nuuriya
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Nuuriya
name-f to light up, to cause to shine
name-f luminous
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Nuuriya
magac loo baxsho gabadh reerkii ay u dhalatay, wanaag iyo barwaaqo ku soo kordhisay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nuuriyad
m.dh la-mid: nuurad¹.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
NUURIYE
Endostemon cf. tenuiflorus 10
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
NUURIYE
(Nurie) C Endostemon tenuiflorus (Benth) Ashby. Labiatae.
C Leucas minimifolia Chiov. Labiatae.
S Justicia paolii Fiori Acanthaceae.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Nuuriye
name-m to light up, to cause to shine
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Nuuriye
ama Nuurre, magac loo baxsho wiil lagu farxay oo reerka farxad ku soo kordhiyay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nuuriyo
m.dh la-mid: nuurad¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Suuriya
pr. n., loc. Syria
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Suuriya
(n) Syria; a country of south west Asia, Damascus is the capital ~ Siiriya
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Suuriya
de: Syria
initial: s
lx: Suuriya
ps: n0-loc-f
key: Suuriya
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yuuriya
m.dh (kiimika) Adke cad oo wiriqaysan oo ku milma biyaha CO(NH2), yuuriya waa maxsuulka naytaroojiineed ee ugu dambeeya qashinsaarka naasleyda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
yuuriya
m.dh (kiim.) Adke cad oo wiriqaysan oo ku milma biyaha CO(NH2), yuuriya waa maxsuulka naytaroojiineed ee ugu dambeeya qashinsaarka naasleyda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nuurad
nuurad¹: m.dh (-do, m.l) Maaddo midab cad leh oo laga helo dhagxaan si gaar ah loo gubay, dhismayaashana lagu dhisaa ama lagu caddeeyaa. la-mid: nuuriyad, nuuriyo.
nuurad²: m.dh (kiimika) Kaalsiyam.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nuuradayn
m.f.dh eeg nuuradee. la-mid: nuuriyadayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nuuradaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Guri iyo wixi lamida wax nuurad marsantahay ahaansho. la-mid: nuuriyadaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nuuradaysnaan
m.f.dh eeg nuuradeysan. la-mid: nuuradaysdnaansho, nuuriyadaysnaan, nuuriyadaysnaa
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nuuradee
f.g2 (-deeyay, -daysay) Wax nuurad marin. la-mid: nuuriyadee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nuuradoobid
m.f.dh eeg nuuradow. la-mid: nuuriyadoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nuuradow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Nuurad noqosho (dhagax). la-mid: nuuriyadow.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nuurad
nuurad¹: m.dh (-do, m.l) Maaddo midab cad leh oo laga helo dhagxaan si gaar ah loo gubay, dhismayaashana lagu dhisaa ama lagu caddeeyaa. la-mid: nuuriyad, nuuriyo.
nuurad²: m.dh (kiim.) Kaalsiyam.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nuuradaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Guri iyo wixi lamida wax nuurad marsantahay ahaansho. m.f.dh, nuuradaysnaan. la-mid: nuuriyadaysan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nuuradee
f.g2 (-deeyay, -daysay) Wax nuurad marin. m.f.dh, nuuradayn. la-mid: nuuriyadee.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
stucco
s.m. - nooc nuuriyadda ka mid ah oo lagu cufeeyo daldaloolka guryaha.
Qaamuus-Yare Ingiriis-Jiiddu-Soomaali - Saalim Caliyow Ibro [1998]
lime (n)
nuuriyi
nuuriyad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuurad
-da: (magac, dhedig, keli) budo cad oo gidaarrada la mariyo oo ka samaysan dhaqax nuuradeed la shiday. Dh: nuuriyad.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Nuura
name-f shining stone; flower, blossom
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuura
magac loo bixiyo gabadh xilli iftiin ah dhalatay ama reerkii ay u dhalatay nuurtay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nuuri
f.g2 (-iyay, -isay) Wax nuur u yeelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nuuri
f.g2 (-iyay, -isay) Wax nuur u yeelid. m.f.dh, nuurin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nuuri
v. light up, cause to shine
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
NUURI
(Nuri) C Endostemon tenuiflorus (Benth) Ashby. Labiatae.
