nuuxa
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Nuuxa
name-f wisdom, prudence
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Nuux
name: Noah
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Nuux
name-m to sway; howl; rest; Noah: Prophet in the Holy Qur'an
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Nuux
de: Noah
lx: Nuux
ps: name-m
key: Nuux
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buuxa
(weel, kd.) intuu qaadi karey sida; muggi aan wax ka maqnayn; afka haya; afka jooga; jilaysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buuxa
(tilmaame) meel dhiman aan lahayn oo aan wax kale qaadi karin. Weel buuxa weel madhan laguma dhufto. Dh: budh, afka, ilkaha. Li: nag, madhan, faaruq, baabbah, eber.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Nuura
name-f shining stone; flower, blossom
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuura
magac loo bixiyo gabadh xilli iftiin ah dhalatay ama reerkii ay u dhalatay nuurtay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nuuxe
(Nuuxa-ha)
(fardo, kd.) Socod aayar ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nuuxe
m.l 1. Socod aayar la taxtaxaasho oo fardaha iyo wixi lamida sameeyaan. 2. la-mid: nuuxeyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nuuxe
m. n. slow pace (of horse, etc.), amble
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuuxe
-ha: (magac, lab, keli) fardo orod aayar ah ku socda. Dh: tuuxayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nuuxe
de: slow pace (of horse, etc.), amble
lx: nuuxe
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: nuuxe
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nuuxi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax meeshii uu joogay in yar ka dhaqaajin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nuuxi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax meeshii uu joogay in yar ka dhaqaajin. m.f.dh, nuuxin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nuuxi
v. move something a little, shift, wobble, jiggle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nuuxi
-yey -say: (v) move slowly once ~ dhaqaaji
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuuxi
(fal) inyar dhaqaaji. Dhinac u nuuxi kuraasta aan biirinnee. Dh: siki.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nuuxi
de: move s.t. a little, shift, wobble, jiggle
lx: nuuxi
pd: (nuuxiyey)
ps: v2a=tr
key: nuuxi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nuuxsad
(Nuuxsad-ka)
Nuuxsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nuuxsad
m.l la-mid: nuuxsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuuxsad
-ka: (magac, lab, keli) in yar dhaqaaqid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nuugan
der. [adjective] absorbed
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nuugan
de: absorbed
lx: nuugan
pd: (nuugnaa)
ps: adj-der
key: nuugan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nuurad
(Nuurad-da)
Dhagax didib ah oo la shiiday oo budo laga dhigay oo wax lagu dhiso laguna caddeeyo; xaraar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nuurad
nuurad¹: m.dh (-do, m.l) Maaddo midab cad leh oo laga helo dhagxaan si gaar ah loo gubay, dhismayaashana lagu dhisaa ama lagu caddeeyaa. la-mid: nuuriyad, nuuriyo.
nuurad²: m.dh (kiimika) Kaalsiyam.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nuurad
nuurad¹: m.dh (-do, m.l) Maaddo midab cad leh oo laga helo dhagxaan si gaar ah loo gubay, dhismayaashana lagu dhisaa ama lagu caddeeyaa. la-mid: nuuriyad, nuuriyo.
nuurad²: m.dh (kiim.) Kaalsiyam.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nuurad
f. n. lime; whitewash
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nuurad
-da: (n) whitewash (waayt woosh); lime (laaym)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuurad
-da: (magac, dhedig, keli) budo cad oo gidaarrada la mariyo oo ka samaysan dhaqax nuuradeed la shiday. Dh: nuuriyad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nuurad
cf: xaraar
de: lime; whitewash
lx: nuurad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: nuurad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nuuxee
f.mg2 (-xeeyay, -xeysay) Fardo iyo wixi lamida nuuxe samayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nuuxee
v. amble, move at a slow pace
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nuuxee
de: amble, move at a slow pace
lx: nuuxee
pd: (nuuxeeyey)
ps: v2b=intr
key: nuuxee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nuuxin
(Nuuxin-ta)
Dhaqaaq yar dhaqaajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nuuxin
m.f.dh eeg nuuxi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuuxin
-ta: (magac, dhedig, keli) in yar dhaqaajin. Nuuxinta alaabta ka daa way daadane. Dh: nuuxis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuuxis
-ka: (magac, lab, keli) eeg nuuxinta
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nuuxsi
m.l la-mid: nuuxsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuuxsi
-ga: (magac, lab, keli) dhaqaaq yar samayn. Dh: dhaqaaq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nuuxso
f.mg3 (-saday, -satay) Wax meesha uu joogay in yar ka dhaqaaqid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nuuxso
f.mg3 (-saday, -satay) Wax meesha uu joogay in yar ka dhaqaaqid. m.f.dh, nuuxsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nuuxso
v. wobble, jiggle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nuuxso
-nuuxsaday / nuuxsatay: (v) move your body slowly; make a jiggling motion, especially with one's body
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuuxso
(fal) in yar, dhinac u dhaqaaq. Xaggaa u yar nuuxso aan kula fadhiistee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nuuxso
de: wobble, jiggle
lx: nuuxso
pd: (nuuxsaday)
ps: v3a=intr
key: nuuxso
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Ruux-a
âme.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ruuxba
n. phr. each person
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ruuxba
de: each person
lx: ruuxba
ps: np
key: ruuxba
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buux
(Buux-a)
(weel, kd.) intuu qaadi karey lagu wada shubay ahaansho; jilays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buux
buux¹: m.l 1. B. ah: wax jilaysan. 2. la-mid: buuxid.
