ololitaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ololitaan
-ka: (magac, lab, keli) holcasho, belbelitaan. Dh: belbelitaan, belelidtaan.
ololitaan -ka: (magic, lab, keli) guux iyo reen samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bololitaan
-ka: (magac, lab, keli) jabidda qori, laf ama ilig. Bololitaan dhowaa xoday ingegay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
belbelitaan
-ka: (magac, lab, keli) dhamac iyo olol yeelasho. Belbelitaanka dabka waa lagu gubtaa barasho reerkii dheh. Dh: ololitaan, balbalitaan, belelitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
holcitaan
-ka: (magac, lab, keli) ololitaanka iyo bixitaanka dabka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huris
-ta: (magac, dhedig, keli) dab ololitaan. Dh: hurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huritaan
-ka: (magac, lab, keli) quudhitaanka cid kale wax si hibayn ah loo siiyo. Dh: quuritaan, bixis.
huritaan -ka: (magac, lab, keli) bixitaanka iyo ololitaanka dabka. Dh: shidmitaan, hurniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lalitaan
-ka: (magac, lab, keli) hawada dhexdeeda marid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lulitaan
-ka: (magac, lab, keli) ruxitaan iyo dhaqdhaqaajin kolba dhinac ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ooditaan
-ka: (magac, lab, keli) ood afka ka saarid, oo ku awdid.
ooditaan -ka: (magac, lab, keli) ijaar ama deyr ood ku wareejin.
ooditaan -ka: (magac, lab, keli) xidhitaanka albaab furan. Dh: xidhitaan, awditaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oogitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg oogid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oomitaan
-ka: (magac, lab, keli) biyo u baahasho. Oomitaanka ka ilaali beerta. Dh: harraaditaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ooyitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg oohitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
solitaan
-ka: (magac, lab, keli) cad iyo wax la mid ah, dab ku dubitaan oo ku bislayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tolitaan
-ka: (magac, lab, keli) habka loo hagaajiyo jeexnaanta, maro iyo wixii la mid ah. Tolitaanka duntii ayaa ka go'day.
tolitaan -ka: (magac, lab, keli) ogolaysiinka, qof waxaanuu doonayn lagu qasbo, tolidda lafteeda. Dh: tolniin, tolliin.
tolitaan-ka: (magac, lab, keli) hal qallaxitaan. Tolitaanka hasha ka daaya.
tolitaan-ka: (magac, lab, keli) xoog ku muquunis. ku qasbid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alalitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg alalid. al'aloos -ka: (magac, lab, keli) abaabulka koox ama reer lagu qalqaalinayo arrin. Inta badan waxa loo adeegsadaa abaabulka dagaal. Al'alooska reeraha aad ka dhex waddiin joojiya. Dh: abaabul.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foolitaan
-ka: (magac, lab, keli) (ka ~) dhib ama wax kale, ka gudbitaan oo u dhabar'adayg.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoolitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg hoolid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
loolitaan
-ka: (magac, lab, keli) soofayn oo lool marin. Dh: loolniin.
loolitaan -ka: (magac, lab, keli) ciyaarta loolka ciyaaritaan. Dh: loolliin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oollitaan
-ka: (magac, lab, keli) meel oollid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoolitaan
-ka: (magac, lab, keli) qool u yeelitaan. Qoolitaanka maqasha ha ku raagin. Dh: qoolliin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agloolitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg agloolid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boqoolitaan
-ka: (magac, lab, keli) socoshada hadhimada dabadeed. Boqoolitaan ha ha gelin adiga oo badhi cabbay Dh: dhalandhoolitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xobbolitaan
-ka: (magac, lah, keli sheelitaan garitaan. Dh: sheelitaan, qaritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aloositaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg aloosid. aloosnaan -ta: (magac, dhedig, keli) xaaladda qabanqaabo iyo isku diyaarinta hawl taagan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqoolitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg aqoolid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
belelitaan
-ka: (magac, lab, keli) shidmitaanka iyo ololitaanka dabka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ololsanaan
m.f.dh eeg ololsan. la-mid: ololsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ololsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) belbelid iyo holcid. Dadbu ololsanaanta ayuu wax ku bisleeyaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salalitaan
-ka: (magac, lab, keli) salalidda lafteda.
