ooraw
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ooraw
-ga: (magac, lab, keli) meel gubatay qiiqa iyo ololka ka baxa. Ooraw ayaa ka kacay aqalkii gubtay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oorow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Ooro qaad (xoolo).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oorow
(fal) ooro iyo uskag yeelo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
booran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) 1. Wax la booray ahaansho (sac). 2. Wax qalloocan ahaansho (dhabarka).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
booran
(tilmaame) sac la booray; sac boortii dabada kaga jirto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doorad
(Doorad-ka)
Doorasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doorad
m.l la-mid: doorasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doorad
-ka: (magac, lab, keli) xulasho oo wax badan oo meel yaal wixii ku cajabiya kala dhex bixid. Dh: doorasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dooran
(tilmaame) wax la xulay oo la doortay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dooray
m.l (-yo, m.dh) Neef caano yar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foorac
-a: (magac, lab, keli) soo kuusanka uu shey kor u soo kuusnaado sida waxa ciidda ka soo biqlayaa uu kor u soo kuusmo. Likaha fooraca ayaa lagu gartaa. Dh: foodhac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Foorad
(Foorad-da)
Qaybaha cayaaraha (turub, kd.) la isu tirsado oo lagu kala badiyo, middood; guul; duq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foorad
m.dh Hal mar oo qof ciyaar turub, dubnad iyo wixi lamida looga dhaco. la-mid: fooro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
foorad
m.dh Hal mar oo qof ciyaar turub, dubnad iyo wixi lamida. looga dhaco. la-mid: fooro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
foorad
vl. n. winning (of game), win
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
foorad
-da: (n) [Pl. fooradood] Sports & Games; the deciding points in game
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foorad
-da: (magac, dhedig, keli) qaybaha ciyaaraha lagu kala badiyo oo la isku tirsado middood. Dh: guul, duq.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
foorad
cf: dhibic, duq
de: winning (of game), win
lx: foorad
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: foorad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foorar
foorar¹: m.l la-mid: foororid.
foorar²: f.mg1 (-ray, -rtay) la-mid: fooror².
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Foorar
Dip
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
foorar
-ka: (n) a tilt or an inclination; lean (liin); upside down ~ fooror
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foorar
(fal) gorodda rog; qarqarka sare, hoos u qallooci. Dh: fooror.
foorar-ka: (magac, lab, keli) qarqarka sare oo hoos iyo hore loo qalloociyo. Dh: fooror
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fooras
m. n. force {military}
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fooras
de: force {military} {Eng}
lx: fooras
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: fooras
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
hooray
/huurey/ (n) baga (erey la yiraahdo kolkii la farxo ama sidii la rabay wax u dhacaan).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oodrar
-ka: (magac, lab, keli) ood awr ama gaadiid kale ku qaadid. Ha irdhoon ha aafoobin, waa oodrarkii abey, waa oodla' hawsheed, waa kaan isla ogayn waa aniyo adigii. Dh: oodradh.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
oorgan
-ta: (n) organ (oor-gari)-, piano (piyaano) ~ qalab muusiko
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oorgan
-ka: (magac, lab, keli) qalabka muusikada mid ka mid ah oo codad aad u badan oo kala duwani ka soo baxaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qoorad
(Qoorad-ka)
Qoorasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoorad
m.l la-mid: qoorasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoorad
-ka: (magac, lab, keli) eeg qoorasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qooray
(fal) horgabatee; xagga hore ka mar gooray: (fal) mucaanaqee oo salaan laabta la isa saaro salaan. Cidda saxbbada qoray
qooray: (fal) addoon xoree. Haddaad aragro naag la addoonsanayo libso oo qooray Dh: xoree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qornaw
(fal) diiwaan ku jir oo dadka qoran ahaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sooran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax si isla eg loo qaybiyey ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toorad
-da: (magac, dhedig, keli) biraha furinka lagu dubo ee moofada la geliyo. Tooradii furunku way kala jabtay.
