oodkacnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oodkacnaan
m.f.dh eeg oodkacan. la-mid: oodkacnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oodkacnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) hilib la muramureeyay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Oodkacan
Oodkac laga dhigay; sida oodkaca loo yaryareeyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oodkacan
f.mg4 (-cnaa, -cnayd) Wax oodkac laga dhigay ahaansho (hilib).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
oodkacan
der. [adjective] made into ghee-meat; minced and preserved
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oodkacan
(tilmaame) hilib la luqmadeeyey. Hilib oodkacan ayaan cunay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
oodkacan
de: made into ghee-meat; minced and preserved
lx: oodkacan
pd: (oodkacnaa)
ps: adj-der
key: oodkacan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oodkacnaansho
m.l/dh la-mid: oodkacnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oodkacnaansho
-ha: (magac, lab, keli) muqmad ama luqmad ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oodnaan
m.f.dh eeg oodan4. la-mid: oodnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oodnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) meel dhinac walba ka soo xidhan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cokanaan
m.dh la-mid: cukanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cokanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid biyo ka dhergey ahaan; wabaxsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhacnaan
(Dhacnaan-ta)
Qof la dhacay ama dhacan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhacnaan
m.f.dh eeg dhacan³. la-mid: dhacnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhacnaan
f. n., [abstract] state of having been robbed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhacnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax dhacan ahaan. Ninku dhacnaan ayuu ka cabanayaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhacnaan
de: state of having been robbed
lx: dhacnaan
pd: (-ta)
ps: n2-f-abs
key: dhacnaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cogkanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qof hadalka odhan kara ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Godlanaan
(Godlanaan-ta)
Godlanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
godlanaan
m.f.dh eeg godlan. la-mid: godlanaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
godlanaan
f. n., [abstract] readiness for milking
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
godlanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) xoolo caano keenay ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
godlanaan
de: readiness for milking (of the udder of a cow)
lx: godlanaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: godlanaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oodkaqaad
-ka: (magac, lab, keli) xoolo xeraysan si deyn. Oodkaqaadka aroortii ayaa u fiican xoolaha Dh: foofin, dareerin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Oommanaan
(Oommanaan-ta)
Wax oomman ahaan; harraadnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oommanaan
m.f.dh eeg oomman. la-mid: oommanaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
oommanaan
f. n., [abstract] thirst; state of being thirsty
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oommanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) biyo u baahnaan. Oommanaan ayaan xalay ku seexday. Dh: harraadnaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
oommanaan
de: thirst; state of being thirsty
lx: oommanaan
pd: (-ta)
ps: n2-f-abs
key: oommanaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qodbanaan
(Qodbanaan-ta)
Wax qodban ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qodbanaan
m.f.dh eeg qodban. la-mid: qodbanaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qodbanaan
f. n., [abstract] state of being sewn together ~ joined
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qodbanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax xidhan oo qodobkii ku yaal ahaan. Kartoonka ha furinee qodbanaanta ku iibsada. Dh: xidhnaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qodbanaan
de: state of being sewn together ~ joined
lx: qodbanaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: qodbanaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sidkanaan
m.f.dh eeg sidkan. la-mid: sidkanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sidkanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) hal ay wadaagaan laba nirgood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gowracnaan
m.f.dh eeg gowracan. la-mid: gowracnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gowracnaan
-ta: (magac, dhedug, keli) neef gowracan ahaan oo biraysnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
loodsanaan
loodsanaan¹: m.f.dh eeg loodsan². la-mid: loodsanaansho.
