oggolaansho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Oggolaansho
(Oggolaansha-ha)
Diidmo la'aansho; okobbanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oggolaansho
m.l/dh eeg oggolow. la-mid: oggolaan.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Oggolaansho
Admittance
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
oggolaansho
vl. n., [abstract] agreement, state of agreeing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
oggolaansho
-oggolaanshaha: (n) admission (adh mishin); acceptance (akseptansi); approval (a paruu-val)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oggolaansho
-ha: (magac, lab, keli) aqbalid ootalo laguula yimid raalli ka noqosho. Dh: aqbalid. Li: diidmo.
oggolaansho-ha: (magac, lab, keli) fasax ama idan Ogolaansho ayaad u haysataa in aad gasho guriga ee hore u soco.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
oggolaansho
a: oggolaan
de: agreement, state of agreeing
lx: oggolaansho
pd: (/ha)
ps: vn6-m-abs
key: oggolaansho
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
oggolaansho
رُحْصَةً، إِذْنِ، إِجَازَةَ
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
oggolaasho
vl. n. admission
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
oggolaasho
-oggolaashaha: (n) acceptance (ak sep-tansi); permission (peer-mish 'in); consent, authorization see also [eeg] oggolaansho
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Oggolaasho
Accettazione
Acceptance
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
oggolaasho
de: admission
lx: oggolaasho
pd: (/ha)
ps: vn-m
key: oggolaasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aqbalid
(Aqbalid-da)
Wax lays faray ama laysu soo jeediyey oggolaansho; yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diidid
(Diidid-da)
1. Miyirdaboolan wax yar qof haya oo lala dhaco, tabaryari ama dhiigga oo aan si wanaagsan maskaxda u gaarin, darteed.
2. (-) Oggolaansho laga waayid; nicid; yeeli waayid; siin ama bixin waayid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fasax
(Fasax-a)
1. Awood wax lagu qabto; isu diidid la'aan; oggolaansho; idan.
2. Nasashada laga nasto hawlaha iyo dugsiyada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fasixid
(Fasixid-da)
Fasax siin; wax qabashadood ama yeeliddood oggolaansho; sii deyn; ruqsayn; aftixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guddoomid
(Guddoomid-da)
1. Wax laysu dhiibey ama laysa siiyey, si sharci ah u qabasho ama u qaadasho.
2. Guddoon dhacay qaadasho, oggolaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Idmid
(Idmid-da)
Idan siin; in la falo, kd., oggolaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jadeerwacasho
(Jadeerwacasha-da)
1. Meel fog aadid.
2. Oggolaansho la'aan; wax diidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaadasho
(Qaadasha-da)
1. Wax inta gacanta loo soo taago, oo lagu qabto lala tago, si meel kale loo geysto ama wax loogu qabsado ama cid kale loo siiyo; hantiyid.
2. Hadal talo ah ama waano yeelid, maqlid, oggolaansho.
3. (dhib, kd.) Dul u yeelasho, u sabrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rooko
(Rooka-da)
(hawl, cayaar...) mamnuuc ka dhigid; oggolaansho la'aan; diidmo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taabac
(Taabac-a)
Raacid; dabaggelid; oggolaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yeelid
(Yeelid-da)
1. Wax lays faray ama layska doonay oggolaansho; diidid la'aan.
2. Waxayn, falid; samayn.
3. Cid wax u dhimid, dhib gaarsiin.
4. (kabo) yeelin u samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cod
cod¹: m.l (-dad, m.l) 1. Dhawaaq afka ka soo baxa marka la hadlayo, ama la heesayo, ama la qaylinayo iyo wixi lamida. 2. Diidmo ama oggolaansho laga dhiibto doorasho.
cod²: m.l (-dad, m.l) (naxwe) Maayad hawo, neefsi aan ahayn oo soo dhex jibaaxda seedcodeedyada kana soo baxda moqorrada hadalka midkood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fasax
fasax¹: m.l 1. Oggolaan. 2. Nasasho hawlaha iyo dugsiyada lagaga nasto.
