ereyga

ogsajiin

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

ogsajiin

DHAN
1

ogsajiin¹: m.dh 1. Curiye kiimikaad oo neef ah, midab dhadhan iyo urna lahayn oo ku jira hawada iyo biyaha muhimna u ah noolaha. 2. Curiyeyaasha biyuhu ka samaysmaan mid ka mid ah. la-mid: ogsijiin, oksijiin.

2

ogsajiin²: m.dh (kiimika) Neef laba atamle ah oo aan ur iyo midab midna lahayn. Curiyaha ugu horreeya ururka VI ee tusaha kalgalka curiyayaasha. Waxa ay ku jirtaa atomosfiyeerka, macdanta badankeeda, iyo dhagaxda. Ogsajiintu waa curiye lama huraan u ah noolaha oo dhan. Ogsajiinta curiyaha ahi waxa ay leedahay laba qaab: molikiyuulka laba atamlaha ah (O) iyo molikiyuulka deganaanshaha yar ee saddex-ogsajiin (Osoon), O. Osoonta waa jinsi ka mid ah jinsiyada ogsajiin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

ogsajiin

DHAN
1

ogsajiin¹: m.dh 1. Curiye kiimikaad oo neef ah, midab dhadhan iyo urna lahayn oo ku jira hawada iyo biyaha muhimna u ah noolaha. 2. Curiyeyaasha biyuhu ka samaysmaan mid ka mid ah. la-mid: ogsijiin, oksijiin.

2

ogsajiin²: m.dh (kiim.) Neef laba atamle ah oo aan ur iyo midab midna lahayn. Curiyaha ugu horreeya ururka VI ee tusaha kalgalka curiyayaasha. Waxa ay ku jirtaa atomosfiyeerka, macdanta badankeeda, iyo dhagaxda. Ogsajiintu waa curiye lama huraan u ah noolaha oo dhan. Ogsajiinta curiyaha ahi waxa ay leedahay laba qaab: molikiyuulka laba atamlaha ah (O) iyo molikiyuulka deganaanshaha yar ee saddex-ogsajiin (Osoon), O. Osoonta waa jinsi ka mid ah jinsiyada ogsajiin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

ogsajiin

DHAN

m. n., (mass n.): oxygen

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

ogsajiin

DHAN

-ta: (magac, dhedig, keli) curiye hawo ah oo aan la'aanteed nooluhu noolaan karin oo dhiigga iyo neefsashaduba la faltamaan, oo dadku jiitaan markay neefsanayaan (O). Qofna ogsajiin la'aan ma noolaad

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

ogsajiin

DHAN
1

a: ogsijiin ~ oksijiin {Eng}

2

de: oxygen

3

lx: ogsajiin

4

pd: (-ka)

5

ps: n2-m-mass

6

key: ogsajiin

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

ogsijiin

DHAFAN

m.l la-mid: ogsajiin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

asiidh-laagtika

DHAABAN

m.dh (-dyo ..., m.dh) (baayoloji) Asiidh dhanaan oo dhis naanays molikiyuulkeedu yahay CH3CH(OH)COOH, asiidhka laagtig waxay ka timid asiidhka bayruufig, marka muruqyadu firfircoonyihiin ogsajiintuna xaddidantahay. Taasoo si isbada joog ah beerku u saaro una beddelo gulukows. Jimicsiga xoogga badan waxa laga yaabaa in ay ku ururto muruqyada dhexdooda taas oo keenta muruqyo xanuun. Waxa kale oo ay asiidhka laaktig ka qayb qaadataa khamiirinta caanaha, iyo wixi lamida.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

bakteeriya

DHAABAN

m.dh (-ayaal, m.l/dh) (baayoloji) Noole ili-ma-aragtay ah oo dhammaantood ka kooban hal unug, kuwaas oo aan lahayn xuub bu'eed u gaar ah, hase yeeshee leh gidaar unug oo samays u goonniya leh. B.da badanaaba waxa lagu kala soocaa habka khadaynta Garaam (ha u baahnaato ogsajiin ama yaanay u baahnaan) iyo qaabka muuqaalkooda.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

garwadneed

DHAABAN

m.l (-dyo, m.dh) (c.nafl) Dhuun dhiigga ugu weyn ee laga helo lafdhabarleyda sare, kaas oo ka qaada dhiigga ogsajiinta leh wadnaha dhinaca caloolyarada bidix.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

gibil

DHAABAN
1

gibil¹: m.l Haragga ama maqaarka sare ee dadka iyo xoolaha.

