oodgeddis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oodgeddis
m.l la-mid: oodgeddin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oodgeddiso
f.g3 (-istay, -isatay) la-mid: oodrogo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oodgeddi
f.g2 (-iyay, -isay) Xero ama guri diqoobay meel u dhow u rarid (xoolo).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oodgeddi
-ga: (magac, lab, keli) xero ama guri gaboobay meel u dhow u rarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oodgeddin
m.f.dh eeg oodgeddi. la-mid: oodgeddis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oodrogasho
m.f.dh eeg oodrogo. la-mid: oodgeddisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oodrogo
f.g3 (-gtay, -gatay) Meel degalowday meel u dhow uga guurid. la-mid: oodgeddiso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gedgeddis
m.l la-mid: gedgeddiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gedgeddis
-ka: (magac, lab, keli) wax qaab ku sugnaa, kolba si u rogis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geddis
(Geddis-ka)
Rogrogad; ganacsi; geddisasho; doorsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geddis
m.l 1. Rogrogis; ganacsi. 2. la-mid: geddiyid. la-mid: gaddis.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
geddis
m.l 1. Rogrogis; ganacsi. 2. la-mid: gaddis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geddis
vl. n. change, exchange
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geddis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg geddin
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
geddis
de: change, exchange
lx: geddis
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: geddis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gedgeddi
f.g1/2 (-iyay, -iday/isay; -iyi) 1. Wax hadba dhinac u rogid. 2. Badeeco ganacsi ku sameyn. 3. Eray fal ah rogrogid. la-mid: gadgaddi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gedgeddi
f.g1/2 (-iyay, -iday/isay; -iyi) 1. Wax hadba dhinac u rogid. 2. Badeeco ganacsi ku sameyn. 3. Eray fal ah rogrogid. m.f.dh, gedgeddiyid. la-mid: gadgaddi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gedgeddi
v. overturn something several times; conjugate (a verb) {grammar}
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gedgeddi
-yey / say: (v) [Plural of geddi] tip over, upturn or overturn several times
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gedgeddi
(fal) bedbedil, doordoori oo kolba si rogrog. Gedgeddi gaadhiga oo midkale soo iibso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gedgeddi
cf: rogrog
de: overturn s.t. several times; conjugate (a verb) {grammar}
lx: gedgeddi
pd: (gedgeddiyey / gedgeddiday ~ gedgeddisey)
ps: v1=tr / v2a=tr
key: gedgeddi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gadgaddis
m.l la-mid: gedgeddiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadgaddis
-ka: (magac, lab, keli) rogrogista wax kolba si laga dhigo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gedgeddin
m.dh la-mid: gedgeddiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gedgeddin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax dhawr jeer rogrogid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caadageddis
-ka: (magac, lab, keli) caado hore loogu dhaqmi jirey beddelid. Dh: caadabeel.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hawageddis
-ka: (n) vacation (vee-keeyshen); holiday (holidheey)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawageddis
-ta: (magac, dhedig, keli) meel cimilo leh ka tegid oo deegaan kale u digarogasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalageddis
-ka: (magac, lab, keli) rogitaanka halbeegga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xerageddis
m.l la-mid: xeragaddin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ededis
-ka: (magac, lab, keli) eeg ededin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaddis
m.l la-mid: geddis.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Gaddis
Cambio; commercio; baratto
Trade; barter
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaddis
-ka: (magac, lab, keli) ganacsi samayn. Dh: rogrogad, ganacsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geddin
m.f.dh eeg geddi². la-mid: geddiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geddin
-ta: (magac, dhedig, keli) rogid oo dhanka kale u gembin. Dh: gembin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gedmis
m.l la-mid: gedmin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gedmis
-ka: (magac, lab, keli) eeg gedmin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ooddin
m.dh Xanuun saableyda qabta oo ka dhasha jug, dabayl xoog leh ama muruqo go'.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ooddin
m.dh Xanuun saableyda qabta oo ka dhasha jug, dabayl xoog leh ama muruqo go'.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ooddin
f. n. sharp pain in the back
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ooddin
-ta: (magac, lab, keli) xanuun saableyda qabta oo ka dhasha jug, dabayl xoog leh ama muruqo go'.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ooddin
cf: xanuun
de: sharp pain in the back
lx: ooddin
pd: (-ta)
ps: n2-f
key: ooddin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheddig
(Dheddig-ga)
Magac guud oo kooba labada jaad oo nafleydu u kala baxdo, kan wax dhala oo nuujiya; dheddigood; dumar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheddig
