oomi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oomi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Nafley biyo u diidid. 2. Cid hadal badan ku daalin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
oomi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Nafley biyo u diidid. 2. Cid hadal badan ku daalin. m.f.dh, oomin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
oomi
v. make thirsty; leave thirsty
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
oomi
-yey I say: (v) cause to be thirst; make feel thirst
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oomi
(fal) biyo u diid. Oomi inanta la jeexay nabarku ha bogsadee. Dh: harraadi
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
oomi
de: make thirsty; leave thirsty
lx: oomi
pd: (oomiyey)
ps: v2a=tr
key: oomi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Oomid
(Oomid-da)
Biyo cabbid u baahasho; harraadid; surmiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oomid
m.f.dh eeg oon³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oomid
-da: (magac, dhedig, keli) aad biyo ugu baahasho. Dh: harraadid, dhanqalmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Oomin
(Oomin-ta)
Biyo lagu harraadbeelo siin la'aan; harraad ku jirrabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oomin
m.f.dh eeg oomi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oomin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale biyo u diidid. Dh: harraadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oomis
-ka: (magac, lab, keli) eeg oomin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soomi
f.g2 (-iyay, -isay) Nafley cunta u diidid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
soomi
f.g2 (-iyay, -isay) Nafley cunta u diidid. m.f.dh, soomin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soomi
(fal) cunto ha siin oo ha soomanaado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Asqoobid
(Asqoobid-da)
1. Biyo la cabbo u baahasho weyn; harraadid; oomid.
2. Dayoobid, dhami'id.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhacar
(Dhacar-ta)
1. Dhirta dhulka oomanaha ah ka baxda oo biyaha badan, oo xoolaha daaqaa ayan oomin.
2. Xoolaha, oo dhirta jaadkaas ah, la daajiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Harraadid
(Harraadid-da)
Biyo la cabbo u baahasho; oomid; asqoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Harraadin
(Harraadin-ta)
Harraad badid; biyo la cabbo u diidid; oomin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaryoon
f.mg1 (-oomay, -oontay; -oomi) Markab ama doon dekad ka furasho, ka goosasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dahsoon
dahsoon¹: f.mg1 (-oomay, -oontay; -oomi) Wax qarsoon noqosho.
dahsoon²: f.mg4 (-naa, -nayd) Wax qarsoon ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deeqtoon
deeqtoon¹: f.mg1 (-oomay, -oontay; -oomi) Wax isku filan oo aan cidna u baahnayn noqosho.
deeqtoon²: f.mg4 (-naa, -nayd) Wax isku filan oo aan cidna u baahnayn ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhacar
m.dh 1. Cagaar soo baxa waqtiga jiilaalka ah. 2. Dhirta dhulka oomanaha ah ka baxda oo biyaha badan, oo xoolaha daaqayaan oomin. 3. Xoolaha, oo dhirta jaadkaas ah, la daajiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doon
doon¹: m.l 1. Xoolo tabar yar oo aan aroor dheer geli karin. 2. Meel dhulka inyar ka yara kacsan. 3. Ciidda iyo dhoobaha ceelasha dhaadheer hoostooda laga soo saro.
doon²: f.g/mg1 (-oomay, -oontay; -oomi) 1. (f.g) Ceel dhoobo ka soo saarasho. 2. (f.mg) Xoolo iyo wixi lamida caatoobid.
doon³: f.g1 (-nay, -ntay; -ni) 1. Wax rabid. 2. Wax raadin. 3. Gabadh guur laga doonayo reerkooda weydiisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doorsoon
doorsoon¹: m.l la-mid: Doorsamid; doorsoomid.
doorsoon²: f.mg1 (-oomay, -oontay; -oomi) 1. Qurmid. 2. la-mid: doorsan¹.
doorsoon³: f.mg4 (-naa, -nayd) Wax sidii hore ka duwan ahaansho; wax beddelan ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ebyoon
ebyoon¹: f.mg1 (-oomay, -oontay; -oomi) la-mid: ebyan¹.
ebyoon²: f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: ebyan².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fartoon
f.mg1 (-oomay, -oontay; -oomi) Sidii loo baahnaa amar u qaadasho (qof). la-mid: faran¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaddoon
gaddoon¹: m.l la-mid: geddoomid.
