nuxuus
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nuxuus
nuxuus¹: m.l (-syo, m.dh) 1. N. ah: xilli ay dadku sharaystaan. 2. N. ah: qof dhashay maalin la sharaysto. 3. N. ah: tabar yari nafley ka muuqata. la-mid: naxuus¹, nuxus.
nuxuus²: f.mg1 (-say, -stay) Wax daciif ah noqosho. la-mid: naxuus².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nuxuus
m.l (-syo, m.dh) 1. N. ah: xilli ay dadku sharaystaan. 2. N. ah: qof dhashay maalin la sharaysto. 3. N. ah: tabar yari nafley ka muuqata. la-mid: naxuus, nuxus.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nuxuus
m. n. weak ~ unfortunate person, weakness; ill-omened day ~ time
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nuxuus
-ah: (adj) dim (dhiim); faint (feeynt); weak (wiik). Ex: nal nuxuus ah; a dim lightbulb
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuxuus
-ta: (magac, dhedig, keli) xanuun xoolaha caloosha kaga dhaca oo itaal darro ku rida. Beryahan xoolaha nuxuus baa naga gashay.
nuxuus-ta: (magac, dhedig, keli) eeg nuxuska.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nuxuus
de: weak ~ unfortunate person, weakness; ill-omened day ~ time
lx: nuxuus
pd: (-ka)
ps: n2a-m
see: naxuus
key: nuxuus
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nuxuusi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax daciif ka dhigid. la-mid: naxuusi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nuxuusi
v. weaken, debilitate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nuxuusi
-yey say: (v) make dim; darken (daar-ken)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nuxuusi
de: weaken, debilitate
lx: nuxuusi
pd: (nuxuusiyey)
ps: v2a=tr
key: nuxuusi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nuxus
m.l la-mid: nuxuus¹.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nuxus
m.l la-mid: nuxuus.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuxus
-ka: (magac, lab, keli) qof wax uu haysto dadka u diida ama wax loo diro ka madax adayga. Dh: nuxuus.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naxuus
naxuus¹: m.l la-mid: nuxuus¹.
naxuus²: f.mg1 (-say, -stay) la-mid: nuxuus².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
naxuus
m. n. unlucky day ~ period of time; person born on an inauspicious day; weak, weakness
naxuus: [inchoative] v. weaken, become weak
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
naxuus
-ah: (adj) 1. dim (diim); dark (daark). 2. weak (wiik) ~ daciif
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naxuus
(fal) cid kale, xumaan iyo ayaandarro ku rid. Dh: nuxuus.
naxuus -ka: (magac, lab, keli) qof dadka xumaan iyo ayaandarro bada. Dh: nuxuus.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naxuusid
m.dh la-mid: nuxuusid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naxuusin
m.dh la-mid: nuxuusin.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
dim
/dhim/ (adj) 1. nuxuus ah (v) 2. nuxuusid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
glimmer
/glimar/ (n) 1. kaah, iftiin nuxuus ah. e.g. the glimmer of a candle (n) 2. wax ama saansaan yar. e.g. a glimmer of hope.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naxuusid
-da: (magac, dhedig, keli) mid nuxuusay noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naxuusin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, nuxuus ku ridid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuxusnimo
-da: (magac, dhedig, keli) nuxusahaan Dh: nuxuusnimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaqaab
-ka: (magac, lab, keli) nin nuxuus ah, nin dumar biiye ah ama khasiis ah. Dh: dhillow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaqaabad
-da: (magac, dhedig, keli) qof dhedig oo nuxuus ah; shaqaabo, naag shuqullo xunxun lagu yaqaan. Dh: qabxad, sharmuuto, dhillo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
naxuus_1
a: nuxuus
de: unlucky day ~ period of time; person born on an inauspicious day; weak, weakness
hm: 1
lx: naxuus
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: naxuus_1
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nuxuusid
m.f.dh eeg nuxuus². la-mid: naxuusid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuxuusid
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg nuxuus.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nuxuusin
m.f.dh eeg nuxuusi. la-mid: naxuusin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuxuusin
-ta: (magac, dhedig, keli) xaasidnimo iyo nasiibxumo ku ridid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naxuusi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: nuxuusi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
naxuusi
v. weaken, debilitate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
naxuusi
-yey / say: (v) make dim (diim); debilitate (di-bili-teeyt); enervate (enar-veeyt); weaken (wiikeri)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naxuusi
(fal) cid kale, nuxuus ku rid
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
naxuusi
de: weaken, debilitate
lx: naxuusi
pd: (naxuusiyey)
ps: v2a=tr
key: naxuusi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wuxuush
m.dh.w eeg waxash.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wuxuush
-ta: (magacwadareed) dugaag aan wax hanbayn. Dh: waxash.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuus
-ka: (magac, lab, keli) kolka hadal aan kala go'ayn oo yuus ah cidi waddo. Dh: yuuska.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muxuu
question word, vl. pron. what ... he?