loodsanaan²: m.dh (fiisikis) Astaanta walxaha qaarkood u oggolaata in ay ku noqdaan qaabkoodii salka ahaa marka laga qaado xooggii qaabka walaxda dooriyey.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
loodsanaan
m.dh (fiisikis) Astaanta walxaha qaarkood u oggolaata in ay ku noqdaan qaabkoodii salka ahaa marka laga qaado xooggii qaabka walaxda dooriyey.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Loodsanaan
Elasticity
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moodsanaan
m.f.dh eeg moodsan. la-mid: moodsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moodsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) sida ay tahay maahee si kale moodid oo u haysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaddacnaan
(Qaddacnaan-ta)
Wax qaddac ah, ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaddacnaan
m.f.dh eeg qaddacan. la-mid: qaddacnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaddacnaan
f. n. clarity, visibility
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaddacnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax muuqda oo cad ahaan.
qaddacnaan -ta: (magac, dhedig, keli) wax qaddac ah ahaan. Qaddacnaanta dhagaxa la cunay oggolow
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaddacnaan
de: clarity, visibility
lx: qaddacnaan
pd: (-ta)
ps: n-f
key: qaddacnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoodsanaan
m.dh la-mid: xoodnaan.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xoodsanaan
Curvature
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoodsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) soo godnaan; wax soo qoolaaban ahaan. Dhigta iyo qaansada xoodsanaanta waa loogu talo galay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
awooddarnaan
m.f.dh eeg awooddaran. la-mid: awooddarnaansho, awooddarri, awooddarro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
awooddarnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) itaalxumi; amar la'aan.
awooddarnaan -ta: (magac, dhedig, keli) itaalxumi amar la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goobaabnaan
m.f.dh eeg goobaaban. la-mid: goobaabnaansho, koobaabnaan, koobaabnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goosaarnaan
m.dh la-mid: koosaarnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koobaabnaan
m.dh la-mid: goobaabnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koobaabnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid goobaaban ahaan; goobaabnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koosaarnaan
m.f.dh eeg koosaaran. la-mid: goosaarnaan, goosaarnaansho, koosaarnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koosaarnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax koosaaran ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaldhacnaan
m.dh la-mid: qallacnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qoolaabnaan
(Qoolaabnaan-ta)
Wax qoolaaban ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoolaabnaan
m.f.dh eeg qoolaaban. la-mid: qoolaabnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qoolaabnaan
f. n., [abstract] state of being bent, curved ~ bowed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoolaabnaan
-ta: (magac, dhedig. keli) eeg galloocnaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qoolaabnaan
de: state of being bent, curved ~ bowed
lx: qoolaabnaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: qoolaabnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yookaysnaan
(Yookaysnaan-ta)
Likaysanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yookaysnaan
m.f.dh eeg yookaysan. la-mid: yookaysnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yookaysnaan
f. n., [abstract] state of sprouting, sticking up
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yookaysnaan
-ta: (magac, dheddig, keli) kor u kuusnaan oo madaxfiiqan lahaan. Riiqa iyo gombiska yookaysnaanta waa loogu tala galay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabnaan
(Dabnaan-ta)
Wax daban ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabnaan
m.f.dh eeg daban. la-mid: dabnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dabnaan
f. n., [abstract] state of being hunted ~ trapped
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax dabin ku jira ahaan. Dabnaan baannu ku qabannay sagaarada.
dabnaan -ta: (magac, dhedig, keli) neef aayar loo dabray ahaan.
dabnaan -ta: (magac, dhedig, keli) neef neef ku xidhiidhsan ahaan.
dabnaan -ta: (magac, dhedig, keli) timo tidcan ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dabnaan
de: state of being hunted ~ trapped
lx: dabnaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: dabnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dadnaan
m.dh la-mid: dednaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dadnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax dedan oo dusha ay wax ka saaran yihiin ahaan. Alaabta dadnaanta u daa yaanay qoyine. Dh: dednaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dagnaan
(Dagnaan-ta)
Ahaanta la yahay wax dagan ama wax la yeeli karo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dagnaan
m.f.dh eeg dagan². la-mid: dagnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dagnaan
f. n., [abstract] defenselessness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dagnaan
-ta: (n) being a defenseless
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dagnaan
Disattesa; trascuratezza
Carelessness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dagnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) dayacnaan, warmaqabto cadowgaagu kaa helo. Garbadiiri reer dagan ma waydo. Dh: dayacnaan.
