ongur
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ongur
(tilmaame) cidhiidhi aan aqal ahaan loo gali karin. Qol ongur ah ayuu galaa.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
songeur
songeur, adj. - fikir qoto-dheer; si daran u fikir; riyo-riyo ah; wax aan xaqiiq ahayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Soongur
(Soongur-ta)
Bahal yar oo dabaggaallaha u eg; (ama Sooggur).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soongur
m.dh Nafley yar oo dabada dhogor badan ku leh oo dabagaallaha u eg. la-mid: saangur.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
soongur
f. n. mongoose
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
soongur
-ta: (n) mongoose (mong-uus) ~ saangur
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soongur
-ta: (magac, dhedig, keli) bahal yar oo dabaggaallaha u eg; soongur; soogur.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
soongur
de: mongoose
initial: s
lx: soongur
pd: (-ta)
ps: n2-f
key: soongur
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
concur
/konker/ (v) 1. waafiqid (ku raacid) (v) 2. is-waafigid (isku si noqosho).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fongor
(Fongor-ta)
1. Iin; nabar; ceeb; takoor.
2. Summad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fongor
fongor¹: m.dh 1. Dabci xumi qof leeyahay. 2. Summad xoolaha lagu dhigo. 3. la-mid: fangar 4. Meel wax ka go'een daloolka ay yeelato.
fongor²: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Cid takoorid. 2. Wax dalool u yeelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fongor
m.dh 1. Dabci xumi qof leeyahay. 2. Summad xoolaha lagu dhigo. 3. la-mid: fangar¹. Meel wax ka go'een daloolka ay yeelato.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fongor
f. n. mark, blemish, stigma, defect
fongor v. mark, put a mark on, blemish; stigmatize, ostracize
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fongor
(fal) walax, iin iyo ceeb u yeel oo takoor; inta kale ka du'.
fongor-ta: (magac, dhedig, keli) iin iyo ceeb u yeel oo takoorid.
fongor -ta: (magac, dhedig, keli) falluuq jab ah oo afka weelasha wax lagu cuno ku dhaca; meel hore u sinnayd inteeda go'da ama go'an ee dhinac ka faruuranta. Dh: iin, jab, falluuq.
fongor -ta: (magac, dheddig, keli) dabci xumi qof leeyahay.
fongor -ta: (magac, dheddig, keli) summad xoolaha lagu dhigo.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
honour
n., maamuus, -ki, -ti, murwad, -di; v.tr., maamuus, murwad, murway.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
onager
n., (wild ass) gumburi, -gi.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
ronger
ronger, v. - naabaadguurin
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
songer
songer, v. - fekerid; la fekero; riyo; la riyaado (hurdada dhexdeeda)
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tongue
Carrab
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
tongue
(n) the fleshy muscular organ, attached to the floor of the mouth, that is the principle organ of taste, an important organ of speech, and moves to aid chewing and swallowing.
carab
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
tongue
/tang/ (n) 1. carrab (carrabka noolaha) (n) 2. wax-carrab u eg (n) 2. luugad.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
tongue
n., carrab, -ki.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
congiura
s.f. - shirqool.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
longueur
longueur, n.f. - Qiyaasta dacal ilaa dacal kale
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
plongeur
plongeur, n.m. - qofka suxuunta dhaqa; makhaayada suxuunta u dhaqa
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gur
(Gur-ta)
1. Gacanta bidix.
2. Gardarro; jiddarro (gar iyo gur — gar iyo garla'aan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gur
gur: f.g/mg1 (-ray, -rtay) 1. (f.g) Geedo, timo iyo wixi lamida jarid. 2. (f.g) Wax meel yiil ka qaadid. 3. (f.g) Cunto digsi ku jirta ka bixin. 4. (f.g) Miro geed ku yaal ka goyn. 5. (f. g) War qof ka jiibin. 6. (f.mg) la-mid: gųr².
gųr¹: m.dh 1. Gacanta bidix. 2. Gardarro.
gųr²: f.mg1 (-ray, -rtay) 1. Neef irmaanaa candhadiisa caano ka idlaasho. 7. Ceel biyo lahaa dawrid. la-mid: gur² (6).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gur
f.g/mg1 (-ray, -rtay) 1. (f.g) Geedo, timo iyo wixi lamida jarid. 2. (f.g) Wax meel yiil ka qaadid. 3. (f.g) Cunto digsi ku jirta ka bixin. 4. (f.g) Miro geed ku yaal ka goyn. 5. (f.g) War qof ka jiibin. 6. (f.mg) la-mid: gųr². m.f.dh, gurid.
gųr¹: m.dh 1. Gacanta bidix. 2. Gardarro.
