nuunuuji
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuunuuji
(fal) eeg nunuji.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuunuujin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax meel ku turqan, kulba dhinac u ruxid. Dh: nunujin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuunuujis
-ka: (magac, lab, keli) eeg nunujis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nuuxnuuxi
v. jiggle something, make something wobble
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuuxnuuxi
(fal) dhaqdhaqaaji in yar. Dh: lilliji.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nuuxnuuxi
de: jiggle s.t., make s.t. wobble
lx: nuuxnuuxi
pd: (nuuxnuuxiyey)
ps: v2a=tr
key: nuuxnuuxi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nunuji
(fal) kolba dhan u dhaqaaji si uu u debco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nuuxnuuxin
(Nuuxnuuxin-ta)
Dhaqdhaqaajin yar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuuxnuuxin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax taagan, inyar dhaqdhaqaajinta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuuxnuuxis
-ka: (magac, lab, keli) eeg nuuxnuuxinta
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nuuxnuuxsi
(Nuuxnuuxsi-ga)
Nuuxnuuxsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nuuxnuuxsi
vl. n. jiggling, wobbling
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nuuxnuuxsi
-ga: (n) slow movement (muuv-ment); slow motion, especially of one's body
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuuxnuuxsi
-ga: (magac, lab, keli) dhaqdhaqaaqid yar. Dh: nuuxnuuxsasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nuuxnuuxsi
a: nuuxnuuxsasho
de: jiggling, wobbling
lx: nuuxnuuxsi
pd: (-ga)
ps: vn2-m
key: nuuxnuuxsi
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buunbuuni
v. exaggerate, blow out of proportion
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
buunbuuni
-yey / say: (n) exaggerate (igzaajireeyt); overstate (oovar isteeyt); inflate, magnify ~ ka bad-badi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buunbuuni
(fal) hadal ama war sidii uu ahaa si ka duwan oo ka badan oo balballaadhin ah u gudbi ama u sheeg, ku dardar. Warka waa buunbuuniyey oo been badan baa ka buuxda.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buunbuuni
cf: buun
de: exaggerate, blow out of proportion
lx: buunbuuni
pd: (buunbuuniyey)
ps: v2a=pl
key: buunbuuni
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
buunbuuni
مبالغة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naasnuuji
f.g2 (-iyay, -isay) Si qarsoodi ah qof wax u siin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
naasnuuji
f.g2 (-iyay, -isay) Si qarsoodi ah qof wax u siin. m.f.dh, naasnuujin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
naasnuuji
v. breast-feed; favor, play favorites, give special treatment to
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naasnuuji
(fal) cid kale, naaska jaqsii. Ilmahaaga labo sano naasnuuji.
naasnuuji: (fal) cid kale u roonow oo si qarsoodi ah wax u sii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
naasnuuji
de: breast-feed; [fig.] favor, play favorites, give special treatment to
lx: naasnuuji
pd: (naasnuujiyey)
ps: v2a=tr
key: naasnuuji
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nuuji
f.g2 (-iyay, -isay) Ilmo naas jaqsiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nuuji
f.g2 (-iyay, -isay) Ilmo naas jaqsiin. m.f.dh, nuujin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nuuji
v. suckle, breastfeed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nuuji
-say: (v) breast-feed (bareest-fiidh); suckle (sakal); nurse (neers)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuuji
(fal) canug, naas sii. Dh: jaqsii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nuuji
de: suckle, breastfeed
lx: nuuji
pd: (nuujiyey)
ps: v2a=
key: nuuji
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nuuni
f.g2 (-iyay, -isay) Fikrad, cilmi, suugaan iyo wixi lamida curin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nuuni
f.g2 (-iyay, -isay) Fikrad, cilmi, suugaan iyo wixi lamida curin. m.f.dh, nuunin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tuunji
-ga: (n) potty (poo-ti); chamber pot
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buquuji
f.g2 (-iyay, -isay) Ceejin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buquuji
v. squeeze hard, wring
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buquuji
(fal) madaxa wax kaga duub oo nakhaska ku dheji. Buquuji oo sanka iyo afka qabo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buquuji
de: squeeze hard, wring
lx: buquuji
pd: (buquujiyey)
ps: v2a=tr
key: buquuji
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nunujin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhaqdhaqaajin oo kolba dhan u riixriixid. Nunujinta ka daa tiirka. Dh: nuuxnuuxin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nunujis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg nunujin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nuxuusi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax daciif ka dhigid. la-mid: naxuusi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nuxuusi
v. weaken, debilitate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nuxuusi
-yey say: (v) make dim; darken (daar-ken)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nuxuusi
de: weaken, debilitate
lx: nuxuusi
pd: (nuxuusiyey)
ps: v2a=tr
key: nuxuusi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xanuuji
f.g2 (-iyay, -isay) Cid xanuun badid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xanuuji
f.g2 (-iyay, -isay) Cid xanuun badid. m.f.dh, xanuujin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xanuuji
