nu
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
nu
nu, adj. - Qaawan; aan dhar xidhnayn; la qaawiyey.
mettre nu - Ka bixin; qaawin (diir ama qolof). Ka xuubin ama ka xayuubin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abaydin
(Abaydin-ta)
1. Carruur, caanaha ay hooyada ka nuugaan, ka gooyn.
2. Caano aan kuwa hooyo ahayn (oo xoolaad) carruur siin oo ku korin.
3. Carruurta lafteeda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afaggaal
(Afaggaal-ka, Afaggaa-sha)
Toddobada xiddigood oo raqaha, tan ugu danbaysa; waxay u dhexaysaa nuguushi-cad tyo naafcadde.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Agaalli
(Agaalli-da)
(xiddigo) nuguushi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bar
1. (Bar-ka) Wax labo meelood oo is le'eg loo qaybshey, meeshood; nus.
2. (Bar-ta) a) Dhibic; gaashi; astaan. b) Xoolo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baran
Bar maqan yahay; aan buuxin; kala baran; nus ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Berisamaad
(Berisamaad-ka)
Nur samaaday; barwaaqo; bashbash.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buufin
1. (Buufin-ka) a) Qalab jaadad badan ah, oo neefta ama gaaska ama biyaha, kd. weelal kale ama qalabyo kale lagula shubo ama lagaga shubo: riixid iyo baari buu wax ku geliyaa, soojiid iyo nuugisna wax buu ku soo saaraa. b) Kolay yar oo harag ah ama xuub ah, oo inta neef laga buuxsho, lagu cayaaro.
2. (Buufin-ta) Neef, gaas, kd., ku afuufid; neefin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caano
(Caana-ha)
1. Wax cad oo shubma oo ka yimaada naasaleyda dheddig naasohooda oo dhashoodu nuugto oo ku noolaato.
2. Wixii kaloo u eg, sida dhirta qaarkeed dhacaanka cad oo ka yimaada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cabban
Aan waxba u adkaysan karin; aan dhabar adkayn; aan hawlkar ahayn: jilicsan; nugul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cabbanaan
(Cabbanaan-ta)
Ku cabban ahaan; nuglaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Culaacul
(Culaacu-sha)
Bahal yar oo dhiigga nuuga: dixirigaa lagu tirshaa, waxayna leedahay oogo jilicsan oo xubno leh; biyahay ku dhex nooshahay (biyaha balliyada); waxay ku dhegdhegtaa oo dhiigga ka nuugtaa kalluunka iyo diinbiyoodka iyo raha iyo dadka laftiisa; waayadii hore, meeshii toobin loo rabo baa la saari jirey oo ay dhiigga ka nuugi jirtey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dad
(Dad-ka)
Nafleyda wax nuujisa jaadka ugu gobeysan oo lagu yaqaan: qummaati isu taagid iyo lugo xoog badan (haddii oogadiisa loo eego) iyo gacmo laallaada oo wuxuu doono uu ku qabsado; intaas waxaa u sii dheer: maskax weyn iyo garaad iyo hadal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dayr
(Dayr-ta)
Afarta nur oo sanadu u qaybsanto mid kamid ah, oo roob leh: waxay u dhexaysaa xagaaga iyo diraacda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaaryid
(Dhaaryid-da)
Naas caanihii laga laystay, oo aan waxba ka soo dhacayn, iska sii nuugid; nuugid dheer oo dhib leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhamiijo
(Dhamiija-da)
Cayayaan yaryar oo nafleyda qaarkeed korka ka gala oo dhiigga ka nuuga; huunyo; dhibiiq; (ama dhibiijo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaqaajin
(Dhaqaajin-ta)
