nugayl
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nugayl
m.l Adkasyandarro, jileec.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nugayl
-ka: (magac, lab, keli) jilayc aan awood badan lahayn.
nugayl -ka: (magac, lab, keli) qalbi jilayc iyo caadifo xoog ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nugaal
nugaal¹: m.l Midab madow oo lo'da u gaar ah.
nugaal²: m.dh Dhul ciid jilacsan oo boor leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nugaal
m.dh Dhul ciid jilacsan oo boor leh. nugayl m.l Adkasyandarro, jileec.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Nugaal
pr. n., loc. Nugaal [region in north central Somalia.]
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Nugaal
de: Nugaal [region in north central Somalia]
lx: Nugaal
ps: n0-loc
key: Nugaal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nugeyl
(Nugeyl-ka)
Adkaysandarro; jileec.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nugeyl
m. n., [abstract] softness, tenderness; docility; weakness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nugeyl
-ka: (n) 1. sensitivity (san sa tiviti); susceptibility (sa-sap tibiliti)-, —u nugul: (adj) sensitive (san sa tiv)-, susceptible (sa-sap tibalf, thin-skinned. Ex: qabawga u nugul; susceptible to colds -aanad'adkayn, ujiljilicsan, 2.disposition
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nugeyl
-ka: (magac, lab, keli) eeg nugayl.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nugeyl
de: softness, tenderness; docility; weakness
lx: nugeyl
pd: (-ka)
ps: n-m-abs
syn: jileec; rw: nugul
key: nugeyl
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
soppy
/sopi/ (adj) beer-nugayl nacasnimo ah.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Plywood
Nugayl
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Softwood
Geed nugayl
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afgaabni
-da: (magac, dhedig, keli) hadal badan la'aan; qof dhawrsasho badan ahaan. Afgaabnidu waa nugayl.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caycay
-ga: (magac, lab, keli) nafley, mid aan adkaysi u lahayn dhibta la soo gudboonaata. Dh: nugayl.
caycay: (ereydhawaaq) la yidhaahdo kolka adhiga biyaha loogu yeedhayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nugli
-da: (magac, dhedig, kali) eeg nugayl.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
pudeur
pudeur, n.f. - il nugayl; xishood xad dhaaf ah
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
pudicité
pudicité, n.f. - il nugaylnimo
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
timide
timide, adj. - il nugayl
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
timidité
timidité, n.f. - il nugaylnimada
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
timoré
timoré, adj. - il nugul; il nugayl
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
obedience
n., dhega nugayl, -ki, dhega nuglaan, -ti.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afnugayl
-ka: (magac, lab, keli) si aan wax laga. fiirsan u hadalid. Afnugaylku waa dhaqan aan qof weyn ku fiicnayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilnugayl
-ka: (magac, lab, keli) qof aan dhiirranayn oo khajilaad leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nayl
(Nay-sha)
Ilmo ido ah, oo dheddig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nayl
nayl¹: m.l (-lo, m.l) Maqasha idaha keeda lab.
nayl²: m.dh (-lo, m.l) Maqasha idaha keeda dheddig.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nayl
nayl¹: m.l (-lo, m.l) Maqasha idaha keeda lab.
nayl²: m.dh (-lo, m.l) Maqasha idaha keeda dheddig.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nayl
m. n. lamb, young sheep
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nayl
-naysha: (n) a baby sheep; lamb (laam)
Magacyada Nafleyda Soomaaliyeed (Laatiin-Talyaani-Ingiriis-Soomaali) - Funayooli, Simoneeta [1985]
NAYL
(I) Agnello, generico;
(E) Lamb, generic
(S) NAYL (S. g.: Nail)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nayl
-ka: (magac, lab, keli) maqasha idaha kooda lab.
