oksijiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oksijiin
m.l la-mid: ogsijiin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
oksijiin
-ka: (n) oxygen (ok-si-jiin)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ogsijiin
m.l la-mid: ogsajiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyo
biyo¹: m.l.w 1. Hoore aan lahayn midab, dhadhan iyo ur oo ka sameysan haydaroojiin iyo oksijiin oo lama huraan u ah nolosha. 2. Hoore ka yimaadda lab iyo dhigdhig nafley marka ay isu galmoodaan ee uu ubadku ka abuurmo.
biyo²: m.l.w (kiimika) (H2O) Hoor midablaawe ah oo ku barafooba 0°C kuna uu biyooba 100°C marka cadaadisku yahay ka atmosfeerka. auumiga biyuhu wuxuu ka koobanyahay molikuyullo HO ah madi (kelikeli) ah. Biyuhu hoor ahaan, waa milaha ciriflaha ah ee ugu awood badan. Tan waxa ugu wacan sarraynta madoorsoomaheeda labdanab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sayanooko-baalamin
m.dh (daawo) Madoobaashada maqaarka iyo xuubabka daboola daloolalada jirka: indhaha, afka, futada, siilka iyo wixi lamida. Waxaana keena oksijiinka oo ku yaraada dhiigga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tintaafyo
m.dh (daawo) (kabillariyada) Xidid-dhiigyo aad iyo aad u yaryar, sida timaha oo magacoodu ka yimid. Tintaafyadu waxay ku sameeyaan shabaag soohyada (xubnaha) oo dhan waxa dhiigga u keena halbowlayasha yaryar, waxaana ka qaada xididdada yaryar. Tintafyadu jirmigoodu wuxu ka sameysanyahay hal unug, taasoo suuro gelineysa. Kala bedelka: oksijiinka (O2), karbondiyok-saydka (C)2), biyaha (H20), cusbooyinka, iyo wixi lamida oo ka dhex dhacaya jirka iyo soohyada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
biyo
biyo¹: m.l.w 1. Hoore aan lahayn midab, dhadhan iyo ur oo ka sameysan haydaroojiin iyo oksijiin oo lama huraan u ah nolosha. 2. Hoore ka yimaadda lab iyo dhigdhig nafley marka ay isu galmoodaan ee uu ubadku ka abuurmo.
biyo²: m.l.w (kiim.) (H2O) Hoor midablaawe ah oo ku barafooba 0°C kuna uu biyooba 100°C marka cadaadisku yahay ka atmosfeerka. auumiga biyuhu wuxuu ka koobanyahay molikuyullo HO ah madi (kelikeli) ah. Biyuhu hoor ahaan, waa milaha ciriflaha ah ee ugu awood badan. Tan waxa ugu wacan sarraynta madoorsoomaheeda labdanab.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sayanooko-baalamin
m.dh (daaw.) Madoobaashada maqaarka iyo xuubabka daboola daloolalada jirka: indhaha, afka, futada, siilka iyo wixi lamida. Waxaana keena oksijiinka oo ku yaraada dhiigga.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tintaafyo
m.dh (daaw.) (kabillariyada) Xidid-dhiigyo aad iyo aad u yaryar, sida timaha oo magacoodu ka yimid. Tintaafyadu waxay ku sameeyaan shabaag soohyada (xubnaha) oo dhan waxa dhiigga u keena halbowlayasha yaryar, waxaana ka qaada xididdada yaryar. Tintafyadu jirmigoodu wuxu ka sameysanyahay hal unug, taasoo suuro gelineysa. Kala bedelka: oksijiinka (O2), karbondiyoksaydka (C)2), biyaha (H20), cusbooyinka, iyo wixi lamida oo ka dhex dhacaya jirka iyo soohyada.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
aerobic
(adj) requiring oxygen.
baahida hawo nooca la yidhaahdo, oksijiin
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
anaerobic
(adj) lacking molecular oxygen; growing, living, or occurring in the absence of molecular oxygen.
hawo la'aan, siiba oksijiin
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
infarct
(v) the death of tissue caused by a lack of blood to the tissue.
dhimashada jidhka, oksijiin la'aan daraadeed
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
oxygen
(n)* a colorless, odorless, tasteless gaseous element essential for respiration and essential for human life.
