oro
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
oro
imperative v., sg. say!, speak!
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
oro
s.m. dahab.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
óró
pref. - hor kabe macnihiisu yahay buur.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oro
(fal) dheh; odho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
oro
de: say!, speak! Rarely used
lx: oro
pd: (odho)
ps: v4a-imp-sg
see: dheh {N}
key: oro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baabbacayn
(Baabbacayn-ta)
(geel) orod cagaha dhulka lala dhaco; durdurin; ku tumasho,
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baabbaco
(Baabbaca-da)
1. Gacanta dadka inta dhudhunka ka hoosaysa oo calaacasha, faraha iyo suulku ka mid yihiin oo wax lagu qabto; cukur; sacab; cagta nafleyda qaarkeed;
2. Orod gaar ah oo geelu cagaha la dhaco dhulka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bedertamid
(Bedertamid-da)
Orod, la tartama hayo, ka qayb gelid; tartamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bedertan
(Bedertan-ka)
Sida loo kala orod badan yahay isu eegid; tartan; (ama beretan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bedrid
(Bedrid-da)
Sida kolka la tartama hayo oo kale uga orodsiin; bedertan gelin; kicin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Big
(Big-ta)
1. If muuqda oo durba libdha; carar durba la qarsoomo; bidhaan; bilig.
2. (Xarad) Bar, gaashi.
3. Orod haddiiba la libdho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buub
(Buub-ka)
1. (geel) aan jabsanayn ee weli buubaal ah; didid dhow oo rarka la carara oo wax kala daadsha.
2. Orod; duulis; dheerayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Carar
(Carar-ka)
1. Orod baqdini ku jirto; baxsad; roor; fakad.
2. Dhiin dhirta laga sameeyo oo wax lagu midabeeyo; asal, aglool.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Carsaanyo
(Carsaanya-da)
Nafley kalluunka qolofta ku jira lagu tirsho; waxay leedahay afar lugood iyo labo birqaab oo ay wax ku qabato; hor iyo dibba waa u oroddaa; - qabaanqab; suulalgoys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ceyro
(Ceyra-da)
Wax orda haya oo laga daba'orda hayo, in la gaaro ama la soo qabto ama wax la yeelo darteed; ka daba'orod; fogeyn; buubis; cagaajis; eryid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhabaabacayn
(Dhabaabacayn-ta)
Orod dhabaabaco ah, ordid; durdurin; baabbacayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaqid
(Dhaqid-da)
1. Si wanaagsan u maamulid, u dhaqaalayn.
2. Mayrid; qasaalid; xalid.
3. (tartan) orod badin, dheerayn; (ama dhiqid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheerayn
(Dheerayn-ta)
1. Wax dheereeya ahaansho; orod badi.
2. Wax dheer ka dhigid; dhererka u kordhin.
3. (ka dheerayn) a) Tartanka ka orod badin; dhiqid. b) Ka fogayn; ka durkin. c) Labo is le'ekaa midkood, dhererka wax ugu darid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dooddi
(Dooddi-ga)
Orod; tartan; bedertan; ka soo dhexbax; baxsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Durdurin
(Durdurin-ta)
Ordid culus sida orodka geela; baabbacayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Durduro
°(Durdura-da)
Orod culus oo xooluhu ay u ordaan, kolkay barwaaqaysan yihiin oo ladan yihiin; orod-cayaareedka xoolaha; baabbaco; birinbirqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Eeraan
(Eeraan-ka)
Socod ama orod aad u dheer; dheerayn; duulid; booddo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faclayn
(Faclayn-ta)
(xoolaha yaryar) orod facle ah, ordid; durdurin; boodboodid; cayaarid, rabbaasid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Facle
(Facla-ha)
(dhasha yaryar oo nafleyda) orod leh boodbood afarta addinba kol la wada qaado; rabbaas; cayaar; durduro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fadlin
(Fadlin-ta)
Orod fadallo dhulka u yeela ordid.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
còro
s.m. - jiib.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doro
m.dh Ciyaarta turubka marka ay laba kooxood oo iska soo horjeeda ay tiro isle'eg iska qabtaan; baatad.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
fòro
s.m. - dalool.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horo
f.g3 (-rtay, -ratay) Xoolo ooman biyo hormo-hormo ugu sii daysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koro
f.g3 (-rtay, -ratay) Wax sugid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
koro
v. wait for ~ on, expect
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koro
(fal) arrin ama wax kale sug oo dhawr.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
koro
de: wait for ~ on, expect
lx: koro
pd: (kortay)
ps: v3b=tr
key: koro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ooro
(Oora-da)
Cudur dhegaha ku dhaca.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ooro
m.dh (daawo) Cudur dhegaha xoolaha dushooda sare ku dhaca oo qolfo iyo finan u yeela.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ooro
m.dh (daaw.) Cudur dhegaha xoolaha dushooda sare ku dhaca oo qolfo iyo finan u yeela.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ooro
f. n. secretion from otitis (disease of the ear); smegma
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ooro
-da: (magac, dhedig, keli) cudur dhegaha ku dhaca oo maqalka wax yeela.