nayl -sha: (magac, dhedig, keli) maqasha idaha tooda dhedig. Naysha laxda u sii daa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nayl
cf: baraar, ido
de: lamb, young sheep
lx: nayl
pd: (-ka ~ /sha)
ps: n1-m/f
key: nayl
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ugay
-ga: (magac, lab, keli) qori wax lagu cugo. Dh: culay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cugay
m.l la-mid: culay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cugay
m. n. bundle of certain kinds of wood ~ twigs used to smoke a milk vessel; act of purifying a milk vessel with this
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cugay
-ga: (magac, lab, keli) qoryo gaar ah oo qallalan oo udgoon oo weelasha caanaha lagu cugto. Dh: culay, qoriqadiid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cugay
a: culay
de: bundle of certain kinds of wood ~ twigs used to smoke a milk vessel; act of purifying a milk vessel with this
lx: cugay
pd: (-ga)
ps: n-m
key: cugay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lugay
(fal) lugaha ku soco. Dh: lugee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nuday
m.l Nafaqada laga helo wax la quuto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nuday
m.l Nafaqada laga helo wax la quuto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nuday
m. n. extension, increase; something used for lengthening
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuday
(fal) ladh ku samee oo ku kordhi. Xadhigga nuday.
nuday-ga: (magac, lab, keli) niyad iyo dareenka kalsoonida. Dh: niyad, dareen.
nuday-ga: (magac, lab, keli) xaydha wadnaha ku dahaadhan.
nuday-ga: (magac, lab, keli) geshi, urshi, uraad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nuday
de: extension, increase; s.t. used for lengthening (as a fiber added to plaiting material to finish a mat)
lx: nuday
pd: (-ga)
ps: n-m
key: nuday
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nugul
1. Aan ad'adkayn; jilicsan.
2. (Nugul-ka) Xoolaha intooda aan harraadka u adkaysan (lo'da, gammaanka).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nugul
nugul¹: m.l/dh.u Xoolaha aan harraadka u adkeysi badnayn sida lo'da, fardaha iyo idaha.
nugul²: f.mg4 (-glaa, -glayd) Nafley aan adkeysi lahayn ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nugul
nugul¹: m.l/dh.u Xoolaha aan harraadka u adkeysi badnayn sida lo'da, fardaha iyo idaha.
nugul²: f.mg4 (-glaa, -glayd) Nafley aan adkeysi lahayn ahaansho. m.f.dh, nuglaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nugul
[adjective] soft; delicate, weak, not hardy; docile
nugul m. n. animal that cannot endure thirst for a long time
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Nugul
Tenero
Tender
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nugul
(tilmaame) wax aan adkaysi lahayn. Yuusuf waa nin nugul.
nugul: (tilmaame) dhaqdhaqaaq leh oo aan aad u qotomin.
nugul: (tilmaame) dhegafudud oo dadka aqbala.
nugul -ka: (magac, lab, keli) dad iyo duunyaba intooda aan harraadka u adkaysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ugayb
-ka: (magacwadareed) riyaha yaryar ee aan wali curan. Ugayb badan ayaa saylada la keenay saaka. Dh: ceesaamo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bugayn
m.f.dh eeg bugee. la-mid: bucayn, buhayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buqayl
-ka: (magac, lab, keli) eeg bakhayl.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
busayl
(fal): u wax in badan kaa raagay ama kaa maqnaa helitaankiisa ama arkitaankiisa hammad weyn u qab. Dhanka bari magaalada, sow bogorad joogtoo, biya dahab la moodoo, u busaylay maan baran. Dh: hilow, xiisoo, buseel, bisayl, teb.
