ontar
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
ONTAR
[ONTOR] Cordyla somalensis 02
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
ONTAR
(Ontaro) C,S Cordyla somalensis Gillett. Caesalpinaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ontor
ontor¹: m.l Ur qurmuun oo ka soo baxda wax qurmay.
ontor²: f.mg1 (-ray, -rtay) Wax qurmid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ontor
m.l Ur qurmuun oo ka soo baxda wax qurmay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ontor
m. n. decay, stench
ontor [inchoative] v. begin to spoil, go bad, decay (of meat ~ fruit)
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
ONTOR
[ONTOR] Cordyla somalensis 04
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ontor
-ka: (magac, lab, keli) ur qudhmuun oo ka soo baxda wax qudhmay.
ontor-ta: (magac, dhedig, keli) geed midho kulkulucsan oo macaani ay ka baxaan.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
lake
/leyk/ (n) haro (ama war biyo badan ku jiraan) e.g. Lake ontario.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
contare
v.tr. - tirin, xisaabin.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Montare
Iskugur
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
montare
v.tr. - fuulid, korid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Antaro
(Antara-da)
Xad; seere; soohdin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
antaro
m.dh (-ooyin, m.l) Xad; seere; sohdin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
antaro
f. n. limit; border, boundary, frontier
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
antaro
-da: (magac, dhedig, keli) xad; seere; soohdin. antarreeg -ga: (magac, lab, keli) joogsidhaqaaq; qoonbis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
antaro
de: limit; border, boundary, frontier
lx: antaro
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: xad [Pl: xuduud]
key: antaro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bantar
(Bantar-ka)
Neef joogsadey hilibki; aad u caatoobey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bantar
bantar¹: m.l.kh 1. B. ah: fal aan qiimo lahayn, kibir ku jiro oo cidi ku kacdo. 2. B. ah: hilib aad caato u ah oo aan la cuni karin.
bantar²: f.mg1 (-ray, -rtay) 1. Fal aan qiimo lahayn oo kibir ku jiro ku kicid. 2. Hilib aad u caatoobid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bantar
bantar¹: m.l.kh 1. B. ah: fal aan qiimo lahayn, kibir ku jiro oo cidi ku kacdo. 2. B. ah: hilib aad caato u ah oo aan la cuni karin.
bantar²: f.mg1 (-ray, -rtay) 1. Fal aan qiimo lahayn oo kibir ku jiro ku kicid. 2. Hilib aad u caatoobid. m.f.dh, bantarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bantar
m. n. thin ~ weak animal; very lean meat
bantar: v. be proud, haughty ~ presumptuous
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bantar
-ah: (adj) not fleshy or fat livestock; lean (liin); thin (thiin) ~ caato. Ex: neef bantar ah; a lean animal [domestic animal]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bantar
-ka: (magac, lab, keli) neef caato ama wayd ah hilibkiisa oo aan macayn. Bantar beer mooyee baruur ma leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bootar
m.l (-rro, m.dh) la-mid: boodhar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bootar
-ka: (magac, lab, keli) budo ur udgoon leh oo araaradda carruurta laga mariyo dhididkana ka tirta. Bootar u mari cunugga intaan baagiyaha dubi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cantar
(Cantar-ka)
(hadal) Aan ulajeeddo fiican lahayn; aan macne lahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cantar
cantar¹: m.l 1. Kibir; aabi. 2. C. ah: aan ulajeeddo fiican lahayn, aan macne lahayn (hadal).
cantar²: f.mg1 (-ray, -rtay) 1. Kibir iyo islaweynaan muujin. 2. Hadal aan nuxur badan lahayn sheegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cantar
m.l 1. Kibir; aabi. 2. C. ah: aan ulajeeddo fiican lahayn, aan macne lahayn (hadal).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cantar
m. n., [collective] nonsense talk
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Cantar
name-m blue flies, brave, hero
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cantar
-ka: (n) speech or talk having no intelligible meaning; nonsense speech ~ cantarabaqash
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cantar
-ka: (magac, lab, keli) hadal aan ulajeeddo fiican lahayn; hadal aan nuxur, macne iyo milgo toona lahayn. Dh: cantarbaqash, hantaatac.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cantar
de: nonsense talk
lx: cantar
pd: (-ka)
ps: n0-m-col
key: cantar
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
conter
conter, v. - U sheekayn; Xidhiidhin.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
instar
instar, n.m. - hab tusaale.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kantar
-ta: (magac, dhedig, keli) noole ka mid ah cayayaanka duula oo xoolaha qaniina. Dh: takar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kootar
-ka: (magac, lab, keli) qori nugida iyo harqoodka isku xidha. Wa: kootaarro
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
monter
monter, v. - kor ukorid; la fanto (kor) sida buurta.
monter sur le trône - boqrid; la boqro.
