orgy
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
orgy
/oorji/ (n) xaflad fisqi badan (tumasho, khamri iwm oo dhan la sameeyo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Orgi
(Orgi-ga)
Laboodka riyaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
orgi
m.l (-iyo, m.dh) Laboodka aricadka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
orgi
m.l (-iyo, m.dh) Laboodka aricadka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
orgi
m. n., [collective] billy, male goat
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
orgi
-ga: (n) billy goat; male goat
Magacyada Nafleyda Soomaaliyeed (Laatiin-Talyaani-Ingiriis-Soomaali) - Funayooli, Simoneeta [1985]
ORGI
(I) Becco;
(E) Billy Goat
(S) ORGI (S. c. m.: Orği); Sip (S. c. m.: Sip)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
orgi
-ga: (magac, lab, keli) labka riyaha. Ci' orgi aradkaa laga maqlaa. Dh: irgac.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
orgi
cf: adhi ~ ari; Opp: ri'
de: billy, male goat
lx: orgi
pd: (-ga Pl: orgi (da))
ps: n5-m, n6-m, n2-m
key: orgi
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
orgi
عَنْزَ، مَاعِز
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Orgeyn
(Orgeyn-ta)
(xoolo) Kudid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
orgeyn
m.f.dh eeg orgee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
orgeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) ri'yo kudid, ri'yo saarasho. Orgi keli ah ayaa orgeynta riyaha oo dhan ku filan. Dh:rimin.
orgeyn-ta: (magac, dhedig, keli) orgeynta lafteeda. Dh: orgays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
orgeys
-ka: (magac, lab, keli) eeg orgeyn.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
dodgy
/dhoji/ (adj) khatar ah.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
doggy
/dhogi/ (v) ey.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ergay
(fal) qof ergo ahaan cid kale ugu dir; qof cid kale farriin ugu dhiib. Dh: ergee, ergi.
ergay-ga: (magac, lab, keli) qof farriin ama war gaar ah loo dhiibo oo qolo kale u geeya; qof farriin cid gaar ah u geeya. Dh: ergey. Wa: ergo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ergey
(Ergey-ga)
Qof farriin ama war ama arrin gaar ah loo dhiibto oo tol, qolo, dad kale u geeya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ergey
m.l (-go, m.dh) 1. Qof farriin, war ama arrin gaar ah loo dhiibo oo tol, qolo ama dawlad gaarsiiya. 2. Qof loo doortay inuu dal kale wakiil uga noqdo wadankiisa. Tusaale: “Saalax waa ergeyga Soomaaliya u jooga jimciyadda quruumaha ka dhexeysa”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ergey
m.l (-go, m.dh) 1. Qof farriin, war ama arrin gaar ah loo dhiibo oo tol, qolo ama dawlad gaarsiiya. 2. Qof loo doortay inuu dal kale wakiil uga noqdo wadankiisa. Tusaale: Saalax waa ergeyga Soomaaliya u jooga jimciyadda quruumaha ka dhexeysa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ergey
f. n. envoy, representative, delegate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ergey
-ga: (n) envoy (en vooy); delegate (del e gaayt); emissary (emas seri)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ergey
(fal) qof ergo ahaan cid kale ugu dir; qof cid kale farriin ugu dhiib. Dh: ergee, ergi, ergay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ergey
de: envoy, representative, delegate
lx: ergey
pd: (-ga Pl: ergo)
ps: n2-f, n1-f
key: ergey
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
foggy
/fogi/ (adj) ciiryaama-leh, ciiryaamaysan
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
foggy
a., ciiraysan.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
foray
/foorey/ (n) weerar-kadis ah, oo siiba dhac ama bililiqo loo-baxo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
forge
/forj/ (v) 1. guurin ama been-abuur samayn, si wax loo khiyaamo e.g. He forged her signature. (v) 2. dubbayn, tummid (v) 3. dheerayn, xawaare badin (n) 4. hoosada tumaalka.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
forge
forge, n.m. - hooso.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
forge
v.tr., tun; forged, tuman.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
forgo
/forgoo/ (v) ka-tagid, iska-dayn, ka-tanaasulid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
forty
/foorti/ (n) afartan (40).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
forty
num., afartan, -ki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Goray
(Goray-ga)
Goroyada keeda lab; haldhaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goray
m.l (-yo, m.dh) 1. Gorayo lab. 2. G. ah: awr aan gulgulada soo ridi karin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
goray
m.l (-yo, m.dh) 1. Gorayo lab. 2. G. ah: awr aan gulgulada soo ridi karin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
goray
m. n. male ostrich
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
goray
-ga: (n) male ostrich (os tarish) ~ haldhaa. [opposite of goroyo]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goray
-ga: (magac, lab, keli) gorayada keeda lab. Hablihii sida gorayga ciideed, gelbin jirey tallaabada…
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
goray
bw: goroyo, goroyacawl
de: male ostrich
lx: goray
pd: (-ga)
ps: n2-m
syn: haldhaa
key: goray
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Gorge
Bohol dhagax
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
gorge
/goorj/ (n) 1. waadi, tog (v) 2. ka-haagid, ka-dhargid. e.g. She gorged herself on desserts at the party.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
gorge
gorge, n.m. - hunguri; dhuunta,
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Horay
(Horay-da)
Docda loo jeedo; hagaag; hor; fool.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horay
horay¹: m.dh Dhanka loo jeedo; hagaag; fool. la-mid: hore.