toorad-da: (magac, dhedig, keli) gabal bir ah oo godan oo qof qaadi karo oo ciidda iyo sibidhka lagu qaado oo ka mid qalabka dhismaha. Dh: tawrad.
toorad-da: (magac, dhedig, keli) daasad weyn oo biyaha lagu darsado xoolahana lagu waraabiyo, sida gorofka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tooran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) 1. Bun, daango, caano iyo wixi lamida wax la isku daray ahaansho. 2. Beer, hilib iyo xayr wax la isku shiilay ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tooray
(fal) xoolo si isdabajoog ah hal dhabbe ugu soco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oor
m.l Miro yaryar oo udgoon oo ay dumarku isku carfiyaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oor
-ka: (magac, lab, keli) midho iyo ubaxyo la isku daro oo cadar laga tuujiyo.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
óra
avv. hadda.
s.f. - saacad (60 daqiiqo).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
raw
/roo/ (adj) 1. ceeriin (qayriin) 2. aan khibrad lahayn (kuruud bax ah) 3. xanuun leh (kaaraysa) 4. dhaxan leh (cimilo qabow).
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Raw
Ceeriin
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
raw
a., ceedhiin, ceedhiin ah; a raw fruit, gahaydh, gahayr, -ki.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Bora
Bora
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
draw
/dro/ (v) 1. sawirid (v) 2. jiidid, soo-jiidid (v) 3. soo-bixin e.g. to draw money from a bank. (n) 4. bakhtiyaa-nasiib (n) 5. bar-barka dhac (siman, cidna aysan rayn).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
draw
v.tr., (pull) jiid, jiidjiid, soo or sii jiid, soo jiidjiid, kasoo bixi; draw up water, dowli; draw back, dib u celi, dib u noqo; the night draws on, habeenki waa soo socdaa; my fate draws nigh, geridaydi waa soo socotaa or dhowdahay; (represent by picture) sawir.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Okra
Baamiye
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ooga
a: xubno-aqoon
de: anatomy
lx: ooga
pd: (-ta)
ps: n0-f-cmp
key: ooga
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ooha
(eraydhawaaq) meelo badan gala oo inta badan xoolaha loo yeedhayo loo adeegsado. Abaadirow, soo ururi caashaqa ooha! ooha!
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Oori
(Oori-da)
Haweeney la qabo; afo; arad; maranti; marwo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oori
m.dh (-iyo, m.l) Haweeney la qabo; afo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
oori
m.dh (-iyo, m.l) Haweeney la qabo; afo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
oori
f. n. wife
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
oori
-da: (n) wife (waayf) ~ afo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oori
-da: (magac, dhedig, keli) marwo la qabo. Dh: afo, xaas, arad, maranti.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
oori
cf: afo, arad, maranti, naag
de: wife
lx: oori
pd: (-da)
ps: n2-f
key: oori
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ooro
(Oora-da)
Cudur dhegaha ku dhaca.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ooro
m.dh (daawo) Cudur dhegaha xoolaha dushooda sare ku dhaca oo qolfo iyo finan u yeela.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ooro
m.dh (daaw.) Cudur dhegaha xoolaha dushooda sare ku dhaca oo qolfo iyo finan u yeela.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ooro
f. n. secretion from otitis (disease of the ear); smegma
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ooro
-da: (magac, dhedig, keli) cudur dhegaha ku dhaca oo maqalka wax yeela.
ooro -da: (magac, dhedig, keli) usgag ku dhasha ilkaha fuula kolka la cadan waayo. Ooroda iska caday. Dh: huuro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ooro
de: secretion from otitis (disease of the ear); smegma
lx: ooro
pd: (/da)
ps: n6-f
key: ooro
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
orad
vl. n. act of saying
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
orad
-ay / oradday: (v) run (ran) ~ carar, roor.
orad -ka: (n) the act of running ~ orod
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
orad
de: act of saying
lx: orad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: orad
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
oral
(adj) pertaining to the mouth, taken through or applied in the mouth
ku saabsan afka
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
oral
/ooral/ (adj) 1. hadal ahaan loo sheego, ee aan qoraal ahayn 2. ee afka (wax afka laga isticmaalo).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
oral
oral, adj. - qaybta imtixaanka ee afka la iska waydiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
oran
v.-inf: to say
oran v., neg., simple past tense: did not say
oran v., neg.-imp: don't say!
