oomanayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oomanayn
m.dh Biyo ka saaridda walax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Oommanaan
(Oommanaan-ta)
Wax oomman ahaan; harraadnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oommanaan
m.f.dh eeg oomman. la-mid: oommanaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
oommanaan
f. n., [abstract] thirst; state of being thirsty
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oommanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) biyo u baahnaan. Oommanaan ayaan xalay ku seexday. Dh: harraadnaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
oommanaan
de: thirst; state of being thirsty
lx: oommanaan
pd: (-ta)
ps: n2-f-abs
key: oommanaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoomamayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax tegey sida aad u maaraysay ama uu kuu dhaafay ka xumaasho oo ka welwelid; tiiraanyo samayn; is ciil kaambiyid. Kolka hore ayaa la is ilaaliyaa ama qoomammaynta ayaa la iska daayaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Oodafayn
(Oodafayn-ta)
Afka ood (= oodafo) ka saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oodafayn
m.f.dh eeg oodafee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oodafayn
-ta: (magac, dhedig, keli) irrid furan jiitin ku oodid. Dh: oodafays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goommanaan
m.dh la-mid: goommoonaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goommanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) gaajo qabitaan; baahi qabitaan.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Oommanayya
avoir soif.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qoomammayn
(Qoomammayn-ta)
Qoomammo dareemid, qabasho, hayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoomammayn
m.f.dh eeg qoommammee. la-mid: qoomammays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoommanaan
m.f.dh eeg qoomman. la-mid: qoommanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soommanaan
m.f.dh eeg soomman. la-mid: soommanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soommanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid soon gudanaya ahaan, qof soon ku jira ahaan oo aan cunto cunayn maalintii oo dhan. Dh: afxidhnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ammaanayn
m.f.dh eeg ammaanee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doonanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) muddada u dhexaysa isasiinta iyo meherka gabadha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fooladayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid guul soo hoysay, foolad u samayn; farxad la wadaagid. Dh: fooladays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
irmaanayn
m.f.dh eeg irmaanee. la-mid: irmanin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
irmaanayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xoolo, caano u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mootanaan
(Mootanaan-ta)
Wax mootan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mootanaan
m.f.dh eeg mootan. la-mid: mootanaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mootanaan
f. n., [abstract] deadness, state of being dead
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mootanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax horayba u dhinsanaa ahaan. Maqnaan aan war loo hayn mootanaan laga quustaa dhaanta.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mootanaan
de: deadness, state of being dead
lx: mootanaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: mootanaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoomamays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qoomamayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qooratayn
(Qooratayn-ta)
Qoorasho; bogdooxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qooratayn
m.dh la-mid: qoorasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qooratayn
-ta: (magac, dhedig, kell) horqabatayn xagga hore ka marid oo joojin. Qoratayn mooyee si kale laguma gaadhaayo. Dh: horqabatayn qoorasho; qooratays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toogahayn
-ta: (magac, dhedig, keli) arrin sida uu yahay ka war hayn. Dh: war-qabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garoomanaan
m.f.dh eeg garooman. la-mid: garoomanaansho, garoonnaan, garoonnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soomaliyayn
m.f.dh eeg Soomaaliyee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
toolmoonayn
m.f.dh eeg toolmoonee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toolmoonayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax toolmoon ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aanayn
(Aanayn-ta)
Aano ku raadin ama darteed wax ku yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aanayn
m.f.dh eeg aanee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aanayn
-ta: (magac, dhedig, keli) «u ~» fal cid kale u tiirinta, si loo muujiyo in uu sababtiisa lahaa. Aanaynta gabay fidnadeed oo aanay lahayn Caasha, waa xadgudub loo gaystay xuquuqda qoraalka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
banayn
-ta: (magac, dhedig, keli) meel geedo leh ka jirid oo ban ka dhigid. Dh: daleedayn.
banayn -ta: (magac, dhedig, keli) meel xidhan furid. Dh: bannayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Danayn
(Danayn-ta)
Dan u gelid; dan u yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danayn
m.f.dh eeg danee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax u soo jeedid iyo fiiro u yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fanayn
m.f.dh eeg fanee. la-mid: fanaysi, fangelin, fangelis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macayn
m.f.dh la-mid: macaaneyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax mac ka dhigid. Dadku macaynta cuntada way ku kala fiican yihiin. Dh: macaanayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xad iyo daari u yeelid. Dh: xadayn, daariyayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
majayn
-ta: (magac, dhedig, keli) majo ku haamid. Majaynta heeddu waxay u baahan tahay guus. Dh: goyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Malayn
(Malayn-ta)
Maanka wax ka fiirin, wax gelin, wax ku hayn; awaalid; fakarid; moodid; u qabid; u qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malayn
m.f.dh eeg malee.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
malayn
-ta: (n) the act of thinking; thought (thoot) malo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malayn
-ta: (magac, dhedig, keli) malo ama talo lagu meel maro keenid. Dh: arrimin, hoggaamin.
malayn-ta: (magac, dhedig, keli) wax aan la hubin si u suurayn oo u mala'awaalid. Dh: malays qiyaasid. Li: hubid, ogid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Masayn
(Masayn-ta)
Mase ka dhigid; simid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masayn
-ka: (magac, laab, keli) dibi laboodhedig ah.
masayn -ta: (magac, dhedig, keli) wax siman oo isku mid ama is le'eg ah ka dhigid. Dh: simid maseyn, misayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Oodayn
(Oodayn-ta)
Ood saarid; ood ku celin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oodayn
m.f.dh eeg oodee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oodayn
-ta: (magac, dhedig, keli) oodsaarid ama ood ku meerin. Isaga ayaa loo xilsaaray oodaynta xerada. Dh: oodid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oofayn
m.f.dh eeg oofee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Oomaar
(Oomaar-ka)
Hulaaq ama ciiryaamo-la-mood ka kaca biyaha iyo wixii qoyan oo kululaada; uumi, qiiqbiyood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oomaar
oomaar¹: m.l 1. Kul badan. 2. Ur ka dhasha cunto gubatay biyo la'aan awgeed.