horay²: fk. 1. Hor. 2. Waqtigii hore.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
horay
fk. 1. Hor. 2. Waqtigii hore.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
horay
f. n., loc. front, forth, forward direction
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
horay
-da: (n) 1. front (faroont). 2. (adv) before (bifoor). Ex: horay baan u ogaa; I knew it before
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horay
(fal) wax yaacaya, ka hormar oo dhinacyada ka gal oo soo dabbaal, soo xeree. Li: hareeray.
horay-da: (magac, dhedig, keli) xagga hore; docda loo jeedo. Horay u soco waad arki masaajidka e. Dh: hore, hagaag, hor, fool.
horay-da: (magac, dhedig, keli) xilli aad u horreeya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
horay
de: front, forth, forward direction
lx: horay
pd: (-da)
ps: n0-f-loc
key: horay
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
horey
adv., time: previously; forth, fro
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
horey
see [eeg] horay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horey
-da: (magac, dhedig, keli) docda loo jeedo. Dh: fool, horay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
horey
de: previously; [loc] forth, fro
lx: horey
ps: adv-time
xe: back and forth
xv: hore
key: horey
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
horey
فِيمَا مَضَى سَلْفَ
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
horny
/hoorni/ (adj) 1. qallafsan, qalleyf ah. e.g. The old factory workers had horny hands. (adj) 2. geesa-leh (adj) 3. kasci-badan, kacsanaya
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koray
(fal) meel sare ka saar.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
lorry
/loori/ (bre) truck (ame) (n) baabuur weyn; gaari weyn.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
orage
orage, n.m. - biriqda; jacda; onkodka; hanqadhka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
orgac
-a: (magac, lab, keli) labka riyaha kolka uu waxarna ka weynaado orgina aanu gaadhin. Orgac ayaa loo qalay martidii. Dh: qaydhab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
organ
m.l (-no, m.dh) (cilmiga naflayda) Qayb ka mid ah jidhka noolaha oo u khaas ah, inay qabato hal shaqo ama in ka badan. Tusaale, xayawaanka: dhegaha, indhaha, sambabada iyo kelyaha. Tusaale, dhirta: caleemaha, xididdada iyo ubaxa. Organku wuxuu ka koobanyahay nudo badan oo kala duwan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
organ
m.l (-no, m.dh) (cilmiga naflayda) Qayb ka mid ah jidhka noolaha oo u khaas ah, inay qabato hal shaqo ama in ka badan. Tusaale, xayawaanka: dhegaha, indhaha, sambabada iyo kelyaha. Tusaale, dhirta: caleemaha, xididdada iyo ubaxa. Organku wuxuu ka koobanyahay nudo badan oo kala duwan.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Organ
Addin/Xubin
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
organ
(n) a differentiated part of the human, adapted for a specific function, such as the heart or lungs.
xubin jidh
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
organ
/oorgan/ (n) 1. unug (xubin ka mid ah jirka noolaha) 2. qayb ama urur (siiba hawl gaar ah qaabilsan) 3. oorgan (qalab muusiko).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
organ
-ka: (magac, lab, keli) qayb ka mid ah jidhka in ka badan. Organku wuxuu ka koobanyahay noolaha oo u khaas ah, inay qabato hal shaqo ama nudo badan oo kala duwan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
orgee
f.g2 (-geeyay, -geysay) Orgi ri' tallaabid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
orgee
v. mate (of male goat), mount the female
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
orgee
-yey: (v) mate (meeyt); pair [male goat to female goat] for breeding; be in rut
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
orgee
(fal) ri' saaro oo rimi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
orgee
cf: orgi
de: mate (of male goat), mount the female
lx: orgee
pd: (orgeeyey)
ps: v2b=tr
key: orgee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
orgoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Sac ama ri' wax boodid u baahan noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
orgoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Sac ama ri' wax boodid u baahan noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
orgoo
(fal) orgi doon oo wax oofanaya haw
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
soggy
/sogi/ (adj) dhoshoq ah (aad u qoyan).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sorry
/soori/ (adj) 1. ka xumaansho (inter) 2. waan ka xumahay.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
worry
(v) to feel uneasy about; to be troubled,
werwer
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
worry
/wari/ (n) 1. walaac, welwel (v) 2. wel-welid.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
worry
v.tr., daali.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoray
(fal) wax madax bannaan ka dhig; gumaysi ama addoonnimo ka saar oo xoree. Dh: xoree. Li: addoonso, gumayso.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
forgery
/forjeri/ (n) foorjari, been-abuur.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
HORGOOY
(Horgoi) S Commiphora samharensis Schweinf. Burseraceae.
NFD Commiphora schimperi (0.Berg) Engl. Burseraceae.
C Commiphora guidottii Chiov. Burseraceae.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
horgoyn
screening