obokh
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Obokh
pr. n., loc. Obokh [city in Djibouti.]
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Obokh
de: Obokh [city in Djibouti]
lx: Obokh
ps: n0-loc
key: Obokh
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
KOBOSH
Grewia mollis [?] 10, G. villosa 20
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qobosh
m.l (-shyo, m.dh) Nafley lab oo gaboobay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qobosh
m. n. very old male (man ~ animal)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qobosh
de: very old male (man ~ animal)
lx: qobosh
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: qobosh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bikh
bikh! (tilmaame) lagu tusmeeyo cadho degdeg ah. Inaga oo aan la hadal buu bikhyiri.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
both
/both/ (adj, adv, pron) lammy, lammaathy. Both of them play soccer.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
both
prn., labadaba; on both sides, labada geesoodba.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oboc
m.dh la-mid: ubuc.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oboc
-da: (magac, dhedig, keli) inta uurkujirta ah ee gudaha jidhka. Obocda ayaa waran lagaga taagay aarkii. Dh: ubuc.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Oroh
(Oroh-da)
Hadal; hawraar; weer; tiraab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oroh
m.dh la-mid: oraah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
oroh
f. n. word, speech
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oroh
-da: (magac, dhedig, keli) hadal kooban oo la yidhaahdo. Oroh qudhaa ku filane kaalay dheh. Dh: weer, oraah, hawraar, tiraab.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
oroh
a: oraah
de: word, speech
lx: oroh
pd: (-da)
ps: n2-f
syn: erey
key: oroh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dookh
-a: (magac, lab, keli) dareenka qofka ku qasba inuu wax gaar ah xiiseeyo isla markaana doorto. Ninba wuxu doortiyo, dookhii dad kala reeb.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fookh
m.l la-mid: fooq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jookh
(Jookh-a)
Dhogor ama dun la midabeeyo oo wax lagu qurxiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jookh
m.l 1. Nooc cimaamaadaha ka mid ah oo ragga madaxda ah iyo wadaaddadu madaxa ku duuban jireen. 2. Dhogor ama dun la midabeeyey oo fardaha madaxa loo suro qurux awgeed.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jookh
m. n., [collective] colored materials used for decorative effect
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jookh
(fal) arratir oo labbis iyo xarrago ku dhaydhay. Dh: qurxi, xarragaysii, dhaydhay, bil. Li: joc arradi, darxumay, basaasi, dullay, dayac.
jookh -a: (magac, lab, keli) madax dad. Colwadaha joc nolol ama jookhiisa mid ii keena. Dh: kur, jooq.
jookh-a: (magac, lab, keli) baalgorayo, koofiyadda joc bogorka lagu joojiyo.
jookh-a: (magac, lab, keli) gogol iyo wax ma mid joc ah oo ay biyo galeen lagana engejin. Dh: siyic.
jookh-a: (magac, lab, keli) sharraxaad qurxineed dhar ama dun.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jookh
de: colored materials used for decorative effect (e.g., thread, feathers, etc.)
lx: jookh
pd: (-a)
ps: n-m-col
key: jookh
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
obole
obole, n.f. - lacagtii ay isticmaali jireen Giriigu; hab ay culayska ku qiyaasi jireen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tookh
(Tookh-a)
Faan; dhood; ammaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tookh
tookh¹: m.l Faan, ammaan.
tookh²: f.mg1 (-khay, -khday) Ku t.: faan iyo istustus samayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tookh
tookh¹: m.l Faan, ammaan.
tookh²: f.mg1 (-khay, -khday) Ku t.: faan iyo istustus samayn. m.f.dh, tookhid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tookh
m. n. boast, bragging, boasting
tookh v. boast ~ brag (about)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tookh
(fal) faan ama qab badnaan iyo isla weyni. Waxaad tahay nin tookh yagaan. Dh: dhood.
tookh-a: (magac, lab, keli) qofku markuu hadal uu isku amaanayo uu ku hadlo. Tookhu ma fiicnee iska daa. Dh: faan, dhood, is'ammaanid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yookh
(ereydhawaaq) fardaha loogu dhawaaqo kolka la xasilinayo ama la qabanayo. Faraska yookh dheh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bokhokh
-a: (magac, lab, keli) cillad darteed marka neefku daaqo xashaashuq ama doog badan dibbiro ku dhacda caloosha noolaha gaar ahaan xoolaha. Bokhokh dartii buu la qarxayaa. Dh: dibbiro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gombosh
-ka: (magac, lab, keli) geed caleemo balballaadhan iyo midho la cuno leh. Laamihiisa iyo midhihiisuba, waxay leeyihiin gas yar oo cawlan. Dh: gomosh.