nuunin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nuunin
m.f.dh eeg nuuni. la-mid: nuunis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nuuni
f.g2 (-iyay, -isay) Fikrad, cilmi, suugaan iyo wixi lamida curin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nuuni
f.g2 (-iyay, -isay) Fikrad, cilmi, suugaan iyo wixi lamida curin. m.f.dh, nuunin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nuujin
(Nuujin-ta)
(ilmo, kd.) naas caano ka siin, u dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nuujin
m.f.dh eeg nuuji.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuujin
-ta: (magac, dhedig, keli) jaqsiin oo ilmo yar naas ku duwid. Dh: jaqsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nuunis
m.l la-mid: nuunin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nuurin
(Nuurin-ta)
Nuur u yeelid; ifin; iftiimin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nuurin
m.f.dh eeg nuuri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nuuxin
(Nuuxin-ta)
Dhaqaaq yar dhaqaajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nuuxin
m.f.dh eeg nuuxi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuuxin
-ta: (magac, dhedig, keli) in yar dhaqaajin. Nuuxinta alaabta ka daa way daadane. Dh: nuuxis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ganuunin
m.f.dh eeg ganuuni. la-mid: ganuunis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hanuunin
(Hanuunin-ta)
Waddada wanaagga, samafalka iyo Alla-ka-yaabka kuduwid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanuunin
m.f.dh eeg hanuuni. la-mid: hanuunis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hanuunin
vl. n. orientation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanuunin
-ta: (magac, dhedig, keli) waddada wanaagga iyo samafalka ku duwid. Dh: hanuunis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hanuunin
de: orientation
lx: hanuunin
pd: (-ta)
ps: vn2-f
key: hanuunin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nujumin
m.f.dh eeg nujumi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nunujin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhaqdhaqaajin oo kolba dhan u riixriixid. Nunujinta ka daa tiirka. Dh: nuuxnuuxin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuunbin
-ta: (magac, dhedig, keli) xoolo, ururin oo si aad ah u kaxayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuunbin
-ta: (magac, dhedig, keli) muquurid oo biyo ku dhex libdhin. Ninkaan dabbaal aqoon yuunbinta wuu ka baqaa. Dh: dhunbin; kunbin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nuun
(Nuun-ka)
Xarafka 14d. oo Alifka Soomaalida magaciisa; (N).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nuun
m.l 1. Summad ishkinka badanaa qoorta looga dhigo oo u eg nuunka xuruufta carabiga. 2. la-mid: na'.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nuun
m. n. N [letter of the Arabic & Somali alphabet.]
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nuun
a: na'
bw: Arabic
de: N [letter of the Arabic & Somali alphabet]
lx: nuun
pd: (-ka Pl: nuunan (ka))
ps: n4-m
key: nuun
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buuni
(Buuni-ga)
Qof aqoon-dhaaf ah, siiba tan diinta ku saabsan; mufti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buuni
m.l.kh (-iyo, m.dh) B. ah: qof aad u aqoon badan; mufti.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
buuni
m.l.kh (-iyo, m.dh) B. ah: qof aad u aqoon badan; mufti.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buuni
m. n. scholar, sage (especially in religion)
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Buuni
nickname; name-m scholar, sage (especially in religion)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Buuni
magac loo baxsho wiil looga jeedo inuu noqdo aqoonyahan ama indheergarad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buuni
-ga: (magac, lab, keli) nin aqoon badan oo cod kar ah, cilmi Ilaahay ku mannaystay. Ba'dana aan ka dhigo waanigii buuniga ahaaye. Dh: afgudhiye.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buuni
cf: mufti
de: scholar, sage (especially in religion)
lx: buuni
pd: (-ga)
ps: n2-m
key: buuni
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
juuni
m.l la-mid: jawaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
juuni
m. n. sack
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
juuni
-ga: (n) 1. sack (saak) ~ kiish, 2. quintal; a sack holding 100kg of objects in bulk ~kiintaal,joon-yad, jawaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
juuni
-ga: (magac, lab, keli) kiish ka sameysan dunta xigga oo lagu shubto midhaha. Dh: kiish.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
juuni
de: sack
lx: juuni
pd: (-ga)
ps: n2a-m
see: jawaan {C & S}
key: juuni
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuuni
(Kuuni-ga)
(Senen) wax aan la lahayn oo wanaaggooda si buunbuunis ah loo faalleeyo oo loo cawryo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuuni
kuuni¹: m.l Wax qiimo dheeraad ah leh oo cidi haysato, cid kale oo u baahan si buunbuunsan u eegto oo ku cawrido.
