oodmid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oodmid
m.f.dh eeg oodan³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oodmid
-da: (magac, dhedig, keli) dhinac kasta ka soo xidhmid. Ma gar oodmid goloskii ku dhalay geed intuu tegey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoodmid
m.f.dh eeg xoodan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoodmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax soo qoolaabmay oo godan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Oodid
(Oodid-da)
Ood saarid; xirid; awdid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oodid
m.f.dh eeg ood².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oodid
-da: (magac, dhedig, keli) ood ku meerin.
oodid-da: (magac, dhedig, keli) ood afka ka saarid. Oodidda Irridda Saynab baan u diray. Dh: awdid.
oodid-da: (magac, dhedig, keli) alaab furan xidhid. Dh: xirid, awdid. Dh: furida.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Oomid
(Oomid-da)
Biyo cabbid u baahasho; harraadid; surmiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oomid
m.f.dh eeg oon³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oomid
-da: (magac, dhedig, keli) aad biyo ugu baahasho. Dh: harraadid, dhanqalmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hodmid
(Hodmid-da)
1. Xoolo badan yeelasho; hodan noqosho; tanaadid; taajirid.
2. Ku dagmid; ku khatalmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hodmid
m.f.dh eeg hodan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hodmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax ku dagmid ama ku khatalmid. Dh: dagmid, khatalmid.
hodmid-da: (magac, dhedig, keli) xoolo badan yeelasho, qani noqosho. Dh: tanaadid, taajirid. Li: caydhoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oogmid
m.f.dh eeg oogan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oogmid
-da: (magac, dhedig, keli) shidmid oo olol dheer yeelasho. Dabaysha ayaa dabka oogmidda ugu wacan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qodmid
(Qodmid-da)
Wax qodma ama qodmi kara noqosho; iska faagmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qodmid
m.f.dh eeg qodan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qodmid
-da: (magac, dhedig, keli) jilayc darteed wax la qodi karo ahaan. Dh: qodmis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oodan
oodan¹: m.l 1. Qof ka dhashay qolo xoog iyo tiro badan. 2. Bawdka beerta. 3. Meel dhir badan leh oo mariddeedu dhibtahay. 4. la-mid: oodmid.
oodan²: m.dh Ciyaarta shaxda oo aan meel laga soo galo lahayn.
oodan³: f.mg1 (-dmay, -dantay; -dmi) 1. Wax xirmay noqosho (albaab, xero iyo wixi lamida). 2. Arrin, hadal iyo wixi lamida wax naan meel haysan noqosho.
oodan⁴: f.mg4 (-dnaa, -dnayd) 1. Xero wax la ooday ahaansho. 2. Qof aan waxba la dhacsiin karin ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
oodan
oodan¹: m.l 1. Qof ka dhashay qolo xoog iyo tiro badan. 2. Bawdka beerta. 3. Meel dhir badan leh oo mariddeedu dhibtahay.
oodan²: f.mg1 (-dmay, -dantay; -dmi) 1. Wax xirmay noqosho (albaab, xero iyo wixi lamida). 2. Arrin, hadal iyo wixi lamida wax naan meel haysan noqosho. m.f.dh, oodmid.
oodan³: f.mg4 (-dnaa, -dnayd) 1. Xero wax la ooday ahaansho. 2. Qof aan waxba la dhacsiin karin ahaansho. m.f.dh, oodnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dooxmid
(Dooxmid-da)
Doox ka imaansho; doox sii deyn; shuban dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dooxmid
m.f.dh eeg dooxan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dooxmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax dooxan oo uurka ka qalan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goosmid
m.f.dh eeg goosan².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoolmid
m.f.dh eeg hoolan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoolmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax hoolan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koobmid
m.f.dh eeg kooban¹. la-mid: koobniin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oodjiid
oodjiid¹: m.l 1. Dhigidda maroodi dhigo ood weyn jidka raxantu marto si uu ugu xujeeyo arbaha raxanta wada. 2. Xuja adag oo cid la hor dhigo. 3. Calaamad geediga loo sameeyo si uusan u habaabin ood yar dhulka loogu jiido.
