nuguushi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nuguushi
(Nuguushi-da)
Xiddigaha nuguushiyaha la yiraahdo (nuguushi guduud iyo nuguushi cad) oo raqaha ku jira, middood; Waxay u dhexeeyaan cadaad iyo afaggaal; agaalli (agaalli guduud iyo agaalli cad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nuguushi
m.dh Xiddigaha nuguushiyaha la yiraahdo (nuguushi cad iyo nuguushi guduudan) oo raqaha ku jira midkood, waxay u dhexeyaan cadaad iyo afagaal; agaalli.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nuguushi
f. n., [collective] name of a star constellation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuguushi
-da: (magac, dhedig, keli) xiddigaha qaar ka mid ah oo la kala yidhaahdo nuguushi guduud iyo nuguushi cad waa xiddigaha shanaad iyo lixaad ee xiddigaha raqayaha. Nuguushidu waxay u dhexeeyaan cadaad iyo afaggaal, waana xiddigo gu'. Dh: agaalli.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nuguushi
de: name of a star constellation
lx: nuguushi
pd: (-da)
ps: n-f-col
syn: agaalli
key: nuguushi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nugushi
m.l Roobka ugu horreeya ee guga da'a; roob garas.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nugushi
-ga: (magac, lab, keli) roobka ugu horreeya ee guga da'a; roob garas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afaggaal
(Afaggaal-ka, Afaggaa-sha)
Toddobada xiddigood oo raqaha, tan ugu danbaysa; waxay u dhexaysaa nuguushi-cad tyo naafcadde.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Agaalli
(Agaalli-da)
(xiddigo) nuguushi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afaggaal
m.l/dh Toddobada xiddigood oo roqaha ah tan ugu dambaysa, una dhexeysa nuguushicad iyo naafcadde.

agaalli
m.dh Nuguushi (xiddigo).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afaggaal
m.l/dh Toddobada xiddigood oo roqaha ah tan ugu dambaysa, una dhexeysa nuguushicad iyo naafcadde.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afaggaal
-ka: (magac, lab, keli) xiddig ka mid ah toddobada habar naaf ama roqaha. Wuxuu u dhexeeyaa nuguushicad iyo naafcadde oo iska soo horjeedda. Afaggaal kolka ay isniinaha gasho ayaa aroosyada la dhisaa. Afagaal isniinaha is galay taagnay udubkiisa. Billoo ugubku ba, afagaaliyo, Agaalli orgoo, oo Isniin curay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agaalli
-da: (magac, dhedig, keli) xiddigaha burjiga qaar ka mid ah.
agaalli-da: (magac, dhedig, keli) xiliga xiddigaha burjiga qaar ka mid ah la arko. Agaalli buu Axmad dhashay. Dh: nuguushi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuguushiguduud
-da: (magac, dhedig, keli) xiddiga shanaad ee raqaha. Nuguushiguduudku wuxuu u dhexeeyaa cadaad iyo nuguushicad. Dh: agaalli-guduud.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nuxuusi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax daciif ka dhigid. la-mid: naxuusi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nuxuusi
v. weaken, debilitate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nuxuusi
-yey say: (v) make dim; darken (daar-ken)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nuxuusi
de: weaken, debilitate
lx: nuxuusi
pd: (nuxuusiyey)
ps: v2a=tr
key: nuxuusi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuguushicad
-ka: (magac, lab, keli) xiddiga lixaad ee raqaha. Nuguushi cadku wuxuu u dhexeeyaa nuguushi guduud iyo afaggaal. Dh: agaallicad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruquushid
-da: (magac, dhedig, keli) dhulka ku camcamin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Guush
name: Gush, Gus
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guush
-ka: (magac, lab, keli) caleen aan qoyaan lahayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Guush
de: Gush, Gus
lx: Guush
ps: name-m
key: Guush
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nuguur
m.dh Dabeecad; akhlaaq.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nuguur
m.dh Dabeecad; akhlaaq.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nuguur
f. n. character, temperament, nature
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuguur
-ta: (magac, dhedig, keli) baaxaalli iyo dhaqan uu qof leeyahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nuguur
de: character, temperament, nature
lx: nuguur
pd: (-ta)
ps: n-f
key: nuguur
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nuuxsi
m.l la-mid: nuuxsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuuxsi
-ga: (magac, lab, keli) dhaqaaq yar samayn. Dh: dhaqaaq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nuxuus
nuxuus¹: m.l (-syo, m.dh) 1. N. ah: xilli ay dadku sharaystaan. 2. N. ah: qof dhashay maalin la sharaysto. 3. N. ah: tabar yari nafley ka muuqata. la-mid: naxuus¹, nuxus.