C Leucas minimifolia Chiov. Labiatae.
S Justicia paolii Fiori Acanthaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nuuri
-yey / -say: (v) shine (shaayn) on; brighten (baraayt-en); illuminate (i-lu-mineeyt)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nuuri
de: light up, cause to shine
lx: nuuri
pd: (nuuriyey)
ps: v2a=tr
key: nuuri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nuurid
(Nuurid-da)
Ifid; iftiimid; ilays yeelasho; kaahid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nuurid
m.f.dh eeg nuur².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuurid
-da: (magac, dhedig, keli) nuur bixin oo wax iftiimaya noqosho. Dh: iftiimid, kaahid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nuurin
(Nuurin-ta)
Nuur u yeelid; ifin; iftiimin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nuurin
m.f.dh eeg nuuri.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Suriya
Syrie.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
NAURIYE
Ocimum basilicum 10
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
NUURIGE
Leucas sp = Gillett et al 22217, 22488 10
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Suufiya
pr. n., [feminine] Sufia, Sophia
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Suufiya
de: Sufia, Sophia
initial: s
lx: Suufiya
ps: name-f
key: Suufiya
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Yusriya
name-f most prosperous
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nuuriyadee
f.g2 (-deeyay, -daysay) la-mid: nuuradee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nuuriyadow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) la-mid: nuuradow.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aruuriye
m. n. collector
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aruuriye
a: ururiye
de: collector
lx: aruuriye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: aruuriye
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buuricab
-ka: (magac, lab, keli) ninka buuriga fuuda ama sigaarka nuuga. Buuricab caafimaad ma qabo. Dh: buuricabbe, sigaaryacab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Durriyad
(Durriyad-da)
Carruurta ama dhasha isku aabbaha ah ama isku aabbe ku abtirsata; dir; reer; cid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durriyad
m.dh Dad aabbe keliya ka soo wada farcamay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
durriyad
m.dh Dad aabbe keliya ka soo wada farcamay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
durriyad
f. n. lineage, ancestry, linking ancestor; particles, atoms {physics}
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
durriyad
-ad:(n) offspring (oof-ispiring); descendants (di-sen-dhantis)-, children (jiil-dhareen), ancestor (aan-sestar) ~ fir, dhal, waraso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durriyad
-da: (magac, dhedig, keli) qofku dadka uu dhalo ee ifka kaga hadha. Nebi ismaaciil waa durriyaddii nebi ibraahin. Dh: waraso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
durriyad
bw: Arabic
de: lineage, ancestry, linking ancestor; [ext.] particles, atoms {physics}
lx: durriyad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: durriyad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuurista
(magac, dhedig, keli) wax fuuray noqosho. Dh: fuurid.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Guurayya
émigrer.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Huuri-ga
canot-, barque.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuutiyad
(Kuutiyad-da)
Doonyo waaweyn oo qanjadda u eg oo dalka Hindiga laga sameeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuutiyad
m.dh (-do, m.l) Doonyo waaweyn oo qonjadda u eg oo dalka Hindiya lagu sameeyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kuutiyad
f. n. large Indian ship
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuutiyad
-da: (magac, dhedig, keli) doonyaha waaweyn qaar ka mid oo qanjadda u eeg oo dalka Hindiya lagu sameeyo. Kuutiyad ayaan raacay kal hore. Dh: dooni. Wa: kuutiyado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kuutiyad
de: large Indian ship
lx: kuutiyad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: kuutiyad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Murriyad
(Murriyad-da)
Kuul dahab ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murriyad
m.dh (-do, m.l) Kuul qalin ama dahab ka samysan oo dumarku qaataan. la-mid: murriyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