gųr²: f.mg1 (-ray, -rtay) 1. Neef irmaanaa candhadiisa caano ka idlaasho. 7. Ceel biyo lahaa dawrid. m.f.dh, gųrid. la-mid: gur (6).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gur
v. collect, pack up; pick, pluck
gur v. run dry; be empty
gur [feminine] n. left hand
gur [feminine] n. wrong, offense; insult
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gur
-ay I tay: (v) pick up; collect (kolekt) ~ gudh. aruuri, gurbi
ku gur: (v) put inside; take inside
ka gur: (v) take out
gur -ay / tay: (v) become dry; no longer produce, especially milk ~ gur. Ex: sac guray; a dry cow; webi guray; a dry river
gur -ta: (n) left (laft) hand; left side
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gur
(fal) alaab, midho ama wixii la mid ah qaadqaad. Li: daadi.
gur-ta: (magac, dhedig, keli) gacanta bidix. Gurta wax laguma cuno. Li: midig.
gur -ta: (magac, dhedig, keli) xidhmo weyn oo caws ama caleen ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nur
(Nur-ka)
1. Afarta xilli oo sanadu u qaybsan tahay (gu, xagaa, dayr, diraac) midkood.
2. Xilli roob; doogaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nur
m.l 1. Xilli roobku da'o. 2. Daaq waxtar leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nur
m.l 1. Xilli roobku da'o. 2. Daaq waxtar leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nur
m. n. season
nur m. n. rainy season; vegetation, verdure
nus num: half
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nur
-ka: (n); time of year, especially a rainy time of the year
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nur
-ka: (magac, lab, keli) xilli roobaad. Nurka daahayiyo, dabaylaha xilligu, waayuhu dulmiga, dadka maw sinmaan. Dh: doogaad.
nur-ka: (magac, lab, keli) tayo; qiimo.
nur -ka: (magac, lab, keli) afarta xilli ee sannadku ka kooban yahay midkood.
nur-ka: (magac, lab, keli) dhib; lur, shiddo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
our
/awar/ (deter) kaayaga ama taayada.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
our
(see Grammar).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nuur
(Nuur-ka)
If; iftiin; ilays; kaah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nuur
nuur¹: m.l Kaaha ka baxa walax iftiimaysa.
nuur²: f.mg1 (-ray, -rtay) Walax iftiinta kaah bixin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nuur
nuur¹: m.l Kaaha ka baxa walax iftiimaysa.
nuur²: f.mg1 (-ray, -rtay) Walax iftiinta kaah bixin. m.f.dh, nuurid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Nuur
name: Nur
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nuur
m. n. light
nuur v. give light, shine
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Nuur
name-m light; to give light, shine. Syn: Nuuro, Nuurre, Nuurto
name-m light; flower, blossom
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nuur
-ka: (n) light (laayt); shine (shaayn); luminance (luu me-nansi); brightness (baraayt nes); glow (galoo) ~ iftiin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Nuur
magac loo bixiyo wiil waqti iftiin ah dhashay ama reerkuba ku farxay dhalashadiisa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuur
-ka: (magac, lab, keli) ilays wax iftiimiya. Dh: kaah, iftiin.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
onus
/ownas/ (n) waajibaad (masuuliyad).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ugur
-ka: (magac, lab, keli) miskiin ama qof baahan. Ugurka wax baa la siiyaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
angar
angar¹: m.l la-mid: angarid.
angar²: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Qof meel cidla ah uga tegid. 2. Qof dhibaato ku dhaafid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
angar
(fal) ka tag; ka dhaqaaq.
angar-ka: (magac, lab, keli) ka tegis; ka dhaqaagis. angaran: (tilmaame) mid laga tegey ah.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
anger
/aangar/angers, angering, angered; (n) caro, cadho ama xanaaq. e.g. His tone of voice suggested anger.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
anger
/aangar/ (n) dhirif.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
anger
n., cadho, -adi.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
augur
/oogar/augurs, auguring, augured; (v) 1. calaamad ama wax kuu saraadiya wax xun ama wax fiican (jirro ama caafimaad). e.g. A long drought doesn't augur well for a good harvest. 2. qof wax-sheega (faaliya in qof guulaysanayo ama khasaarayo).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
incur
/incar/ (v) dhib aad gacantaada ku kasbatid (wax aad adigu isu keentid).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
incur
v.tr., galabso.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
occur
/okar/ (v) dhacid (wax dhaca; dhacdo dhacda).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
occur
v.., noqo; it occurs, waxay noqotay.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
odeur
odeur, n.f. - Ur.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
ongle
ongle, n.m. - ciddida; ciddiyaha.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
ONTAR
[ONTOR] Cordyla somalensis 02
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
ONTAR
(Ontaro) C,S Cordyla somalensis Gillett. Caesalpinaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ontor
ontor¹: m.l Ur qurmuun oo ka soo baxda wax qurmay.
