oh
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
oh
/ow/ (inter) kalmad muujisa yaabka, cabisda iwm.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
oh
inter. - ba' ah, aah iwm.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
oh
oh, interj. - alla! aga! naw!
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ohli
(Ohli-ga)
Kolay harag ah oo wax lagu gurto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ahaw
f.mg3 (-aaday, -aatay) Wax xalaad ku sugan noqosho. la-mid: ohow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alkahool
m.l (-lo, m.dh) (kiimika) Iskudhis orgaanig ah oo ka kooban hal ama in ka badan oo haydaroogsayl (-OH). Alkahoolladu waa haydaroogsi laga soo dhirandhiriyey alkeynnada. Waxay sameeyaan taxane isku mid ah C H n+1. H. Alkahoollada waxa lagu kala sooci karaa dabeecadda kaarboon atamka ay ku dhegsanyihiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asiidh-laagtika
m.dh (-dyo ..., m.dh) (baayoloji) Asiidh dhanaan oo dhis naanays molikiyuulkeedu yahay CH3CH(OH)COOH, asiidhka laagtig waxay ka timid asiidhka bayruufig, marka muruqyadu firfircoonyihiin ogsajiintuna xaddidantahay. Taasoo si isbada joog ah beerku u saaro una beddelo gulukows. Jimicsiga xoogga badan waxa laga yaabaa in ay ku ururto muruqyada dhexdooda taas oo keenta muruqyo xanuun. Waxa kale oo ay asiidhka laaktig ka qayb qaadataa khamiirinta caanaha, iyo wixi lamida.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beys
m.l (kiimika) Iskudhis sii daaya ayoonka haydarogsayl, OH- , marka uu ku jiro milanbiyood. Milannada beysyada ahi waxay leeyihiin pH ka sarreeya 7.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyuutanool
m.l (-llo, m.dh) (kiimika) Biyuutayl alkohool: C H OH. Hoor yeelan kara afar qaab oo isku-naanaysood. Biyuunta-1-ool, CH CH CH CH -OH, bar-karkeedu waa 117.5°C, waxana loo isticmaalaa mile ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eey
eey¹: m.l (-eey/-yo, m.dh) (cilmiga naflayda) Naasley dab joog ah, yeyda ay isku bah yihiin, hilib cun ah, oo loo adeegsado ugaarsiga iyo ilaalinta guryaha, xoolaha, beeraha iyo wixi lamida. la-mid: ey¹.
eey²: m.dh (-eey/-yo, m.dh) Eey dheddig ah. la-mid: eeyad, ey².
eey³: e.d Erey dareen: ehi!, oh! la-mid: eeyaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hangool
m.l (-llo, m.dh) Qalab qori oh oo labo gantood iyo gar soo godan leh oo reermiyigu xoolaha ku ootaan. la-mid: hankool.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haydaro'ogsaydh
m.l (-dyo, m.dh) (kiimika) Iskudhis uu ku jiro ayoonka OH- ama kooxda -OH.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaalsiyam
m.dh (kiimika) Bir firfircoon oo jilicsan, heerkul hoosana ku dhalaasha. Waa curiyaha saddexaad ee ururka 2aad ee tusaha kalgalka curiyayaasha. Waxay ku badantahay jeesada ama dhagaxa didibka iyada oo ah CaCO3, jibsimka iyada oo ah CaSO4 2H2O, jibsim ooman iyada oo ah CaSO4, faloorasbaar iyada oo ah CaF2 iyo abatayt iyada oo ah CaF2 Ca3 (PO4). Marka kaalsiyam lagu gubo meel hawo leh, waxa samaysma kaalsiyam ogsaydh (CaO) oo ah adke yooneed oo cad, waxase ka habboon in ogsaydhka laga diyaariyo kaarbooneytyada kaalsiyam kaas oo u kala baxa ilaa 800° C. Ogsaydhka iyo birta nafteeduba waxay sameeyaan haydarog-saydh (Ca(OH)2) marka ay la falgalaan biyaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maxsuul-aayooneed
m.l (-yo, m.dh) (kiimika) Taranta ribnaannada: kw = [ H+ ] [ OH- ] ee biyaha oo ka dhalatay ayoonoobidda xaddi yar oo biyo ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ohli
m.l (ohli/-iyo, m.dh) Kolay weyn harag ama mayrax ka samaysan oo badarka iyo waxyaabaha yaryar ee guriga lagu gurto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ohoomin
m.f.dh eeg ohoomi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
alkahool
m.l (-lo, m.dh) (kiim.) Iskudhis orgaanig ah oo ka kooban hal ama in ka badan oo haydaroogsayl (-OH). Alkahoolladu waa haydaroogsi laga soo dhirandhiriyey alkeynnada. Waxay sameeyaan taxane isku mid ah C H n+1. H. Alkahoollada waxa lagu kala sooci karaa dabeecadda kaarboon atamka ay ku dhegsanyihiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
asiidhlaagtika
