid; warid; qallajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qorraxayn
m.f.dh eeg qorraxee. la-mid: orraxayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qorraxayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax qoyan qallajin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
orraxay
(fal) engeji oo cadceedda u dhig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
orraxaysan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: qorraxaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
orraxaysi
m.l la-mid: qorraxaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
orraxayso
f.mg3 (-stay, -satay) la-mid: qorraxayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qorraxays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qorraxayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raxayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dareere weel lagu qiyaasayo aad u buuxin illaa uu hareeraha ka daadanayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raaxayn
(Raaxayn-ta)
(u raaxayn) raaxo siin, u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raaxayn
m.f.dh eeg raaxee. la-mid: raaxo (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raaxayn
-ta: (magac, dhedig, keli) (u ~) cid kale raaxo u suurtagelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
orraxsin
-ka: (magac, lab, keli) xagga cadceeddu u dhacdo. Dhankaa orraxsinka ayuu noo dhaafay Dh: qorraxdhac, galbeed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qorraxay
(fal) eeg qallaji.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qorraxaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax qorrax la dhigay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qorraxaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax qorrax la dhigay ahaansho. m.f.dh, qorraxaysnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
orraxaysad
m.l la-mid: qorraxaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qorraxaysi

qorraxayso
f.g/mg3 (-stay, -satay) 1. (f.g) Wax qorrax u dhigid. 2. (f.mg) Cid qorrax isu dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qorraxayso
f.g/mg3 (-stay, -satay) 1. (f.g) Wax qorrax u dhigid. 2. (f.mg) Cid qorrax isu dhigid. m.f.dh, qorraxaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
korranaan
m.f.dh eeg korran. la-mid: korranaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
korranaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax kale fuushanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qooratayn
(Qooratayn-ta)
Qoorasho; bogdooxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qooratayn
m.dh la-mid: qoorasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qooratayn
-ta: (magac, dhedig, kell) horqabatayn xagga hore ka marid oo joojin. Qoratayn mooyee si kale laguma gaadhaayo. Dh: horqabatayn qoorasho; qooratays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qorraxsin
(Qorraxsin-ka)
Docda qorraxdu u dhacdo; galbeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qorraxsin
m.l Jahada ay qorraxda u dhacdo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qorraxsin
m.l Jahada ay qorraxda u dhacdo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qorraxsin
pr. n., loc. west
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qorraxsin
-ka: (magac, lab, keli) xagga cadceeddu u dhacdo. Dhankaa qorraxsinka ayuu noo dhaafay Dh: gabbaldhac, cadceeddhac, qorraxdhac, galbeed.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qorraxsin
de: west
lx: qorraxsin
pd: (-ka)
ps: n0-loc-m
syn: galbeed, bugux
key: qorraxsin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xarragayn
(Xarragayn-ta)
Xarrago ka dhigid; qurxin; wanaajin; muunayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xarragayn
m.f.dh eeg xarragee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xarragayn
-da: (magac, dhedig, keli) qurxin oo xallad iyo bilic wanaagsan u yeelid. Dh: xarakay, qurxin, sharrixid..
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qorraxaysad
m.l la-mid: qorraxaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
orrax
m.dh la-mid: qorrax.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Orrax
magac loo baxiyo wiil sida cadceedda u cad ama dharaar dhashay. Waxa kale oo loo baxiyaa wiil dhiblow ahaa oo hooyadii mashaqeeyay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
orrax
-da: (magac, dhedig, keli) cadceedda dhulka iftiimisa oo ah xiddig weyn oo aad u kulul dhulkana u jirta 150 milyan oo km. Dh: qorrax, cadceed, libdho, milic.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raxan
(Raxan-ta)
(ugaar, dugaag, kd.) in wada socota oo aan kala harin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raxan
raxan¹: m.l Hanti. “Reer iyo r. ma leh”; xoolo la dhaqdo.
raxan²: m.dh.u Koox dugaag ama ugaar ah oo wada socoda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
raxan
raxan¹: m.l Hanti. Reer iyo r. ma leh; xoolo la dhaqdo.
raxan²: m.dh.u Koox dugaag ama ugaar ah oo wada socoda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
raxan
f. n. herd, flock
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
RAXAN
(Rahan) C Indigofera schimperi Jaub. & Spach. Papilionaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
raxan
-ta: (n) herd (heerdh); flock (falook) drove (dharoov); brood (buruudh) ~ xayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raxan
-ka: (magac, lab, keli) agabka muurka la saaro ama lagu sido. Awrka raxanka ka fur. Dh: rar.
raxan -ka: (magac, lab, keli) geedgaab caleen udgoon leh oo Jimcaha masaajiidda la dhigo lo'duna daaqdo. Dh: riidho.
raxan -ta: (magacwadareed) wax isku nooc ah oo wadajir u socda ama u nool sida maroodiga. Dh: raabo, horin, koox, guruub, xayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
raxan
de: herd, flock
lx: raxan
pd: (-ta)
ps: n-f
key: raxan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaxayn
(Kaxayn-ta)
Wax nool oo socona haya meel ka wadid iyadoo aan la hoggaaminayn lana horkacayn ee gadaal laga wado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaxayn
m.f.dh eeg kaxee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaxayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax nool oo soconaaya meel ka wadid iyadoo aan la hoggaaminayn lana horkacayn, balse ee gadaal laga socdo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
orgaan
-ka: (magac, lab, keli) qayb jidhka ka mid ah oo qabata hawl sugan sida beerka, wadnaha iyo wixii la mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ormayn
m.f.dh eeg ormee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ormayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhawaaq iyo or si wadar ah loo sameeyo.