1. Socodsiin; nuuxin; riixid; durkin.
2. (subag fadhiya, kd.) wax shubma oo dareera ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaqaaq
(Dhaqaaq-a)
In yar meel ka tegid; nuuxsi yar; socod bilaw; durkid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaqaaqilyo
(Dhaqaaqilya-da)
Nafley yar oo dhaqaaqeeda dhib lagu arki karo; muuqaal aad u yar oo nuuxnuuxsana haya; dhaqaaqil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaqdhaqaaq
(Dhaqdhaqaaq-a)
1. Xasil la'aan; socsocod; nuuxnuuxsi; kuurkuursi.
2. Wax samays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaqdhaqaaqid
(Dhaqdhaqaaqid-da)
1. Socsocosho; nuuxnuuxsasho.
2. Fadhi ka kicid; wax samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuc
(eraycodeed) sangadha ka yeedha shay madhan gudihiisa marka wax lagu dhufto. Dh: hig, nug.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nud
nud¹: m.dh Meesha la iskaga xiro xarko, dun iyo wixi lamida.
nud²: f.g1 (-day, -dday) Xarko, marooyin iyo wixi lamida isku xirid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nud
nud¹: m.dh Meesha la iskaga xiro xarko, dun iyo wixi lamida.
nud²: f.g1 (-day, -dday) Xarko, marooyin iyo wixi lamida isku xirid. m.f.dh, nudid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nud
v. lengthen, enlarge
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nud
(fal) ladh; wax gaaban wax kale ku dheeree. Xadhigga aad soohayso, nud. Dh: dheeree, ladh, kaab.
nud: (fal) shay aad samaynayso dhudaha ka dhiman u buuxi. Dh: cuur.
nud -ka: (magac, lab, keli) ladh wax gaaban lagu dheereeyo. Dh: ladh, kaab.
nud-ka: (magac, lab, keli) urur unugyo ah oo isku qaab ah oo wada fala shaqo u gaar ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nud
de: lengthen, enlarge
lx: nud
pd: (nuday)
ps: v1=
key: nud
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nug
(ereycodeed) lagu asteeyo wax cod gariir leh bixiya. Gantaalbaa halkaa nug ku yidhi.
nug: (fal) nab oo hoos ugu aas. Ku nug musbaarka gidaarka.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
nul
nul, adj. - aqoon la'aan
nul, pron. - Qofna; Cidna; Eray diidmo ah.
nulle part - Meelna.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
nun
/nan/ (n) naagta soorada ah ee la nool xer soorooyin ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nur
(Nur-ka)
1. Afarta xilli oo sanadu u qaybsan tahay (gu, xagaa, dayr, diraac) midkood.
2. Xilli roob; doogaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nur
m.l 1. Xilli roobku da'o. 2. Daaq waxtar leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nur
m.l 1. Xilli roobku da'o. 2. Daaq waxtar leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nur
m. n. season
nur m. n. rainy season; vegetation, verdure
nus num: half
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nur
-ka: (n); time of year, especially a rainy time of the year
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nur
-ka: (magac, lab, keli) xilli roobaad. Nurka daahayiyo, dabaylaha xilligu, waayuhu dulmiga, dadka maw sinmaan. Dh: doogaad.
nur-ka: (magac, lab, keli) tayo; qiimo.
nur -ka: (magac, lab, keli) afarta xilli ee sannadku ka kooban yahay midkood.
nur-ka: (magac, lab, keli) dhib; lur, shiddo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nus
(Nus-ka)
Wax labo inood oo is le'eg loo qaybshey, middood; kalabbar; bar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nus
m.l Wax laba meelood oo is le'eg loo qaybshey, meeshood; bar. Tusaale: “N. kiilo bariis ah”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nus
m.l Wax laba meelood oo is le'eg loo qaybshey, meeshood; bar. Tusaale: Nus kiilo bariis ah.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nus
-ka: (n) 1. half (haaf) bar. 2. fifty cents nus-shilin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nus
-ka: (magac, lab, keli) eeg nis.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Nut
Xejiye
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
nut
n., (cocoa-nut) naarajiin, -ti; earth nut (arachis), loos, -ki.