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
muxuu
(interrogative word) what...he..?. Ex: muxuu yiri? what did he say?
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muxuu
de: what ... he? = maxaa + baa + uu;
lx: muxuu
ps: qw + vpro
xe: What does he want?
xv: Muxuu rabaa?
key: muxuu
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nuxur
nuxur¹: m.l Waxtar gaar ah oo cunnada qaarkeed laga helo; dheef; uraad.
nuxur²: m.l (-ryo, m.dh) (taar.) Qaybta asalka u ah iyo tilmaamaha gaarka ah ee lagu yaqaan shay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nuxur
nuxur¹: m.l Waxtar gaar ah oo cunnada qaarkeed laga helo; dheef; uraad.
nuxur²: m.l (-ryo, m.dh) (taar.) Qaybta asalka u ah iyo tilmaamaha gaarka ah ee lagu yaqaan shay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Nuxur
pr. n., [feminine] Nuhur
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nuxur
m. n., [collective] nourishment
nuxur m. n. best part of anything; essence; theme
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nuxur
-ka: (n) essence (e-sansi); substance (sab-istans); heart (haart); gist (jest); core (koor) ~ muhimadda
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuxur
-ka: (magac, lab, keli) murti iyo ujeeddo Codsi nuxurkiisu cad yahay ayuu soo gortay. Dh: duluc.
nuxur -ka: (magac, lab, keli) waxtar gaar ah oo cunnada qaarkeed laga helo. Cunto nuxur leb ayuu na siiyey. Dh: dheef, nafaqo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wuxuu
vl. pron. what he ...
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wuxuu
[personal pronoun [he] plus action verb] he is..; used masculine nouns ending -ka; ga; Ex: wuxuu igu yiri...; he said to me...
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wuxuu
de: what he ... [CLEFT FOCUS] = waxa + uu
initial: w
lx: wuxuu
ps: focus + vpro
key: wuxuu
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buxuur
m.l (-rro, m.dh) 1. Qof aqoon iyo garaad dheeraad ah leh; abwaan; mufti. 2. Koox daanyeero ah kan hoggaamiya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
buxuur
m.l (-rro, m.dh) 1. Qof aqoon iyo garaad dheeraad ah leh; abwaan; mufti. 2. Koox daanyeero ah kan hoggaamiya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buxuur
-ka: (magac, lab, keli) qof aqoon dheeraad ah u leh laamo badan oo aqoonta bulshada ka mid ah, siiba dhaqanka iyo ilbaxnimada dadka. Dh: abwaan, buuni, carceer.
buxuur-ka: (magac, lab, keli) daayeerka kiisa ugu da'da weyn ee hoggamiya kooxda. Dh: baaxuur, coofaad, coofar, odaybaaxuur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duruus
m.dh.w eeg dersi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duruus
f. n., pl. lessons, lectures
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
duruus
-ta: (n) [plural of darsin-ka] lessons (lesanis) ~ casharo
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
duruus
bw: Arabic
de: lessons, lectures
lx: duruus
pd: (-ta Sg: darsi ~ dersi)
ps: n8-f-pl
key: duruus
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gucuus
-ka: (magac, lab, keli) hadal gaagaaban oo aan sare loo dhawaaqine hoos loo yidhaahdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guluus
m.l (-syo, m.dh) Shay xalleefsan oo sida badan dharka la xirto dacal looga tolo suu isugu xiro laba daraf; badhan. la-mid: galuus.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
guluus
m.l (-syo, m.dh) Shay xalleefsan oo sida badan dharka la xirto dacal looga tolo suu isugu xiro laba daraf; badhan. la-mid: galuus.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guluus
m. n. button
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
guluus
-ka: (n) button (bateri), used to join two parts of a garment ~ badhan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guluus
-ka: (magac, lab, keli) shey wax yar oo xalleef wareegsan ah oo dhexka daloollo ku leh oo dharka lagu tolo inta daloolada laysu sudho, dacallada isku qabta. Dh: sureer, badhan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guluus
a: galuus
de: button
lx: guluus
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: guluus
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gunuus
gunuus¹: m.l la-mid: gunuunuc¹.