m.dh (-dyo ..., m.dh) (baay.) Asiidh dhanaan oo dhis naanays molikiyuulkeedu yahay CH3CH(OH) COOH, asiidhka laagtig waxay ka timid asiidhka bayruufig, marka muruqyadu firfircoonyihiin ogsajiintuna xaddidantahay. Taasoo si isbada joog ah beerku u saaro una beddelo gulukows. Jimicsiga xoogga badan waxa laga yaabaa in ay ku ururto muruqyada dhexdooda taas oo keenta muruqyo xanuun. Waxa kale oo ay asiidhka laaktig ka qayb qaadataa khamiirinta caanaha, iyo wixi lamida.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beys
m.l (kiim.) Iskudhis sii daaya ayoonka haydarogsayl, OH- , marka uu ku jiro milan-biyood. Milannada beysyada ahi waxay leeyihiin pH ka sarreeya 7.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
biyuutanool
m.l (-llo, m.dh) (kiim.) Biyuutayl alkohool: C H OH. Hoor yeelan kara afar qaab oo isku-naanaysood. Biyuunta-1-ool, CH CH CH CH -OH, bar-karkeedu waa 117.5°C, waxana loo isticmaalaa mile ahaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hangool
m.l (-llo, m.dh) Qalab qori oh oo labo gantood iyo gar soo godan leh oo reermiyigu xoolaha ku ootaan. la-mid: hankool.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
haydaro'ogsaydh
m.l (-dyo, m.dh) (kiim.) Iskudhis uu ku jiro ayoonka OH- ama kooxda -OH.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kaalsiyam
m.dh (kiim.) Bir firfircoon oo jilicsan, heerkul hoosana ku dhalaasha. Waa curiyaha saddexaad ee ururka 2aad ee tusaha kalgalka curiyayaasha. Waxay ku badantahay jeesada ama dhagaxa didibka iyada oo ah CaCO3, jibsimka iyada oo ah CaSO4 2H2 O, jibsim ooman iyada oo ah CaSO4, faloorasbaar iyada oo ah CaF2 iyo abatayt iyada oo ah CaF2 Ca3 (PO4). Marka kaalsiyam lagu gubo meel hawo leh, waxa samaysma kaalsiyam ogsaydh (CaO) oo ah adke yooneed oo cad, waxase ka habboon in ogsaydhka laga diyaariyo kaarbooneytyada kaalsiyam kaas oo u kala baxa ilaa 800° C. Ogsaydhka iyo birta nafteeduba waxay sameeyaan haydarogsaydh (Ca(OH)2) marka ay la falgalaan biyaha.ù m.l, kaalsiyam haydarogsaydh. m.l, kaalsiyam kaarboneyt. m.l, kaalsiyam salfeyt.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doh
(Doh-da)
Dhulka dixda ah oo biyuhu maraan oo meelo biyo leh iyo meelo oommane ah isugu dhafan, meelihiisa biyaha leh; daw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doh
m.dh (-ho, m.l) Dhul godan, carro jilicsan oo biya-qabatin leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
doh
f. n. marsh, swamp; rain forest; reservoir (in which rain water is collected)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doh
-da: (magac, dhedig, keli) dhinac ama doc, badanaa waxaa lagu isticmaalaa aqalka gudihiisa. Dohda aqalka barkimaa yaala ama waxaad dhihi kartaa dahada aqalka barkimaa yaala oo loola jeedo raarta.
doh-da: (magac, dhedig, keli) meel dhulka kale ka hoosaysa oo ballaadhan intay doonto oo roobku markuu da'o daadku maro. Dh: dhuun.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
doh
de: marsh, swamp; rain forest; reservoir (in which rain water is collected)
lx: doh
pd: (-da)
ps: n1-f
key: doh
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoh
Hoh!
Erey yaabka iyo baqdinta iyo xanuunku ay dadka ka soo saaraan; Hohey! Caku! Hah!
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoh
e.d Erey yaabka iyo baqdinta iyo xanuunku ay dadka ka soo saaraan; hoyey!, caku!, hah!
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoh
inter. ouch!
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hoh
(interjection) ah (aa); used to express various emotions, such as dislike or pain
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoh
(ereydhawaaq) tilmaama oo lagu cabbiro yaabka, gocashada, baqdinta iyo xanuunkaba. Dh: hoheey!, caku!, haku! hah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hoh
de: ouch! Exclamation of pain or distress
lx: hoh
ps: intj
key: hoh
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
noh
m.dh Hawo kulul oo muddo yar socota.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
noh
f. n. blaze, flame
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
noh
-da: (magac, dhedig, keli) hawo kulul oo muddo yar socota.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
noh
de: blaze, flame
lx: noh
pd: (-da)
ps: n-f
key: noh
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
ohm
/owm/ (n) halbeegga lugu cabbiro 'caabiga korontada'.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
ohm
ohm, n.m. - caabinta korontada.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oho
eeg ooha.