fasax²: f.g1 (-xay, -xday; -sixi) 1. Oggolaansho siin. 2. Hawl ka nasin (cid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haah
qr. Qurub tilmaama oggolaansho ama wax ku raacid. la-mid: haa, haaheeyo, hahey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
idan
idan¹: m.l (-nno, m.dh) 1. Oggolaansho, rukhso. 2. Qalab ka samaysan dhagax jilicsan ama dhoobo oo inta dhuxulo nool lagu guro dhirta udgoon lagu shito; dabqaad; idin.
idan²: f.g1 (-dmay, -dantay; -dmi) Wax samayntooda cid fasax u siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jactad
jactad¹: m.l 1. Muuqaalka uu yeesho dhar iyo wixi lamida oo aan si fiicanu kala fidsanayn; canbus, canyayuub. 2. Garaawshiinyo ama oggolaansho la'aan; muran foolxun.
jactad²: f.mg1 (-day, -dday) 1. Dhar iyo wixi lamida si xun u laallaabmid. 2. Hadal jactad ah ku hadlid; asaraarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jadeerwac
jadeerwac¹: m.l 1. la-mid: jadeerwicid. Aadista meel aad u fog la aado. 2. Oggolaansho la'aan. 3. Naxariis, jixinjix.
jadeerwac²: f.g1 (-cay, -cday; -wici) 1. Meel aad u fog aadid. 2. Wax diidid. 3. Cid u jixinjixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabbisii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Cid caano iyo wixi lamida in uu kabbado u oggolaansho. la-mid: kebbisii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maanac
maanac¹: m.l 1. Diidmo, oggolaansho la'aan. 2. la-mid: maanicid.
maanac²: f.g1 (-cay, -cday; -nici) Ka m.: cid wax ka maammnuucid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bogganaansho
m.l/dh la-mid: bogganaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bogganaansho
-ha: (magac, lab, keli) ebyanaan; dhammaystirnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ogsoonaansho
m.l/dh eeg ogsoonow. la-mid: ogsoonaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ogsoonaansho
-ha: (magac, lab, keli) eeg ogsoonaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ogaansho
(Ogaansha-ha)
Ka war qabid; ogaal; garasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ogaansho
m.l/dh eeg ogow. la-mid: ogaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ogaansho
vl. n., [abstract] knowledge, awareness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ogaansho
-ogaanshaha: (n) awareness (aweernes); understanding (andharstaandhing); knowing (noo'wing); comprehension (kom pra hen shin) ~ ogaal-ka, ogaan-ta, garasho, fahan
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Ogaansho
Coscienziosamente
Conscientiously
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ogaansho
-ha: (magac, lab, keli) kawarqabid, xog'ogaal ahaan. Arrinkani ogaansho dheeraad ah ayuu u baahan yahay. Dh: garasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ogaansho
a: ogaan
de: knowledge, awareness
lx: ogaansho
pd: (/ha)
ps: vn-m-abs
key: ogaansho
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
ogaansho
مَعْرِفَة، إِنْتِباه
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Oggolaan
(Oggolaan-ta)
Diidmo la'aan; raacsanaan; okobbanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oggolaan
m.f.dh eeg oggol². la-mid: oggolaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
oggolaan
m. n. agreement, consent, permit
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
oggolaan
-ta: (n) acceptance (aksep-tansi); approval (aparuuval)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oggolaan
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg oggol.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
oggolaan
de: agreement, consent, permit
lx: oggolaan
pd: (-ta)
ps: n2-m
key: oggolaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
noolaansho
m.l/dh eeg noolow. la-mid: noolaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
noolaansho
-ha: (magac, lab, keli) eeg noolaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nuglaansho
(Nuglaansha-ha)
Wax nugul ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nuglaansho
m.l/dh 1. eeg nuglow. 2. la-mid: nuglaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nuglaansho
vl. n., stative v. state of being soft
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuglaansho
-ha: (magac, lab, keli) wax dhibaatada u jilicsan ahaansho; adkaysi la'aansho. Nuglaanshuhu waa dabiici loo dhasho. Dh: nugulaansho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nuglaansho
de: state of being soft
lx: nuglaansho
pd: (/ha)
ps: vn6-m-st
key: nuglaansho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oognaansho
m.l/dh la-mid: oognaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oognaansho
-ha: (magac, lab, keli) eeg oognaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Oollaansho
(Oollaansha-ha)
Wax meel yaal ahaansho; degganaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oollaansho
m.l/dh la-mid: aallid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
oollaansho
vl. n., [abstract] being in a place, state of being located
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oollaansho
-ha: (magac, lab, keli) meel ku negaanshoo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
oollaansho
de: being in a place, state of being located Of inanimate objects only
lx: oollaansho
pd: (/ha)
ps: vn6-m-abs
key: oollaansho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
googgo'naansho
m.l/dh la-mid: googgo'naan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
agloolnaansho
m.l/dh la-mid: agloolnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agloolnaansho
-ha: (magac, lab, keli) weel la hogeeyay oo xoolaysan ahaan.
