nuudhnuudhin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuudhnuudhin
-ta: (magac, dhedig, keli) aad u bislayn. Dh: muudhmuudhin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuudhnuudhid
-da: (magac, dhedig, keli) xoog u bislaasho. Dh: muudhmuudh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muudhmuudhid
-da: (magac, dhedig, keli) aad u bislaasho oo u jilcid. Dh: jilcid. Li: yacyacoobid. muudhmuudhid -da: (magac, dhedig, keli) aad u gubasho. Dh: dummudhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuunuujin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax meel ku turqan, kulba dhinac u ruxid. Dh: nunujin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buudhbuudh
-ka: (magac, lab, keli) eeg buud.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuudkuudin
-ta: (magac, dhedig, keli) fadhi foolxun fariisin; kamandhuurin; yoxoobin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muudhmuudh
(fal) aad u bislaw oo wax jilicsan noqo. Hilib yahaw muudhmuudh had macaanaatide. Dh: bislaaddhaaf.
muudhmuudh: (fal) aad u gubo oo googo'. Dabku dhac oo muudhmuudh had kulaylka cadaabta garatide. Dh: dumudh, googo'.
muudhmuudh -ka: (magac, lab, keli) bislaasho aad ah oo wax la kaariyayi uu si xoog ah u jilco faraha u raaco. Dh: bisayldhaaf. Li: yacyacood.
muudhmuudh-ka: (magac, lab, keli) gubasho xog ah oo dubka dadka gaadha oo dhimasho ah ama qarka loo gaadho. Dh: dummudh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nuuxnuuxin
(Nuuxnuuxin-ta)
Dhaqdhaqaajin yar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuuxnuuxin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax taagan, inyar dhaqdhaqaajinta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qudhqudhin
-ta: (magac, dhedig, keli) cabitaan degdeg ah oo aan neefsasho iyo nasasho midna lahayn. Dh: qurqurin; qurquris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muudhmuudhsi
-ga: (magac, lab, keli) cunto aad u bislaysasho ilaa ay ka muudhmuudhayso.
muudhmuudhsi -ga: (magac, lab, keli) calalin ayr ah oo qof aan gawso lahayn ama ilkaha dhaw rayaa uu cuntada u calaliyo. Dh: muurmuurrin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muudhmuudhsad
-ka: (magac, lab, keli) aad u bislaysasho; cunto karsasho oo dabka u kas ugu raajin ilaa uu jilayc fararaac ah uu noqonayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muudmuudi
(fal) wax adag oo qoyaanka ku milma nuugnuug oo carrabka iyo faruuryaha ku jaq. Nacnaca muudmuudi. Dh: muudmuudso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuunuujis
-ka: (magac, lab, keli) eeg nunujis.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Nuurudiin
name-m the light of the faith
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nuuxnuuxi
v. jiggle something, make something wobble
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuuxnuuxi
(fal) dhaqdhaqaaji in yar. Dh: lilliji.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nuuxnuuxi
de: jiggle s.t., make s.t. wobble
lx: nuuxnuuxi
pd: (nuuxnuuxiyey)
ps: v2a=tr
key: nuuxnuuxi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qudhqudhi
(fal) si degdeg ah oo neefsasho lahayn u cab. Caanaha dhan oo qudhqudhi. Dh: qurquri. Li: fiiti.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quudhniin
-ka: (magac, lab, keli) quudhitaanka laftiisa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mudhuudhuq
(tilmaame) jilicsan ah; sida qoosh oo kale ah. Dh: muudhmuudh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muudmuudsi
-ga: (magac, dhedig, keli) wax muud leh carrabka iyo faruuryaha ku nuugnuugid Dh: muudmuudsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuuxnuuxis
-ka: (magac, lab, keli) eeg nuuxnuuxinta
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nuuxnuuxsi
(Nuuxnuuxsi-ga)
Nuuxnuuxsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nuuxnuuxsi
vl. n. jiggling, wobbling
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nuuxnuuxsi
-ga: (n) slow movement (muuv-ment); slow motion, especially of one's body
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuuxnuuxsi
-ga: (magac, lab, keli) dhaqdhaqaaqid yar. Dh: nuuxnuuxsasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nuuxnuuxsi
a: nuuxnuuxsasho
de: jiggling, wobbling
lx: nuuxnuuxsi
pd: (-ga)
ps: vn2-m
key: nuuxnuuxsi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qudhqudhis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qurqurin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuudhafuudho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg figayn ama falakayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yumbudhuudhso
(fal) si kuudud iyo kadalloob u dhaxaysa u fadhiiso. Yumbudhuudhso intuu gaarigu dhaqaaqi. Dh: yunburuurso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muudhmuudhsasho
-da: (magac, dhedig, kellad u bislaysasho; cunto karsasho oo dabka u kas ugu raajin ilaa uu jilayc fararaac ah uu noqonayo.