nujubi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nujubi
(fal) saadaali wax maqan oo soo socda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nujubid
m.f.dh eeg nujub².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nujub
nujub¹: m.l (-biin, m.l) 1. N. ah: nafley dadku u haystaan in aragtideeda nasiibdarro lagala kulmo; bacow. 2. Duufaan badeed.
nujub²: f.g1 (-bay, -btay) Ku n.: wax aragtidooda nasiibdarro kala kulmid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nujub
m. n. storm at sea
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nujub
-ka: (magac, lab, keli) qof dadka dhexdiisa ku nasiib xun. Dh: tagxume.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nujub
de: storm at sea
lx: nujub
pd: (-ka)
ps: n-m
key: nujub
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuubi
-ga: (magac, lab, keli) ciyaar beereleydu ciyaari jireen oo jinka lagu saaro oo lagu qaado ereyo Nebi-ammaan ah qalabka lagu tumo waxa ka mid ah labo durbaan oo Jabuu la yidhaaho, qoryo lagu garaaco iyo sharaq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nujumi
f.mg2 (-iyay, -isay) Cilmiga xiddigaha wax ka sheegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nujumin
m.f.dh eeg nujumi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buubi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Nafley ceyrin. 2. Wax duulin. 3. Ku b.: wax, wax kale ku kor firdhin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
buubi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Nafley ceyrin. 2. Wax duulin. 3. Ku b.: wax, wax kale ku kor firdhin. m.f.dh, buubin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buubi
v. chase away; speed; make run ~ fly; spray water on
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
buubi
-yey / say: (n) cause to fly
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buubi
(fal) neef geel ah ka cabsii oo baqdin geli. awrka buubi. Dh: cabsii, baji.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buubi
de: chase away; speed; make run ~ fly; spray water on
lx: buubi
pd: (buubiyey)
ps: v2a=
key: buubi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duubi
(Duubi-ga)
1. Qof la duubay oo waayeel laga dhigtay.
2. Lugta xoolaha xubin kamid ah oo u dhexaysa bowdada iyo dhudhunka majinta; shansho.
3. (xarig, kd.) Xirmo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duubi
m.l (-iyo, m.dh) 1. Lafta shanshada iyo hilibkeeda oo goonni loo gooyey. 2. Nin tol boqorraday. 3. Galoolid; ku marid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
duubi
m.l (-iyo, m.dh) 1. Lafta shanshada iyo hilibkeeda oo goonni loo gooyey. 2. Nin tol boqorraday. 3. Galoolid; ku marid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duubi
v. tie up, bandage, wind, roll up, wrap
duubi m. n. leader, chief
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duubi
-ga: (magac, lab, keli) muruqa ku yaalla lafaha dhaadheer ee daboola.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guubi
f.mg2 (-iyay, -isay) Hal dhalaysa guube keenid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nudub
-ta: (magac, dhedig, keli) xanuun caloosha ku sameysma siiba midhiqirka. Illayn jacaylku waa nabar waa nudub calooleed, oo lagama nuuxsado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nujum
-ka: (magac, lab, keli) isbeddel ay la timaad xiddigta soo baxda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nuuji
f.g2 (-iyay, -isay) Ilmo naas jaqsiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nuuji
f.g2 (-iyay, -isay) Ilmo naas jaqsiin. m.f.dh, nuujin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nuuji
v. suckle, breastfeed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nuuji
-say: (v) breast-feed (bareest-fiidh); suckle (sakal); nurse (neers)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuuji
(fal) canug, naas sii. Dh: jaqsii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nuuji
de: suckle, breastfeed
lx: nuuji
pd: (nuujiyey)
ps: v2a=
key: nuuji
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nuuni
f.g2 (-iyay, -isay) Fikrad, cilmi, suugaan iyo wixi lamida curin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nuuni
f.g2 (-iyay, -isay) Fikrad, cilmi, suugaan iyo wixi lamida curin. m.f.dh, nuunin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nuuri
f.g2 (-iyay, -isay) Wax nuur u yeelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nuuri
f.g2 (-iyay, -isay) Wax nuur u yeelid. m.f.dh, nuurin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nuuri
v. light up, cause to shine
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
NUURI
(Nuri) C Endostemon tenuiflorus (Benth) Ashby. Labiatae.
C Leucas minimifolia Chiov. Labiatae.
