nuurto
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Nuurto
name-f shiner; to give off light, to shine. Syn: Nuur, Nuuro, Nuurre
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Nuurto
magac loo baxsho gabadh xilli iftiin ah dhalatay ama reerkii ay u dhalatay nuurtay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Nuuro
pr. n., [feminine] Nura
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Nuuro
name-flight; to give off light, to shine. Syn: Nuur, Nuurre, Nuurto
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Nuuro
de: Nura
lx: Nuuro
ps: name-f
key: Nuuro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guurto
m.dh 1. Hantida qaybaheeda la rari karo, sida xoolaha nool. 2. G. ah: reer miyi xoolo dhaqato ah oo hadba meeshii deegaan leh u guura.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
guurto
m.dh 1. Hantida qaybaheeda la rari karo, sida xoolaha nool. 2. G. ah: reer miyi xoolo dhaqato ah oo hadba meeshii deegaan leh u guura.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guurto
f. n. movable goods; group of people traveling and not settled yet
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
guurto
-guurtada: (n) movable assets or properties
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guurto
-ta: (magac, dhedig, keli) hantida dhaqdhaqaaqda ee aan maguurtada ahayn sida xoolaha iyo lacagta. Dh: maal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guurto
de: movable goods; [ext.] group of people traveling and not settled yet Opp: magguurto 'unmovable goods'
lx: guurto
pd: (/da)
ps: n6-f
key: guurto
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xuurto
(Xuurta-da)
Wixii nafley ah oo aad u orda, neefta qabata oo ku xayiranta; xiiq; hafto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuurto
m.dh Culays ku yimaada neefta marka nafley orod ku daasho ama hawl iyo wixi lamida. la-mid: xiiq.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xuurto
m.dh Culays ku yimaada neefta marka nafley orod ku daasho ama hawl iyo wixi lamida. la-mid: xiiq.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xuurto
f. n. exhaustion
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xuurto
-xuurtada: (n) exhaustion (ig-zoos-shin); fatigue (fa-tiig); hard or heavy breathing due to exhaustion ~ dhacsaal, daal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuurto
-da: (magac, dhedig, keli) neefqabataw iyo hiinraag noolaha ku dhaca kolka uu aad u ordo. Xuurto ayuu la neefsan kari la'yahay. Dh: xiiq. hafto.
xuurto-da: (magac, dhedig, keli) hab lagu dagaallamo oo ah qoorta qof kale oo inta kilkillada la soo hoos geliyo gacantana cunaha lagaga maro. Awrtu waxay isku dilaan xuurto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xuurto
cf: haftibbax
de: exhaustion
initial: x
lx: xuurto
pd: (/da)
ps: n0-f
key: xuurto
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Nuureey
name-m shiner; to give off light, to shine. Syn: Nuur, Nuuro, Nuurto

Nuurre
name-m shiner; to give off light, to shine. Syn: Nuur, Nuuro, Nuurto
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mucurto
m.dh la-mid: mucurti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nuuriyo
m.dh la-mid: nuurad¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suurtow
suurtow¹: m.l la-mid: suurow¹.
suurtow²: f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) la-mid: suurow².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
suurtow
inch. v. be ~ become possible
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
suurtow
-suurtoobay / suurtowday: (v) become real, possible or work able ~ suuroob
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suurtow
-ga: (magac, lab, keli) eeg suurtoobid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
suurtow
a: suuroob
de: be possible Alt sp: suurtoob
initial: s
lx: suurtow
pd: (suurtoobay)
ps: v1=inch
key: suurtow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuurtoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Xuurto dareemid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xuurtoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Xuurto dareemid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuurtoo
(fal) aad u xiiq oo hiinraag. Aad u orod oo u xuurtoo. Dh: neefqabataw.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xuurtow
inch. v. become exhausted
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuurtow
(fal) xuurto ha ku qabato oo hiinraag. Yar orod oo xuurtow. Dh: xuurtood, xiiq.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xuurtow
de: become exhausted
initial: x
lx: xuurtow
nt: xuurtood (ka) [vn-m]
pd: (xuurtooday)
ps: v3a=inch
key: xuurtow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nuur
(Nuur-ka)
If; iftiin; ilays; kaah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nuur
nuur¹: m.l Kaaha ka baxa walax iftiimaysa.
