odd
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Odd
Kisi
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
odd
/odh/ (adj) 1. cajiib ah (yaab leh) 2. tiro kisi ah (tiro aan labo u qaybsamin) 3. mar-mar (wax aan is-dabajoog ahayn).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Oddoros
(Oddoros-ka)
1. Cilmi lagu ogaado ama lagu qiyaaso roobka meel durugsan ku da'aya, inta uu jiro, meesha uu ku da'ayo iyo waxyaalo kale oo hawada ku saabsan.
2. Mala'awaal; qiyaas.
3. Saadaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Oddorosid
(Oddorosid-da)
1. (roob) Oddoros ku garasho.
2. Qiyaasid.
3. Saadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maami
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Oddorosid. 2. Wax qiyaasid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oddoros
oddoros¹: m.l 1. Qiyaas lagu maleeyo roob meel durugsan ka da'ayo. 2. Cilmi lagu male-awaalo waxa mustaqbalka dhici doona.
oddoros²: f.g1 (-say, -stay) 1. Roob muuqda meeshuu ku da'ayo qiyaasid. 2. Mustaqbalka waxa dhici doona ama soo socda male-awaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oddorosid
m.f.dh eeg oddoros².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qiyaas
qiyaas¹: m.l (dii.) Qayb ka mid ah tiirarka sharciga Islaamka oo la adeegsado marka arrin la xukumayo laga waayo quraanka, xaddiiska iyo ijmaaca.
qiyaas²: m.dh 1. Cabbirka xag mug, dherer iyo culays ee wax leeyahay. 2. Oddoros; male.
qiyaas³: f.g1 (-say, -stay) 1. Mugga culayska, iyo dhererka ee wax leeyahay cabbirid. 2. Wax oddorosid. 3. Ku q.: wax in ay wax kale la egyihiin iyo in kale ku eegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
oddoros
oddoros¹: m.l 1. Qiyaas lagu maleeyo roob meel durugsan ka da'ayo. 2. Cilmi lagu male-awaalo waxa mustaqbalka dhici doona.
oddoros²: f.g1 (-say, -stay) 1. Roob muuqda meeshuu ku da'ayo qiyaasid. 2. Mustaqbalka waxa dhici doona ama soo socda male-awaalid. m.f.dh, oddorosid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qiyaas
qiyaas¹: m.l (dii.) Qayb ka mid ah tiirarka sharciga Islaamka oo la adeegsado marka arrin la xukumayo laga waayo quraanka, xaddiiska iyo ijmaaca.
qiyaas²: m.dh 1. Cabbirka xag mug, dherer iyo culays ee wax leeyahay. 2. Oddoros; male.
qiyaas³: f.g1 (-say, -stay) 1. Mugga culayska, iyo dhererka ee wax leeyahay cabbirid. 2. Wax oddorosid. 3. Ku q.: wax in ay wax kale la egyihiin iyo in kale ku eegid. m.f.dh, qiyaasid.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Fansaar kisi ah
Odd function
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kisi
Odd
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Saami baqti iyo nasiib
Odds

Tiro kisi ah
Odd number
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tiro kisiyo iskuxiga
Consecutive odd numbers
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
doorsan
der. [adjective] changed, altered; exchanged; strange, odd; crazy
doorsan [inchoative] v. alter, become changed, get different, be transformed; deteriorate; be strange
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duwan
der. [adjective] different, strange, odd, unusual
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fallooci
f. n. oddity, eccentricity
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jaabo
f. n., [collective] odds and ends, fragments, bits
jaabo [feminine] n. firewood, kindling
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kisi
m. n. odd number
kisi m. n. illegitimate child, bastard
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
oddoros
v. predict, forecast, foresee; estimate; predict rainfall
oddoros vl. n. prediction, estimate; weather forecast
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaablaawe
m. n. formless, amorphous, lacking a definite form; strange person, [atr.] odd; flighty, fickle
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Odds
Saami baqti iyo nasiib
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
odds
/oodhis/ (n) ixtimaalka wax ku dhici doonaan ama aysan ku dhici doonin.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Add
U gee
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
add
/aadh/add up; (v) 1. xisaab isku darid ama isugeyn. e.g. Add together all your expenses. (v) 2. hadal ku siyaadin. e.g. He also added that he will arrive tomorrow.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
add
/ad/ (v) iskydarow. If you add two and one, you get three.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
oda
m. n. old man [respectful.]