buux²: f.mg1 (-xay, -xday) Wax muggiisa ama qaadkiisu ku jiraan noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
buux
buux¹: m.l 1. B. ah: wax jilaysan. 2. la-mid: buuxid.
buux²: f.mg1 (-xay, -xday) Wax muggiisa ama qaadkiisu ku jiraan noqosho. m.f.dh, buuxid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buux
inch. v. be ~ become full
buux m. n.-st (adj.): fullness, state of being full; full
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Buux
name-m fullness, the state of being full. Syn: Buuxo
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
buux
-a: (adj) full (fuul) Ex: baaldi buuxa; full pail
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Buux
magac loo baxsho wiil dhashay isaga oo xadkii caadiga ahaa ka buuran ama dhalashadiisii reerka badhaadhe u horseedday.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buux
buux-a: (magac, lab, keli) weel iyo waxii la mid ah intuu qaadi karayey lagu wada shubay, aan meeli ka bannaanayn. Buuxa bakayriga inyar baa ka hadhsan.
buux-a: (magac, lab, keli) biyaha baddu kolkay heerka ugu sarreeya joogaan.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
buux
امتلاء
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guux
(Guux-a)
1. Cod weyn oo culus oo uurka ka soo baxa.
2. Cod gaar ah oo geelu sameeyo.
3. Cudur geela ku dhaca.
4. Farax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guux
guux¹: m.l 1. Cod weyn oo cunaha awr, goray iyo wixi lamida ka soo baxa. 2. Codka matoorrada. 3. Cudur geela cunaha ka barariya. 4. la-mid: guuxid.
guux²: f.mg1 (-xay, -xday) 1. Cod weyn sameyn (awr, goray iyo wixi lamida). 2. Matoor cod samayn. 3. U g.: wax u riyaaqid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
guux
guux¹: m.l 1. Cod weyn oo cunaha awr, goray iyo wixi lamida ka soo baxa. 2. Codka matoorrada. 3. Cudur geela cunaha ka barariya.
guux²: f.mg1 (-xay, -xday) 1. Cod weyn sameyn (awr, goray iyo wixi lamida). 2. Matoor cod samayn. 3. U g.: wax u riyaaqid. m.f.dh, guuxid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guux
m. n. noise, roar, uproar
guux v. let out a loud noise, roar, grunt
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
guux
-a: (n) a loud, deep sound, guttural sound; roar (roor); rumble (rambal)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guux
-a: (magac, lab, keli) shanqadha diyaaradaha lalaaya ama baabuurta socoti ay samayso; hadal fara badan oo is dhexyaac ah. Guux fara badan ayaan maqlaynaa. Dh: xiin; reen.