kuuni²: f.g1 (-nyay, -niday; -nyi) Wax qiimo dheeraad ah leh oo cidi haysato, cid kale oo u baahani ku cawriyid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kuuni
f.g1 (-nyay, -niday; -nyi) Wax qiimo dheeraad ah leh oo cidi haysato, cid kale oo u baahani ku cawriyid. m.f.dh, kuunyid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kuuni
m. n., [abstract] envy
kuuni [inchoative] v. envy, be ~ become envious
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuuni
(fal) wax aanad lahayn wanaaggooda si aad u badan u buunbuunin oo ku talaxtagid. Kuuni dadka wanaagsan. Dh: buunbuuni, yabxeer.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuubi
-ga: (magac, lab, keli) ciyaar beereleydu ciyaari jireen oo jinka lagu saaro oo lagu qaado ereyo Nebi-ammaan ah qalabka lagu tumo waxa ka mid ah labo durbaan oo Jabuu la yidhaaho, qoryo lagu garaaco iyo sharaq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nuuji
f.g2 (-iyay, -isay) Ilmo naas jaqsiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nuuji
f.g2 (-iyay, -isay) Ilmo naas jaqsiin. m.f.dh, nuujin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nuuji
v. suckle, breastfeed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nuuji
-say: (v) breast-feed (bareest-fiidh); suckle (sakal); nurse (neers)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuuji
(fal) canug, naas sii. Dh: jaqsii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nuuji
de: suckle, breastfeed
lx: nuuji
pd: (nuujiyey)
ps: v2a=
key: nuuji
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nuuri
f.g2 (-iyay, -isay) Wax nuur u yeelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nuuri
f.g2 (-iyay, -isay) Wax nuur u yeelid. m.f.dh, nuurin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nuuri
v. light up, cause to shine
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
NUURI
(Nuri) C Endostemon tenuiflorus (Benth) Ashby. Labiatae.
C Leucas minimifolia Chiov. Labiatae.
S Justicia paolii Fiori Acanthaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nuuri
-yey / -say: (v) shine (shaayn) on; brighten (baraayt-en); illuminate (i-lu-mineeyt)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nuuri
de: light up, cause to shine
lx: nuuri
pd: (nuuriyey)
ps: v2a=tr
key: nuuri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nuuxi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax meeshii uu joogay in yar ka dhaqaajin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nuuxi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax meeshii uu joogay in yar ka dhaqaajin. m.f.dh, nuuxin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nuuxi
v. move something a little, shift, wobble, jiggle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nuuxi
-yey -say: (v) move slowly once ~ dhaqaaji
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuuxi
(fal) inyar dhaqaaji. Dhinac u nuuxi kuraasta aan biirinnee. Dh: siki.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nuuxi
de: move s.t. a little, shift, wobble, jiggle
lx: nuuxi
pd: (nuuxiyey)
ps: v2a=tr
key: nuuxi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suuni
m.l Sabuul yaryar oo ka baxa beer duqowday ama roob yari ku da'ay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uujin
m.f.dh eeg uuji. la-mid: uujis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uumin
m.f.dh eeg uumi. la-mid: uumis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uumin
-ta: (magac, dhedig, keli) biyo kulaylin oo uumi ka samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buubin
(Buubin-ta)
