ereyga

oomane-u-eke

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

oomane-u-eke

DHAN

m.l (-yaal, m.l/dh) (juqraafi) Ereyo loo istiicmalo cimilada iyo deegaanta siday u kala horeeyaan gobollada cidhifyada lamadegaannada halkaasoo roob sannadeedku in yar badanyahay deegaantuna xoogaa ka filiqsantahay meelaha ku xiga, sida lamadegaanka kulul iyo safaanaha dhexdooda.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

oomane-u-eke

DHAN

m.l (-yaal, m.l/dh) (juqraafi) Ereyo loo istiicmalo cimilada iyo deegaanta siday u kala horeeyaan gobollada cidhifyada lamadegaannada halkaasoo roob sannadeedku in yar badanyahay deegaantuna xoogaa ka filiqsantahay meelaha ku xiga, sida lamadegaanka kulul iyo safaanaha dhexdooda.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

goryaan-u-eke

DHAFANDHAAF

m.l (-ayaal, m.l/dh) (cilmiga naflayda) Nooc gooryaanka ka mid ah oo labada afba dhiigga ku dhuuqa. Waxa laga helaa waddamada cimilada kulul, biyaha iyo dhulka qoyan dhexdooda. Qaar ka mid ah waxay dhiigga ka dhuqaan xoolaha iyo dadkaba qaniinyaduna waxay sameysa cuncun mararna caabuq ama infekshin.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

goryaan-u'eke

DHAFANDHAAF

-ha: (magac, lab, keli) jaad ka mid ah gooryaanka oo labada afba dhiigga ku dhuuqa. Waxa laga helaa waddamada cimilada kulul, biyaha iyo dhulka qoyan dhexdooda. Qaar ka mid ah waxay dhiigga ka dhugaan xoolaha iyo dadkaba qaniinyaduna waxay sameysa cuncun mararna caabuq ama infekshin.

waa la naqliyay ✓