nuxuus²: f.mg1 (-say, -stay) Wax daciif ah noqosho. la-mid: naxuus².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nuxuus
m.l (-syo, m.dh) 1. N. ah: xilli ay dadku sharaystaan. 2. N. ah: qof dhashay maalin la sharaysto. 3. N. ah: tabar yari nafley ka muuqata. la-mid: naxuus, nuxus.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nuxuus
m. n. weak ~ unfortunate person, weakness; ill-omened day ~ time
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nuxuus
-ah: (adj) dim (dhiim); faint (feeynt); weak (wiik). Ex: nal nuxuus ah; a dim lightbulb
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuxuus
-ta: (magac, dhedig, keli) xanuun xoolaha caloosha kaga dhaca oo itaal darro ku rida. Beryahan xoolaha nuxuus baa naga gashay.
nuxuus-ta: (magac, dhedig, keli) eeg nuxuska.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nuxuus
de: weak ~ unfortunate person, weakness; ill-omened day ~ time
lx: nuxuus
pd: (-ka)
ps: n2a-m
see: naxuus
key: nuxuus
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naxuusi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: nuxuusi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
naxuusi
v. weaken, debilitate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
naxuusi
-yey / say: (v) make dim (diim); debilitate (di-bili-teeyt); enervate (enar-veeyt); weaken (wiikeri)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naxuusi
(fal) cid kale, nuxuus ku rid
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
naxuusi
de: weaken, debilitate
lx: naxuusi
pd: (naxuusiyey)
ps: v2a=tr
key: naxuusi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quruush
m.dh eeg qarshi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
quruush
f. n., pl. coins
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
quruush
-ta: (n) coin (koyn); metal money; change ~ qaddaadiic
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
quruush
bw: Arabic
de: coins
lx: quruush
pd: (-ta)
ps: n8-f-pl
see: qarshi
key: quruush
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qusuusi
(Qusuusi-ga)
Madax gaar ah oo boqorka ama waayeelka u dhow ama xigta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qusuusi
m.l.u Lataliyayaal. la-mid: khuususi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qusuusi
m. n., [collective] chief advisor to a leader; counsellors, aides
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qusuusi
-da: (n) advisers (adh-vaayseris), also advisors
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qusuusi
-ga: (magac, lab, keli) wax cid u gaar ah. Dh: khusuusi.
qusuusi -ga: (magac, lab, keli) qof nin madax ah aad u dhow oo la taliya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qusuusi
de: chief advisor to a leader; counsellors, aides
lx: qusuusi
pd: (-ga)
ps: n-m-col
key: qusuusi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruquush
(fal) eeg ruquus.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shuushi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: shuushaami.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shuushi
v. drive (herd ~ flock) along slowly
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shuushi
(fal) sida xoolo aan dheerayneyn aayar kaxee. Shuushi waxaraha yaryar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shuushi
cf: shuushaami
de: drive (herd ~ flock) along slowly
initial: s
lx: shuushi
pd: (shuushiyey)
ps: v2a=tr
key: shuushi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wuxuush
m.dh.w eeg waxash.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wuxuush
-ta: (magacwadareed) dugaag aan wax hanbayn. Dh: waxash.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xusuusi
f.g2 (-iyay, -isay) Cid waxay ilowsanayd garwaaqsiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xusuusi
f.g2 (-iyay, -isay) Cid waxay ilowsanayd garwaaqsiin. m.f.dh, xusuusin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xusuusi
v. remind, make someone remember
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xusuusi
-yey / say: (v) remind (ri-maayndh); cause to remember; refresh one's memory ~ xasuusi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xusuusi
(fal) qof kale wax uu illawsan yahay laabtiisa ku soo rid. Ballantii aabbo xasuusi. Dh: garansii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xusuusi
de: remind, make s.o. remember
initial: x
lx: xusuusi
pd: (xusuusiyey)
ps: v2a=tr
key: xusuusi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huruusho
m.dh (-ooyin, m.l) Wax dhuxul noqday.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nugnugti