hawada daruuriga u ah nolosha loona yaqaano oksijiin
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
oxygenation
(n) process of supplying, treating, or mixing with oxygen.
dariiqada wax lagu daaweeyo oksijiinta ama wax lagu khaldo
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
syncope
(n) a loss of consciousness caused by a lack of oxygen to the brain, often caused by a heart condition or low blood pressure.
miyir la'aanta ay keento hawada oksijiin la'aan
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
ventilator
(n) breathing machine; an instrument that assists someone's respiration, ensuring an adequate amount of oxygen reaches the lungs.
mashiinka lagu caawiyo qofkii u baahan oksijiin ku filan
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Oxygen
Oksijiin
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Oxygen balloons
Haan oksijiin
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
ossigeno
s.m. - oksijiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alkaali
-ga: (magac, lab, keli) magaca guud ee beysyada siiba cusbooyinka ka dhasha falgalka uu oksijiin la sameeyo biraha la yidhaahdo alkaaliin.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
hémoglobine
hémoglobine, n.f. - hemogloobin; dhibco yaryar oo dhiiga ku jira oo ukala qaada unugyada oksijiinka iyo neefta karboonka ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oksiin
m.dh (-no, m.dh) (baayoloji) Koox ka tirsan walxaha koritaanka dhirta oo masu'uul ka ah dariiqooyinka ay ka mid yihiin kor u qaadidda koritaanka si uu unuggu u ballaadho, sugidda shiiqista figeed iyo bilaabidda samayska xididka marka la jaro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
oksiin
m.dh (-no, m.dh) (baay.) Koox ka tirsan walxaha koritaanka dhirta oo masu'uul ka ah dariiqooyinka ay ka mid yihiin kor u qaadidda koritaanka si uu unuggu u ballaadho, sugidda shiiqista figeed iyo bilaabidda samayska xididka marka la jaro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oksiin
-ta: (magac, dhedig, keli) koox ka tirsan walxaha koritaanka dhirta oo masu'uul ka ah dariiqooyinka ay ka mid yihiin kor u qaadidda koritaanka si uu unuggu u ballaadho, sugidda shiiqista figeed iyo bilaabidda samayska xididka marka la jaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ogsajiin
ogsajiin¹: m.dh 1. Curiye kiimikaad oo neef ah, midab dhadhan iyo urna lahayn oo ku jira hawada iyo biyaha muhimna u ah noolaha. 2. Curiyeyaasha biyuhu ka samaysmaan mid ka mid ah. la-mid: ogsijiin, oksijiin.
ogsajiin²: m.dh (kiimika) Neef laba atamle ah oo aan ur iyo midab midna lahayn. Curiyaha ugu horreeya ururka VI ee tusaha kalgalka curiyayaasha. Waxa ay ku jirtaa atomosfiyeerka, macdanta badankeeda, iyo dhagaxda. Ogsajiintu waa curiye lama huraan u ah noolaha oo dhan. Ogsajiinta curiyaha ahi waxa ay leedahay laba qaab: molikiyuulka laba atamlaha ah (O) iyo molikiyuulka deganaanshaha yar ee saddex-ogsajiin (Osoon), O. Osoonta waa jinsi ka mid ah jinsiyada ogsajiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ogsajiin
ogsajiin¹: m.dh 1. Curiye kiimikaad oo neef ah, midab dhadhan iyo urna lahayn oo ku jira hawada iyo biyaha muhimna u ah noolaha. 2. Curiyeyaasha biyuhu ka samaysmaan mid ka mid ah. la-mid: ogsijiin, oksijiin.
