nuuxnuuxsad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuuxnuuxsad
-ka: (magac, lab, keli) «ku~ hadal iyo wixii la mid ah, si tiiqtiiqsad, aadd u sheegsheegid. Dh: tiiqtiiqsadka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nuuxnuuxsi
(Nuuxnuuxsi-ga)
Nuuxnuuxsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nuuxnuuxsi
vl. n. jiggling, wobbling
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nuuxnuuxsi
-ga: (n) slow movement (muuv-ment); slow motion, especially of one's body
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuuxnuuxsi
-ga: (magac, lab, keli) dhaqdhaqaaqid yar. Dh: nuuxnuuxsasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nuuxnuuxsi
a: nuuxnuuxsasho
de: jiggling, wobbling
lx: nuuxnuuxsi
pd: (-ga)
ps: vn2-m
key: nuuxnuuxsi
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nuuxnuuxso
v. wobble, jiggle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nuuxnuuxso
-nuuxnuuxsaday / nuuxnuuxsatay: (v) make a jiggling motion, especially with one's body
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuuxnuuxso
(fal) dhaqdhaqaaq yar samee. Ilmaha yari ma nuuxnuuxsanayo.
nuuxnuuxso: (fal) (ku ~) hadal si cad oo aad ah u sheeg, runta caddee. Dh: tiiqtiiqso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nuuxnuuxso
de: wobble, jiggle
lx: nuuxnuuxso
pd: (nuuxnuuxsaday)
ps: v3a=
key: nuuxnuuxso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
riiqriiqsad
-ka: (magac, lab, keli) dhagdhaqaag kolba dhan loo faadhumaysto samayn. Dh: nuuxnuuxsad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nuuxnuuxsasho
(Nuuxnuuxsasha-da)
Dhaqdhaqaaqid yar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nuuxnuuxsasho
vl. n. wobbling, jiggling
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuuxnuuxsasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg nuuxnuuxsiga.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nuuxnuuxsasho
de: wobbling, jiggling
lx: nuuxnuuxsasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: nuuxnuuxsasho
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nuuxnuuxi
v. jiggle something, make something wobble
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuuxnuuxi
(fal) dhaqdhaqaaji in yar. Dh: lilliji.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nuuxnuuxi
de: jiggle s.t., make s.t. wobble
lx: nuuxnuuxi
pd: (nuuxnuuxiyey)
ps: v2a=tr
key: nuuxnuuxi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nuuxnuuxin
(Nuuxnuuxin-ta)
Dhaqdhaqaajin yar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuuxnuuxin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax taagan, inyar dhaqdhaqaajinta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuuxnuuxis
-ka: (magac, lab, keli) eeg nuuxnuuxinta
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nuxuusid
m.f.dh eeg nuxuus². la-mid: naxuusid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuxuusid
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg nuxuus.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhunkuxsad
m.l la-mid: dhunkuxsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luusluusad
m.l la-mid: luusluusasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuuxyuuxsi
-ga: (magac, lab, keli) lugta oo kolba eeyar la qaado oo socodka la gaabiyo. Dh: yuuryuursi, dhuugdhuuqsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fuuqfuuqsad
(Fuuqfuuqsad-ka)
Fuuqfuuqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuuqfuuqsad
-ka: (magac, lab, keli) dhammayn is dabajoog ah.
fuuqfuuqsad -ka: (magac, lab, keli) dareere gun hoose ku hadhay afka la raacraacid, hambo weel guntii ku jirta ka heenheemin. Dh: heenheemin, heeheemin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuurkuursad
(Kuurkuursad-ka)
Kuurkuursasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuurkuursad
m.l la-mid: kuurkuursasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuurkuursad
-ka: (magac, lab, keli) fadhi la nuuxnuuxsado oo la dhaqdhaqaaqo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muudmuudsad
-ka: (magac, lab, keli) wax muud carrabka iyo faruuryaha ku nuugnuugid. Dh: muudmuudsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muurmuursad
(Muurmuursad-ka)
Muurmuursasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muurmuursad
-ka: (magac, lab, keli) sidii wax ilka la muurmuurri wax u cunid. Muurmuursadka iska daa miyaad ilka la'day! Dh: muurmuursasho.