S Justicia paolii Fiori Acanthaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nuuri
-yey / -say: (v) shine (shaayn) on; brighten (baraayt-en); illuminate (i-lu-mineeyt)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nuuri
de: light up, cause to shine
lx: nuuri
pd: (nuuriyey)
ps: v2a=tr
key: nuuri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nuuxi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax meeshii uu joogay in yar ka dhaqaajin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nuuxi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax meeshii uu joogay in yar ka dhaqaajin. m.f.dh, nuuxin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nuuxi
v. move something a little, shift, wobble, jiggle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nuuxi
-yey -say: (v) move slowly once ~ dhaqaaji
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuuxi
(fal) inyar dhaqaaji. Dhinac u nuuxi kuraasta aan biirinnee. Dh: siki.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nuuxi
de: move s.t. a little, shift, wobble, jiggle
lx: nuuxi
pd: (nuuxiyey)
ps: v2a=tr
key: nuuxi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rujub
m.l (-byo, m.dh) Maroodi lab oo hanaqaad ah oo ka takooran raxantiisa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rujub
-ka: (magac, lab, keli) maroodi lab oo hanaqaad ah oo ka takooran raxantiisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ruubi
f.lg2 (-iyay, -isay) la-mid: ruub².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruubi
(fal) ku dhexlibdhi; xuluuli. Xuladu dambaska ruumi. Dh: dhexgeli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ugubi
m.dh Shimbir yar oo midabkeeda bey ah oo dhulka uun ku socota.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ugubi
-da: (magac, dhedig, keli) shimbir yar oo midabkeedu bey yahay oo dhulka uun ku socota.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xujub
m.l (-byo, m.dh) Qabri; xabaal. la-mid: xujuub.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xujub
m.l (-byo, m.dh) Qabri; xabaal. la-mid: xujuub. xukuman f.mg4 (-mnaa, -mnayd) Wax xukun ku dhacay ahaansho. m.f.dh, xukumnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xuubi
(Xuubi-ga)
Libaax-badeedka waaweyn mid ka mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuubi
xuubi¹: m.l Libaaxbadeedka waaweyn jaad ka mid ah.
xuubi²: f.g/mg2 (-iyay, -isay) 1. (f.g) Caano degdeg u qurqurin. 2. (f.mg) Wax qolof ama ded saarnaa ka qaadid. 3. (f.mg) Xoolo iyo wixi lamida degdeg ku kaxayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xuubi
f.g/mg2 (-iyay, -isay) 1. (f.g) Caano degdeg u qurqurin. 2. (f.mg) Wax qolof ama ded saarnaa ka qaadid. 3. (f.mg) Xoolo iyo wixi lamida degdeg ku kaxayn. m.f.dh, xuubin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xuubi
v. skin, peel
xuubi v. urge, drive along
xuubi m. n. large shark species; dangerous fish
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuubi
(fal) diirka sare ka qaad oo ka siib. Diirka ka xuubi baradhaha. Dh: diir, dhil, xayuubi.
xuubi: (fal) eeg xug.
xuubi -ga: (magac, lab, keli) libaaxbadeedka waaweyn jaad ka mid ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dudubi
(fal) si degdeg ah wax ucun. Dudubi qadada ragbaa ku sugayee.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
jujube
n., gob, -ki, hohob, -ti.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nunuji
(fal) kolba dhan u dhaqaaji si uu u debco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sulubi
(Sulubi-da)
Wax aan kurtummo iyo gowtiyo lahayn; kor sinsiman; sidib.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sulubi
f. n. smoothness, polish
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sulubi
-ga: (magac, lab, keli) waxaan kurtummo iyo gawtimo midna lahayn; korka ka sinsiman; sidib.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sulubi
de: smoothness, polish
initial: s
lx: sulubi
pd: (-da)
ps: n-f
key: sulubi
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tukubi
v. help walk, give someone support in walking
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tukubi
de: help walk, give s.o. support in walking
initial: t
lx: tukubi
pd: (tukubiyey)
ps: v2a=tr
key: tukubi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xutubi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax qadarin. 2. Wax fiiro gaar ah siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jujuubid
m.dh la-mid: jajuubid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jujuubid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aanu qaadi karin, ku khasbid oo ku qalqaalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cucubid
m.dh la-mid: cubcubid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuyubid
-da: (magac, dhedig, keli) cuyub u dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dudubin
-ta: (magac, dhedig, keli) marka cunto si dhakhso ah loo cunayo ama hadal la daldalayo. Cuntadu dudubinta kuma fiicna ee miyir u cun Dh: dedejin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
funjuqi
f.g2 (-iyay, -isay) Miro qolof ka saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurubsi
m.l la-mid: gurubsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
junubid
m.dh la-mid: jinaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nugushi
m.l Roobka ugu horreeya ee guga da'a; roob garas.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nugushi
-ga: (magac, lab, keli) roobka ugu horreeya ee guga da'a; roob garas.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nunujin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhaqdhaqaajin oo kolba dhan u riixriixid. Nunujinta ka daa tiirka. Dh: nuuxnuuxin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nunujis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg nunujin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nuxuusi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax daciif ka dhigid. la-mid: naxuusi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nuxuusi
v. weaken, debilitate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nuxuusi
-yey say: (v) make dim; darken (daar-ken)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nuxuusi
de: weaken, debilitate
lx: nuxuusi
pd: (nuxuusiyey)
ps: v2a=tr
key: nuxuusi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tukubid
(Tukubid-da)
Tabaryari darteed, kolka la soconayo, ul ama wax la mid ah oo hadba inta la muto la cuskado, qaadasho, ku socosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tukubid
m.f.dh eeg tukub². la-mid: tukub¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tukubid
-da: (magac, dhedig, keli) marka uu qof ku socdo si qunyar ah awood yari awgeed.
tukubid -da: (magac, dhedig, keli) tabaryari darteed, kolka la soconayo, ul iyo wixii la mid ah, hadba inta dhulka lagu muto la cuskado, qaadasho, ku socod.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xutubin
m.f.dh eeg xutubi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xutubin
-ta: (magac, dhedig, keli) qiimayn loo yeesho qof ama hadalkiisa. Xayow faaraxoow hadal rag waa xutubiyaa.