2

gibil²: m.l (jooloji) Atomosfeer: hawada ku gedfan dhulka oo badanaa isugu jirta neefo ay ka mid yihiin ogsajiin (21%), Naytrojiin (78%), kaarboon dhayogsayd (0.03%), Argon (0.94%), Helium iyo neefo kale oo ku yar gibilka (0.01%) marka ay hawadu qallalantahay, iyo uumi-biyood xaddegiisu doorsoomo.

3

gibil³: m.dh (-llo, m.dh) Saan korka laga saaro awrka marka rarka loo dhammeeyo; lammo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

iritorosaytis

DHAABAN

m.l (-syo, m.dh) (cilmiga naflayda) Nooca ugu badan tiro ahaan unugyada dhiigga, kuwaas oo ka kooban midab cas oo loo yaqaan himogolobiin, isla markaana wuxuu masu'uul ka yahay qaadista ogsajiinta.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

kuwaatis

DHAABAN

m.l (jooloji) Mid ka mid ah macaadintra aad loo helo, oo ku jirta dhadhaabooyin iyo carrooyin badan iyadoo leh qaabab kala duwan, badanaa waxay buuxisaa dhuumaha, isgalooyinka, iyo hogagga dhadhaabaha. Badanaa waxaa ku qasan macaadin kale, oo ay ka mid yihiin birta ceeriin. Waxay ka samaysantahay silika iyo ogsajiin. Waxay samaysaa xaddigu ugu badan ee bataaxda.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

laba-atamle

DHAABAN

m.l (-layaal, m.l/dh) (kiimika) Molikuyuul ka kooban laba atam. Haydarojiin (H), ogsajiin (O), naytarojiin (N) iyo halojiinaduba waxay tusaale u yihiin curiyayaasha laba-atamlaha ah.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

maytokondoriya

DHAABAN

m.l (-ooyin, m.l) (baayoloji) Dhisme laga helo saytobalaasamka unugga dhirta iyo xayawaanka taasi oo qaadda neefsashada ogsajiinta leh: waa meesha ay ka dhacdo meertada kerbis iyo silsiladda gudbinta ilaktaroon, iyo weliba soo saarista tamarta unugga.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

meertada Kerb

DHAABAN

m.dh (baayoloji) Qayb ka mid ah neefsashada unugyada, kaas oo asiidha bayruufig marka ay ogsajiin joogto, way marto meerto kakan oo falgal isnaym xukumo ah, una soo saarta tamar qaab ah ATP, iyo kuwo dhexe oo soo saara walxo kale, sida asiidh duxeed iyo amiino-asiidhyo. Meertada Kerb waxay ka dhacdaa mitokondoriyada.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

naytarojiin

DHAABAN

m.dh (-nno, m.dh) 1. (kiimika) Curiyaha ugu horreeya ururka V ee tusaha kalgalka curiyayaasha; curiye elektaroon jiidasho badan,una jira isagoo molikiyuullo laba atamle ah (N )oo neef ah. Naytarojiinta hawada ku jirtaa waa 78 % mug ahaan. Naytarojiin waxa ay samaysaa ogsaydho ay ka mid yihiin laba-naytarojiin hal-ogsaydh. Naytaras ogsaydh (N O) oo ah ogsaydh dhexdhexaad ah; iyo natarojiin laba-ogsaydh (NO) oo soo saarta iskujir ka kooban naytaras asiidh iyo naytarik asiidh marka biyo lagu daro. 2. (kiimika) Neefta ugu badan gibilka, oo mug ahaan buuxisa 78% ee hawada engegan; neeftani kiimika ahaan ma firfircoona, waxay tartaa inay misho ogsajiinta.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

neefsasho

DHAABAN
1

neefsasho¹: m.f.dh eeg neefo. la-mid: neefsad, neefsi.