busayl -ka: (magac, lab, keli) wax in badan kaa raagay ama kaa maqnaa helitaankiisa ama arkitaankiisa hammad weyn u qabis. Busayl baan u qabay yartaan barada ku soo hooystay, oo baahibaan ku tiray bogga kaga jiifsadaye. Dh: hilow, xiiso, buseel, bisayl, tebid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cugaal
m.dh Qoryo geedo gaar ah laga soo guray oo weelasha qaarkood lagu culo.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Cuqayl
name-m wise, intelligent
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dugaal
-ka: (magac, lab, keli) gabbaad dhaxanta ama cadceedda laga galo. Dh: dugsi. Li: daleed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dugayo
-da: (magac, dhedig, keli) dhibaato muuqata oo baahi keentay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kulayl
(Kulayl-ka)
Kul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kulayl
m.l Holan, humri iyo wixi lamida ee ka yimaada qorraxda, dabka iyo wixi lamida.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kulayl
m.l Holan, humri iyo wixi lamida ee ka yimaada qorraxda, dabka iyo wixi lamida.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kulayl
m. n., [abstract] heat, warmth; temperature
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kulayl
-ka: (n) 1. heat (hiit); hotness (hatnes).. 2. temperature (tern-pera juur)~kuleel, kul
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kulayl
-ka: (magac, lab, keli) dabka iyo qorraxda waxa laga dareemo ee oogada guba. Dh: kul.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kulayl
de: heat, warmth; [ext.] temperature
lx: kulayl
pd: (-ka)
ps: n2a-m-abs
key: kulayl
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
kulayl
دِفْءٍ حَرَارَةَ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lugayn
(Lugayn-ta)
Lugo ku socosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lugayn
m.f.dh eeg lugee. la-mid: lugays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lugayn
-ta: (magac, dhedig, keli) socoto aan gaadiid la fuuline lug lagu socdo. Dh: cagayn, lugays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lugays
m.l la-mid: lugayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lugays
-ka: (magac, lab, keli) eeg lugayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nagayn
m.dh la-mid: negayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nagayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid socdaali lahayd baajin. Dh: oolin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
negayn
m.f.dh eeg negee. la-mid: nagayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
negayn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg negaadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
negays
-ta: (magac, dhedig, keli) oolin oo socod ama safar cid horay ugu qorshaysnaa ka baajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rugayn
m.f.dh eeg rugee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rugayn
-ta: (magac, dhedig, keli) rug ka dhigid ama rug u samayn.
rugayn-ta: (magac, dhedig, keli) isku tubbarid iyo habayn loo yeelo odhaahda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sugaal
(Sugaal-ka)
Kurasho; dhawris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sugaal
m.l Sųgidda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sugaal
vl. n. waiting, expectation
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Sugaal
name-m waiting, expectation
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Sugaal
Attesa
Certain
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Sugaal
magac loo baxsho wiil dhalashadiisa in badan la sugay oo caloosha ku raagay ama wiil dhalashadiisa ka hor reerku gabdho uun lahaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sugaal
-ka: (magac, lab, keli) korasho; dhawris; sugis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sugaal
de: waiting, expectation
initial: s
lx: sugaal
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: sugaal
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Suhayl
name-m constellation (canopus) Sirius, brightest star; easy to deal with, fluent, smooth, soft
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Birnugayl
Wixii bir jilicsan kasoo jeeda sida jaandiga, maarta, rasaasta iwm.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habnugayl
-ka: (magac, lab, keli) xishood iyo khajilaad keenta in qofku dadka hortiisa ku hadli karin. Dh: khajil, xishood, maag. Li: il'adki.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halnugayl
-ka: (magac, lab, keli) xishood iyo khajilaad aan dadka hortooda lagu hadli karin. Dh: habnugayl, ilnugayl, shirkanax.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kalnugayl
-ka: (n) softheartedness; tenderheartedness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qasnugayl
-ka: (magac, lab, keli) daal ka dhasha da'weynaanta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xufnugayl
-ka: (magac, lab, keli) naaxi ogid; degdeg u naaxa. Dh: xayeesh. Li: soorgad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xugnugayl
-ka: (magac, lab, keli) xoolaha intooda aad u jilicsan. Dh: xayeesh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
negayaal
m.l/dh (fiisikis) Qayb ka mid ah mekaanikada oo la xidhiidha walxo ay saaran yihiin xoogag sidkan ama isku dheelitiran, taasina ay keento in walaxdu ku xawaarayso socod madoorsoome ah ama ay negaato.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
negayaal
m.l/dh (fiisikis) Qayb ka mid ah mekaanikada oo la xidhiidha walxo ay saaran yihiin xoogag sidkan ama isku dheelitiran, taasina ay keento in walaxdu ku xawaarayso socod madoorsoome ah ama ay negaato.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
negayaal
-sha: (magacwadareed) gayb ka mid ah mekaanikada oo la xidhiidha walxo ay saaran yihiin xoogag sidkan ama isku dheelitiran, taasina ay keento in walaxdu ku xawaarayso socod madoorsoome ah ama ay negaato.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Nuugayya
sucer.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buglayn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg bugbugleyn.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DHUGAAL
(Dugal) S Maerua subcordata (Gilg) Dewolf. Capparidaceae.