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
oran
(v) to say. Ex: waxaan oran lahaa..; I would say..
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caraw
m.l Midab cawl ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caraw
m.l Midab cawl ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
corad
m.l (-dyo, m.dh) la-mid: curad.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Coral
Shacaabi
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
coral
n., (white) shacab or shacbi, -ki.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
coran
coran, n.m. - Quraan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faraw
-ga: (magac, lab, keli) ugaadha duurjoogta ah nooc ka mid ah oo diilimo dhaadheer oo caddaan iyo madow isugu jira leh. Dh: dameerfaraw, dameerdibadeed, gunburi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firaw
-ga: (magac, lab, keli) kashifan ama muuqo oo waxaad qarinaysay hala wada arko. Dh: kashif.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
foray
/foorey/ (n) weerar-kadis ah, oo siiba dhac ama bililiqo loo-baxo.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
GARAW
[GAROW] Cenchrus ciliaris 01
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garaw
(fal) qir inay wax sidaa la sheegay yihiin; oggolow in ay sax tahay. Dh: garwaaqso.
garaw -ga: (magac, lab, keli) midho yaryar oo ka baxa geedquwaax sidii ul toosan oo xubno leh u baxa. Waa badar inta la karsado la cuno. Garaw buu reerku ku cashaynayaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gorad
-da: (magac, dhedig, keli) madaxa am ainta luqunta ka sarraysa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Goray
(Goray-ga)
Goroyada keeda lab; haldhaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goray
m.l (-yo, m.dh) 1. Gorayo lab. 2. G. ah: awr aan gulgulada soo ridi karin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
goray
m.l (-yo, m.dh) 1. Gorayo lab. 2. G. ah: awr aan gulgulada soo ridi karin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
goray
m. n. male ostrich
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
goray
-ga: (n) male ostrich (os tarish) ~ haldhaa. [opposite of goroyo]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goray
-ga: (magac, lab, keli) gorayada keeda lab. Hablihii sida gorayga ciideed, gelbin jirey tallaabada…
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
goray
bw: goroyo, goroyacawl
de: male ostrich
lx: goray
pd: (-ga)
ps: n2-m
syn: haldhaa
key: goray
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haraw
-ga: (magac, lab, keli) fuudka kolka uu dheriga ku baryo labeenta korkiisa qabsata ee liidliidka madaw leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horan
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Xoolo wax biyo loo horay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
horan
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Xoolo wax biyo loo horay ahaansho. m.f.dh, hornaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Horay
(Horay-da)
Docda loo jeedo; hagaag; hor; fool.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horay
horay¹: m.dh Dhanka loo jeedo; hagaag; fool. la-mid: hore.
horay²: fk. 1. Hor. 2. Waqtigii hore.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
horay
fk. 1. Hor. 2. Waqtigii hore.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
horay
f. n., loc. front, forth, forward direction
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
horay
-da: (n) 1. front (faroont). 2. (adv) before (bifoor). Ex: horay baan u ogaa; I knew it before
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horay
(fal) wax yaacaya, ka hormar oo dhinacyada ka gal oo soo dabbaal, soo xeree. Li: hareeray.
horay-da: (magac, dhedig, keli) xagga hore; docda loo jeedo. Horay u soco waad arki masaajidka e. Dh: hore, hagaag, hor, fool.
horay-da: (magac, dhedig, keli) xilli aad u horreeya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
horay
de: front, forth, forward direction
lx: horay
pd: (-da)
ps: n0-f-loc
key: horay
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
korad
m.l la-mid: korasho.