2

neefsasho²: m.dh Dariiqadda dheefsasho ee xayawaanka iyo dhirta taas oo walax orgaanik ah la burburinayo lagana dhigayo walxo sahlan isla markaana tamar la soo saarayo, iyada oo lala kaashanayo molikiyuullo gaar ah oo tamarta qaada oo loo isticmaalo dariiqooyin dheefsasho oo kale. Dhirta iyo xayawaanka badankooda neefsashadu waxay u baahantahay ogsajiin, iyo kaarboon laba ogsaydh oo ah dhammaadka maxsuulka.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

neefsasho ogsajiin la'

DHAABAN

m.l (baayoloji) Nooc ka mid ah neefsashada oo cuntadu (gaar ahaan kaarboohaydraytyada) ay qayb ahaan u ogsidhooban iyagoo sii daynaya tamar kiimikeed, kuna sii daynaya dariiqad ogsajiin aan u baahnayn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

neefsasho ogsajiin leh

DHAABAN

m.dh (baayoloji) Nooc ka mid ah neefsashada, oo cuntadu (gaar ahaan kaarboohydraytyada) ay dhammaantood u ogsidhoobaan kaarboon laba ogsaydh iyo biyo, iyaga oo siidaynaya tamar kiimikeed, kuna sii daynaya dariiqad u baahan ogsajiin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

waaf

DHAABAN

m.l (-faf, m.l) (cilmiga naflayda) Xubin neefsasho oo ay isticmaalaan xayawaannada biyaha ku nooli, si ay uga soo qaataan ogsajiinta biyaha dhexdooda.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

asiidhlaagtika

DHAABAN

m.dh (-dyo ..., m.dh) (baay.) Asiidh dhanaan oo dhis naanays molikiyuulkeedu yahay CH3CH(OH) COOH, asiidhka laagtig waxay ka timid asiidhka bayruufig, marka muruqyadu firfircoonyihiin ogsajiintuna xaddidantahay. Taasoo si isbada joog ah beerku u saaro una beddelo gulukows. Jimicsiga xoogga badan waxa laga yaabaa in ay ku ururto muruqyada dhexdooda taas oo keenta muruqyo xanuun. Waxa kale oo ay asiidhka laaktig ka qayb qaadataa khamiirinta caanaha, iyo wixi lamida.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

bakteeriya

DHAABAN

m.dh (-ayaal, m.l/dh) (baay.) Noole ili-ma-aragtay ah oo dhammaantood ka kooban hal unug, kuwaas oo aan lahayn xuub bu'eed u gaar ah, hase yeeshee leh gidaar unug oo samays u goonniya leh. B.da badanaaba waxa lagu kala soocaa habka khadaynta Garaam (ha u baahnaato ogsajiin ama yaanay u baahnaan) iyo qaabka muuqaalkooda.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

garwadneed

DHAABAN

m.l (-dyo, m.dh) (c.nafl) Dhuun dhiigga ugu weyn ee laga helo lafdhabarleyda sare, kaas oo ka qaada dhiigga ogsajiinta leh wadnaha dhinaca caloolyarada bidix.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

gibil

DHAABAN
1

gibil¹: m.l Haragga ama maqaarka sare ee dadka iyo xoolaha.

2

gibil²: m.l (jool.) Atomosfeer: hawada ku gedfan dhulka oo badanaa isugu jirta neefo ay ka mid yihiin ogsajiin (21%), Naytrojiin (78%), kaarboon dhayogsayd (0.03%), Argon (0.94%), Helium iyo neefo kale oo ku yar gibilka (0.01%) marka ay hawadu qallalantahay, iyo uumi-biyood xaddegiisu doorsoomo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

iritorosaytis

DHAABAN

m.l (-syo, m.dh) (cilmiga naflayda) Nooca ugu badan tiro ahaan unugyada dhiigga, kuwaas oo ka kooban midab cas oo loo yaqaan himogolobiin, isla markaana wuxuu masu'uul ka yahay qaadista ogsajiinta.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

oksijiin

DHAFANDHAAF

m.l la-mid: ogsijiin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

oksijiin

DHAFANDHAAF

-ka: (n) oxygen (ok-si-jiin)