monter une machine - makiinad samayn.
monter un diamant - samayn dheeman.
monter une entreprise - warshadayn.
monter la garde - wardiyeyn.
monter à cheval - farda fuulid; fuulid
monter la tête; se monter la tête - qof dadka gof kale qaniinsiiya; ku dira; wax ka sheega; gaadhsiiya dadku in ay qofkaas aad u nacaan oo ay mararka qaarkood dhibaato u gaystan amaba dilaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mootar
-ka: (magac, lab, keli) hub daarandoorri u dhaca. Dh: moortar
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
mortar
/moortar/ (n) 1. qori madfac ah 2. shamiito iyo dhoobo isku qasan. 3. mooye (weel wax lugu tumo).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mortar
-ka: (magac, lab, keli) qori qoryaha waaweyn ka mid ah oo xabbado tiiro dheer lihi ka dhacaan. Dh: mootar.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
mortar
n., (to grind in) malkad, -ki; mortar of wood, mooya or mooye, -ihi; (lime and sand mixed) nuurad, -di.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
onward
/on-wardh/ onwards; (adj) xaga hore (ee hore).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oontir
f.g1 (-ray, -rtay) Nafley biyo ay oonka uga baxdo siin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
oontir
f.g1 (-ray, -rtay) Nafley biyo ay oonka uga baxdo siin. m.f.dh, oontirid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
oontir
v. quench thirst; give a thirsty person something to drink
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oontir
(fal) biyo sii oo harraadka ka bi'i. Martida oontir inta aad u loogin. Dh: harraadtir.
oontir -ka: (magac, lab, keli) waxa u horreeya biyo amma baad ee la siiyo qof safar dheer ka yimid oo diifi ku taal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
oontir
de: quench thirst; give a thirsty person s.t. to drink
lx: oontir
pd: (oontiray)
ps: v1=tr
key: oontir
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
ponter
ponter, v. - kaabad u samayn markab.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
UNTAAR
(Untar) C,S Cordyla somalensis Gillett. Caesalpinaceae.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
contrary
/kontarari/ (adj) 1. liddi ku ah (kasoo hor jeeda) (n) 2. lid
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
contrary
n., (reverse) eedis, -ti.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
monetary
/monateri/ (adj) ee lacageed (lacag ku saabsan).
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Monetary
Lacageed
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
scontare
v.tr.- wax ka jarid (sicir iwm.), saadaalin (xun); dhammaysasho xabsi.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Smontare
Furfur
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
smontare
v.tr. - kala furfurid (matoor).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
oar
/oor/ (n) usha lugu kexeeyo doonta (markii dhan loo wado, dhanka kale ka dhaqaaqda).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
oar
n., seb, -ki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tar
1. (Tar-ka) a) Wax soo noqnoqod keena. b) Badasho; taran.
2. (Tar-ta) a) Bowdo. b) (xiddig) afqays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tar
tar¹: m.l 1. Mid ka mid ah godadka dayaxa oo u dhexeeya neefmadoobaha iyo majinta oo la rumaysanyahay qofka dhasha inuu yeesho taran badan. 2. la-mid: tarid.
tar²: m.dh 1. Magac xiddig; afqays. 2. Bow-do.
tar³: f.g/lg1 (-ray, -rtay) 1. Wax t./wax u t.: cid wax qabasho. 2. Wax badin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tar
f.g/lg1 (-ray, -rtay) 1. Wax t./wax u t.: cid wax qabasho. 2. Wax badin. m.f.dh, tarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tar
vl: have the ability, affect; be of use ~ useful; assist; multiply, increase in numbers
tar vl. n. act of increasing ~ becoming numerous; having lots of descendants
tar [feminine] n. thigh
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
tar
/tar/ (n) 1. daamur (laami) (v) 2. daamurin (laami marin).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tar
-ay / tay: (v) [with proposition wax] help (hel-pi); give relief to; ease (ii-z) Ex: dawaddii wax ma ku tartay? did the medicine help you?
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Tar
Daamur
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tar
(fal) wax wax u qabo oo ku kordhi kaalmo; ugu deeq gargaar. Dh: caawi.
tar-ka: (magac, lab, keli) istarka, wax tarma oo is dhala ama intuu yahay ka bata. Dh: badasho, taran, istar.
tar-ta: (magac, dhedig, keli) eeg tafta.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
tar
n., daamur, -ki; v.tr., daamur mari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
atar
-ka: (magac, lab, keli) jaad ka mid ah midhaha faasuuliyaha qaarkii ka baxa oo la cuno.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Etar
Ether
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Inta
1. (inta) (inta aan = intaan; kd.) Erey tixda qaarkeeda hore ama danbe had la'aan iyo ulajeeddo qabyo ah u yeela una baahi geliya ereyo kaloo caddeeya sida: Inta (aad) dugsiga tagtid, ardayga soo wad; Lacagtaan inta (uu) qaado, cunno ha soo gado.