nuur²: f.mg1 (-ray, -rtay) Walax iftiinta kaah bixin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nuur
nuur¹: m.l Kaaha ka baxa walax iftiimaysa.
nuur²: f.mg1 (-ray, -rtay) Walax iftiinta kaah bixin. m.f.dh, nuurid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Nuur
name: Nur
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nuur
m. n. light
nuur v. give light, shine
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Nuur
name-m light; to give light, shine. Syn: Nuuro, Nuurre, Nuurto
name-m light; flower, blossom
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nuur
-ka: (n) light (laayt); shine (shaayn); luminance (luu me-nansi); brightness (baraayt nes); glow (galoo) ~ iftiin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Nuur
magac loo bixiyo wiil waqti iftiin ah dhashay ama reerkuba ku farxay dhalashadiisa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuur
-ka: (magac, lab, keli) ilays wax iftiimiya. Dh: kaah, iftiin.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
urto
s.m. - hardi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Uuro
(Uura-da)
1. Midab.
2. Daruur guulaameyneysa ama siigo weyn oo uurada midabkeeda leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uuro
m.dh 1. Boor ama qiiq madow oo kacsan. 2. Biyo dhoobo ku qasantahay oo aad u calawsan. 3. Midab xooluhu yeeshaan oo madow, guduud iyo cawl isugu dhafan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
uuro
-uurada: (n) 1. dust (dast) ~ boor, siigo. 2. colour ~ midab 3. fume (fiyuum); smog (ismaag) ~ qaac
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uuro
-da: (mabac, dhedig, keli) siigo cad oo cirka isku shareerta.
uuro -da: (magac, dhedig, keli) midab sida nuuradda u cad.
uuro -da: (magac, dhedig, keli) daruur guulaamo ah uurada midabkeeda leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
uuro
cf: boor, oog
de: steam from a high flame; liquid waste products; gray cloud mass; grey ~ dusty color
initial: u
lx: uuro
pd: (/da)
ps: n6-f
key: uuro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buuro
buuro: f.g3 (-rtay, -ratay) Nafley mid kale si aan ogaan ahayn ugu dhicid; legdid.
bųuro: f.mg3 (-rtay, -ratay) Nafley cayilid; weynaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
buuro
bųuro: f.mg3 (-rtay, -ratay) Nafley cayilid; weynaansho. m.f.dh, bųurasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buuro
v. grow fatter; get stronger; swell up, increase in volume
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
buuro
-buurtay / buuratay: (v) become fatter or swollen buuryaqab ah: (adj) not circumcised; uncircumcised (an ser kam- saayzidh)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buuro
de: grow fatter; get stronger; swell up, increase in volume
lx: buuro
pd: (buurtay)
ps: v3b=intr
syn: naax, cayil
key: buuro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuuro
f.g3 (-rtay, -ratay) Weel aad u buuxsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuuro
(fal) wax badan qaado. Intaanad socon lacagta cuuro. Dh: buuxso.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
furto
s.m. - dhac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guuto
(Guuta-da)
1. Ciidanka dagaallama qaybihiisa, qayb kamid ah.
2. Dad aan yarayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guuto
m.dh.u (-ooyin, m.l) 1. Qaybaha ciidamadu u qaybsanyihiin mid ka mid ah oo gaasna ka yar, ururna ka badan. 2. Dad badan oo wadajira.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
guuto
m.dh.u (-ooyin, m.l) 1. Qaybaha ciidamadu u qaybsanyihiin mid ka mid ah oo gaasna ka yar, ururna ka badan. 2. Dad badan oo wadajira.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guuto
f. n., [collective] group of warriors, squad, brigade; mature people
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
guuto
-guutada: (n) [military] brigade (brigeeydh)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Guuto
Brigata
Brigade
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guuto
-da: (magac, dhedig, keli) col fara badan, ciidan nabar ah. Guuto ciidan ah ayaa loo diray dembiilayaashii dadka laayey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guuto
de: group of warriors, squad, brigade; mature people
lx: guuto
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: guuto
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
guuto
لوَاء سَرِيَّة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Huuro
(Huura-da)
Uskagga afka aan la nadiifini yeesho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huuro
m.dh Wasaq ilkuhu yeeshaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
huuro
m.dh Wasaq ilkuhu yeeshaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
huuro
f. n., (mass n.): tartar on the teeth, plaque
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
huuro
-huurada: (n) a yellowish deposit on the teeth; plaque (plaak); tartar (taarter) ~ dabar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huuro
-da: (magac, dhedig, keli) uskagga iyo hadhaaga cuntada iyo uskag ilkaha ku samaysma marka muddo la cadayi waayo. Huurada iska caday.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
huuro
de: tartar on the teeth, plaque
lx: huuro
pd: (/da)
ps: n6-f-mass
key: huuro
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
nuòto
s.m. dabaal.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Nuura
name-f shining stone; flower, blossom
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuura
magac loo bixiyo gabadh xilli iftiin ah dhalatay ama reerkii ay u dhalatay nuurtay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nuuri
f.g2 (-iyay, -isay) Wax nuur u yeelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nuuri
f.g2 (-iyay, -isay) Wax nuur u yeelid. m.f.dh, nuurin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nuuri
v. light up, cause to shine
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
NUURI
(Nuri) C Endostemon tenuiflorus (Benth) Ashby. Labiatae.