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

kollajiin

DHAFANDHAAF

m.l (-no, m.d) (c,nafl) Borotiin miiqsan oo ma milme ah lagana helo nudo isku xidhayaasha maqaarka, taharta iyo lafta.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

kollajiin

DHAFANDHAAF

m.l (-no, m.d) (c.nafl) Borotiin miiqsan oo ma milme ah lagana helo nudo isku xidhayaasha maqaarka, taharta iyo lafta.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Cajiin

DHAFANDHAAF
1

(Cajiin-ka)

2

Bur ama budo kale oo la qooyo oo la rafaaqo, si hadhow kimis looga dhigo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

cajiin

DHAFANDHAAF
1

cajiin¹: m.l/dh 1. Budo meseggo ama galley oo biyo lagu rafaaqay. 2. Budo meseggo ama galley iyo bur laysku qasay oo canjeelo laga sameeyo.

2

cajiin²: f.g1 (-iimay, -iintay; -iimi) 1. Biyo ku rafaaqid budo meseggo ama galley. 2. Budo meseggo ama galley iyo bur isku qasid si canjeelo looga sameeyo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

cajiin

DHAFANDHAAF
1

cajiin¹: m.l/dh 1. Budo meseggo ama galley oo biyo lagu rafaaqay. 2. Budo meseggo ama galley iyo bur laysku qasay oo canjeelo laga sameeyo.

2

cajiin²: f.g1 (-iimay, -iintay; -iimi) 1. Biyo ku rafaaqid budo meseggo ama galley. 2. Budo meseggo ama galley iyo bur isku qasid si canjeelo looga sameeyo. m.f.dh, cajiimid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

cajiin

DHAFANDHAAF
1

m. n. dough; paste (pasty substance like toothpaste)

2

cajiin v. make paste; mix dough, knead

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

cajiin

DHAFANDHAAF
1

-ta: (n) dough (dow); pastry (peystri) ~ qamiir

2

cajiin -cajiimay / cajiintay: (v) knead (niidh); knead dough

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

cajiin

DHAFANDHAAF
1

(fal) daqiiq iyo wax la mid ah, xash oo isku rufaaq. Dh: xash; rufaaq; qoosh.

2

cajiin -ta: (magac, dhedig, keli) bur ama budo kale oo la qooyo oo la rufaaqo kimisna laga dhigo. Dh: qoosh.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

gamiin

DHAFANDHAAF

f.mg1 (-iimay, -iintay; -iimi) 1. Nafley tiiraanyo ka muuqato ahaansho. 2. Cunto ka caanadiidid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

gamiin

DHAFANDHAAF
1

-ka: (magac, lab, keli) geedmidhood waaweyn oo u eg dhebiga kana baxa buuraleyda midab cadna leh oo ulo laga goosto.

2

gamiin -ta: (magac, dhedig, keli) qandho iyo xanuun inta badan cadho keento. Inankii gamiin iyo xanuun labo gar daymooye.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Gasiin

DHAFANDHAAF
1

(Gasiin-ka)

2

Cunno; calaf; dheef; dhuuni; (ama gesin).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

gąsiin

DHAFANDHAAF

m.l Cunto; calaf; dheef; dhuuni. la-mid: gesiin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

gasiin

DHAFANDHAAF

gąsiin: m.l Cunto; calaf; dheef; dhuuni. la-mid: gesiin. gastiriite m.dh (daaw.) Halamacoodka xuubka daboola caloosha gudaheeda.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

gasiin

DHAFANDHAAF

m. n., [collective] food, sustenance, living requirements; home

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

gasiin

DHAFANDHAAF

-ka: (n) food (fuudh) ~ cunno

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

gasiin

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) cuntada la cuno nooca calaliska ah siiba waxa la kariyo. Gasiin kaad cuntaba xoolahaa meel ka soo gala e'. Dh: cunto, baad, dhuuni.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

gasiin

DHAFANDHAAF
1

bw: gesiin

2

cf: cunno, calaf, dheef

3

de: food, sustenance, living requirements; [fig.] home

4

lx: gasiin

5

pd: (-ka)

