odaykabboohis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
odaykabboohis
-ta: (magac, dhedig, keli) xusulka halkiisa fiiqan ee lafta ah ee xagasha laabadkeeda oo marka uu wax ku dhaco aad u kulul. Odaykabboohista ayaa i kala baxday. Dh: xusul, suxul.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dankaboodid
-da: (magac, dhedig, keli) si aanay naftaada dani ugu jirin u dhaqmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biyabbooli
(Biyabbooli-ga)
Dhulka kor ka awdan, hoosna godad iyo boholo waaweyn oo qarsoon ku leh, oo biyaha roobka wada liqa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyabbooli
m.l Meel god ah oo biyaha daadku ku shubmaan oo aan buuxsamin.
biyaddiid¹: m.l (-dyo, m.dh) 1. Neef aan biyaha cabbin marka uu wax qoonsado. 2. la-mid: biyaddiidid.
biyaddiid²: f.mg1 (-day, -dday) 1. Biyo cabi waayid wax uu qoonsaday awgeed (neef). 2. Ka b.: maamul sida loo fulinaayo saluugid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
biyabbooli
m.l Meel god ah oo biyaha daadku ku shubmaan oo aan buuxsamin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
biyabbooli
m. n. soft earth that swallows water but remains dry on top
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
biyabbooli
de: soft earth that swallows water but remains dry on top Alt sp: biyabooli
lx: biyabbooli
pd: (-ga)
ps: n2-m
key: biyabbooli
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danaboobid
m.f.dh eeg danabow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danaboobid
-da: (magac, dhedig, keli) danab yeelasho. Isliska walaxaha danaboobid ayaa ka dhalata.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daldaloolis
m.dh la-mid: daldaloolin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daldaloolis
-ka: (magac, lab, keli) walax, daloollo badan u yeelid.
daldaloolis -ta: (magac, dhedig, keli) eeg dalda- loolid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
danabsoocid
m.dh (kiim.) Maxsuulka falgalka kiimikaad kana dhasha qulqul danab oo dhexmaraaya gudbiye-milme. Raadkani waxa uu abuuraa aayano u kala socda dhinaca qotinada.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danabsoocid
-da: (magac, dhedig, keli) midhaha falgalka kiimikaad kana dhasha qulqul danab oo dhexmaraaya gudbiye-milme. Raadkani waxa uu abuuraa aayano u kala socda dhinaca qotinada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalabboodid
m.f.dh eeg kalabbood².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaayacoodis
-ka: (magac, lab, keli) karin aan aad loo bislayn oo la yara jilciyo uun. Gorowgu ma bislaane waa yaayacoodis. Dh: saatu.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dagaaljoojis
m.l la-mid: dagaaljoojin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dagaaljoojis
-ta: (magac, dhedig, keli) soo afjaridda iyo deminta xasaradaha colaadeed.