gaddoon²: f.mg1 (-oomay, -oontay; -oomi) la-mid: geddoon².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gadgaddoon
gadgaddoon¹: m.l la-mid: gedgeddoomid.
gadgaddoon²: f.mg1 (-oomay, -oontay; - oomi) la-mid: gedgeddoon².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geddoon
geddoon¹: m.l la-mid: geddoomid.
geddoon²: f.g1 (-oomay, -oontay; -oomi) 1. Wax dhinac u dhicid. 2. Muruqyo, xanuun, caro iyo wixi lamida awgeed isbeddelid (qof). 3. Dib u noqosho (wax). la-mid: gaddoon².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gedgeddoon
gedgeddoon¹: m.l Isrogrogidda wax hadba dhinac isu rogaan. la-mid: gedgeddoomid.
gedgeddoon²: f.mg1 (-oomay, -oontay; - oomi) Wax hadba dhinac u rogmay noqosho. la-mid: gadgaddoon².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
go'doon
go'doon¹: m.l.kh G. ah: xaalad cid geyaysiisa in uu meel ku xayirmo.
go'doon²: f.mg1 (-oomay, -oontay; -oomi) Meel, wax aan la geli karin lagana bixi karin noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gooryoon
gooryoon¹: m.l Harraad aad u badan; asqo.
gooryoon²: f.mg1 (-oomay, -oontay; -oomi) Nafley aad u harraadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oom
-ka: (magac, lab, keli) halbeegga caabbiga danabka waxa loo qoraa sidan:
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oofi
f.g2 (-iyay, -isay) Ballan, arrin iyo wixi lamida fulin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
oofi
f.g2 (-iyay, -isay) Ballan, arrin iyo wixi lamida fulin. m.f.dh, oofin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
oofi
v. fulfill, carry out, execute, put into effect
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
oofi
-yey / say: (v) carry out [a promise, for example]; fulfill (fuulfil)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oofi
(fal) neef dhedig oo rimaya, saaro.
oofi: (fal) fuli, gud. Ballanta oofi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
oofi
de: fulfill, carry out, execute, put into effect
lx: oofi
pd: (oofiyey)
ps: v2a=tr
key: oofi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oohi
f.mg2 (-iyay, -isay) Ka o.: cid oohin ka keenid. la-mid: boohi, ooy.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
oohi
f.mg2 (-iyay, -isay) Ka o.: cid oohin ka keenid. m.f.dh, oohin. la-mid: boohi, ooy.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
oohi
v. cause to cry ~ mourn, make someone weep and wail
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oohi
(fal) (ka ~) dareen uu oohin la lilmeeyo ku samee. Dh: boohi, oysii. Li: aamusii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
oohi
a: boohi
de: cause to cry ~ mourn, make s.o. weep and wail With preposition ka ~ kaga
lx: oohi
pd: (oohiyey)
ps: v2a=
key: oohi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ooli
fal) safar ka nagee; socod uu u bixi lahaa ka jooji. Dh: negay; negee; jooji.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oomo
-da: (magac, dhedig, keli) saabuun budo ah oo wax lagu maydho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Oori
(Oori-da)
Haweeney la qabo; afo; arad; maranti; marwo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oori
m.dh (-iyo, m.l) Haweeney la qabo; afo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
oori
m.dh (-iyo, m.l) Haweeney la qabo; afo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
oori
f. n. wife
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
oori
-da: (n) wife (waayf) ~ afo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oori
-da: (magac, dhedig, keli) marwo la qabo. Dh: afo, xaas, arad, maranti.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
oori
cf: afo, arad, maranti, naag
de: wife
lx: oori
pd: (-da)
ps: n2-f
key: oori
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
coomir
-ka: (magac, lab, keli) nin aad u weyn: ruugcaddaa.