6

ps: n2-m-col

7

key: gasiin

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

oksiin

DHAFANDHAAF

m.dh (-no, m.dh) (baayoloji) Koox ka tirsan walxaha koritaanka dhirta oo masu'uul ka ah dariiqooyinka ay ka mid yihiin kor u qaadidda koritaanka si uu unuggu u ballaadho, sugidda shiiqista figeed iyo bilaabidda samayska xididka marka la jaro.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

oksiin

DHAFANDHAAF

m.dh (-no, m.dh) (baay.) Koox ka tirsan walxaha koritaanka dhirta oo masu'uul ka ah dariiqooyinka ay ka mid yihiin kor u qaadidda koritaanka si uu unuggu u ballaadho, sugidda shiiqista figeed iyo bilaabidda samayska xididka marka la jaro.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

oksiin

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) koox ka tirsan walxaha koritaanka dhirta oo masu'uul ka ah dariiqooyinka ay ka mid yihiin kor u qaadidda koritaanka si uu unuggu u ballaadho, sugidda shiiqista figeed iyo bilaabidda samayska xididka marka la jaro.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

sakiin

DHAFANDHAAF

m.dh (-no, m.l) Bir yar oo xalleefsan labada dhinacna af ku leh oo timaha lagu xiiro. la-mid: sikiin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

sakiin

DHAFANDHAAF

m.dh (-no, m.l) Bir yar oo xalleefsan labada dhinacna af ku leh oo timaha lagu xiiro. la-mid: sikiin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

sakiin

DHAFANDHAAF

f. n. razor blade

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

sakiin

DHAFANDHAAF

-ta: (n) razor (reey-sar) ~ makiinad

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

sakiin

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) bir yar o xalleefsan oo labada dhinac af ay wax goyo ku leh oo timaha lagu xiirto, Dh: mindiil, mikiinad, maddiil.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

sakiin

DHAFANDHAAF
1

de: razor blade

2

initial: s

3

lx: sakiin

4

pd: (-ta)

5

ps: n1-f

6

key: sakiin

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]

sakiin

DHAFANDHAAF

أَدَاةٌ لِلْخِلاقَة، مُوسَى

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]

SARIIN

DHAFANDHAAF
1

(Sarin) N Crossandra nilotica Oliv. Acanthaceae.

2

N Dicliptera verticillata (Forsk) C. Chr. Acanthaceae.

3

S, May Duosperma eremophilum Milne-Redh. Acanthaceae.

4

C Neurocanthus polyacanthus Lindau C.B.Cl. Acanthaceae.

5

N Leucas cuneifolia Bak. Labiatae.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

wajiin

DHAFANDHAAF

m.l (-nno, m.dh) Caajiska qabowgu habeenkii jirka nafleyda geliyo.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

wajiin

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) caajiska qabowgu habeenkii jidhka nafleyda geliyo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Xajiin

DHAFANDHAAF
1

1. (Xajiin-ka) Geed yar oo leh caleemo xaadi ku rogan tahay iyo dhacaan cuncun daran ku reeba wixii uu taabto.

2

2. (Xajiin-ta) Cuncun haraggu dareemo oo oogadu aad u kahato oo waxyaalo kala gaar ah laga qaado (sida: dhirta qaarkeed, habaaska, cunnada, ... ama kulka iyo qabowga); cadanyo; caaro.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

xajiin

DHAFANDHAAF
1

xajiin¹: m.l Geed yar oo leh caleemo xaadi ku rogantahay iyo dhacaan cuncun deran ku reeba wixii uu taabto.

2

xajiin²: m.dh Cuncun haraggu dareemo oo oogadu aad u kahato oo waxyaalo kala gaar ah laga qaado (sida: dhirta qaarkeed, habaaska, cunnada, iyo wixi lamida); cadanyo; caaro. la-mid: xajiimo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

xajiin

DHAFANDHAAF
1

xajiin¹: m.l Geed yar oo leh caleemo xaadi ku rogantahay iyo dhacaan cuncun deran ku reeba wixii uu taabto.

