oggolaasho
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
oggolaasho
vl. n. admission
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
oggolaasho
-oggolaashaha: (n) acceptance (ak sep-tansi); permission (peer-mish 'in); consent, authorization see also [eeg] oggolaansho
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Oggolaasho
Accettazione
Acceptance
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
oggolaasho
de: admission
lx: oggolaasho
pd: (/ha)
ps: vn-m
key: oggolaasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Oggolaansho
(Oggolaansha-ha)
Diidmo la'aansho; okobbanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oggolaansho
m.l/dh eeg oggolow. la-mid: oggolaan.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Oggolaansho
Admittance
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
oggolaansho
vl. n., [abstract] agreement, state of agreeing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
oggolaansho
-oggolaanshaha: (n) admission (adh mishin); acceptance (akseptansi); approval (a paruu-val)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oggolaansho
-ha: (magac, lab, keli) aqbalid ootalo laguula yimid raalli ka noqosho. Dh: aqbalid. Li: diidmo.
oggolaansho-ha: (magac, lab, keli) fasax ama idan Ogolaansho ayaad u haysataa in aad gasho guriga ee hore u soco.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
oggolaansho
a: oggolaan
de: agreement, state of agreeing
lx: oggolaansho
pd: (/ha)
ps: vn6-m-abs
key: oggolaansho
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
oggolaansho
رُحْصَةً، إِذْنِ، إِجَازَةَ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jidqaado
f.mg3 (-aatay, -aadatay) Qof gar lagu qaaday oggolaasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ruqso
ruqso¹: m.dh (-ooyin, m.l) 1. Idan; fasax. 2. Shaqo ka fariisin qof hawshii uu hayey laga fariisiyo. 3. Warqad ay ku qorantahay oggolaasho wax reebban. la-mid: ruqsad.
ruqso²: f.g3 (-saday, -satay) Geed si xoog leh dhul uga siibasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
oggolow
f.mg3 (-laaday, -laatay) Wax, wax oggolaaday noqosho. m.f.dh, oggolaasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ruqso
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Idan; fasax. 2. Shaqo ka fariisin qof hawshii uu hayey laga fariisiyo. 3. Warqad ay ku qorantahay oggolaasho wax reebban. la-mid: ruqsad.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
favorire
v.tr. - taageerid, oggolaasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacmasaydh
-ka: (magac, lab, keli) aqbaliwaa' ama diidmo wax la rabay in laga heshiiyo. Li: yeelid, oggolaasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goggonsasho
m.f.dh eeg goggonso. la-mid: goggonsad, goggonsi
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
oggolaad
-ay / oggolaatay: (v) accept (ak sept); admit (adhmit); consent (kon sent); agree (agrii) ~ aqbal, waafaq
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Oggolaan
(Oggolaan-ta)
Diidmo la'aan; raacsanaan; okobbanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oggolaan
m.f.dh eeg oggol². la-mid: oggolaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
oggolaan
m. n. agreement, consent, permit
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
oggolaan
-ta: (n) acceptance (aksep-tansi); approval (aparuuval)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oggolaan
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg oggol.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
oggolaan
de: agreement, consent, permit
lx: oggolaan
pd: (-ta)
ps: n2-m
key: oggolaan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
noolaasho
vl. n. living, life, state of being alive
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
noolaasho
-noolaashaha: (n) liveliness (laayvli nes)-, vitality (vitaaliti)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
noolaasho
a: noolaansho (/ha) [vn6-m-st]
de: living, life, state of being alive
lx: noolaasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: noolaasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oggolaysii
f.g2 (-iiyay, -iisay) 1. Cid wax ku qancin. 2. Nafley in ay wax oggolaato ku khasbid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
oggolaysii
f.g2 (-iiyay, -iisay) 1. Cid wax ku qancin. 2. Nafley in ay wax oggolaato ku khasbid. m.f.dh, oggolaysiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
oggolaysii
v. convince, persuade, make someone accept something
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
oggolaysii
-yey/say: (v) cause someone admit or accept
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oggolaysii
(fal) cid kale, wax yeelsii; inuu aqbalo ka shaqee. Hasha oggolaysii ilmaheeda.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
oggolaysii
de: convince, persuade, make s.o. accept s.t.
lx: oggolaysii
pd: (oggolaysiiyey)
ps: v2a=tr
key: oggolaysii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bogganaansho
m.l/dh la-mid: bogganaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bogganaansho
-ha: (magac, lab, keli) ebyanaan; dhammaystirnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
googgoosasho
m.f.dh eeg googgooso. la-mid: googgoosad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ogsoonaansho
m.l/dh eeg ogsoonow. la-mid: ogsoonaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ogsoonaansho
-ha: (magac, lab, keli) eeg ogsoonaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gongonsasho
m.f.dh eeg gongonso. la-mid: gongonsad, gongonsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maggowsasho
(Maggowsasha-da)
Cantuugo weyn cantuugid; maggaabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maggowsasho
m.f.dh eeg maggowso. la-mid: maggowsad, maggowsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maggowsasho
-da: (magac, dhedig, keli) kabbasho cantuugo ah oo caano la kabbado. Maggowsashada ha ku saxan. Dh: magawsasho.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Oggolanayya
être d'accord.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oggolaysiin
m.f.dh eeg oggolaysii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oggolaysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) yeelsiin. aqbalsiin. Dh: oggolaysiis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oggolaysiis
-ka: (magac, lab, keli) eeg oggolaysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
agloolnaansho
m.l/dh la-mid: agloolnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agloolnaansho
-ha: (magac, lab, keli) weel la hogeeyay oo xoolaysan ahaan.