coomir -ka: (magac, lab, keli) coofaadhka aadka u da'da weyn. Dh: daaxuur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doomid
(Doomid-da)
(ceel, kd.) Doon ka soo saarid, ka soo bixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doomid
m.f.dh eeg doon². la-mid: doonis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doomid
-da: (magac, dhedig, keli) ciidda ka soo saarid. Doomidda godka, ku dhaqso. Dh: qodid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koomid
-da: (magac, dhedig, keli) barar yar ama xaasaasiyad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ohoomi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax wadid ama hoggaamin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ohoomi
v. lead ahead, guide (e.g. camel, while shouting commands)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ohoomi
(fal) hoggaami oo jidka tus. Ohoomi ansaleellaha
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ohoomi
de: lead ahead, guide (e.g. camel, while shouting commands)
lx: ohoomi
pd: (ohoomiyey)
ps: v2a=tr
key: ohoomi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
olmomi
(fal) xasiid iyo wax la mid ah, aad u dub oo ku bislee ololka dabka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oodmid
m.f.dh eeg oodan³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oodmid
-da: (magac, dhedig, keli) dhinac kasta ka soo xidhmid. Ma gar oodmid goloskii ku dhalay geed intuu tegey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oogmid
m.f.dh eeg oogan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oogmid
-da: (magac, dhedig, keli) shidmid oo olol dheer yeelasho. Dabaysha ayaa dabka oogmidda ugu wacan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Oomati
(Oomati-da)
Cunno; oon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oomati
m.dh Wax la quuto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
oomati
f. n., [collective] food, nourishment; drink, beverage
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
oomati
-da: (n) food (fuud) ~ oon-ta
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oomati
-da: (magac, dhedig, keli) cunto ama dheef la cuno oo noocyo badan oo kala duduwan leh. Todobaad oomati afka ma saarin. Dh: oon.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
oomati
de: food, nourishment; drink, beverage
lx: oomati
pd: (-da)
ps: n2a-f-col
xe: He doesnt eat or drink anything.
xv: Oomati ma dhadhammin.
key: oomati
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oomiye
m.l (-yayaal, m.l/dh) (daawo) Kaadisokorow.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
oomiye
m.l (-yayaal, m.l/dh) (daaw.) Kaadisokorow.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
oomiye
m. n. diabetes
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
oomiye
de: diabetes
lx: oomiye
pd: (/ha)
ps: n-m
syn: kaadisokorow, sonkorow
key: oomiye
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoombi
qoombi¹: m.l (-iyaal/-iyo, m.dh) Xubinta uu malayga ka neefsado.
qoombi²: f.mg2 (-iyay, -isay) Nafley dhutin. .
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qoombi
m.l (-iyaal/-iyo, m.dh) Xubinta uu malayga ka neefsado.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qoombi
v. limp, be lame
qoombi m. n. gill; gills
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoomid
m.f.dh eeg qoon³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoomid
-da: (magac, dhedig, keli) dhaawac gaadhsiin; wax yeellayn; dakhar ku dhifasho. Dh: dakhrid, dhaawicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qotomi
f.g2 (-iyay, -isay) Weel, qori iyo wixi lamida salka dhulka u dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qotomi
f.g2 (-iyay, -isay) Weel, qori iyo wixi lamida salka dhulka u dhigid. m.f.dh, qotomin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qotomi
v. set up, erect, put upright
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qotomi
-yey / -say: (v) put in an upright position; raise (raayz)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qotomi
(fal) salka u aas oo si fiican dhulka ugu dhidib. Waranka hoggaamiyaha hortiisa ku qotomi. Dh: taag, jooji. Li: jiifi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qotomi
de: set up, erect, put upright (i.e., in vertical position)
lx: qotomi
pd: (qotomiyey)
ps: v2a=tr
key: qotomi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Soomid
(Soomid-da)
Soon gudasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soomid
m.f.dh eeg soon².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
soomid
vl. n. fasting in the holy month of Ramadan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soomid
-da: (magac, dhedig, keli) soon gudasho, cunto iska dayn maalintii bisha ramadaan. Li: cunid, afurid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
soomid
de: fasting in the holy month of Ramadan
initial: s
lx: soomid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: soomid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soomin
m.f.dh eeg soomi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soomin
-ta: (magac, dhedig, keli) cunto ka ilaalin oo qof sooman ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xoomid
(Xoomid-da)
Wadajir, wax ama meel isugu soo uruurid, isa soo tuurid, ku soo shirid; shamuumid; heemasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoomid
-da: (magac, dhedig, keli) meel ku soo ururid oo ku soo shawrid. Dh: xoomis, ururid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoomis
-ka: (magac, lab, keli) muuqaal ka mid ah dhaysta geela oo ah danbarin iyo dhalmo isku diyaarin.
xoomis -ta: (magac, dhedig, keli) meel ku soo ururid oo ku soo shawrid. Dh: xoomid.