2

xajiin²: m.dh Cuncun haraggu dareemo oo oogadu aad u kahato oo waxyaalo kala gaar ah laga qaado (sida: dhirta qaarkeed, habaaska, cunnada, iyo wixi lamida); cadanyo; caaro. la-mid: xajiimo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

xajiin

DHAFANDHAAF
1

m. n. stinging nettle (plant species that causes itching when touched)

2

xajiin [feminine] n. nettle rash, severe itch, pruritus, urticaria; allergy

waa la naqliyay ✓

Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]

XAJIIN

DHAFANDHAAF

[HAJEEN, HEJIM] Echiochilon arabicum (?) 10, Indigofera sp.nr. elwakensis 10, I. intricata 50, I. spinosa 01, Triumfetta actinocarpa 03

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]

XAJIIN

DHAFANDHAAF
1

(Hajin) C Tephrosia filiflora Chiov. Papilionaceae.

2

C Indigofera argentea Burm. Papilionaceae.

3

N Crotalaria dumosa Franch. Papilionaceae.

4

S Tephrosia villosa (L) Pers. Papilionaceae.

5

C Indigofera sesquijuga Chiov. Papilionaceae.

6

C Indigofera intricata Boiss. Papilionaceae.

7

Og,S Tephrosia polyphylla (Chiov.) Gillett. Papilionaceae.

8

C Indigofera spinosa Forsk. Papilionaceae.

9

C Indigofera sesquijuga Chiov.

10

C Indigofera sp. aff. I. Elwakensis Gillett. Papilionaceae.

11

C Triumfetta actinocarpa S. Moore Tiliaceae

12

C,S Pavonia eremogeiton Ulbr. Malvaceae.

13

C Pavonia zeylanica Cav. Malvaceae.

14

C Heliotropium congestum Bak. Boraginaceae.

15

C Heliotropium ovalifolium Forsk. Boraginaceae.

16

C Seddera pedunculata (Balf.F.) Hall.F. Convolvulaceae.

17

C Barleria eranthemoides C.B.Cl. Acanthaceae.

18

C Asepalum erantherum (Vatke) Engl. Cyclocheilaceae.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

xajiin

DHAFANDHAAF

-ta: (n) itching of the skin caused by allergic reaction; hives (haayviz)

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

xajiin

DHAFANDHAAF
1

-ta: (magac, dhedig, keli) cuncun kabxarar wata oo dubka dushiisa laga dareemo kolka wax xajiin leh la taabto ama ay jirto xasaasiyad uu jidhku diidayo. Dh: cuncun.

2

xajiin -ta: (magac, dhedig, keli) hadhuudhka engegan kolka la tumo inteeda dabaysha raacda oo qofka ay taabato xajiin ama cadanyo u keenta. Gorowga xajiinta ka huf.

3

xajiin -ta: (magac, dhedig, keli) geed yar oo leh caleemo xaadi ku rogan tahay iyo dheecaan oo haddii la taabto lagu caaroodo oo lagu xajiimoodo.

4

xajiin -ka: (magac, lab, keli) eeg xajiimaale.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

bogsiin

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg boogsii. la-mid: bogsiis.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

bogsiin

DHAFANDHAAF

vl. n. healing, curing

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bogsiin

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) cid bugta daawayn. Dawooyinku way kala bogsiin og yihiin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

bogsiin

DHAFANDHAAF
1

cf: bukaan

2

de: healing, curing

3

lx: bogsiin

4

pd: (-ta)

5

ps: vn-f

6

key: bogsiin

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

isasiin

DHAFANDHAAF
1

-ta: (magac, dhedig, keli) wax la isu hibeeyo oo la isu gudbiyo.