ontor²: f.mg1 (-ray, -rtay) Wax qurmid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ontor
m.l Ur qurmuun oo ka soo baxda wax qurmay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ontor
m. n. decay, stench
ontor [inchoative] v. begin to spoil, go bad, decay (of meat ~ fruit)
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
ONTOR
[ONTOR] Cordyla somalensis 04
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ontor
-ka: (magac, lab, keli) ur qudhmuun oo ka soo baxda wax qudhmay.
ontor-ta: (magac, dhedig, keli) geed midho kulkulucsan oo macaani ay ka baxaan.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
UNTUR
Cordyla somalensis 01
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Angular
Xagleed
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
angular
/aangyalar/ (adj) xaglo leh, cirifyo leh, xaglaysan. e.g. an angular structure.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
bonheur
bonheur, n.m. - nasiib wanaag.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
bonjour
bonjour, n.m. - Subax wanaagsan; maalin wanaagsan
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
canguro
s.m. - kanguuro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Colguri
1. (Colguri-da) Naagta la qabo oo dhibta iyo dagaalka badan.
2. (Colguri-ga) Dagaal iyo colaad tolka gudihiisa ka kaca; dagaal sokeeye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
colguri
m.l 1. Naag la qabo oo dhibaato badan. 2. Xuguf iyo isnaceyb ka dhexeeya dad ehel ah oo meel ku wada nool; dagaal sokeeye.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
colguri
f. n., [compound] family quarrel; hostile ~ troublesome wife
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
colguri
-da: (magac, dhedig, keli) naag la qabo oo dhib iyo dagaal badan.
colguri -ga: (magac, lab, keli) dagaal iyo colaad tolka ama qaranka dhexdiisa ka dhacda.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
colguri
de: family quarrel; hostile ~ troublesome wife
lx: colguri
pd: (-da)
ps: n2-f-cmp
key: colguri
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
conjure
/konjar/ (v) sixir samayn (indha-sarcaadin).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
conjure
v.tr., dalbo, ka doon, ka doono ; conjure up, faal; (exorcise) ka sar, eeri.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
conquer
/konkar/ (v) 1. qabsasho (xoog ku qabsi) (v) 2.jabin (ka guuleysi).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
conquer
v.tr., ka qaad, ka hel.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
conteur
conteur, n.m. - Sheekeeya; Qofka sheekeeya.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Contour
Joogekeeye
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
contour
/kontuur/ (n) dusha (oogada kore ee gof ama shay leeyahay).
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Contour
Joog-ekeeye, dul, oogada
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dongore
-ha: (magac, lab, keli) bir dhulka lagu qodo oo ul la qabsada leh. Sidaan dongoraha barkadda ugu godaayay bay farahii i baxeen. Dh: gonfi.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
engluer
engluer, v. - ku dadid wax dhagdhag ah
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
engouer
engouer, s'.,V. - u xiiso qabid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
éponger
éponger, v. - buusheyn.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
fondeur
fondeur, n.m. - bir shube.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
honneur
honneur, n.m. - sharaf; maamuus; sharfid; caan ah; sharaf u yeelid; qaddarin mudan; waynayn.
demoiselle d'honneur - gabadh gashaanti ah
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hunguri
(Hunguri-ga)
1. Dhuunta afka iyo sanka iyo isu haysa caloosha oo cunnadu marto (hunguriga madow).
2. Dhuunta neeftu marto oo afka iyo sanka iyo isu haysa sanbabbada (hunguriga cad).
3. Cunno, oomati.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hunguri
hunguri¹: m.l 1. (-iyo, m.dh) Dhuunta afka, sanka iyo caloosha nafleyda isu haysa oo cuntadu marto. 2. la-mid: hunguri-cad. 2. Cunto.
hunguri²: m.l (-iyo, m.l) (cilmiga naflayda) Qaybta dheefmareenka ee u dhaxayso dalqada iyo caloosha. Waa dhuun muruqaysan oo shaqadeedu tahay inay cuntada u gudbiso caloosha. Habka isku soo ururka ee ay cuntada u gudbisana waxa loo yaqaan dubaaxis. 2. la-mid: hungiri-cad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hunguri
hunguri¹: m.l 1. (-iyo, m.dh) Dhuunta afka, sanka iyo caloosha nafleyda isu haysa oo cuntadu marto. 2. la-mid: hunguri-cad. 3. Cunto.
hunguri²: m.l (-iyo, m.l) (cilmiga naflayda) Qaybta dheefmareenka ee u dhaxayso dalqada iyo caloosha. Waa dhuun muruqaysan oo shaqadeedu tahay inay cuntada u gudbiso caloosha. Habka isku soo ururka ee ay cuntada u gudbisana waxa loo yaqaan dubaaxis. 2. la-mid: hungiri-cad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hunguri
m. n. throat, larynx, gullet, esophagus; windpipe; nutriment, food
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hunguri
-ga: (n) 1. throat (throwt); gullet (galet); esophagus, also oesophagus ~ jidiin, dhuun, buuc, cune. 2. food (fuudh)