salalitaan -ka: (magac, lab, keli) sasitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shoolitaan
-ka: (magac, lab, keli) faanid; tookhitaan; dhooditaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ololin
(Ololin-ta)
(dab) olol ka keenid; belelin; belbelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ololin
m.f.dh eeg ololi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ololin
-ta: (magac, dhedig, keli) dab qabadsin oo holcin. Dh: holcin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ololayn
m.f.dh eeg ololee. la-mid: ol'olayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ololayn
-ta: (magac, dhedig, keli) kicin iyo guubaabo samayn oo hawl la wada qabanayo qabanqaabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ololsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax ololay ahaansho (dab).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ololsan
der. [adjective] inflamed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ololsan
-aa: (n) aflame (a faleeym); ablaze (a baleeyz), afire (a faayar), on fire, in flames
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ololsan
(tilmaame) dab belbelsan oo holcaya ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ololsan
de: inflamed
lx: ololsan
pd: (ololsanaa)
ps: adj-der
key: ololsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Oollaan
(Oollaan-ta)
Wax meel yaal ahaan; meel dhignaan; degganaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oollaan
m.dh la-mid: aallid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
oollaan
v.-inf: to be situated (there)
oollaan vl. n., [abstract] location; state of being in a place
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oollaan
-ta: (magac, dhedig, keli) meel degenaan, ku noolaan, ku negaan.
oollaan -ta: (magac, dhedig, keli) meel oollid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ulitaan
-ka: (magac, lab, keli) darbidda iyo isku dubbariditaanka. Dh: abaabulitaan.
ulitaan-ka: (magac, lab, keli) qüiq ku shiditaan iyo bukhuurin. Dh: ulniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aalitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg aalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilitaan
-ka: (magac, lab, keli) bilis iyo qurxin heersare ah.
bilitaan -ka: (magac, lab, keli) sare u qaaditaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bogitaan
-ka: (magac, lab, keli) wax qabashadiisa ku farxitaaan. U bogitaankaa u bogay iyo farxaddaan ka qaaday weli ku joogaa.
bogitaan-ka: (magac, lab, keli) dhammaystiritaanka wax qabya ahaa. Bogitaakii kabaddiyo waxaa isku beegmay carooskii. Dh: ebyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bulitaan
-ka: (magac, lab, keli) bul u yeelitaan. Bulitaanka cidaadda badi. Dh: bulniin.
bulitaan-ka: (magac, lab, keli) wakhtika abaaraha geedaha dhaadheer ee xoolaha loo tumo si caleentu u soo daadato.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
culitaan
-ka: (magac, lab, keli) weel, cugid oo hogayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg falid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
filitaan
m.l la-mid: Filid; la-mid: filasho.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Filitaan
Expectation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
filitaan
-ka: (magac, lab, keli) sugitaanka wax la dhawrayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fulitaan
-ka: (magac, lab, keli) meelmaritaan iyo rumoobitaanka arrin lagu jiray.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galitaan
-ka: (magac, lab, keli) meel gudaha u gaadhid.
galitaan ka: (magac, lab, keli) dugsi ama meel wax lag abarto, ku biirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gelitaan
m.l 1. Irid laga galo meel. 2. la-mid: gelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gelitaan
m.l 1. Irid laga galo meel. 2. la-mid: gelid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gelitaan
-ka: (n) entry (in tari)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gelitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg gelid.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Helitaan
Abundance
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
helitaan
vl. n. discovery; finding
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
helitaan
-ka: (n) the act of finding, discovering, obtaining or receiving; discovery (dis kaveri)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
helitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg helid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
helitaan
de: discovery; finding
lx: helitaan
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: helitaan
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
helitaan
اكتشاف
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hulitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg hulid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jalitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg jalid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jilitaan
-ka: (n) performance (per-foormansi); the acting ~ matalaad
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
koritaan
-ka: (n) growth (garoowth) ~ koris, komiimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg korid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg labid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leditaan
-ka: (magac, lab, keli) hurdo fiican gam'id. Dh: ledniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leqitaan
-ka: (magac, lab, keli) biyo ku dhex libdhitaan. Dh: dejin, leqniin.