2. (Inta) Halka; meeshaan; kobtaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
inta
fk. 1. Erey tixda qaarkeeda hore ama danbe had la'aan iyo ulajeeddo qabyo ah u yeela una baahi geliya ereyo kaloo caddeeya. Tusaale: “Inta (aad) dugsiga tagtid, ardayga soo wad”, “Lacagtaan inta (uu) qaado, cunno ha soo gado”. 2. Halka, meeshaan, kobtaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
inta
fk. 1. Erey tixda qaarkeeda hore ama danbe had la'aan iyo ulajeeddo qabyo ah u yeela una baahi geliya ereyo kaloo caddeeya. Tusaale: Inta (aad) dugsiga tagtid, ardayga soo wad, Lacagtaan inta (uu) qaado, cunno ha soo gado. 2. Halka, meeshaan, kobtaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
inta
conj. while, until
inta [conjunction] before
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Inta
avant que, avant de.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
inta
-intii: (conjunction) during the time that: while (waayl); during (dhuuring). Ex: intii uu joogay... during his stay... inta badan: (adv) mostly; usually
inta: (conjunction with negative) before ... not. Ex: inta aadan imaan wac; call him before you come
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naar
1. (Naar-ka) Weel wax lagu shubo; seref weyn; qabaal.
2. (Naar-ta) Jahannamo; cadaab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naar
naar¹: m.dh (-ro, ml.) 1. Meesha la geeyo jinniga iyo insiga xagga Eebbe danbiilayaasha ka ah marka ay aakhiro tagaan; cadaab. 2. N. ah: wax aad u kulul.
naar²: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Cid naar gelin (Eebbe). 2. Wax aad u gubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nąar
m.l (-rar, m.l) Harag lo'aad ama geel oo inta hab gaar ah loo sameeyo xoolaha lagu waraabiyo. la-mid: nąadh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
naar
naar¹: m.dh (-ro, ml.) 1. Meesha la geeyo jinniga iyo insiga xagga Eebbe danbiilayaasha ka ah marka ay aakhiro tagaan; cadaab. 2. N. ah: wax aad u kulul.
naar²: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Cid naar gelin (Eebbe). 2. Wax aad u gubid. m.f.dh, naarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
naar
m. n. wooden drinking trough, water container
naar: pr. n., loc. hell
naar: v. send to hell, damn
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
naar
-ta: (n) inferno (infeerno); hell (heel)~cadaab -naar -ay/tay: (v) send to hell
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naar
(fal) qub oo dab ku holci. Dheriga dabka ku naar si uu hore ugu bislaado. Dh: shid.
naar: (fal) (kaga ~) xawli aad ah ku kexee. Baabuurka kaga naar oo daadka ka tallaabi.
naar -ta: (magac, dhedig, keli) cadaab kulul oo Eebbe u diyaariyey dadka aduunka ku caasiya. Naar Ilaahoow naga hay. Dh: cadaab, Li: jano.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
naar
de: troublemaker, hell-raiser
lx: naar
pd: (-ka)
ps: n2a-m-cmp
key: naar
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
near
/niyar/ (adj) u dhow (aan fogayn).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
near
al. and prp., ag, agta, dhow, sokay, xigta; be near, dhowow, xig; come near, soo dhowow, soo durug; go near, u dhowow, u durug; put near, soo dhoway, u dhoway, isku dhoway.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Okta
Okta
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
ónda
s.f. - mowjad, hir.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
onto
/ontuu/ (prep) dul fuulid (dusha sare).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
öter
öter, V. - ka qaadid; ka wareejin.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Star
Xiddig
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
star
/star/ (n) 1. xiddig (xiddigaha cirka middood) (n) 2. xiddig (qaab-shan gees leh sida garaadaha saraakiisha) (n) 3. xiddig (qof caan ah, siiba fanka).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
star
n., xiddig, -ti.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
altar
n., masbax, -hi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
angar
angar¹: m.l la-mid: angarid.
angar²: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Qof meel cidla ah uga tegid. 2. Qof dhibaato ku dhaafid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
angar
(fal) ka tag; ka dhaqaaq.
angar-ka: (magac, lab, keli) ka tegis; ka dhaqaagis. angaran: (tilmaame) mid laga tegey ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
anqar
-ka: (magac, lab, keli) cabbitaanka ama cunnada ugu horraysa ee ilmaha afka loo saaro. Angar xalaal ah ilmaha sii. Curadkayga timir ayaan angar uga dhigay.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Anwar
name-m rays of light, lightest, bright, lustre
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Batar
(Batar-ka)
Cayaar la tumo; sacab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
batar
m.l Nooc ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka ka mid ah jiib iyo sacab leh oo ay ragga iyo dumarku wada dheelaan.