ogaasee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ogaasee
(fal) qof ugaasnimo u caleemasaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ugaasee
f.g2 (-seeyay, -seysay) Qof ugaas (is)ka dhigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ugaasee
v. make king
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ugaasee
(fal) qof ugaasnimo u caleemasaar; qof ugaas ka dhig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ugaasee
cf: boqor
de: make king
initial: u
lx: ugaasee
pd: (ugaaseeyey)
ps: v2b=
key: ugaasee
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Ogaadeen
m. n., [collective] Ogadeni [clan name in western Somalia.]
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Ogaadeen
nickname-m discoverer; to find out; get to know; become aware or realize; look after; take care of. Lit: he who takes care of or looks after another
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Ogaadeen
de: Ogadeni [Ogaden clan name in western Somalia]
lx: Ogaadeen
pd: (-ka)
ps: n0-m-col
key: Ogaadeen
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ogaaseyn
-ta: (magac, dhedig, keli) qof ugaas ka dhigid, qof ugaasnimo u caleemasaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gasee
f.g2 (-seeyay, -sesay) Xoolo gaso gelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Ogaas
magac loo baxsho wiil saansaanyihii madaxda leh oo la filayo ama loogu ducaynayo in uu noqdo hoggaamiye ummadeed. Dh: ugaas.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ogaas
-ka: (magac, lab, keli) darajada nin u sarreeya beel ama gobol hoos tega boqor ka korreeya oo uu daacad u yahay. Dh: ugaas, suldaan, garaad, wabar, iimaan, malaaq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaalee
f.g2 (-leeyay, -laysay) Cid gaal ka dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gaalee
f.g2 (-leeyay, -laysay) Cid gaal ka dhigid. m.f.dh, gaalayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaalee
v. turn someone into an infidel; convert from Islam
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gaalee
-yey / gaalaysay: (v) cause someone to become unbeliever, nonbeliever, disbeliever or infidel (in fi del) of Islam
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaalee
(fal) dad diinta islaamka haysta diin kale geli ama diinlaawayaal ka dhig.
gaalee: (fal) dad muslimiin ah gaalnimo ku sheeg. Li: muslimi, islaami.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaalee
de: turn s.o. into an infidel; convert from Islam
lx: gaalee
pd: (gaaleeyey)
ps: v2b=tr
key: gaalee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaasee
f.mg2 (-seeyay, -seysay) Ka j.: fal xun oo qof sameeyey ku ciqaabid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jaasee
f.mg2 (-seeyay, -seysay) Ka j.: fal xun oo qof sameeyey ku ciqaabid. m.f.dh, jaasayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jaasee
v. reward in kind, give a reward (bad ~ good) as deserved
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jaasee
-yey /jaaseysay: (v) [with preposition ka] punish (panash), penalize (piina-laays) ~ ka jaasee,
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaasee
(fal) «ka ~ cid kale, wanaag ay fashay ka abaalmari.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jaasee
de: reward in kind, give a reward (bad ~ good) as deserved
lx: jaasee
pd: (jaaseeyey)
ps: v2b=
key: jaasee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ogaasay
(fal) ka dhig ugaas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ugaaree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Dabjoob in ay ugaar noqoto gayeysiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ugaaree
v. set (an animal) free, make wild; consider as one's prey
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ugaaree
(fal) eeg ugaadhee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ugaaree
de: set (an animal) free, make wild; consider as one's prey
initial: u
lx: ugaaree
pd: (ugaareeyey)
ps: v2b=tr
key: ugaaree
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Agaasime
(Agaasima-ha)