guux-a: (magac, lab, keli) nuuc gabayga jecaylka ka mid ah.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
nuca
s.f. - tun, sur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nuud
m.l (cilmiga naflayda) Liid hilib ah oo isku xira xiniinyaha iyo futada xayawaanka lab.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nuud
m.l (cilmiga naflayda) Liid hilib ah oo isku xira xiniinyaha iyo futada xayawaanka lab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nuug
f.g1 (-gay, -gtay) 1. Caano naas ka jaqid. 2. Biyo, naafto iyo wixi lamida tuubbo ku dhuuqid iyada oo la adeegsanayo bishimaha iyo carrabka. 3. Hoore isbuunyo, cudbi iyo wixi lamida ku soo qaadid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nuug
f.g1 (-gay, -gtay) 1. Caano naas ka jaqid. 2. Biyo, naafto iyo wixi lamida tuubbo ku dhuuqid iyada oo la adeegsanayo bishimaha iyo carrabka. 3. Hoore isbuunyo, cudbi iyo wixi lamida ku soo qaadid. m.f.dh, nuugid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nuug
v. suckle, suck (from the breast); absorb {chemistry}
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nuug
-ay / -tay: (n) suck (sak); suckle (sakal); absorb (ab soorb)~ jaq, dhuuq, dhuug
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuug
(fall muudso oo naas ama dareere meel ku jira faruuryaha iyo carrabka ku soo jido. Dh: jiid, muudso.
nuug-ga: (magac, lab, keli) muudsi naas ama dareere meel ku jira faruuryaha iyo carrabka lagaga soo jiito. Dh: nuugid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nuug
cf: naas; dhuug ~ dhuuq, jaq
de: suckle, suck (from the breast); absorb {chemistry}
lx: nuug
pd: (nuugay)
ps: v1=tr
key: nuug
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nuun
(Nuun-ka)
Xarafka 14d. oo Alifka Soomaalida magaciisa; (N).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nuun
m.l 1. Summad ishkinka badanaa qoorta looga dhigo oo u eg nuunka xuruufta carabiga. 2. la-mid: na'.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nuun
m. n. N [letter of the Arabic & Somali alphabet.]
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nuun
a: na'
bw: Arabic
de: N [letter of the Arabic & Somali alphabet]
lx: nuun
pd: (-ka Pl: nuunan (ka))
ps: n4-m
key: nuun
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nuur
(Nuur-ka)
If; iftiin; ilays; kaah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nuur
nuur¹: m.l Kaaha ka baxa walax iftiimaysa.
nuur²: f.mg1 (-ray, -rtay) Walax iftiinta kaah bixin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nuur
nuur¹: m.l Kaaha ka baxa walax iftiimaysa.
nuur²: f.mg1 (-ray, -rtay) Walax iftiinta kaah bixin. m.f.dh, nuurid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Nuur
name: Nur
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nuur
m. n. light
nuur v. give light, shine
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Nuur
name-m light; to give light, shine. Syn: Nuuro, Nuurre, Nuurto
name-m light; flower, blossom
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nuur
-ka: (n) light (laayt); shine (shaayn); luminance (luu me-nansi); brightness (baraayt nes); glow (galoo) ~ iftiin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Nuur
magac loo bixiyo wiil waqti iftiin ah dhashay ama reerkuba ku farxay dhalashadiisa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuur
-ka: (magac, lab, keli) ilays wax iftiimiya. Dh: kaah, iftiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuus
-ka: (magac, lab, keli) kolka hadal aan kala go'ayn oo yuus ah cidi waddo. Dh: yuuska.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ruux
(Ruux-a)
1. Naf; nolol.
2. Qof.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ruux
m.l 1. Naf. 2. Qof.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ruux
m.l 1. Naf. 2. Qof.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ruux
m. n. soul, spirit; person, individual
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ruux
-da: (n) 1. spirit (ispiirit); soul (sool); life (laayf) ~ naf. 2. ruux -a: (n) somebody (sam-baadhi) ~ qof
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruux
-a: (magac, lab, keli) shaqsi kasta oo aadanaha ka mid ah. Dh: qof, shakhsi.
ruux-da: (magac, dhedig, keli) salka iyo unugga bilawga ah ee nolol oo dhani ka bilaabanto oo aan Rabbi mooyee cid kali ahaansheheeda saxda ah aqoon. Dh: naf, qudh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ruux
bw: Arabic
cf: dhuun, naf, nolol, qof
de: soul, spirit; person, individual
lx: ruux
pd: (-a)
ps: n2a-m
key: ruux
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suux
f.mg1 (-xay, -xday) Nafley miyir beelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
suux
f.mg1 (-xay, -xday) Nafley miyir beelid. m.f.dh, suuxid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
suux
v. faint, lose consciousness; have epilepsy
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
suux
-ay / day: (v) become unconscious; have a seizure or nervous breakdown
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suux
(fal) miyirbeel.
suux: (fal) qallal ama sarco, la dhac.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
suux
de: faint, lose consciousness; have epilepsy
initial: s
lx: suux
pd: (suuxay)
ps: v1=intr
key: suux