oodjiid²: f.mg1 (-day, -dday) 1. U o.: si uu u ogaado tabarta arbaha, jidka raxantu ku aroorto ood weyn dhigid (maroodi). 2. U o.: cid geeddi ah si aysan u habaabin calaamad u sameyn. 3. U o.: cid xuja adag hor dhigid. 4. U o.: cid wax dooneysa qadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oodjiid
(fal) u si uu u ogaado tabarta arbaha, jidka raxantu ku aroorto ood weyn dhig.
oodjiid: (fal) u cid geeddi ah si aysan u habaabin calaamad u samee.
oodjiid: (fal) u cid xujo adag hor dhig. oodjiid: (fal) u cid wax dooneysa qadi.
oodjiid -ka: (magac, lab, keli) dhigidda maroodi dhigo ood weyn jidka raxantu marto si uu ugu xujeeyo arbaha raxanta wada.
oodjiid -ka: (magac, lab, keli) xuja adag oo cid la hor dhigo.
oodjiid -ka: (magac, lab, keli) calaamad geediga loo sameeyo si uusan u habaabin ood yar dhulka loogu jiido.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoolmid
m.f.dh eeg qoolan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoonmid
m.f.dh eeg qoon4.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soocmid
m.f.dh eeg soocan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soocmid
-da: (magac, dhedig, keli) sida adhiyo kale ku jiaray oo gooni uga baxid.
soocmid -da: (magac, dhedig, keli) wax soocan noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yoonmid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg yoomid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oomi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Nafley biyo u diidid. 2. Cid hadal badan ku daalin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
oomi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Nafley biyo u diidid. 2. Cid hadal badan ku daalin. m.f.dh, oomin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
oomi
v. make thirsty; leave thirsty
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
oomi
-yey I say: (v) cause to be thirst; make feel thirst
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oomi
(fal) biyo u diid. Oomi inanta la jeexay nabarku ha bogsadee. Dh: harraadi
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
oomi
de: make thirsty; leave thirsty
lx: oomi
pd: (oomiyey)
ps: v2a=tr
key: oomi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Godid
(Godid-da)
Qaab godan u yeelid; wax godan ka dhigid; soo laabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
godid
m.f.dh eeg god².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
godid
-da: (magac, dhedig, keli) hoos u qodid; hoos u daloolin. Godid ayay u baahan tahay meeshu si biyuhu u fadhiistaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hodid
(Hodid-da)
Dagid; khatalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hodid
m.f.dh eeg hod².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hodid
-da: (magac, dhedig, keli) dagid ama khatalid. Hodidda ragga iska jir. Dh: hodis, khatalid, dagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hodmi
f.g2 (-iyay, -isay) Qof hodon ka dhigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hodmi
v. make someone rich ~ wealthy, enrich
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hodmi
(fal) xoolo badan u yeel; taajir ka dhig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hodmi
de: make s.o. rich ~ wealthy, enrich
lx: hodmi
pd: (hodmiyey)
ps: v2a=tr
key: hodmi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Idmid
(Idmid-da)
Idan siin; in la falo, kd., oggolaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
idmid
m.f.dh eeg idan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
idmid
-da: (magac, dhedig, keli) fasax iyo oggolaansho siin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oo'id
-da: (magac, dhedig, keli) (ka ~) ka qaylin, gacmaha ka taagid, cabasho siyaado ah. Oo'idda odayga wayn iska eeg cuqubaa ku jirtee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oodis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg oodid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Oogid
(Oogid-da)
1. (dab) aad u shidid.
2. Sii wadid; joojin la'aan; toosin; qumin; abaabulid, kicin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oogid
m.f.dh eeg oog³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oogid
-da: (magac, dhedig, keli) dab aad u shidid. Dh: oogis.
oogid -da: (magac, dhedig, keli) abaabulid, dardar cusub galen. Dh: oogis
oogid-da: (magac, dhedig, keli) salaad iyo wixii la mid ah, samaynteeda si niyadsami ah ugu istaagid. Oogidda salaaddu waa rukun asaasi ah.