1. Nin wax agaasima.
2. Nin ka madax ah, qaybaha taliska, middood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
agaasime
m.l (-mayaal, m.l) 1. Qof madax ka ah waax wasaaradeed, wakaaladeed, hay'adeed iyo wixi lamida. 2. A. guud: qof dhowr agaasime madax u ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
agaasime
m.l (-mayaal, m.l) 1. Qof madax ka ah waax wasaaradeed, wakaaladeed, hay'adeed iyo wixi lamida. 2. A. guud: qof dhowr agaasime madax u ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
agaasime
m. n. manager, director
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
agaasime
-agaasimaha: (n) director (direktpr); manager (manajar); one who supervises, controls, or manages —agaasimaha guud: (n) the general director or director general
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Agaasime
Direttore
Director; manager
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agaasime
-ha: (magac, lab, keli) qof madax ka ah laan ama qaybaha maamulka middood. Agaasime wanaagsan ayaa loo dhiibay warshadda.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
agaasime
de: manager, director
lx: agaasime
pd: (/ha)
ps: n7-m, n6-m
key: agaasime
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bogcadee
(fal) bogcad iigu samee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
degaamee
f.g2 (-meeyay, -meysay) Meel degaan ka dhigid. la-mid: deegaamee, deegaami, degaami.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
degaamee
f.g2 (-meeyay, -meysay) Meel degaan ka dhigid. m.f.dh, degaamayn. la-mid: deegaamee, deegaami, degaami.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
degaamee
v. make into a residential area; enable to become accustomed to the surroundings
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
degaamee
(fal) deegaan ay dad galaan ka dhig oo dhisma hoosaad u samee. Dh: deegaami.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
degaamee
a: degaami
de: make into a residential area; enable to become accustomed to the surroundings
lx: degaamee
pd: (degaameeyey)
ps: v2b=tr
key: degaamee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fagaaree
f.mg2 (-reeyay, -raysay) U f.: fagaare u samayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fagaaree
v. do in public; compete, run ~ hold a sporting competition; referee; witness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fagaaree
(fal) madal la wada joogo, keen.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fagaaree
de: do in public; compete, run ~ hold a sporting competition; referee; witness
lx: fagaaree
pd: (fagaareeyey)
ps: v2b=
key: fagaaree
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magaadee
(fal) dambas ku dar buuriga. Buuriga ii magaadee. Dh: dambasee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magaalee
f.g2 (-leeyay, -leysay) Meel magaalo ka dhigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
magaalee
v. set up a town; make (a village) into a city
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
magaalee
-yey / magaaleysay: (v) urbanise (eerbaneeyz); make urban; make into a city
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magaalee
(fal) eeg magaalay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
magaalee
de: set up a town; make (a village) into a city
lx: magaalee
pd: (magaaleeyey)
ps: v2b=tr
key: magaalee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
najaasee
f.g2 (-seeyay, -seysay) (dii.) Qof wasakh gaarsiin. la-mid: nijaasee.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
najaasee
f.g2 (-seeyay, -seysay) (dii.) Qof wasakh gaarsiin. m.f.dh, najaasayn. la-mid: nijaasee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
najaasee
v. consider something dirty ~ render it religiously impure
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
najaasee
(fal) nijaas u yeel. Najaasee marada si aanuu ugu tukan. Dh: nijaasee
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
najaasee
de: consider s.t. dirty ~ render it religiously impure
lx: najaasee
pd: (najaaseeyey)
ps: v2b=tr
key: najaasee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nijaasee
f.g2 (-seeyay, -seysay) la-mid: najaasee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nijaasee
v. render impure; make someone religiously unclean
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nijaasee
-yey/nijaaseysay: (v) make impure or unclean by religious rite
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nijaasee
(fal) eeg najaasee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nijaasee
de: render impure; make s.o. religiously unclean
lx: nijaasee
pd: (nijaaseeyey)
ps: v2b=tr
key: nijaasee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ogaansho
(Ogaansha-ha)
Ka war qabid; ogaal; garasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ogaansho
m.l/dh eeg ogow. la-mid: ogaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ogaansho
vl. n., [abstract] knowledge, awareness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ogaansho
-ogaanshaha: (n) awareness (aweernes); understanding (andharstaandhing); knowing (noo'wing); comprehension (kom pra hen shin) ~ ogaal-ka, ogaan-ta, garasho, fahan
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Ogaansho
Coscienziosamente
Conscientiously
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ogaansho
-ha: (magac, lab, keli) kawarqabid, xog'ogaal ahaan. Arrinkani ogaansho dheeraad ah ayuu u baahan yahay. Dh: garasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ogaansho
a: ogaan
de: knowledge, awareness
lx: ogaansho
pd: (/ha)
ps: vn-m-abs
key: ogaansho
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
ogaansho
مَعْرِفَة، إِنْتِباه
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rasaasee
f.g2 (-seeyay, -saysay) Wax xab-bad ku ridid. la-mid: risaasee.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rasaasee
f.g2 (-seeyay, -saysay) Wax xabbad ku ridid. m.f.dh, rasaasayn. la-mid: risaasee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rasaasee
v. shoot at, bombard
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rasaasee
(fal) rasaas ku rid; rasaas ku tuur. Dh: xabbadee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rasaasee
de: shoot at, bombard
lx: rasaasee
pd: (rasaaseeyey)
ps: v2b=tr
key: rasaasee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
risaasee
f.g2 (-seeyay, -saysay) la-mid: rasaasee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
risaasee
v. fire a bullet at ~ shoot at someone
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
risaasee
(fal) risaas la dhac; xabbadee; rasaasee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
risaasee
a: rasaasee
de: fire a bullet at ~ shoot at s.o.