gunuus²: f.mg1 (-say, -stay) la-mid: gunuunuc².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gunuus
v. grumble, growl
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gunuus
-ka: (magac, lab, keli) hadal aan sare loo qaadayn oo hoos loo leeyahay, xishood ama baqdin darteed. Gunuuska badan iska daa oo waxaaga saani u sheego.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gunuus
de: grumble, growl
lx: gunuus
pd: (gunuusay)
ps: v1=
key: gunuus
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guxuun
(Guxuun-ka)
Gamuux; gamuur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guxuun
guxuun¹: m.l la-mid: gamuux¹.
guxuun²: f.g1 (-uumay, -uuntay) la-mid: gamuux².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guxuun
m. n., [abstract] bluntness
guxuun v. make blunt
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guxuun
-ka: (magac, lab, keli) wax af dhuuban aanan lahayn; af gammuuran.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
juxuun
(tilmaame) nin da' wayn laakiin in uu ka yar yahay la moodo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muquus
(Muquus-ka)
Muquuf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muquus
muquus¹: m.l 1. la-mid: muquusid. Quusidda biyo hoos loo quuso. 2. Muquuf¹.
muquus²: f.g1 (-say, -stay) Biyo hoos u quusid. la-mid: maquus².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
muquus
f.g1 (-say, -stay) Biyo hoos u quusid. m.f.dh, muquusid. la-mid: maquus.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muquus
m. n. horse's bit
muquus v. swim under something (water); be immersed under something
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muquus
(fal) quus oo biyo gudaha u gal. Dh: muquuro.
muquus -ka: (magac, lab, keli) bir xakamaha faraska xagga hore kaga xidhan oo faraska afka loo geliyo. Dh: durmad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nuguur
m.dh Dabeecad; akhlaaq.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nuguur
m.dh Dabeecad; akhlaaq.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nuguur
f. n. character, temperament, nature
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuguur
-ta: (magac, dhedig, keli) baaxaalli iyo dhaqan uu qof leeyahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nuguur
de: character, temperament, nature
lx: nuguur
pd: (-ta)
ps: n-f
key: nuguur
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nuxnux
(Nuxnux-da)
Hadal hoos loo dhigayo lana maqlayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nuxnux
m.dh Hadal qarsoodi ah oo laba qof iyo wax ka badani hoos ugu sheekeystaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nuxnux
m.dh Hadal qarsoodi ah oo laba qof iyo wax ka badani hoos ugu sheekeystaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nuxnux
f. n. whisper, murmur
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nuxnux
-da: (n) whisper (wis per); mutter (matter); gossip
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuxnux
-da: (magac, dhedig, keli) hadal la qarinayo oo hoos loo dhigayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nuxnux
de: whisper, murmur
lx: nuxnux
pd: (-da)
ps: n2a-f
key: nuxnux
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nuxrur
(Nuxrur-ka)
Waxtar gaar ah oo cunnada qaarkeed laga helo; dheef; uraad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nuxrur
m.l Dheef tayo leh oo laga helo cuntada qaarkeed. la-mid: nuxur.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nuxrur
m.l Dheef tayo leh oo laga helo cuntada qaarkeed. la-mid: nuxur.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nuxrur
m. n., [collective] nourishment
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nuxrur
bw: nuxur
de: nourishment
lx: nuxrur
pd: (-ka)
ps: n2-m-col
syn: dheef, uraad
key: nuxrur
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
quduus
m. n. holy person, sacred object
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
quduus
de: holy person, sacred object
lx: quduus
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: quduus
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quxuub
quxuub¹: m.l.kh 1. Q. ah: oday gaboobay. 2. Rati gaboobay.
quxuub²: m.dh 1. Q. ah: habar gabowday. 2. Q. ah: hal gabowday.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quxuub
-ka: (magac, lab, keli) oday gaboobay.
quxuub -ka: (magac, lab, keli) Rati gaboobay.
quxuub -ta: (magac, lab, keli) habar gabowday.
quxuub-ta: (magac, lab, keli) hal gabowday.