dagnaan-ta: (magac, dhedig, keli) xoolo iyo wax la mid ah, dayacnaaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dagnaan
de: defenselessness
lx: dagnaan
pd: (-ta)
ps: n2-f-abs
key: dagnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dahnaan
m.dh la-mid: dihnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Darnaan
(Darnaan-ta)
Darnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darnaan
m.f.dh eeg daran³. la-mid: darnaansho, darni, darno, darsanaan, darsanaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
darnaan
f. n. being worse
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
darnaan
-ta: (n) harshness (harshnas); extremity (ekis-tirimati) ~ aad u daran
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) naxariisdarro iyo adayg.
darnaan -ta: (magac, dhedig, keli) wax sidii hore ka daran ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
darnaan
de: being worse
lx: darnaan
pd: (-ta)
ps: n0-f
key: darnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhacaan
(Dhacaan-ka)
Biyabbiyood layiig ah ama jilicsan oo oogada nafleyda (sankunneefle, dhir) ku jira, badanaana meelihii wax ka gaaraan ka yimaada: (ama dheecaan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhacaan
dhacaan¹: m.l (-aamo, m.dh) Hoore layiig ah oo ka yimaada nabar ama dhaawac gaaray oogada noole. la-mid: dheecaan¹.
dhacaan²: m.l (baayoloji) Hab hawleed uu qanjir dhiigga ama dhacaanka soohyada wax kala soo baxo oo kaddib u beddel kiimikaad ku sameeyo si uu u soo saaro walax lagu isticmaali karo jirka dheexdiisa ama dibedda looga saarayo.
dhacaan³: f.mg1 (-aamay, -aantay; -aami) Oogada noole nabar ama dhaawac gaaray awgeed hoore layiig ah ka imaansho. la-mid: dheecaan².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhacaan
dhacaan¹: m.l (-aamo, m.dh) Hoore layiig ah oo ka yimaada nabar ama dhaawac gaaray oogada noole. la-mid: dheecaan.
dhacaan²: m.l (baay.) Hab hawleed uu qanjir dhiigga ama dhacaanka soohyada wax kala soo baxo oo kaddib u beddel kiimikaad ku sameeyo si uu u soo saaro walax lagu isticmaali karo jirka dheexdiisa ama dibedda looga saarayo.
dhacaan³: f.mg1 (-aamay, -aantay; -aami) Oogada noole nabar ama dhaawac gaaray awgeed hoore layiig ah ka imaansho. m.f.dh, dhacaamid. la-mid: dheecaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhacaan
m. n., [collective] liquid, fluid, moisture; sap; serum
dhacaan v. secrete sap, enzyme, fluid ~ pus (of a plant, wound, etc.)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhacaan
-ka: (n) secretion (si-kirii-shiri); sap (saap); fluid (fulu-widh) ~ dheecaan
dhacaan:- dhacaamay / dhacaantay: (v) secrete (se-kiriit); sap (saap); exude (eg-zuudh)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhanaan
1. Dhadhanka cusbada leh.
2. (Dhanaan-ka) Dhadhanka cusbada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhanaan
dhanaan¹: m.l Dhadhan aan macaanayn, kharaarayn, carrabku uusan jeclaysan oo laga helo cusbada, liinta iyo wixi lamida.
dhanaan²: f.mg1 (-aamay, -aantay; -aami) Wax dhadhan cusbo leh noqosho.
dhanaan³: f.mg4 (-naa, -nayd) Wax dhadhan cusbo yeelasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhanaan
m.l Dhadhan aan macaanayn, kharaarayn, carrabku uusan jeclaysan oo laga helo cusbada, liinta iyo wixi lamida.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhanaan
m. n., [abstract] (adj.): tartness, acrid ~ salty flavor; tart, sour, salty