C Leucas minimifolia Chiov. Labiatae.
S Justicia paolii Fiori Acanthaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nuuri
-yey / -say: (v) shine (shaayn) on; brighten (baraayt-en); illuminate (i-lu-mineeyt)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nuuri
de: light up, cause to shine
lx: nuuri
pd: (nuuriyey)
ps: v2a=tr
key: nuuri
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quuro
-da: (magac, dhedig, keli) cod qururuf ah oo qof hurda oo sanku cabudhan yahay uu sameeyo. Dh: quurro, khuuro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quuto
-da: (magac, dhedig, keli) eeg quutaquuto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Suuro
(Suura-ha)
Isyeelyeel iyo meelmaag badanaa carruurtu ku kacdo iyagoo diricnimo mooda haya; kibircarruureed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suuro
suuro¹: m.l Isyeelyeel, kibir iyo meelmaag naagaha iyo carruurtu muujiyaan.
suuro²: f.mg3 (-rtay, - ratay) Badar dhagax, qashin iyo wixi lamida ka saarasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
suuro
suuro¹: m.l Isyeelyeel, kibir iyo meelmaag naagaha iyo carruurtu muujiyaan.
suuro²: f.mg3 (-rtay, - ratay) Badar dhagax, qashin iyo wixi lamida ka saarasho. m.f.dh, suurasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
suuro
m. n. possibility, feasibility
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
suuro
-suuraha: (n) 1. a tricky way of gaining someone's sympathy 2. image (i-meeyf)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuro
-da: (magac, dhedig, keli) badar dhagax, qashin iyo wixii ka mid ah, ka saarasho.
suuro -ha: (magac, lab, keli) isyeelyeel iyo meelmaag ay inta badan carruurtu ku kacdo; kibircarruureed.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
suuro
de: possibility, feasibility Alt sp: suurow
initial: s
lx: suuro
pd: (/ha)
ps: n6-m
key: suuro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tuuro
f.g/mg3 (-rtay, -ratay) 1. (f.g) Wax meel isugu geysasho. 2. (f.mg) Wax meel isugu imaasho. 3. Timaha tuurid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tuuro
f.g/mg3 (-rtay, -ratay) 1. (f.g) Wax meel isugu geysasho. 2. (f.mg) Wax meel isugu imaasho. 3. Timaha tuurid. m.f.dh, tuurasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tuuro
v. pile up, be amassed ~ gathered together
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuuro
(fal) wax tuusan ka dhigo; tuunso.
tuuro: (fal) ciyaar'markaaga rido. Tuuro waranka markaaga.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tuuro
de: pile up, be amassed ~ gathered together
initial: t
lx: tuuro
pd: (tuurtay)
ps: v3b=intr
key: tuuro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuuro
-da: (magac, dhedig, keli) neefqabataw keena cod la karho oo dadka badhkii hurdada ku hela. Dh: khuuro, khuurro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuuro
-da: (magac, dhedig, keli) awr ama dameer si yuuqan loo raro. Sidii qaalin yuuro u rarmay oo yeeshu dhinac goysay. Dh: yug.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buunto
* (Buunta-da)
Kaabad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buunto
m.dh la-mid: buundo.

f. n. bridge