1. Eryid, cagaajin.
2. Lalin, haadin, bitin, duulin.
3. (biyo) dhibco ama roob ahaan meel ama qof ku kor doojin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buubin
m.f.dh eeg buubi. la-mid: buubis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buubin
-ta: (magac, dhedig, keli) bajin oo wax maagay ka dhigid. Awrka buubinta ka daa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buufin
1. (Buufin-ka) a) Qalab jaadad badan ah, oo neefta ama gaaska ama biyaha, kd. weelal kale ama qalabyo kale lagula shubo ama lagaga shubo: riixid iyo baari buu wax ku geliyaa, soojiid iyo nuugisna wax buu ku soo saaraa. b) Kolay yar oo harag ah ama xuub ah, oo inta neef laga buuxsho, lagu cayaaro.
2. (Buufin-ta) Neef, gaas, kd., ku afuufid; neefin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buufin
buufin¹: m.l Xuub yar cinjir ka samaysan, qaabab kala duwan leh, marka hawo laga buuxiyo kala baxa oo carruurtu ku ciyaarto.
buufin²: m.f.dh eeg buufi. la-mid: buufis.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
buufin
m.l Xuub yar cinjir ka samaysan, qaabab kala duwan leh, marka hawo laga buuxiyo kala baxa oo carruurtu ku ciyaarto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buufin
m. n. balloon, ball
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
buufin
-ka: (n) 1. sprayer (ispareeyer) 2. balloon (baalluun)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buufin
-ta: (magac, dhedig, keli) neef ama naqas aad walax ka buuxisid. Buufinta banoonigu waa bilaash. Dh: buufis.
buufin -ta: (magac, dhedig, keli) naqas sun ah cayayaan ku buufin. Buufinta ka hor weelasha daboola kana soo baxa guriga. Dh: buufis.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Buufin
Bir is wadata oo leh qabaal dhuxushu ku shidanto iyo qotimo afar ah ee buufinku ku istaago. Buufin-bireedku wuxuu la manaaficaad yahay buufin Soomaaliga saanta ka samaysan ee dhuxusha lagu buufiyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buufin
de: balloon, ball
lx: buufin
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: buufin
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
buufin
نفاحة
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buulin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg buulayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buurin
m.f.dh eeg buuri².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buusin
-ta: (magac, dhedig, keli) walax adag, hoos u diisin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buuxin
(Buuxin-ta)
Wax buuxa ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buuxin
m.f.dh eeg buuxi. la-mid: buuxis (2).
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
buuxin
bumping
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Buuxin
Filling
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buuxin
vl. n. filling, act of filling
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buuxin
-ta: (magac, dhedig, keli) fulinta ballan aad gashay. Ballan buuxin nu samaynay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buuxin
de: filling, act of filling
lx: buuxin
pd: (-ta)
ps: vn0-f
key: buuxin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cuudin
(Cuudin-ta)
Cuud u shidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuudin
m.f.dh eeg cuudi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuudin
-ta: (magac, dhedig, keli) masaajid, aqal iyo wixii la mid ah, cuud u shidid oo udgoon ka dhigid. Dh: cuudis.
cuudin-ta: (magac, dhedig, keli) (ka ~) duulal, ardooyin, quruumo iyo wixii la mid ah, ka shidid, ka bidin; ka cuudis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dufnin
m.f.dh eeg dufni.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dufnin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg dufni.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duudin
m.f.dh eeg duudi. la-mid: duudis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duulin
duulin: m.f.dh eeg duuli.
dųulin: m.f.dh eeg dųuli.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duulin
-ta: (magac, dhedig, keli) shinbir, diyaarad iyo wax la mid ah, hawada u dirid. Dh: haadin. Li: dejin, fadhiisin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duurin
-ta: (magac, dhedig, keli) astaan ama summad dhegta hasha lagu dhigo oo in yar caarada laga saro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuudin
m.f.dh eeg fuudi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fuulin
(Fuulin-ta)
(qof, kd.) meel kore ama wax korki geyn, gaarsiin, korsiin, saarid.