-da: (magac, dhedig, keli) gargariirka qofka waayeeelka ah. Maxaad la ruxmaysaa si aad nugnugti qabto. Dh: qadhqadhti, lalleemo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nuxuusid
m.f.dh eeg nuxuus². la-mid: naxuusid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuxuusid
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg nuxuus.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nuxuusin
m.f.dh eeg nuxuusi. la-mid: naxuusin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuxuusin
-ta: (magac, dhedig, keli) xaasidnimo iyo nasiibxumo ku ridid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nugnugasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhaqdhaqaaqid yar oo uu sameeyo wax meel ku naban. Dh: maarmaarid, liiqliiqashada
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xusuusdhig
m.l 1. Meel la dhigo dukumentiga muhimka ah. 2. Dhigidda meel taariikh ah la dhigo ubax xusuus ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xusuusdhig
m.l 1. Meel la dhigo dukumentiga muhimka ah. 2. Dhigidda meel taariikh ah la dhigo ubax xusuus ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xusuusdhig
m. n. diary, memoire; archive
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xusuusdhig
-ga: (magac, lab, keli) buug lagu qorto hawl maalmeedka iyo wax qabadkaaga maalin walba si aanad u illoobin. Xusuusdhig ii keen.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xusuusdhig
de: diary, memoire; archive
initial: x
lx: xusuusdhig
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: xusuusdhig
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guduudshe
(Guduudsha-ha)
Badar aan wanaagsanayn; (ama guduudi).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guduudshe
m.l la-mid: guduudi¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guduudshe
m. n., (mass n.): inferior grain
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guduudshe
a: guduudi
de: inferior grain
lx: guduudshe
pd: (/ha)
ps: n0-m-mass
key: guduudshe
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurgurshe
m.l la-mid: gurgurshaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gurgurshe
-ha: (magac, lab, keli) awr hayin ah oo maxasta lagu raro. Gurgurshihii baa ka dhintay reerkii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guxuushaa
m.l Nin aad u da' weyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huruushad
f.mg1 (-day, -dday) Dhuxul noqosho (wax).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huruushad
-ka: (magac, lab, keli) aad u gubasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huruushoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Dhuxul noqosho (wax dab ku gubtay).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuluushan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax, wax kale la dhexgeliyey ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuluushan
(tilmaame) dhex gashan oo gudaha ugu jira. Libaax baa geedka xuluushan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xurgufsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Cid faraheeda xoog wax uga qaadid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xurgufsii
v. seize violently, grab suddenly with hands
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xurgufsii
de: seize violently, grab suddenly with hands
initial: x
lx: xurgufsii
pd: (xurgufsiiyey)
ps: v2a=tr
key: xurgufsii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buruudshiil
(Buruudshiil-ka)
Ka burji adkaan; ka buruud sarrayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buruudshiil
buruudshiil¹: m.l Ka burji sarreynta qof, qof kale ka burji sarreeyo.
buruudshiil²: f.g1 (-ilay, -ishay) Qof, qof kale burjigiisa jebin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
buruudshiil
buruudshiil¹: m.l Ka burji sarreynta qof, qof kale ka burji sarreeyo.
buruudshiil²: f.g1 (-ilay, -ishay) Qof, qof kale burjigiisa jebin. m.f.dh, buruudshiilid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buruudshiil
m. n., [compound] domination through mystic powers ~ charisma
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buruudshiil
-ka: (magac, lab, keli) burji adayg leh am lagu lammaanyahay. Dh: buruudsarrayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buruudshiil
de: domination through mystic powers or charisma
lx: buruudshiil
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: buruudshiil
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gurguurasho
(Gurguurasha-da)
Labada low iyo labada gacnood ku socosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurguurasho
m.f.dh eeg gurguuro. la-mid: gurguurad.