ereyga

o'

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

o'

DHAN
1

de: O [letter of the Somali alphabet]

2

lx: o'

3

pd: (-da)

4

ps: n-f

5

key: o'

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

A

DHAABAN
1

a: (a')

2

Xarafka koowaad oo Alifka Soomaalida. Waa shaqal.

3

-a: (naxwe) qodob raaca ereyada lab oo kelida ah oo 6 shibbane ku dhammaada (c, h, kh, q, x iyo hamsa, sida: magac-a, daah-a, jookh-a, maraq-a, madax-a iyo go'-a).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Aabbe

DHAABAN
1

(Aabba-ha)

2

Qof lab oo wax dhalay; labada waalid kan lab (ama aabbo).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Aabi

DHAABAN
1

(Aabi-ga)

2

Arrin aan jid ahayn oo cid lagula kaco; gardarro; maag; daandaansi.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Aad

DHAABAN
1

aad: 1. (⁰) Dhab; si daran.

2

2. Adigu.

3

-aad: Tiraab lagu dabakaro tirada oo muujiya jagada tiradaasi ku abbaaran tahay, saddex-aad (3d.); shan-aad (5d.); sagaal-aad (9d.).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Aadaan

DHAABAN
1

(Aadaan-ka)

2

Ereyo yar oo lagu dheeraysto oo dadka tukashada loogu yeero (ama addin).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Aakhiro

DHAABAN
1

(Aakhira-da)

2

Meesha iyo nolosha danbe oo lagu noolaan doono, kolka adduunka laga tago.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Aalkol

DHAABAN
1

* (Aalkol-ka)

2

Biyabbiyood aan midab lahayn, oo ur sillan, oo daarmi og, oo baabbi'i og, oo siyaalo badan loo soo saaro, waxna loogu qabsado, (ama aalkolo).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Aalo

DHAABAN
1

(Aala-da)

2

Qaalmaha yaryar oo lo'da.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Aammiin

DHAABAN
1

(Aammiin-ta)

2

Erey ducada dabadeeda la yiraahdo oo ulajeeddadiisu tahay Ilaahow aqbal.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Aano

DHAABAN
1

(Aana-da)

2

Xumaan hore oo lays gaarsiiyey oo in laga aarguto uurka lagu hayo; godob; utun; asaaye; aarsi; dakano.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Aar

DHAABAN
1

(Aar-ka)

2

1. Libaax weyn oo lab.

3

2. Aan biqin; geesi.

4

3. Aarsi.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Aaran

DHAABAN
1

(Aaran-ka)

2

1. Qaalmaha yaryar oo geela; qaan.

3

2. Doog iyo barwaaqo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Aas

DHAABAN
1

(Aas-ka)

2

1. Xabaasha (dadka dhinta) iyo waxa ku saabsan; duug.

3

2. Iftiinka midabyada leh oo qorraxdhaca; cirguduud; cilcillow.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Aashuun

DHAABAN
1

(Aashuun-ka)

2

Weel biyaha lagu shubto oo laga sameeyey dhoobo; malbo; jalxad; shaanbi; ballaas.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Aayad

DHAABAN
1

(Aayad-da)

2

1. Suurad quraan, tixaha ay ka kooban tahay, middiiba.

3

2. Wax aan hor loo arki jirin oo yaab leh.

4

3. Mucjiso.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Aayar

DHAABAN

Si deggan oo miyir leh; qunyar; tartiib; xasil.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Aayatiin

DHAABAN
1

(Aayatiin-ka)

2

Waxtar aan durba dhalane, waa danbe, oo iyadana loo baahan yahay, la filana hayo oo loogu talaggalo; waxtar raaga; cirib-danbeed; meecaad.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Aayid

DHAABAN
1

(Aayid-da)

2

Wax raagey ama dib loo dhigay, waa danbe oo loo baahan yahay, waxtarkooda helid, ku tabkicid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Aayo

DHAABAN
1

1. (Aaya-da) (waa shedan tahay) Carruurta hooyadood maahee, oorida kale, oo aabbahood qabo.

2

2. (Aaya-ha) Waxtar waa danbe wax laga dheefo; ciribdanbeed; aayatiin; meecaad; liil danbe; (ama aaye).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Ab

DHAABAN
1

(Ab-ka)

2

Awooweyaashii hore oo laga soo jeedey; isir; wasiir; walcan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Go'

DHAFANDHAAF
1

(Go'-a)

2

1. Wax labo cad ama ka badan u kala go'ay midkood; cad: jeex; gabal; qaar.

3

2. Maro labo qeyd ah.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

go'

DHAFANDHAAF
1

go'¹: m.l (-'yaal, m.l/dh) 1. Maro aan afka isaga tolnayn oo raggu xirto ama huwado. 2. Gabal; cad.

2

go'²: f.mg1 (-'ay, -'day) 1. Wax meel ka jarmid. 2. Dhimasho. 3. Wax wada jiray qaar, goonni uga soocmid. 4. U g.: niyadda wada siin. 5. Biyo iyo wixi lamida meel ka dhammmaansho. 5. Caano baqid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

go'

DHAFANDHAAF
1

go'¹: m.l (-'yaal, m.l/dh) 1. Maro aan afka isaga tolnayn oo raggu xirto ama huwado. 2. Gabal; cad.