m.l 1. Magac guud oo kooba labada jaad oo nafleydu u kala baxdo, kan wax dhala oo nuujiya; dumar. 2. Dh. ah: wax dumareed ah. la-mid: dhaddig, dhiddig.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dheddig
m.l 1. Magac guud oo kooba labada jaad oo nafleydu u kala baxdo, kan wax dhala oo nuujiya; dumar. 2. Dh. ah: wax dumareed ah. la-mid: dhaddig, dhiddig.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dheddig
m. n. female; feminine {grammar}
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dheddig
-ga: (n) female (fii meel); feminine gender, women (woom-eri) ~ dhaddig
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dheddig
a: dhaddig
cf: dumar
de: female, feminine Opp: lab ~ labood
lx: dheddig
pd: (-ga)
ps: n1-m, n2a-m
key: dheddig
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
dheddig
مُؤَنَّتْ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheddin
(Dheddin-ka)
Geed-quwaax la ruugo; (ama dhiddin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheddin
m.l Geed quwaax ay dhirindhirka isku bahyihiin, ka baxa dhulka dhagaxa leh oo dhala malmal. la-mid: dhiddin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dheddin
m. n., [collective] rootcrop plant species, chewed for its sugar content
dheddin m. n., [collective] tree species, with aromatic resin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fededis
-ka: (magac, lab, keli) eeg fededin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geddiso
f.g3 (-stay, -satay) 1. Wax meel ku jiray, meel kale ku shubasho. 2. Badeeco ganacsi ku samaysasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
geddiso
f.g3 (-stay, -satay) 1. Wax meel ku jiray, meel kale ku shubasho. 2. Badeeco ganacsi ku samaysasho. m.f.dh, geddisasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geddiso
v. exchange, barter
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geddiso
(fal) waxaad lahayd, wax kale ku beddelo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
geddiso
de: exchange, barter
lx: geddiso
pd: (geddistay)
ps: v3b=
key: geddiso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oodeysi
m.l la-mid: oodeysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bogaadis
m.l la-mid: bogaadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bogaadis
-ka: (magac, lab, keli) bogaadin u soo jeedin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gadgaddi
f.g1/2 (-iyay, -iday/isay; -iyi) gedgeddi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadgaddi
(fal) wax rogrog oo kolba si ka dhig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
godgelid
m.f.dh eeg godgal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
godgelid
-da: (magac, dhedig, keli) dhimasho: qabri gelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Godgoddo
(Godgodda-da)
Libaaxa waaweyn oo badda mid kamid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
godgoddo
m.dh Nooc libaax badeedka ka mid ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
godgoddo
f. n., [collective] shark species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
godgoddo
-da: (magac, dhedig, keli) libaax waaweyn oo libaaxyada badda ka mid ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
godgoddo
de: shark sp.
lx: godgoddo
pd: (/da)
ps: n-f-col
key: godgoddo
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
is geddi
v. change one's mind; run back, change one's direction
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
is_geddi
de: change one's mind; run back, change one's direction
lx: is geddi
pd: (geddiyay / geddiday)
ps: v1=expr
key: is_geddi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badbeedis
-ta: (magac, dhadig, keli) cid ama wax kale, toos uga hortagis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boongelis
m.l la-mid: boongelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadceedis
-ka: (magac, lab, keli) eeg cadceedin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gadgaddin
m.f.dh la-mid: gedgeddiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadgaddin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax si ahaa, rogrogid oo kolba si ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oodjiidid
m.f.dh eeg oodjiid².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oodqaadid
m.f.dh la-mid: geedqaadid.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Oogenesis
Oojiniisis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carrageddis
-ka: (magac, lab, keli) carrarogista beeraha lagu sameeyo inta aan la abuurin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalaggeddis
m.l la-mid: dalaggeddin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gedgeddiyid
m.f.dh eeg gedgeddi. la-mid: gadgaddin, gadgaddis, gadgaddiyid, gedgeddin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gedgeddiyid
-da: (magac, dhedig, keli) dhawr jeer rogrogid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawaggeddis
m.l 1. Tegidda laga tago meel, oo la aado meel ka hawo duwan, si loo nasto ama caafimaad looga helo. 2. la-mid: hawaggeddin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hawaggeddis
m.l 1. Tegidda laga tago meel, oo la aado meel ka hawo duwan, si loo nasto ama caafimaad looga helo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hawaggeddis
vl. n. going away for a change of air, climate, weather; holiday
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hawaggeddis
de: going away for a change of air, climate, weather; holiday
lx: hawaggeddis
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: hawaggeddis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xerageddiso
f.mg3 (-stay, -satay) Guri u dhow u guurid (cid).