ooro -da: (magac, dhedig, keli) usgag ku dhasha ilkaha fuula kolka la cadan waayo. Ooroda iska caday. Dh: huuro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ooro
de: secretion from otitis (disease of the ear); smegma
lx: ooro
pd: (/da)
ps: n6-f
key: ooro
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
órlo
s.m. - qar, gaw, daraf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ormo
m.dh (-ooyin, m.l) Koox. la-mid: hormo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ormo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg hormo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
orob
-ka: (magac, lab, keli) qaylo iyo dhawaaq dheer. Dh: qaylo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Orod
(Orod-ka)
Lugaha oo si degdeg ah oo socodka ka dhaqso badan kana fudud, loo qaado; roor.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
orod
orod¹: m.l Lugaha oo si degdeg ah oo socodka ka dhaqso badan kana fudud loo qaado; roor.
orod²: f.mg1 (-rday, -rodday; -rdi) Lugaha si degdeg ah oo socodka ka dhaqso badan kana fudud u qaadid; roorid.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
orod
run-up
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
orod
v. run
orod vl. n. running
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
orod
-ay / orodday: (n) run (ran) ~ carar.
orod -ka: (n) the act of running ~ orad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
orod
(fal) roor oo caymad cagaha wax ka day. Oorod orod araggaaga iga qari. Dh: carar.
orod -ka: (magac, lab, keli) dhaqaaq socodka ka degdeg badan oo xawli loo caymado. Arsaaq orod laguma helo. Dh: roor, carar.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
orod
عَدو، رَكْضَ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Oroh
(Oroh-da)
Hadal; hawraar; weer; tiraab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oroh
m.dh la-mid: oraah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
oroh
f. n. word, speech
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oroh
-da: (magac, dhedig, keli) hadal kooban oo la yidhaahdo. Oroh qudhaa ku filane kaalay dheh. Dh: weer, oraah, hawraar, tiraab.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
oroh
a: oraah
de: word, speech
lx: oroh
pd: (-da)
ps: n2-f
syn: erey
key: oroh
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
órso
s.m. - madaxkuti.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
òrto
s.m. - beer yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoro
f.g3 (-rtay, -ratay) 1. Hadal qoraal ka dhigasho. 2. Geed, dhagax, laf iyo wixi lamida qalab la isticmaalo ka samaysasho. 3. Ilkaha q.: qof ilko fiiqasho. 4. Qof shaqaale ka dhigasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qoro
f.g3 (-rtay, -ratay) 1. Hadal qoraal ka dhigasho. 2. Geed, dhagax, laf iyo wixi lamida qalab la isticmaalo ka samaysasho. 3. Ilkaha q.: qof ilko fiiqasho. 4. Qof shaqaale ka dhigasho. m.f.dh, qorasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qoro
v. write down for oneself; employ, hire; appoint, assign; register
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qoro
de: write down for oneself; employ, hire; appoint, assign; register
lx: qoro
pd: (qortay)
ps: v3b=tr
key: qoro
Magacyada Nafleyda Soomaaliyeed (Laatiin-Talyaani-Ingiriis-Soomaali) - Funayooli, Simoneeta [1985]
Toro
(E) Bull;
(S) DIBI (S. c. m.; Dibi); Hawr (S. c. m.: Haur); Rái (S. m.; Rai)
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
tòro
s.m. - dibi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Oo
1. Erey labo tilmaamood ama labo tixood xiriiriya (sida nin wanaagsan oo deeqsi ah; aqal weyn oo magaalo ku yaal; ama inoo sheega si kolkaas lagu sugan yahay (sida Cali oo buka; lo'dii oo cabtey); ama ulajeeddooyin kale abuura (isu eeg: wiilka kale iyo wiilka oo kale) ~ ee.
2. Xarafka o oo dheer; (ō).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oo
xi. 1. (naxwe) Xiriiriye loo adeegsado in laysku xiro labo weer tabineed oo abyoon. Tusaale: “Cali waa nin wanaagsan oo deeqsi ah”, “Cali oo Xamar joogay ayaan la kulmay, adoo harsan waayay ma laguu soo harsaday?” 2. (naxwe) Xiriiriye isku xira laba fal oo isku mar la qabtay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
oo
xi. 1. (naxwe) Xiriiriye loo adeegsado in laysku xiro labo weer tabineed oo abyoon. Tusaale: Cali waa nin wanaagsan oo deeqsi ah. Cali oo Xamar joogay ayaan la kulmay, adoo harsan waayay ma laguu soo harsaday? 2. (naxwe) Xiriiriye isku xira laba fal oo isku mar la qabtay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
oo
conj. and
oo [conjunction] which, that; who; while
oo [feminine] n. OO, long O [digraph letter of the Somali alphabet.]
