obobo'
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
obobo'
-da: (magac, dhedig, keli) halka ugu fiican. Hadduu aabbahaa gacalle yahay obobo'dii shaalka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gobo'
m.dh 1. Shay ka samaysan qori ama maqaar oo gammuunada lagu rito; gabooyo; qulux; qonox. 2. Dhibic.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gobo'
f. n. drop, droplet
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gobo'
-da: (magac, dhedig, keli) tiix yar oo dareere ah; inyar oo dareere ah oo meel sare ka soo dhacda. Geelii wuu gudhoo malaha gobo'da caanoode. Dh: tifiq, dhibic.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gobo'
de: drop, droplet
lx: gobo'
pd: (-da)
ps: n2a-f
syn: dhibic
key: gobo'
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hobbo'
hobbo'! (ereydhawaaq) kolka ay carruurtu kufaan lagu calool'adkaysiiyo oo lagu sasabo. Gabadhu way kuftaye hobbo' dheh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
obolos
-ka: (magac, lab, keli) wax aan la aqoon oo yaab leh oo dhib badan. Dh: aafo, belaayo, masiibo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
honono'
honono'¹: m.l Ka soo hormaridda neef ooman ama dhalay uu ka soo hormaro xooluhuu la socday.
honono'²: m.dh Marka geelu xilligii uu dhali lahaa muddo yar ka hor dhalo; horaadis.
honono'³: f.mg3 (-o'ay, -o'day) Neef dhalay ama ooman xooluhuu la socday ka soo hormarid.