2

isasiin -ta: (magac, dhedig, keli) wiil iyo gabadh isu guurin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

ogaysiin

DHAFANDHAAF

vl. n. announce, informing; announcement

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

ogaysiin

DHAFANDHAAF

-ta: (n) notification (noo 'tifikeeyshin); notifying (noo 'tifaaying); notice (now'tis); announcing (a nawns ing); informing (in-foorming) ~ ogeysiin

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

ogaysiin

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale ka wargelin oo wax uuna ogayn u sheegid. Ningunta ogi ogaysiin uma baahna.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

ogaysiin

DHAFANDHAAF
1

a: ogeysiis

2

de: announcing, informing; announcement

3

lx: ogaysiin

4

pd: (-ta)

5

ps: vn1-f, vn2-f

6

key: ogaysiin

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Ogeysiin

DHAFANDHAAF
1

(Ogeysiin-ta)

2

Ku og ama war haya ka dhigid; war gaarsiin; dareensiin; u warramid; u sheegid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

ogeysiin

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg ogeysii. la-mid: ogeysiis (2).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

ogeysiin

DHAFANDHAAF

-ta: (n) notification (noo 'ti fikeeyshin); notifying (noo 'tifaaying); notice (now'tis); announcing (a nawns ing); informing (in-foorming) ~ ogaysiin, wargelin

waa la naqliyay ✓

Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]

Ogeysiin

DHAFANDHAAF
1

Avvisare

2

To give notice

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

ogeysiin

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, xog ka wargelin. Dh: ogaysiin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

onkojiin

DHAFANDHAAF

m.l (-nno, m.dh) (baayoloji) Jiin ay leeyihiin fiirusyadu iyo unugyo naasley oo keeni kara kansar.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

onkojiin

DHAFANDHAAF

m.l (-nno, m.dh) (baay.) Jiin ay leeyihiin fiirusyadu iyo unugyo naasley oo keeni kara kansar.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

onkojiin

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) jiin ay leeyihiin fiirusyadu iyo unugyo naasley oo keeni kara cudurka kansarka.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

hoosaysiin

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg hoosaysii.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

hoosaysiin

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) wax, xagga hoose marsiin. Dh: hoosaysiis.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

aqsaysiin

DHAFANDHAAF

m.f.dh la-mid: asqaysiin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

fanaajiin

DHAFANDHAAF

m.dh.w eeg fujaan. la-mid: faraajiin.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

fanaajiin

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) weel yar oo shaaha iyo wixii la mid ah lagu cabbo. Dh: fujaan, koob.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

faraajiin

DHAFANDHAAF

m.dh.w eeg fujaan.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

faraajiin

DHAFANDHAAF

-ta: (magacwadareed) weelal yaryar oo shaaha iyo wixii la mid ah lagu shubto, waxna lagu cuno. Dh: fanaajiin, fujaan.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

fogaysiin

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) dheereyn oo meel fog geyn.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

golqaniin

DHAFANDHAAF
1

-ka: (magac, lab, keli) awrka oo awrka kale ee ay is laynayaan hoosta ka qaniina.

2

golqaniin -ka: (magac, lab, keli) cayayaan yaryar oo dadka gosha ka qaniina. Golqaniin ayay meeshu leedahay. Dh: dulin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Hoggaamin

DHAFANDHAAF
1

(Hoggaamin-ta)

2

Hoggaan ku qabasho, ku wadid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

hoggaamin

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg hoggaami. la-mid: hoggaamis.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

hoggaamin

DHAFANDHAAF

vl. n. leading, guiding; leadership

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

hoggaamin

DHAFANDHAAF

-ta: (n) the act of leading, guiding, or conducting

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

hoggaamin

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) hoggaanka qabasho oo horkicid; hogaanka u qabad.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

hoggaamin

DHAFANDHAAF
1

de: leading, guiding; leadership

2

lx: hoggaamin

3

pd: (-ta)

4

ps: vn-f

5

key: hoggaamin

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Hoosaasin

DHAFANDHAAF
1

(Hoosaasin-ta)

2

1. Hiillo, haddana la qarinayo; garabgoroyo; garabhagoojin.

3

2. Hoos u yeelid, ku rogid; qarin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

hoosaasin

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg hoosaasi.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

hoosaasin

DHAFANDHAAF

f. n. bias, concealed partisanship

waa la naqliyay ✓