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
oda
bw: oday
de: old man [respectful]
lx: oda
nt: Root is not used alone
pd: (odaga)
ps: n2-m
key: oda
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
ode
ode, n.f. - gabay: hees (muusiko leh).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
old
/owldh/ (adj) gaboobay (duq ah).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
old
a., gabow, duq ah, duug ah; old man, oday, -gi, islaan, -ki, wadaad, -ki, waayeel, -ki; old woman, habar, -ti, islaan, -ti, wadaadad, -di; old age, da’ weyn, gabow, gi; old people, dad gaboobay, nin da’ weyn, duq, -di; old thing, duug; grow, be old, v.i., gabow; old times, beryihii hore.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ood
(Ood-da)
Geedo la gooyo, oo xeryo, ardaayo, kd. laga dhigto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ood
ood¹: m.dh 1. Dhir la gooyey oo xero iyo wixi lamida lagu sameeyo. 2. Geed qodax leh.
ood²: f.g1 (-day, -dday) 1 . Geed la gooyey xero ka samayn. 2. Xero, guri iyo wixi lamida afka ka daboolid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ood
ood¹: m.dh 1. Dhir la gooyey oo xero iyo wixi lamida lagu sameeyo. 2. Geed qodax leh.
ood²: f.g1 (-day, -dday) 1. Geed la gooyey xero ka samayn. 2. Xero, guri iyo wixi lamida afka ka daboolid. m.f.dh, oodid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ood
f. n. brushwood fence, enclosure
ood v. enclose with a brushwood fence
ood [conjunction], vl. pron. that you [sg / pl.] ...; which you ...
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ood
-ay/day: (v) 1. enclose with a wooden fence; put a fence on. 2. ood -da: (n) fence (feens); with a wooden enclosure
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ood
(fal) afaaf furan wax ku awd. Irridda kac ood.
ood: (fal) meel bannaanayd, ood ku meeri oo meel daloosha u diid; dhacan ama xas ku meeri. Reerka waraabaha ka ood.
ood -da: (magac, dhedig, keli) laamo qoyaanka lagaga soo jaro dhirta qoddaxleyda ah oo deyr laga dhigto ama meel lagu awdo gaar ahaan xerada xool xoolaha iyo wixii la mid ah. Ood qaadiddeeda iyo jiididdeeduba waa isla guri geyn.
ood-ka: (magac, lab, keli) magac xeer oo ah xoolaha magta lagu bixiyo ee axanka ka dambeeya. Oodka waxa qaata tolka axankana qoski laga dhintay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Godid
(Godid-da)
Qaab godan u yeelid; wax godan ka dhigid; soo laabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
godid
m.f.dh eeg god².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
godid
-da: (magac, dhedig, keli) hoos u qodid; hoos u daloolin. Godid ayay u baahan tahay meeshu si biyuhu u fadhiistaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hodid
(Hodid-da)
Dagid; khatalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hodid
m.f.dh eeg hod².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hodid
-da: (magac, dhedig, keli) dagid ama khatalid. Hodidda ragga iska jir. Dh: hodis, khatalid, dagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Oodid
(Oodid-da)
Ood saarid; xirid; awdid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oodid
m.f.dh eeg ood².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oodid
-da: (magac, dhedig, keli) ood ku meerin.
oodid-da: (magac, dhedig, keli) ood afka ka saarid. Oodidda Irridda Saynab baan u diray. Dh: awdid.
oodid-da: (magac, dhedig, keli) alaab furan xidhid. Dh: xirid, awdid. Dh: furida.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ordid
(Ordid-da)
Lugaha, degdeg socodka ka fudud oo ka dhaqso badan, u qaadid; roorid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ordid
m.f.dh eeg orod².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ordid
-da: (magac, dhedig, keli) caymadid oo orod dheer cararid. Dh: roorid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qoddo
(Qodda-da)
1. Inta qodan dhererkeeda.
2. Wax intiisa aasan; sal; gun; (ama qoto).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoddo
m.dh 1. Dhererka meel la qoday leedahay. 2. Wax intiisa aasan. 3. Macnaha fog ee hadal leeyahay. la-mid: qoto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qoddo
m.dh 1. Dhererka meel la qoday leedahay. 2. Wax intiisa aasan. 3. Macnaha fog ee hadal leeyahay. la-mid: qoto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qoddo
f. n. depth; roots, any part under ground ~ water
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoddo
-da: (magac, dhedig, keli) gun dheer oo hoos u qodan; god intuu hoos dheeryahay. Qodku wuu qoddo dheer yahay. Dh: gun, sal, qoto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qoddo
cf: gun; sal
de: depth; roots, any part under ground ~ water
lx: qoddo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: qoddo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qodid
(Qodid-da)
Dhulka gudihiisa, ciid ama wax kale ka soo bixin, ka soo qufid; faagid; faarfaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qodid
m.f.dh eeg qod². la-mid: qoditaan, qodniin, qodow.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qodid
-da: (n) excavation (ekes-ka-veey-shin); the act of digging ~ qufid, qodaal, qodniin, faagid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qodid
-da: (magac, dhedig, keli) beer falid.
qodid -da: (magac, dhedig, keli) dhul daloolin oo ciidda ka gurid oo gun dheer u yeelid. Dh: faqid, qodis.