2

go'²: f.mg1 (-'ay, -'day) 1. Wax meel ka jarmid. 2. Dhimasho. 3. Wax wada jiray qaar, goonni uga soocmid. 4. U g.: niyadda wada siin. 5. Biyo iyo wixi lamida meel ka dhammmaansho. 5. Caano baqid. m.f.dh, go'id.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

go'

DHAFANDHAAF
1

-ay / day: (v) 1. become separated in two pieces: break off (bareek of), cut off (kat of). Ex: xarrigii wuu go'ay; the rope had broken off. 2. die (dhaay), pass away

2

go' -a: (n) sheet (shiit), a broad rectangular piece of cloth serving as a basic article of bedding or clothing ~ maro

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

go'

DHAFANDHAAF
1

(fal) naftu ha kaa baxdo. Dh: dhimo.

2

go': (fal) (kala ~) labo u kala jaran. Xadhigaa go' wallee hashanaan gaawe laga buuxin.

3

go'-a: (magac, lab, keli) maro la huwado oo ballaadhan marmarna xarrago loo qaato. Wiilka go' baan u sidaa gabadhana guntiino.

waa la naqliyay ✓

Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]

JO'

DHAFANDHAAF

[JO] Cadaba baccarinii 01, Opilia campestris 01

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]

JO'

DHAFANDHAAF

(Jo) C Opilia campestris Engl. Opiliaceae.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Lo'

DHAFANDHAAF
1

(Lo'-da)

2

Xoolaha dadku dhaqdo, jaadka ugu waxtar badan; waa calannaqsataa; waxay leedahay calool afar qol ah, geeso dhexda ka daloola iyo qoobab; qaarkeed tuur bay leedahay; waxa dadku ku qabo waxaa ka mid ah: hilib, harag, caano, subag, baacug, waxyaalo laysku daweeyo iyo waxyaalo kale oo aan la tirin karin (geeso, lafo, seedo, mergiyo, sayn, dhiig, uus, kd. oo midba waxtar gaar ah lee yahay).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

lo'

DHAFANDHAAF

m.dh.u 1. Naasley caws ku nool ah oo xoolaha la dhaqdo ka mid ah, leh geeso, sayn dheer, raafaf iyo tuur, lana manaafacaadsado caanaheeda, hilibkeeda, haraggeeda iyo wixi lamida. 2. Koox xiddigo ah oo si xiriir ah isu daba yaal; saco.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

lo'

DHAFANDHAAF

m.dh.u 1. Naasley caws ku nool ah oo xoolaha la dhaqdo ka mid ah, leh geeso, sayn dheer, raafaf iyo tuur, lana manaafacaadsado caanaheeda, hilibkeeda, haraggeeda iyo wixi lamida. 2. Koox xiddigo ah oo si xiriir ah isu daba yaal; saco.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

lo'

DHAFANDHAAF

f. n., [collective] cattle

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

lo'

DHAFANDHAAF

-da: (n) [plural of cow] cattle (kaatal), cows

waa la naqliyay ✓

Magacyada Nafleyda Soomaaliyeed (Laatiin-Talyaani-Ingiriis-Soomaali) - Funayooli, Simoneeta [1985]

LO'

DHAFANDHAAF
1

(I) Bovino, generico;

2

(E) Cattle, generic

3

(S) Lo' (S. E. m.; Lo)

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

lo'

DHAFANDHAAF
1

-da: (magacwadareed) xoolaha dadku dhaqdo jaadadkiisa kuwa ugu waxtarka badan jaad ka mid ah oo calanaqsata. Waxay leedahay calool afar qaybood ah, geeso dhexda ka daloola iyo qoobab. Lo'da qaarkeed tuur bay leedahay. Manaafacaadkeeda waxa ka mid ah: hilib, harag, caano, subag, waxyaabaad la isku daweeyo iyo waxyaalo kale oo badan. Nimankaan lo'daydii casayd laanta uga qaaday. Dh: giir.

2

lo'-da: (magac, dhedig, keli) xiddigo dhowr ah oo tobaneeyo ku dhaw. Lo'da urur ku mooraysa iyo cirirka maansheeya.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

lo'

DHAFANDHAAF
1

de: cattle

2

lx: lo'

3

pd: (-da)

4

ps: n0-f-col

5

xe: aad cow's milk

6

xv: dibi, sac

7

key: lo'

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]

lo'

DHAFANDHAAF

بقرة

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

So'

DHAFANDHAAF
1

(So'-da)

2

Hilibka intiisa jiirka ah ama cas.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

so'

DHAFANDHAAF

m.dh 1. Hilibka intiisa jiirka ah ama cad. 2. Cagaarka meel bannaan oo biyo ku fideen ku hara. 3. Meel ceelal badan oo isu dhow ku yaallaan. 4. Dhulka intay joogsadaan xoolaha ceelka ka cabbayaa.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

so'

DHAFANDHAAF

m.dh 1. Hilibka intiisa jiirka ah ama cad. 2. Cagaarka meel bannaan oo biyo ku fideen ku hara. 3. Meel ceelal badan oo isu dhow ku yaallaan. 4. Dhulka intay joogsadaan xoolaha ceelka ka cabbayaa.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

so'

DHAFANDHAAF
1

-da: (magac, dhedig, keli) dooxada halka biyaha leh; meel biyo leh.

2

so' -da: (magac, dhedig, keli) dhulka intay joogsadaan xoolaha ceelka ka cabbayaa; dixda meesha ay xooluhu ku biyarogtaan kolka ay soo cabbaan.

3

so'-da: (magac, dhedig, keli) hilibka intiisa jiidhka ah ama cas. Ma so' baa ma saan baa, waxa hadhay bal suuree.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

so'

DHAFANDHAAF
1

cf: hilib

2

de: red meat

3

initial: s

4

lx: so'

5

pd: (/da)

6

ps: n0-f-mass

7

key: so'

waa la naqliyay ✓