oogid-da: (magac, dhedig, keli) dacwad samayn oo cid ku eedayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oolid
-da: (magac, dhedig, keli) safar ka nagaansho: socod loo bixi lahaa ka joogid. Dh: oolis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Oomin
(Oomin-ta)
Biyo lagu harraadbeelo siin la'aan; harraad ku jirrabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oomin
m.f.dh eeg oomi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oomin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale biyo u diidid. Dh: harraadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oomis
-ka: (magac, lab, keli) eeg oomin
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Ootid
Ootidh
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ooyid
(Ooyid-da)
Booyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ooyid
m.f.dh eeg ooy. la-mid: booyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ooyid
-da: (magac, dhedig, keli) ilmayn iyo qaylin ciilkaambi ah oo ay keento xanuun, dilmo, murugo iyo wixii la mid ah. Nin dhintay ooyid kuma soo noqdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ordid
(Ordid-da)
Lugaha, degdeg socodka ka fudud oo ka dhaqso badan, u qaadid; roorid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ordid
m.f.dh eeg orod².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ordid
-da: (magac, dhedig, keli) caymadid oo orod dheer cararid. Dh: roorid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qodid
(Qodid-da)
Dhulka gudihiisa, ciid ama wax kale ka soo bixin, ka soo qufid; faagid; faarfaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qodid
m.f.dh eeg qod². la-mid: qoditaan, qodniin, qodow.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qodid
-da: (n) excavation (ekes-ka-veey-shin); the act of digging ~ qufid, qodaal, qodniin, faagid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qodid
-da: (magac, dhedig, keli) beer falid.
qodid -da: (magac, dhedig, keli) dhul daloolin oo ciidda ka gurid oo gun dheer u yeelid. Dh: faqid, qodis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
awdmid
awdmid¹: m.f.dh la-mid: awdan¹.
awdmid²: m.l (daawo) Xubin daloosha ee jirka ka mid ah oo wada xiranta ama qaarkeed awdmo; sida xiidmaha, halbowlayaasha iyo wixi lamida.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
awdmid
m.l (daaw.) Xubin daloosha ee jirka ka mid ah oo wada xiranta ama qaarkeed awdmo; sida xiidmaha, halbowlayaasha iyo wixi lamida.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Boodid
(Boodid-da)
Bootin samayn; dhaqso u hinqad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boodid
m.f.dh eeg bǫod.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boodid
-da: (magac, dhedig, keli) kicintaan dhakhso ah. Boodidda waa lagu yaqaan iyo bayrta uu gabaye.
boodid -da: (magac, dhedig, keli) meel kor uga kac oo xagga sare ka mar.
boodid -da: (magac, dhedig, keli) wax ka cadhood oo ka kicid.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
boodid
وَتْبِ، وَنَطْ، قَفْزِ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cidmid
m.dh eeg cidan².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dadmid
m.dh la-mid: dedmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dedmid
m.f.dh eeg dedan². la-mid: dadmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doodid
(Doodid-da)
Murmid; hadlid; baanid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doodid
m.f.dh eeg dood³. la-mid: doodis.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
doodid
-da: (n) the act of debating or arguing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doodid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, la mormid; baane iyo hadal ku jirid. Dh: mormid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doomid
(Doomid-da)
(ceel, kd.) Doon ka soo saarid, ka soo bixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doomid
m.f.dh eeg doon². la-mid: doonis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doomid
-da: (magac, dhedig, keli) ciidda ka soo saarid. Doomidda godka, ku dhaqso. Dh: qodid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gedmid
-da: (magac, dhedig, keli) lumitaanka uu wax lumo ama tiro la gefo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Godlid
(Godlid-da)
Godol ka doonid; caano ka raadin; godlin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
godlid
m.f.dh eeg godol². la-mid: godlin, godol¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
godlid
-da: (magac, dhedig, keli) godol ka keenid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hodmin
m.f.dh eeg hodmi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hodmin
-ta: (magac, dhedig, keli) xoolo badan yeelasho; tanaadid; taajirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hogmid
-da: (magac, dhedig, keli) qaylin oo yab-qamid. Dh: buugid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koomid
-da: (magac, dhedig, keli) barar yar ama xaasaasiyad.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Midmid
Bijection
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
midmid
-ka: (magac, lab, keli) kolba hal; wax guud ahaan mid ah aanse isku xidhnayn. Kol ha wada bixinee midmid u baxa. Dh: halhal, xabbad xabad. Li: idayl, kooxkoox.