leqitaan-ka: (magac, lab, keli) wax la cuno ama la cabbo, jediinka marin oo leqniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ligitaan
-ka: (magac, lab, keli) wax caaro leh, meel ka taagitaan ama ka ligkayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lisitaan
-ka: (magac, lab, keli) lisidda. Dh: lisniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lumitaan
-ka: (magac, lab, keli) hallaabid oo wax la waayey noqod. Dh: habaabid, ambasho,
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
militaan
-ka: (magac, lab, keli) wax la milay oo dareere loo beddeley ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg qalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoditaan
m.l Qodidda la qodo god iyo wixi lamida. la-mid: qodid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qoditaan
m.l Qodidda la qodo god iyo wixi lamida. la-mid: qodid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoditaan
-ka: (magac, lab, keli) qodidda lafteeda. Dh: qodniin, qodis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qoritaan
(Qoritaan-ka)
Qoraal; qormo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoritaan
m.l la-mid: qorid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qoritaan
vl. n. act of writing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qoritaan
-ka: (n) writing (raayting) ~ see also [eeg] qoraal, qorriin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoritaan
-ka: (magac, lab, keli) qorida xuruufta la akhriyo lafteeda.
qoritaan -ka: (magac, lab, keli) qoridda alaabta geedaha laga qoro lafteeda.
qoritaan -ka: (magac, lab, keli) diiwaangelin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qoritaan
de: act of writing
lx: qoritaan
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: qoritaan
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Rogitaan
Inversion
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rogitaan
-ka: (magac, lab, keli) soo dabbaalitaan.
rogitaan-ka: (magac, lab, keli) rogidda lafteeda. Dh: afgembiyitaan, genbitaan, rogniin.
rogitaan -ka: (magac, lab, keli) ku daboolitaan: korka ka saaritaan. Dh: rogniin.
rogitaan-ka: (magac, lab, keli) ka laabitaan; ka feyditaan. Dh: rogniin.
rogitaan-ka: (magac, lab, keli) ka dejin: ka dhaadhicin.
rogitaan-ka: (magac, lab, keli) af af kale u turjumitaan. Dh: rogniin.
rogitaan -ka: (magac, lab, keli) beer shinnida horteed qoditaan oo aad u jilcin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
togitaan
-ka: (magac, lab, keli) togidda lafteeda.
togitaan-ka: (magac, lab, keli) xoog u kala bixin. Togitaanka badan xadhiga ka daa. Dh: kala jiidid, dhisid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalitaan
-ka: (magac, lab, keli) xalidda qudheeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoqitaan
-ka: (magac, lab, keli) ciddi ku xaquuqitaan. Dh: xoqid.
xoqitaan -ka: (magac, lab, keli) xaquuqitaan oo wax meel ku dhejisan ka jijibin. Dh: xoqniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xulitaan
-ka: (magac, lab, keli) dix kor u qaaditaan. Dh: xulliin.
xulitaan-ka: (magac, lab, keli) inta u wanaagsan naqayn. Dh: madhitaan.
xulitaan -ka: (magac, lab, keli) dhex mushaaxitaan. Xulitaanka kaymuhu waa cabsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yulitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg ulitaan. yulkhad: bayd faal oo manjaha tan ka sarraysa iyo madaxa ka ah min hal, madaxa tan ka hoosaysana labo. Dh: muyulkhad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beelitaan
-ka: (magac, lab, keli) waayitaan waxaad lahaan jirtay. Aabba beelitaan horey ii heshaye allow hooyo ii daa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biilitaan
-ka: (magac, lab, keli) biil bixitaan. Dh: bilin, masruufitaan, quudin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boobitaan
-ka: (magac, lab, keli) si degdeg ah wax u qaadasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
booditaan
-ka: (magac, lab, keli) degdeg u kicitaan. Orod iyo booditaan bu isku daray.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
booritaan
-ka: (magac, lab, keli) sac irmaan oo dabada maydhax gumareed ama wax kale laga geliyo si uu ilmaha u oggolaado ama u godlado.