olmomid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
olmomid
m.f.dh eeg olmon.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
olmomi
(fal) xasiid iyo wax la mid ah, aad u dub oo ku bislee ololka dabka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Oomid
(Oomid-da)
Biyo cabbid u baahasho; harraadid; surmiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oomid
m.f.dh eeg oon³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oomid
-da: (magac, dhedig, keli) aad biyo ugu baahasho. Dh: harraadid, dhanqalmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ololid
(Ololid-da)
1. (dab) olol yeelasho.
2. (geel) Ciyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ololid
m.f.dh eeg olol².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ololid
vl. n. burning, inflamation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ololid
-da: (n) the act of burning
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ololid
-da: (magac, dhedig, keli) olol bixin oo holcid. Dh: holcid, belelid, belbelid.
ololid-da: (magac, dhedig, keli) ci' reen ah ku ciyid. Hal ramad ah waxa lagu gartaa ololidda.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ololid
de: burning, inflamation
lx: ololid
pd: (-da)
ps: vn2a-m
key: ololid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ollogid
(Ollogid-da)
Daymood; dhugasho; jalleecid; milicsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ollogid
m.f.dh eeg ollog².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ollogid
-da: (magac, dhedig, keli) jaar la noqosho. Olligidda waa la isku bartaa.
ollogid -da: (magac, dhedig, keli) dhinac daymoosho. Ollogid bay indhuhu ku daaleen. Dh: jalleecid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aloogmid
m.f.dh eeg aloogan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aloogmid
-da: (magac, dhedig, keli) taagnida wax la qabanayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aloosmid
m.f.dh eeg aloosan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
coldumid
-da: (magac, dhedig, keli) ciidan ururin; col diyaarin; cid dagaal galaysa isku keenid. Labada beelood waxay ku mashquuleen coldumid. Dh: colururin, coldumis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gommodid
m.f.dh eeg gommod³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gommodid
-da: (magac, dhedig, keli) adayg noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qolqolid
(Qolqolid-da)
Sida biyaha u shubmid, u mulacyeyn, isu dabajoogid; (ama qulqulid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qolqolid
m.f.dh eeg qolqol².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Toloobid
(Toloobid-da)
Tol ama isku tol noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
toloobid
m.f.dh eeg tolow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toloobid
-da: (magac, dhedig, keli) isku tol noqosho.
toloobid-da: (magac, dhedig, keli) tol ama isku tol noqosha. Toloobid imika ayay garteen.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
toltolid
-da: (n) the act of patching up; darning (dhaan-ing)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yohoomid
(Yohoomid-da)
Docda dabayshu u socoto u dhoofid (doonyaha shiraaca leh, kd.).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yohoomid
m.f.dh eeg yohoon².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yohoomid
-da: (magac, dhedig, keli) 'badmarid' dhanka dabayshu u socoto u qayaadid.
yohoomid -da: (magac, dhedig, keli) baahi daran qabid. Dh: hamuumid, yahoomid. Li: dhergid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oomi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Nafley biyo u diidid. 2. Cid hadal badan ku daalin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
oomi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Nafley biyo u diidid. 2. Cid hadal badan ku daalin. m.f.dh, oomin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
oomi
v. make thirsty; leave thirsty
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
oomi
-yey I say: (v) cause to be thirst; make feel thirst
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oomi
(fal) biyo u diid. Oomi inanta la jeexay nabarku ha bogsadee. Dh: harraadi
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
oomi
de: make thirsty; leave thirsty
lx: oomi
pd: (oomiyey)
ps: v2a=tr
key: oomi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax wax kale la jaad ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Limid
(Limid-da)
Yaanbo ama qalab kale beer ku falid; beer, abuurid u darbid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
limid
m.f.dh eeg lin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
limid
-da: (magac, dhedig, keli) yaanbo ama qalab kale beer ku falid oo abuur u diyaarin ama geeda ka gurid. Dh: darbid, limis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lumid
(Lumid-da)
Wax la waayey noqosho; hallaabid; habaabid; anbasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lumid
m.f.dh eeg lun².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lumid
vl. n. becoming lost
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lumid
-da: (n) disappearance (dis-apiirensi); losing (luusing); loss (loos) ~ lumis -ta
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Lumid
Perdizione
Loss
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lumid
-da: (magac, dhedig, keli) hallaabid oo waddadii ama yoolkii la rabay ka habaabid. Dh: dhumid, ambasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lumid
de: becoming lost
lx: lumid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: lumid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mamid
m.f.dh eeg mam. la-mid: mabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax ku noqnoqosho oo samaytiisa aad u jeclaan. Dhandhamadi uu dhandhamiyay ayuu mamid ka qaaday Dh: mamis, walfid, hororoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
olmon
f.mg1 (-omay, -ontay; -omi) U o.: wax awood u leh in uu ka hortago wax kale noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
olmon
(fal) «u ~» noqo mid awood u leh in uu la dhaqmo wax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ololi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Dab olol u yeelid. 2. Wax dab qabadsiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ololi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Dab olol u yeelid. 2. Wax dab qabadsiin. m.f.dh, ololin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ololi
v. set alight, kindle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ololi
-yey/-say: (v) set aflame; set on fire
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ololi
(fal) dab shid oo belel ka kici. Dh: holci.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ololi
de: set alight, kindle
lx: ololi
pd: (ololiyey)
ps: v2a=
key: ololi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oo'id
-da: (magac, dhedig, keli) (ka ~) ka qaylin, gacmaha ka taagid, cabasho siyaado ah. Oo'idda odayga wayn iska eeg cuqubaa ku jirtee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Oodid
(Oodid-da)
Ood saarid; xirid; awdid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oodid
m.f.dh eeg ood².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oodid
-da: (magac, dhedig, keli) ood ku meerin.