lx: risaasee
pd: (risaaseeyey)
ps: v2b=tr
key: risaasee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sagaalee
(fal) sagaal ka dhig: tiro sagaal ah gaadhsii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaashee
f.g2 (-sheeyay, -sheysay) Ilmo markaa dhashay shaasho gayeeysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tagaabee
f.g2 (-beeyay, -beysay) Cid taageerid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tagaabee
v. help ~ assist someone materially
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tagaabee
cf: kaalmee
de: help ~ assist s.o. materially
initial: t
lx: tagaabee
pd: (tagaabeeyey)
ps: v2b=tr
key: tagaabee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ugaadhee
(fal) ugaadh ka yeel; sida ugaadha u la dhaqan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ugaaseyn
(Ugaaseyn-ta)
Ugaas ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ugaaseyn
m.f.dh eeg ugaasee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ugaaseyn
-ta: (magac, dhedig, keli) qof ugaas ka dhigid, qof ugaasnimo u caleemasaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xagaafee
f.g2 (-feeyay, -feysay) Neef xagaafo shilin, ragaad kaga gurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoggaanshe
m.l la-mid: hoggaamiye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoggaanshe
-ha: (magac, lab, keli) qofka hoggaanka wax u haya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
oranayseen
v., pl., past progressive form: you all were saying
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
oranayseen
de: you all were saying
lx: oranayseen
pd: (odhaneyseen)
ps: v4a-2pl-ppgr
key: oranayseen
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaas
(Gaas-ka)
1. Qayb weyn oo kamid ah qaybaha ciidanka dagaalku ka kooban yahay.
2. Jaadadka badan oo neecawdu ka kooban tahay qaarkood: waa wax sida cinjirka u jiidma oo meel walba ku fitaaxa oo buuxiya; waxyaalo badan oo kala jaad ah oo waxtar weyn leh, baa laga sameeyaa.
3. Dufan ama saliid aad u fudud, oo dhuxusha iyo waxyaalo kale laga liso, oo inta feynuusyada iyo weelal kale lagu shubo, la daarto ama si kale loo shito.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaas
m.l 1. Dareere loo isticmaalo ifsashada aqallada iyo cunto karinta. 2. (-sas, m.l) Ciidamo badan oo hal meel laga xukumo; qayb.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gaas
m.l 1. Dareere loo isticmaalo ifsashada aqallada iyo cunto karinta. 2. (-sas, m.l) Ciidamo badan oo hal meel laga xukumo; qayb.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaas
m. n., [collective] very large group of warriors (in traditional warfare); military division
gaas m. n., (mass n.): gas; paraffin, kerosene
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gaas
nickname-m gas; paraffin, kerosene; lit: a warrior
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gaas
-ka: (n) 1. gas (gaas); gasoline (gaasoliin); paraffin (paarafin) kerosene also kerosine, lamp oil. 2. an army division. —gaas debiici ah: (n) natural gas