ormayn-ta: (magac, dhedig, keli) wadar ku socosh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
racayn
racayn¹: m.dh Kooxayn ama xulid tiro waxyaaleed iyada oo aan loo eegin orsa-naan.
racayn²: m.dh Hormo urur kasta ee uu urur walxood iyada oo aan la tixgelin horsanaanta sida loo kala xushay. Haddii 'r' walxood laga xushay urur 'n' kutirsane leh oo weliba walax kastana la xulan karo mar keliya. Tirada racaymaha kaladuwan waa: n!/[r!(n-r)!] loona qoro nCr ama C(n,r)[r!(n-r)!]Tusaale ahaan, haddi fasal ay ku jiraan 15 arday ay ka dhexeeyaan 5 buug oo keliya, marka buug kasta waa in ay saddex arday wadagaan, inta siyaalo ee loo ratibi karo waa: 15!/[3!(15-3)!] ama 455.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Racayn
Permutation
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rajayn
(Rajayn-ta)
(ilmo) rajo ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rajayn
m.f.dh eeg rajee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rąjayn
m.f.dh eeg rąjee. la-mid: rejeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rajayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax wanaagsan filasho; wax soo socda heliddiisa niyadda ku hayn. Rajaynta wanaagsan lagama caajiso. Dh: filitaan. Li: quus.
rajayn-ta: (magac, dhedig, keli) ilmo rajo ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rakayn
(Rakayn-ta)
Rako ka dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) neef muur ah raro saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rasayn
(Rasayn-ta)
Raso ka dhigid; is kor saarsaarid; taallayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rasayn
m.f.dh eeg rasee. la-mid: rasays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rasayn
-ta: (magac, dhedig, keli) si habaysan isku dul dhigdhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waxayn
(Waxayn-ta)
Samayn; falid; yeelid; qabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waxayn
m.f.dh eeg waxee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waxayn
-ta: (magac, dhedig, keli) samayn oo wax la garnayo ka dhigid. Dh: samayn; yeelid, qabasho, waxays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ararayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hadal la odhan doono, arar ka hormarsasho. Dh: ararad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Arradan
Arrad hayo; dharkii hore ka dhammaaday ama calallo ka noqday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arradan
f.mg4 (-dnaa, -dnayd) Wax arrad hayo ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
arradan
f.mg4 (-dnaa, -dnayd) Wax arrad hayo ahaansho. m.f.dh, arradnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
arradan
der. [adjective] ragged, shabby, poorly dressed; needing new clothes
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
arradan
-aa: (adj) threadbare (thareedbaar); wearing old, shabby clothing ~ arradsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arradan
(tilmaame) dharla'aani hayso; dharkii hore ka dhammaaday ama ka calaloobay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
arradan
de: ragged, shabby, poorly dressed; needing new clothes
lx: arradan
pd: (arradnaa)
ps: adj-der
key: arradan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horraan
m.l H.kiisa, h.keeda. la-mid: horraanti.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
horraan
f. n. beginning, start; head, front
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horraan
-ta: (magac, dhedig, keli) dhanka horre.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
horraan
de: beginning, start; head, front
lx: horraan
pd: (-ta)
ps: n2-f
xe: the beginning of next month
xv: bisha ku xigta horraanteeda
key: horraan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Horrayn
(Horrayn-ta)
Horay jirid, xigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horrayn
m.f.dh eeg horree.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
horrayn
vl. n. priority; primary, being first
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horrayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xagga u horraysa ahaan; xagga hore ku sugnaan. Ardaydu horraynta ayay u tartamaan. Li: dambayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
horrayn
de: priority; primary, being first
lx: horrayn
pd: (-ta)
ps: vn1-f
key: horrayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Korrayn
(Korrayn-ta)
Wax kore ahaan; meel kore ku sugnaan, joogid; jago ama heer sare gaarid; sarrayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
korrayn
m.f.dh eeg korree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
korrayn
-ta: (magac, dhedig, keli) mid koreeya ahaan; meel kore ku sugnaan. Dh: joogid, sarrayn. Li: hoosayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
oranaya
v., subject case, present progressive: it is ... who is / are saying
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
oranaya
de: it is ... who is / are saying
lx: oranaya
pd: (odhanaya)
ps: v4a-subj-prpg
key: oranaya
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
oranayo
v., sg., neg., present progressive: I am not / he is not saying
oranayo v., sg., relative form present progressive: that I am / he is saying
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
oraneyn
v., neg., progressive v. form: was / were not saying
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
oraneyn
de: was / were not saying
lx: oraneyn
pd: (odhaneynin)
ps: v4a-neg-prog
xe: No one was saying it like that.
xv: Qofna sidaas ma oraneyn.
key: oraneyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
orraxee
f.g2 (-xeeyay, -xeysay) la-mid: qorraxee.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
ouragan
ouragan, n.m. - dabayl xoog leh; hufo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaaxayn
(Qaaxayn-ta)
Nabar qaaxada u dhaca gaarsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaaxayn
m.f.dh eeg qaaxee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaaxayn
-ta: (magac, dhedig, keli) nabar qaaxada u dhaca gaadhsiin. Carruurta qaaxaynta ka daa. Dh: oofayn, qaaxays.
qaaxayn -ta: (magac, dhedig, keli) god hoos u qodid oo gun ballaadhan u yeelid. Qaaxaynta boholuhu waa muhiin dhulka adag. Dh: qaaxays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raamayn
(Raamayn-ta)
Raamo u yeelid, u samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raamayn
m.f.dh eeg raamee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raamayn
-ta: (magac, dhedig, keli) timo ama wax la mid ah raamo dhaadheer u yeelid: raamo u samayn. Raamaynta timaha Rooble isagaa raba.