oodid-da: (magac, dhedig, keli) ood afka ka saarid. Oodidda Irridda Saynab baan u diray. Dh: awdid.
oodid-da: (magac, dhedig, keli) alaab furan xidhid. Dh: xirid, awdid. Dh: furida.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Oogid
(Oogid-da)
1. (dab) aad u shidid.
2. Sii wadid; joojin la'aan; toosin; qumin; abaabulid, kicin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oogid
m.f.dh eeg oog³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oogid
-da: (magac, dhedig, keli) dab aad u shidid. Dh: oogis.
oogid -da: (magac, dhedig, keli) abaabulid, dardar cusub galen. Dh: oogis
oogid-da: (magac, dhedig, keli) salaad iyo wixii la mid ah, samaynteeda si niyadsami ah ugu istaagid. Oogidda salaaddu waa rukun asaasi ah.
oogid-da: (magac, dhedig, keli) dacwad samayn oo cid ku eedayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oolid
-da: (magac, dhedig, keli) safar ka nagaansho: socod loo bixi lahaa ka joogid. Dh: oolis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Oomin
(Oomin-ta)
Biyo lagu harraadbeelo siin la'aan; harraad ku jirrabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oomin
m.f.dh eeg oomi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oomin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale biyo u diidid. Dh: harraadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oomis
-ka: (magac, lab, keli) eeg oomin
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Ootid
Ootidh
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ooyid
(Ooyid-da)
Booyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ooyid
m.f.dh eeg ooy. la-mid: booyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ooyid
-da: (magac, dhedig, keli) ilmayn iyo qaylin ciilkaambi ah oo ay keento xanuun, dilmo, murugo iyo wixii la mid ah. Nin dhintay ooyid kuma soo noqdo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
almond
/aamand/almonds; (n) miro bahda loowska ah.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
almond
/oolmand/ (n) noo' loos eh.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
almond
n., yicib, -ti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doomid
(Doomid-da)
(ceel, kd.) Doon ka soo saarid, ka soo bixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doomid
m.f.dh eeg doon². la-mid: doonis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doomid
-da: (magac, dhedig, keli) ciidda ka soo saarid. Doomidda godka, ku dhaqso. Dh: qodid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
florid
/flooridh/ (adj) 1. sharraxaad lugu dhoo-dhoobay ama laga badiyey. (adj) 2. waji guduutay ama la-guduudiyey.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
golmod
-ka: (magac, lab, keli) caanuhu marka ay aadka u dhanaanaan waxay u kala baxaan faar adag iyo biyo dhanaan, biyahaas ayaa golmod la yidhaahdaa. Golmod baa harraad u bi'in og.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kammid
Kamid (ah).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kammid
n. phr. one of...
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kammid
de: one of... = ka + mid
lx: kammid
ps: np
key: kammid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koomid
-da: (magac, dhedig, keli) barar yar ama xaasaasiyad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
la mid
n. phr., [expression] equal to ~ the same as something
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
la_mid
de: equal to ~ the same as s.t. See also: lammid
lx: la mid
ps: np-expr
key: la_mid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labmid
m.f.dh eeg laban¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax laban noqosho oo qasmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lammid
(la + mid)
Aan ka duwaneyn; u eg; la mid ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lammid
adj., [expression] equal, the same as
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lammid
de: equal, the same as
lx: lammid
ps: adj-expr
see: mid
key: lammid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laqmid
m.f.dh eeg laqan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laqmid
-da: (magac, dhedig, keli) qof buka oo dhimasho looga bagayo, tawxiidka u marin, u akhriyid.
laqmid-da: (magac, dhedig, keli) hadal, farriin iyo wixii la mid ah oo qof la farayo, siduu u odhan doono, ugu celcelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lismid
m.f.dh eeg lisan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lismid
-da: (magac, dhedig, keli) mindi iyo wixii la mid ah, soofaysmid.
lismid -da: (magac, dhedig, keli) is xoqidda labo walxood kolkay is xoqaan. Dh: xoqmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
loofid
m.f.dh eeg loof².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Loogid
(Loogid-da)
Marti xoolo u qalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
loogid
m.f.dh eeg loog².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
loogid
-da: (magac, dhedig, keli) marti iyo cid la xushmaynayo xoolo u qalid. Dh: loogis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
loolid
m.f.dh eeg lool³.