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Oo
1) et, 2) ce qui, 3) ce que, 4) alors que.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
oo
(conjunction) used to connect words or phrase; and (andh)
oo: long vowel of the letter o of the Somali alphabet
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oo
(xidhiidhiye) isku xidha laba weedhood oo macnohoodu is uuxiyo. Itixaankii Af Soomaaliga waan galay oo waan ku guulaystay.
oo: (xidhiidhiye) xidhiidhiye isku xidha labo fal oo isku mar la qabtay.
oo: (ereydhawaaq) oo qayladhaan ah oo inta badan lagu celceliyo gaar ahaan kolka la cabsanayo amat wax laga yaabo ama la cabsado. Dh: uu uu
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
oo
وَ، مَا
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Or
(Or-ka)
1. Dhawaaq dheer oo wadajir loo sameeyo (cayaar; dheelaas...).
2. (°) Dhar; maro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
or
m.l (orar, m.l) Cod wada jir ah oo dad meel fog jooga ka yeera.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ǫr
m.l (orar, m.l) 1. Dhar; maro. 2. Calal. 3. Bulka cawsa meyrada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
or
or: m.l (orar, m.l) Cod wada jir ah oo dad meel fog jooga ka yeera.
ǫr: m.l (orar, m.l) 1. Dhar; maro. 2. Calal. 3. Bulka cawsa meyrada.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
or
m. n. noise of a crowd, clamor; rhythmic chant
or m. n. cloth, rag
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
or
/oor/ (conj) ama (mise).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
or
-ka: (n) noise (nooyz); fracas (fareey-kas) ~ qaylo, sawaxan, buuq —Syn: din, racket, uproar, hubbub, clamor, babel, brawl
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
or
-ka: (magac, lab, keli) heeso iyo sawaxan laga maqlo dhallinyar gudaysa ama odayo yake u socda. Or ayaa xaggaa ka baxaysa.
or-ka: (magac, lab, keli) bulka cawsa meyrada.
or -ta: (magac, dhedig, keli) calal, maro.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
or
or, n.m. - dahab.
or, conj. - laakin; laakiin; haddii kale.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
or
c., ama, amase, mase, mise.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
fro
ad.; go to and fro, hore iyo dib u soco, toss to and fro, lul.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
O,o
/ow/ xarafka shan iyo tobnaad ee alifbeetada ingiriisiga.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oho
eeg ooha.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
òmo
pref. - horkabe tilmaama la mid ahaansho.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
óra
avv. hadda.
s.f. - saacad (60 daqiiqo).
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Ore
Bit caydhlin
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
ore
/oor/ (n) dhadhaab ama dhagax macdanta laga dhex helo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ori
f.mg2 (-iyay, -isay) 1. Kor u dhawaaqid. 2. Cod dheer ku heesid. la-mid: orri.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ori
f.mg2 (-iyay, -isay) 1. Kor u dhawaaqid. 2. Cod dheer ku heesid. m.f.dh, orin. la-mid: orri. ormo m.dh (-ooyin, m.l) Koox. la-mid: hormo. orod¹: m.l Lugaha oo si degdeg ah oo socodka ka dhaqso badan kana fudud loo qaado; roor. orod²: f.mg1 (-rday, -rodday; -rdi) Lugaha si degdeg ah oo socodka ka dhaqso badan kana fudud u qaadid; roorid. m.f.dh, ordid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ori
v. chant (along with a song ~ dance)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ori
-yey / say: (v) make noise
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ori
(fal) qayli oo dheh oo oo. Ku ori ninka hadalkiisu aanuu qiimaha lahayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ori
de: chant (along with a song ~ dance)
lx: ori
pd: (oriyey)
ps: v2a=intr
key: ori
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
òto
pref. - horkabe til maama wax la xiriira dheg.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
pro
/prow/pros;(n) faa'iidada arin ku jirta, marka dhanka fiican laga eego.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boqro
f.mg3 (-raday, -ratay) Qof boqornimo u caleemo saarasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boqro
(fal) boqor caleemasaaro.
boqro: (fal) boqor dhexda ku xidho.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
bórdo
s.m. markab am dayaarad gudahood, doc.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
còrno
s.m. - gees.