agloolnaansho -ha: (magac, lab, keli) weel ama wax kale oo la qurxiyay oo naqshadaysan ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fongornaansho
m.l/dh la-mid: fongornaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fongornaansho
-ha: (magac, lab, keli) wax fongor leh ama fongoran oo meel ka jabay ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fongorraansho
(Fongorraansha-ha)
Wax fongor leh ama fongoran ama takooran ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Goggobeysasho
Goggobeysasha-da)
Ciid habaas leh, ku weesaysasho, cudur ama biyala'aan darteed; booraysasho: (ama gaggabeysasho).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goggobeysasho
m.f.dh eeg goggobeyso. la-mid: gaggabeysad, gaggabeysasho, gaggabeysi, goggobbeys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goggobeysasho
-da: (magac, dhedig, keli) carro ku weysayso oo salaadka ku bannayso. Dh: booraysi, gaggabeysi, goggobeysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kornoolaansho
vl. n. or stative v. exploitation
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kornoolaansho
de: exploitation
lx: kornoolaansho
pd: (/ha)
ps: vn6-m-st
key: kornoolaansho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moogganaansho
-ha: (magac, lab, keli) ogaal la'aansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qobtolnaansho
m.l/dh la-mid: qobtolnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xortolnaansho
m.l/dh la-mid: xortolnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gocasho
(Gocasha-da)
Wax hor u dhacay, illaawid la'aan; tebid; garwaaqsasho; xusuusasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gocasho
m.f.dh eeg goco. la-mid: gocad, gocosho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gocasho
-gocashada: (n) recalling past, usually negative experience; remembrance (ri mem-barensi); memory (mem-ari) ~ soo gocasho, gocosho
soo goco -gocday / gocotay: (v) recall bad memory or negative remembrance
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gocasho
-da: (magac, dhedig, keli) xusuusta wixii hore loogu yidhi ama qofku u sameeyey. Dh: gocad, hibasho.
gocasho: -da: (magac, dhedig, keli) xusuus iyo dareen hiirtaanyo kugu beerta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Godasho
(Godasha-da)
1. Qaab aan qummaati u toosnayn oo godan yeelasho; qalloocasho.
2. Qaab god u eg ama hooseeya yeelasho.
3. Wax godan oo wax lagu shubi karo, ka dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
godasho
m.f.dh eeg godo².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
godasho
-da: (magac, dhedig, keli) qalloocsanaan; qaab aan qummaati u toosnayn oo godan yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gogasho
(Gogasha-da)
1. Hilib ama wax la mid ah cunid, iyadoo hadba meel wax yar laga goosana hayo; cunid, googgoosad yaryar oo kala fogfog ah, oo aan anshaxnimo ku jirin.
2. Arrin aan lana deyn, sidii habboonaydna loo qaban ama loo fulin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gogasho
m.f.dh eeg gogo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gogasho
vl. n. cutting and eating (meat, etc.) in small bits
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gogasho
-da: (magac, dhedig, keli) waxqabad cammays ah; qabyo; booshboosh; hawl ama arrin aan si fiican loo gelin lana daynin, arrinta gogashada ka daaya. Li: dhamaystir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gogasho
de: cutting and eating (meat, etc.) in small bits
lx: gogasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
see: gogo
key: gogasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilaasho
(fal) wax aad leedahay, lumitaanka iyo baylahda ka ilaali. Dh: dhawro, xannaanayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oggolaw
(fal) arrin, talo iyo wixii la mid ah oo lagu soo bandhigo aqbal oo yeel. Dh: aqbal, oggolow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oodasho
m.f.dh eeg oodo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oodasho
-da: (magac, dhedig, keli) ood ku soo xidhasho. Oodashada dawgu waa xadgudub.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oofasho
m.f.dh eeg oofo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oofasho
-da: (magac, dhedig, keli) rimid u diyaarnoqosho. Qaalintu da'dii oofashada way joogtaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
solasho
m.f.dh eeg solo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
solasho
-da: (magac, dhedig, keli) hilib, iyo wixii la mid ah, dab dushiis ku dubasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Foolasho
(Foolasha-da)
1. Xanuunka fooshu, qabasho: dhalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foolasho
m.f.dh eeg foolo. la-mid: foolad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foolasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhedig uur lahaa, xanuunkii dhalmada dareemid. Dh: foolad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galbasho
(Galbasha-da)
1. Meel ka tegid, iyadoo badanaa aan la soo noqona hayn.
2. Lala tegid, aan in la soo dhacsado rajo laga qabin.
3. (guur) guri geyn; guurin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galbasho
m.f.dh eeg galbo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galbasho
-da: (magac, dhedig, keli) milay galab ah, carraabid oo socdaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galcasho
m.dh la-mid: galangalcayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galmasho
-da: (magac, dhedig, keli) galbasho iyo tegitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Godlasho
(Godlasha-da)
(xoolo) godol keenid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
godlasho
m.f.dh eeg godlo. la-mid: godlad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
godlasho
vl. n. being ready for milking, with full udder
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
godlasho
-da: (magac, dhedig, keli) godol soo dayn; caano kayd ah naasaha ku soo dayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
godlasho
de: being ready for milking, with full udder
lx: godlasho
pd: (/da)
ps: vn-f
key: godlasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Goglasho
(Goglasha-da)
Gogol ka dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goglasho
m.f.dh eeg goglo. la-mid: goglad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goglasho
-da: (magac, dhedig, keli) gogol dhulka dhigasho; wax lagu seexdo dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goobasho
m.f.dh eeg goobo².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Goodasho
° (Goodasha-da)
(roob) (soo goodasho) xagga qofka hadlaya, ugu soo socosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goodasho
m.f.dh eeg goodo.