murriyad
m.dh (-do, m.l) Kuul qalin ama dahab ka samysan oo dumarku qaataan. la-mid: murriyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
murriyad
f. n. gold-beaded necklace
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Murriyad
name-f gold-beaded necklace; sultry beauty
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
murriyad
-da: (n) golden beads; necklace (neek-leeys)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murriyad
-da: (magac, dhedig, keli) kuul macdan qaaliya ka samaysan oo dumarku luquntooda gashaan oo isku qurxiyaan. Dh: silis, kuul.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
murriyad
de: gold-beaded necklace
lx: murriyad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: murriyad
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Nuugayya
sucer.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuuxsiyo
-da: (magacwadareed) laamaha fiisigiska middood oo macaamilo ku tacaluqda la leh dhaqaaqa nuuxsiga walxaha iyo xoogagga ku kor dhaca.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quuriwaa
f.g/mg1 (-aayay, -aayday; -aayi) 1. (f.g) Wax bixintooda niyadda ka soo goyn waayid. 2. (f.mg) U q.: Xaasidnimo awgeed qof wax fiican oo ay haysato la nacbeysasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
quuriwaa
f.g/mg1 (-aayay, -aayday; -aayi) 1. (f.g) Wax bixintooda niyadda ka soo goyn waayid. 2. (f.mg) U q.: Xaasidnimo awgeed qof wax fiican oo ay haysato la nacbeysasho. m.f.dh, quuriwaayid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quuriwaa
(fal) wax bixintooda niyadda ka soo goyn waayid.
quuriwaa: (fal) (u ~) xaasidnimo awgeed, qof kale wax fiican oo ad haysato la necbayso
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Shuuriye
nickname-m haughtiness, obstinate; silent
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Shuuriye
magac loo baxsho wiil deggan oo aan buuq lahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sufriyad
m.dh la-mid: sufriye.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sufriyad
-da: (n) large cooking pot ~ digsi, surfiyo
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
suufiyad
f. n. (adj.): eccentric woman; not very smart, not on the ball {slang}
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
suufiyad
de: eccentric woman; [atr.] not very smart, not on the ball {slang}
initial: s
lx: suufiyad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: suufiyad
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Suurayya
s'endormir.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Tuurayya
jeter.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuurista
(magac, dhedig, keli) ganid; tuutid; ridid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
uruuriye
-uruuriyaha: (n) collector (ko-le-ktar)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
URUURIYE
Riscuotitore
Collector
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xurriyad
f. n., [abstract] freedom, liberty
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xurriyad
bw: Arabic
de: freedom, liberty
initial: x
lx: xurriyad
pd: (-da)
ps: n0-f-abs
see: xorriyad
key: xurriyad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buuriyahan
m.l (-nno, m.dh) 1. Qof sigaarka aad u cabba. 2. Qof tubaakada cuniddeeda badsada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
buuriyahan
m.l (-nno, m.dh) 1. Qof sigaarka aad u cabba. 2. Qof tubaakada cuniddeeda badsada.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buuriyahan
m. n. tobacco-user, smoker, person who chews tobacco
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buuriyahan
de: tobacco-user, smoker, person who chews tobacco
lx: buuriyahan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: buuriyahan
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cunsuriyad
-da: (n) racism (reeyziisim); discrimination (dis kiri mineeyshin); apartheid (apaar-taayt) ~ midabfaquuq, midab-takoor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cunsuriyad
-da: (magac, dhedig, keli) midabkalasooc; dirsooc.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhuuriyaas
-ay / tay: (v) pain (peeyn) ache (eek) ~ xanuun. Ex: calooshaa i dhuuriyaasee; I have a stomach ache
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jamuuriyad
-da: (magac, dhedig, keli) ummad ama qaran dadwaynuhu xukunka gacanta ku hayo. Dh: ummad. Wa: jamhuuriyado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nuur
(Nuur-ka)
If; iftiin; ilays; kaah.