agloolnaansho -ha: (magac, lab, keli) weel ama wax kale oo la qurxiyay oo naqshadaysan ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fongornaansho
m.l/dh la-mid: fongornaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fongornaansho
-ha: (magac, lab, keli) wax fongor leh ama fongoran oo meel ka jabay ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fongorraansho
(Fongorraansha-ha)
Wax fongor leh ama fongoran ama takooran ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kornoolaansho
vl. n. or stative v. exploitation
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kornoolaansho
de: exploitation
lx: kornoolaansho
pd: (/ha)
ps: vn6-m-st
key: kornoolaansho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moogganaansho
-ha: (magac, lab, keli) ogaal la'aansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qobtolnaansho
m.l/dh la-mid: qobtolnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xortolnaansho
m.l/dh la-mid: xortolnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aqoolnaansho
m.l/dh la-mid: aqoolnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqoolnaansho
-ha: (magac, lab, keli) eeg aqoolnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
degganaansho
m.l/dh eeg degganow. la-mid: degganaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
degganaansho
vl. n., [abstract] stability, state of being stable
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
degganaansho
-ha: (n) tranquillity
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
degganaansho
-ha: (magac, lab, keli) meel degid oo u hoyasho. Meel kollayba aan ka guurayaa degganaansho mal eh. Dh: galid.
degganaansho -ha: (magac, lab, keli) qalalaaso iyo colaad la'aan nabad lagu joogo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
degganaansho
de: stability, state of being stable
lx: degganaansho
pd: (/ha ~ /da)
ps: vn6-m/f-abs
key: degganaansho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goglanaansho
m.l/dh la-mid: goglanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goglanaansho
-da: (magac, dhedig, keli) wax meel bannaan ku fidsan oo diyaarsan ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
holganaansho
m.l/dh la-mid: holganaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
holganaansho
-ha: (magac, lab, keli) eeg holganaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kogsanaansho
m.l/dh la-mid: kogsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kogsanaansho
-ha: (magac, lab, keli) wax isku soo ururay ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lanoolaansho
-ha: (magac, lab, keli) xanuun iyo wax la mid ah, qabitaan oo la tacaalid; wada noolaansho.
lanoolaansho-ha: (magac, lab, keli) nolosha oo cid kale lala wadaago. Lanoolaanshaha dadka waa la bartaa.
lanoolaansho -ha: (magac, lab, keli) (is ~) dhaqan aan fiicnayn oo nin iyo naag aan isqabini ay wada deggan yihiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qorqomaansho
-ha: (magac, lab, keli) eeg qorqornaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
udgoonaansho
m.l/dh la-mid: udgoonaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
udgoonaansho
-ha: (magac, lab, keli) wax udgoon ahaansho; carfi udgoon lahaansho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
soo noolaansho
-noolaanshaha: (n) resurrection (ri-sarek-shin); revival (rivaay-val) ~ dib-usoo noolaansha -da
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
go'aanso
f.g3 (-saday, -satay) Go'aan ka dhigasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
go'aanso
f.g3 (-saday, -satay) Go'aan ka dhigasho. m.f.dh, go'aansasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
go'aanso
-go'aansaday I go'aansatay: (v) decide (di-zeeydh)-, determine (diteermen); rule (ruul); conclude (kon-kuluudh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
go'aanso
(fal) wax ku calool'adayg; qaraar qaado.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
oggolaad
-ay / oggolaatay: (v) accept (ak sept); admit (adhmit); consent (kon sent); agree (agrii) ~ aqbal, waafaq
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
degaansho
m.dh Xaalad deggan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
degaansho
m.dh Xaalad deggan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fogaansho
(Fogaansha-ha)
Fog ahaansho; durugsanaansho; dhowaan la'aansho.