muurmuursad -ka: (magac, lab, keli) wax la yar doonayo ku ag warwareegid oo u muutamuutayn. Dh: gaadid, doonid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuuntuunsad
-ka: (magac, lab, keli) hagar la'aan u qabashada.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku nuuxnuuxso
v. stress
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ku_nuuxnuuxso
de: stress
lx: ku nuuxnuuxso
pd: (nuuxnuuxsaday)
ps: v3a= expr
key: ku_nuuxnuuxso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuudhnuudhid
-da: (magac, dhedig, keli) xoog u bislaasho. Dh: muudhmuudh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gunuusid
m.dh la-mid: gunuunucid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muruxsad
-ka: (magac, lab, keli) mudhuxsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naxuusid
m.dh la-mid: nuxuusid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naxuusid
-da: (magac, dhedig, keli) mid nuxuusay noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nugnugad
-ka: (magac, lab, keli) dhaqdhaqaaq ay ilkuhu sameeyaan kolka ay dhacayaan ama jugi gaadho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuunuuji
(fal) eeg nunuji.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuxnuxle
-ha: (magac, lab, keli) qof kolba mid hoos ula hadla oo xa badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nuxuusin
m.f.dh eeg nuxuusi. la-mid: naxuusin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuxuusin
-ta: (magac, dhedig, keli) xaasidnimo iyo nasiibxumo ku ridid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sunuunad
-da: (magac, dhedig, keli) maraqa cas ee ka kooban tamaadhada duqad oo lagu darsado bariiska ama baastada. Sunuunad ii keen roodida an ku cuno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suxuurad
m.l la-mid: suxuurasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suxuurad
-ka: (magac, lab, keli) cunno suxuur ah cunid. Suxuurad goor hore waa ku gaajaysiisa maalin soomeed. Dh: hiraabad, suxuurasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uduufsad
-da: (magac, dhedig, keli) wax liita ka dhigad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uruursad
m.l la-mid: aruursasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xusuusad
(Xusuusad-ka)
Xusuusasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xusuusad
m.l la-mid: xusuusasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xusuusad
-ka: (magac, lab, keli) xusuusasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hunyucsad
m.l la-mid: hunyucsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huruudsad
m.l la-mid: huruudsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mudhuxsad
-ka: (magac, lab, keli) wixii dul yaal ka diirasho oo ka hoolid. Midho geed mudhuxsasho kuma idlaadaan. Dh: diirasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muquunsad
(Muquunsad-ka)
Muquunsasho; muquunsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muquunsad
m.l la-mid: muquunsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muquunsad
-ka: (magac, lab, keli) xoog ku qaadasho oo awood ku muquunin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nuunaasid
(Nuunaasid-da)
Hadal nuunaas ah ku hadlid; guryamid; gunuunucid; guraabbaasid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nuunaasid
m.f.dh eeg nuunaas². la-mid: nuunaas¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuunaasid
-da: (magac, dhedig, keli) calaacal iyo diidmo ku gurxamid. Dh: duryamid, gunuunucid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuunuujin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax meel ku turqan, kulba dhinac u ruxid. Dh: nunujin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuunuujis
-ka: (magac, lab, keli) eeg nunujis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nuxnuxlee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Nuxnux samayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nuxnuxlee
v. whisper, murmur
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuxnuxlee
(fal) hadal hoos u yaal oo xan ah ku hadal. Dh: nuxnuxlay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nuxnuxlee
de: whisper, murmur
lx: nuxnuxlee
pd: (nuxnuxleeyey)
ps: v2b=
key: nuxnuxlee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rujuucsad
-ka: (magac, lab, keli) xukun sharci ah oo labo aan saddex ku kala tegin u banneeya inay ciddadbaxa horteed meher la'aan isku noqon karaan. Rujuucsadka ayaa kala tegga ka roon. Dh: rujuucsi.
rujuucsad -ka: (magac, lab, keli) naag aan baa'in ahayn meher la'aan soo ceshesho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xanuunsad
(Xanuunsad-ka)
Xanuunsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xanuunsad
m.l la-mid: xanuunsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xanuunsad
vl. n. pain, illness, being ill ~ in pain
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanuunsad
-ka: (magac, lab, keli) wax xanuun hayo noqosho; xanuun iska dareemid. Dh: xanuunsasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xanuunsad
a: xanuunsasho (/da) [vn-f]
cf: xanuunso
de: pain, illness, being ill ~ in pain
initial: x
lx: xanuunsad
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: xanuunsad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yunbursad
-ka: (magac, lab, keli) eeg yumbudhsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuurursad
-ka: (magac, lab, keli) gandoodsasho. Dh: yuurursasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buusbuusan
Buusbuus leh; diisdiisan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buusbuusan
der. [adjective] crushed, crumpled, dented
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
buusbuusan
(adj) dented (dentidh)~ see [eeg] buusan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buusbuusan
-ka: (magac, lab, keli) la buusbuusay. Kildhi buusbuusanka ka dhawr distida cusub. Dh: diisdiisan.
buusbuusan: (tilmaame) wax hoos isugu diisdiisan. Baabuur buusbuusan wataa. Dh: dhuucdhuucsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buusbuusan
de: crushed, crumpled, dented
lx: buusbuusan
pd: (buusbuusnaa)
ps: adj-der
key: buusbuusan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buusbuusid
(Buusbuusid-da)
Isku gudacelin; diisid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buusbuusid
-da: (magac, dhedig, keli) hoos u dhuudhuucin. Buusbuusid badan ku taalla. Dh: diisdiisid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuuskuusid
m.f.dh eeg kuuskuus.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luusluusid
m.f.dh eeg luusluus².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuxnuxlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hadal hoos u yaal oo xan ah ku hadlid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuxnuxlays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg nuxnuxlayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afjuxuunsad
m.l la-mid: afjuxuunsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhegnuugsad
m.l la-mid: dhegnuugsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhegnuugsad
-ka: (magac, lab, keli) war aan rasmi ahayn oo dhegta ku soo dhaca qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
juucjuucsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof daal xanuun yar leh hayo ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
juucjuucsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof daal xanuun yar leh hayo ahaansho. m.f.dh, juucjuucsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
juucjuucsan
der. [adjective] mildly indisposed, feeling poorly
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
juucjuucsan
(tilmaame) qof, xanuun aan badnayn hayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
juucjuucsan
de: mildly indisposed, feeling poorly
lx: juucjuucsan
pd: (juucjuucsanaa)
ps: adj-der
key: juucjuucsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luufluufsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax luufluuf hayo ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muudhmuudhsad
-ka: (magac, lab, keli) aad u bislaysasho; cunto karsasho oo dabka u kas ugu raajin ilaa uu jilayc fararaac ah uu noqonayo.