v. hurt someone ~ something; cause ~ inflict pain
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xanuuji
-yey / say: (v) cause physical pain to; pain (peeyn); hurt (heerf). Ex: ma ku xanuujiyey? did I hurt you?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanuuji
(fal) wax xanuuniya ku dhifo; xanuun dareensii. Wiilka yar xanuuji hadduu salaadda diido. Dh: xanuuni.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xanuuji
de: hurt s.o. ~ s.t.; cause ~ inflict pain
initial: x
lx: xanuuji
pd: (xanuujiyey)
ps: v2a=tr
key: xanuuji
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nugnugti
-da: (magac, dhedig, keli) gargariirka qofka waayeeelka ah. Maxaad la ruxmaysaa si aad nugnugti qabto. Dh: qadhqadhti, lalleemo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Nuunaawi
magac ama naanays loo baxsho wiil nuunaasa ama hoos u hadla.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buunbuunin
(Buunbuunin-ta)
(hadal, war, wax kale) sida uu yahay si ka weyn oo aan run ahayn ku sheegid; wax ku darid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buunbuunin
-ta: (magac, dhedig, keli) hadal ama war sidii uu ahaa si ka ka duwan oo beeni ku jirto u sheegid. Buunbuunin iyo warku been maaha. Dh: kabadbadin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
buunbuunis
-ka: (n) exaggeration (igzaajirayshin)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buunbuunis
-ka: (magac, lab, keli) buunbuunin ka dhigid sida hadal ama war. Warku buunbuunis iyo beenta kuma roona. Dh: kabadbadis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naasnuujin
m.f.dh eeg naasnuuji. la-mid: naasnuujis.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
naasnuujin
-ta: (n) 1. breast feeding (bareest fiidhing) 2. favouritism (feey-fara-tiisim)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naasnuujin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid dadka kale uga roonaan oo si qarsoodi ah wax u siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naasnuujis
m.l la-mid: naasnuujin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nuuxnuuxso
v. wobble, jiggle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nuuxnuuxso
-nuuxnuuxsaday / nuuxnuuxsatay: (v) make a jiggling motion, especially with one's body
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuuxnuuxso
(fal) dhaqdhaqaaq yar samee. Ilmaha yari ma nuuxnuuxsanayo.
nuuxnuuxso: (fal) (ku ~) hadal si cad oo aad ah u sheeg, runta caddee. Dh: tiiqtiiqso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nuuxnuuxso
de: wobble, jiggle
lx: nuuxnuuxso
pd: (nuuxnuuxsaday)
ps: v3a=
key: nuuxnuuxso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuuntuunsi
-ga: (magac, lab, keli) dadaalida, aan waxba lala hadhin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buumbuuni
f.g2 (-iyay, -isay) War dhacdo iyo wixi lamida intooda runta ah been badan ku darid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
buumbuuni
f.g2 (-iyay, -isay) War dhacdo iyo wixi lamida intooda runta ah been badan ku darid. m.f.dh, buumbuunin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buumbuuni
(fal) dhacdo sidii ay ahayd si ka weyn oo biirbiirini ku jirto u sheeg. Buumbuuni warka. Dh: buunbuuni.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duuduubid
-da: (magac, dhedig, keli) wax fidsanaa, isku laallaabid. Dh: duubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luufluufi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax dildillaacin. 2. Wax baabi'in.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
luufluufi
v. smash to bits, cause to disintegrate; make unstable
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luufluufi
(fal) beehaafi oo habqami. Dh: ba'ayaali, naanaabi, hooji, baabbi'i.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
luufluufi
de: smash to bits, cause to disintegrate; [ext.] make unstable
lx: luufluufi
pd: (luufluufiyey)
ps: v2a=tr
key: luufluufi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muudmuudi
(fal) wax adag oo qoyaanka ku milma nuugnuug oo carrabka iyo faruuryaha ku jaq. Nacnaca muudmuudi. Dh: muudmuudso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nuunaasid
(Nuunaasid-da)
Hadal nuunaas ah ku hadlid; guryamid; gunuunucid; guraabbaasid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nuunaasid
m.f.dh eeg nuunaas². la-mid: nuunaas¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuunaasid
-da: (magac, dhedig, keli) calaacal iyo diidmo ku gurxamid. Dh: duryamid, gunuunucid.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Nuurudiin
name-m the light of the faith
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
unuunufid
m.f.dh eeg unuunuf². la-mid: anaanufid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
unuunufid
-da: (magac, dhedig, keli) meel aan calaf iyo cunto badan lahay, wax yar ka urursi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuubxuubi
(fal) lakab lakab u diir oo kolba in ka diir. Xuubxuubi basasha. Dh: xuubxuubi, dhildhil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caanannuuji
f.g2 (-iyay, -isay) Caano nuujiin; caanosiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caanannuuji
f.g2 (-iyay, -isay) Caano nuujiin; caanosiin. m.f.dh, caanannuujin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caanannuuji
v. give suck to, suckle
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caanannuuji
de: give suck to, suckle
lx: caanannuuji
pd: (caanannuujiyey)
ps: v2a=tr
key: caanannuuji
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuundhuumi
(fal) wax la karinayo, aad u muudhmuudhi. Hilibka ka dhuundhuumi carruurta. Dh: muudhmuudhi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuuxnuuxsad
-ka: (magac, lab, keli) «ku~ hadal iyo wixii la mid ah, si tiiqtiiqsad, aadd u sheegsheegid. Dh: tiiqtiiqsadka.