ogsajiin²: m.dh (kiim.) Neef laba atamle ah oo aan ur iyo midab midna lahayn. Curiyaha ugu horreeya ururka VI ee tusaha kalgalka curiyayaasha. Waxa ay ku jirtaa atomosfiyeerka, macdanta badankeeda, iyo dhagaxda. Ogsajiintu waa curiye lama huraan u ah noolaha oo dhan. Ogsajiinta curiyaha ahi waxa ay leedahay laba qaab: molikiyuulka laba atamlaha ah (O) iyo molikiyuulka deganaanshaha yar ee saddex-ogsajiin (Osoon), O. Osoonta waa jinsi ka mid ah jinsiyada ogsajiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ogsajiin
m. n., (mass n.): oxygen
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ogsajiin
-ta: (magac, dhedig, keli) curiye hawo ah oo aan la'aanteed nooluhu noolaan karin oo dhiigga iyo neefsashaduba la faltamaan, oo dadku jiitaan markay neefsanayaan (O). Qofna ogsajiin la'aan ma noolaad
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ogsajiin
a: ogsijiin ~ oksijiin {Eng}
de: oxygen
lx: ogsajiin
pd: (-ka)
ps: n2-m-mass
key: ogsajiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sijin
m.f.dh eeg siji. la-mid: sijis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kiniin
m.l la-mid: kiniini
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kiniin
-ka: (magac, lab, keli) daawo iniino laga dhigo. Dh: kiniini.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sikiin
m.dh la-mid: sakiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sikiin
-ta: (magac, dhedig, keli) bir yar oo xalleefsan oo labada dhinac af ku leh, oo wax lagu jarto tintana lagu xiirto. Dh: makiinad, sakiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siniin
(Siniin-ta)
Sanuun; ur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siniin
m.dh.w eeg sano.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
siniin
f. n. unpleasant ~ musty smell
siniin [feminine] n., pl. years
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
siniin
(adj) long-time or longtime (loogi-teeym)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siniin
-ta: (magac, dhedig, keli) sanuun; urta dufanka, Siniin subaq baa kaa soo uraysa. Dh: ur.
siniin-ta: (magac, dhedig, keli) neef aan weyd ahayn. Lax siniin leh ayaa loo loogay iyaga.
siniin: (falkaabe) sannado ka hor dhacay. Siniin miniin wixii dhacay maanta maxaa soo celiyey?
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
onkojiin
m.l (-nno, m.dh) (baayoloji) Jiin ay leeyihiin fiirusyadu iyo unugyo naasley oo keeni kara kansar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
onkojiin
m.l (-nno, m.dh) (baay.) Jiin ay leeyihiin fiirusyadu iyo unugyo naasley oo keeni kara kansar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
onkojiin
-ka: (magac, lab, keli) jiin ay leeyihiin fiirusyadu iyo unugyo naasley oo keeni kara cudurka kansarka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ordisiin
m.dh la-mid: orodsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ordisiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid si xawli ah u cararsiin. Ordisiin ordaa lagu xulayo ayaan ka qayb galay. Dh: cararsiin, roorsiin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aasbiriin
-ka: (n) aspirin (aas-periin). Ex: keniin aasbariin ah; an aspirin tablet
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aasbiriin
-ka: (magac, lab, keli) daawo xummadda iyo garaaca loo qaato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kollajiin
m.l (-no, m.d) (c,nafl) Borotiin miiqsan oo ma milme ah lagana helo nudo isku xidhayaasha maqaarka, taharta iyo lafta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kollajiin
m.l (-no, m.d) (c.nafl) Borotiin miiqsan oo ma milme ah lagana helo nudo isku xidhayaasha maqaarka, taharta iyo lafta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kursijiif
m.l (-fyo, m.dh) Kursi fidsan oo fadhi iyo ku jiifba loo isticmaali karo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kursijiif
m.l (-fyo, m.dh) Kursi fidsan oo fadhi iyo ku jiifba loo isticmaali karo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kursijiif
m. n., [compound] deck chair
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kursijiif
-ka: (magac, lab, keli) kursi iyadoo la fadhiyo hadana laysu kala bixiyo. Kursijiifkii ayaan ku gam'ay maanta. Wa: kursijiifyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kursijiif
de: deck chair
lx: kursijiif
pd: (-ka)
ps: n2a-m-cmp
key: kursijiif
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qooshniin
-ka: (magac, lab, keli) eeg qooshnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoslisiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale gosol ka keenid: ka qoslin. Dh: qoslin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xisbiyiin
m.dh.w Xubno xisbi ka tirsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xisbiyiin
-ta: (magac, dhedig, keli) dad siyaasad u go'ay oo xisbi ka tirsan. Li: mustaqilliin.