oomaar²: f.mg1 (-ray, -rtay) 1. Kul badan ku gubasho. 2. Cunto dab saaran biya la'aan awgeed gubasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
oomaar
m.l 1. Kul badan. 2. Ur ka dhasha cunto gubatay biyo la'aan awgeed.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Oomaar
name: Oomar
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
oomaar
m. n., (mass n.): steam, mist, vapor
oomaar v. steam, emit steam; smoke ~ burn (as of food on the stove)
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Oomaar
nickname; name-m steam, emit steam; mist, vapor. Lit: an always hot and temperamental person or he who was born during the hot and windy season. Cf: Hunri
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
oomaar
-ka: (n) steam (istiim) ~ uumi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Oomaar
magac loo baxsho wiil dhashay xilli kulayl ah ama isaguba ahaa wiil firfircoon diirran.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oomaar
-ka: (magac, lab, keli) uumiga ka baxa biyuhu markay baylaan. Oomaarka dherigu yuu ku gubin. Dh: uumi, qiiqbiyood.
oomaar-ka: (magac, lab, keli) qadhmuunka xooga ah. Biyaha diimiska ah oomaar xun ayaa ka baxa. Dh: ontor.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oomane
m.l (-ayaal, m.l/dh) (c.cimi.) Roob yari: badanaa waxaa lagu isticmaalaa cimilo ama gobol uu roobku ku yaryahay oo uu deegaanta si liidata ugu filanyahay. Mararka qaarkood waxaa lagu isticmaalaa meelaha celceliska roobku ka yaryahay 250 mm (10 hiisk).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
oomane
m.l (-ayaal, m.l/dh) (c.cimi.) Roob yari: badanaa waxaa lagu isticmaalaa cimilo ama gobol uu roobku ku yaryahay oo uu deegaanta si liidata ugu filanyahay. Mararka qaarkood waxaa lagu isticmaalaa meelaha celceliska roobku ka yaryahay 250 mm (10 hiisk).
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Oomane
Arid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Oomman
Oon hayo; harraadan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oomman
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Cid wax oon hayo ahaansho. 2. Cid wax si aad ah wax ugu baahan ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
oomman
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Cid wax oon hayo ahaansho. 2. Cid wax si aad ah wax ugu baahan ahaansho. m.f.dh, oommanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
oomman
der. [adjective] thirsty
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Oomman
name-f thirsty; drought, waterless season, waterless place; she who was born during a drought spell or was born in a drought-striken place
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
oomman
-aa I ayd: (adj) thirsty (ther-esti); feeling thirst
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oomman
(tilmaame) harraadan oo biyo u baahan. Nin comman ayaan waraabiyey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
oomman
de: thirsty
lx: oomman
pd: (oommanaa)
ps: adj-der
key: oomman
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ormayn
m.f.dh eeg ormee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ormayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhawaaq iyo or si wadar ah loo sameeyo.
ormayn-ta: (magac, dhedig, keli) wadar ku socosh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caanayn
m.f.dh eeg caanee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cunto, shaah iyo la mid ah, caano ku darid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doomayn
m.f.dh eeg doomee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doomayn
-ta: (magac, dhedig, keli) doomo samayn. Doomaynta waxa laga sameeyaa geed baar la yidhaa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoomaay
v. look ~ stare at; look after; shelter, protect; huddle over
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hoomaay
a: hoomaa
de: look ~ stare at; look after; shelter, protect; huddle over
lx: hoomaay
pd: (hoomaayay / hoomaayday)
ps: v1=
key: hoomaay
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
imanaya
v., subject case, present progressive: it is ... who is / are coming
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
imanaya
(adj) coming (kaming)- incoming (inkaming) ~ soo socda, imaanaya Ex: baska imanaya; the coming bus, —imanayaa: coming (kaming). Ex: goormuu basku imaanayaa? what time is the bus coming? —imaanaysaa. she is coming, —imaanayaan: they are coming, —imaanaysaan: you are (all) coming, —imanayo: I or he is coming with negative word not [ma] Ex: anigu ma imanayo; / am not coming
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
imanaya
de: it is ... who is / are coming
lx: imanaya
pd: (imaneya)
ps: v4b-subj-prpg
key: imanaya
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
imanayo
v., sg., neg., present progressive: I am not / he is not coming
imanayo v., sg., relative form present progressive: that I am / he is coming
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
imaneyn
v., neg., progressive v. form: was / were not coming
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
imaneyn
de: was / were not coming
lx: imaneyn
pd: (imanayn ~ imaneynin)
ps: v4b-neg-prog
xe: Who is not coming to work tomorrow?
xv: Yaan shaqada imaneyn berri?
key: imaneyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Macnayn
(Macnayn-ta)
Macne u yeelid; fasirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macnayn
m.f.dh eeg macnee. la-mid: macnays, micnayn, micnays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macnayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sharraxid oo waxa looga jeedo cid aan garanayn u fasirid. Erey la wada fahmayaayi macnayn uma baahna Dh: laqmayn, fasirid, macnays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oodnaan
m.f.dh eeg oodan4. la-mid: oodnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oodnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) meel dhinac walba ka soo xidhan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Oognaan
(Oognaan-ta)
Aad u shidnaan; wax oogan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oognaan
m.f.dh eeg oogan². la-mid: oognaansho.