norosh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
norosh
-ta: (magac, dhedig, keli) qoyaan cad oo malax ah oo indhuhu yeeshaan markay xanuunsanayaan. Dh: xafajo, dhalxan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Noqosho
(Noqosha-da)
1. Sidii hore si ka duwan isu rogid, ahaansho.
2. Dib iyo docdii laga yimid, isu laabid, isu rogid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
noqosho
m.f.dh eeg noqo. la-mid: noqod (2).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
noqosho
vl. n./m: return, act of returning ~ coming back; reopening
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
noqosho
-noqoshada: (n) the act of returning
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
noqosho
-da: (magac, dhedig, keli) dib u laabasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
noqosho
de: return, act of returning ~ coming back; [ext.] reopening
lx: noqosho
pd: (/da ~ /ha)
ps: vn6-f/m
key: noqosho
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
noqosho
رجوع
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
nourish
/narish/nourishing;(v) nafaqayn (nafaqo siin).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
nourish
v.tr., sabbar, soorsii, sabbaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Oroh
(Oroh-da)
Hadal; hawraar; weer; tiraab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oroh
m.dh la-mid: oraah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
oroh
f. n. word, speech
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oroh
-da: (magac, dhedig, keli) hadal kooban oo la yidhaahdo. Oroh qudhaa ku filane kaalay dheh. Dh: weer, oraah, hawraar, tiraab.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
oroh
a: oraah
de: word, speech
lx: oroh
pd: (-da)
ps: n2-f
syn: erey
key: oroh
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boosh
m.l 1. Harag laga bixiyey ari caato ah. 2. Midab aad u cad oo ay yeeshaan timaha, dhogorta iyo wixi lamida.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Boosh
nickname-m white; light-skinned
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boosh
-ka: (magac, lab, keli) kolay askarigu agaabtiisa ku rito. Booshka ii qabo intaan baabuurka ka soo degi.
boosh-ka: (magac, lab, keli) haragga aan waafiga ahayn. Boosh baraar laga bixiyey ma gogol baa? Dh: kashrad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
coosh
m.l 1. la-mid: cooshad. 2. Cafish.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doosh
(Doosh-ka)
(dhoof) gaadiidka badda mara, dhinacooda bidix, kolka uu dhoofsan yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doosh
m.l 1. Markab ama doon u socota dhanka ay dabayshu ka hayso. 2. D.kii hore: waqti hore oo la soo dhaafay; kal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
doosh
m. n. portside, left-hand side of a ship
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doosh
-ka: (magac, lab, keli) dhanka bidix ee gaadiidka badda oo uu habeenimada iftiin cagaarani ka bildhaama.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
doosh
de: portside, left-hand side of a ship
lx: doosh
pd: (-ka)
ps: n-m
key: doosh
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goosh
goosh¹: m.l 1. Safar. 2. la-mid: goshid.
goosh²: f.mg1 (-shay, -shtay) Iskaga g.: bad, dhul, cir ku safrid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
goosh
f.mg1 (-shay, -shtay) Iskaga g.: bad, dhul, cir ku safrid. m.f.dh, gooshid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
goosh
v. go between, ply between
goosh m. n. session
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
goosh
-ey / tay: (v) [with preposition u kala] make a frequent trip between places
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goosh
-ka: (magac, lab, keli) ciidan xoog leh.
goosh -ka: (magac, lab, keli) mar ama door. Goosh walba waxaan helaa guul iyo libin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoosh
(Hoosh-ka)
Boob.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoosh
hoosh¹: m.l Boobidda wax la boobo.
hoosh²: f.g1 (-shay, -shtay) Cid wax boobid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoosh
v. snatch, rob; kidnap
hoosh vl. n. robbery, kidnapping
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hoosh
-ay / tay: (v) grasp or seize suddenly by group of people; snatch (isnaaj) ~ boob
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoosh
(fal) boob oo cid kale dhac.
hoosh -ka: (magac, lab, keli) boob aan gabbasho lahayn. Dh: dhac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moroh
m.l (moroh, m.dh) Jaad ka mid ah dhirta oo dhala beeyo udgoon.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
moroh
m.l (moroh, m.dh) Jaad ka mid ah dhirta oo dhala beeyo udgoon.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moroh
-a: (magac, lab, keli) dhiil gorof u eg kase yar oo geela lagu liso. Dh: hadhuubgaal, toobke, doobi.
moroh -da: (magac,dhedig, keli) dhiil lagu shubo marka kodhaha lagu lulo caanaha.
moroh -da: (magac,dhedig, keli) geed magicii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
noodh
m.l la-mid: nood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
noodh
-ka: (magac, lab, keli) lacagta inteeda warqadaha ah. Dh: noor. Li: qaddaadiic.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
noose
/nuus/ (n) siriq (gunud xarig ah oo markii lasoo dhifto xoog u xiranta).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
noose
n., (running knot) suryo, -adi.
noose, v.tr., suryay.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
north
/noorth/ (n) 1. waqooyi(adv) 2. dhanka waqooyi xiga.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
north
n., jah, -hi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qoosh
(Qoosh-ka)
Wax ka samaysan waxyaalo badan oo kala duwduwan (miro, dawooyin...) oo laysku daray ama laysku qasay; iskuddar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoosh
qoosh¹: m.l 1. Budo badan oo hoore yar lagu qasay. 2. Cajiin. Waxyaabo badan, kala duwan oo la isku daray.
qoosh²: f.g1 (-shay, -shtay) 1. Budo hoore yar ku qasid. 2. Cajiin sameyn. 3. Isku q.: waxyaabo badan oo kala duwan iskuqasid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qoosh
qoosh¹: m.l 1. Budo badan oo hoore yar lagu qasay. 2. Cajiin. Waxyaabo badan, kala duwan oo la isku daray.
qoosh²: f.g1 (-shay, -shtay) 1. Budo hoore yar ku qasid. 2. Cajiin sameyn. 3. Isku q.: waxyaabo badan oo kala duwan iskuqasid. m.f.dh, qooshid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qoosh
m. n., (mass n.): doughy mixture, paste
qoosh v. soak, mix (with a liquid)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qoosh
-ay -tay: (v) mix (miksi) to mush (maash); make something thick, soft, and pulpy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoosh
(fal) budo iyo wixii la mid ah iyo biyo isku laaq oo isku cajiin. Dh: xash, cajiin.
qoosh -ka: (magac, lab, keli) budada iyo biyaha la isku laago ee la isku cajiino ee furunka, loxooxda keegga iyo wixii la mid ah laga dubo. Dh: cajiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toosh
-ka: (magac, lab, keli) eeg tooj.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoosh
m.l 1. Cirro. 2. Daash, sida meel baabuurta la dhigta oo guriga raacsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xoosh
m.l 1. Cirro. 2. Daash, sida meel baabuurta la dhigta oo guriga raacsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xoosh
m. n., (mass n.): gray ~ light, collectiveored hair
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Xoosh
nickname; name-m gray ~ light-colored skin/hair
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xoosh
-ah: (n) white hair; gray hair ~ ciroole
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Xoosh
magac loo bixiyo wiil caddaan u dhashay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoosh
(tilmaame) caddaan saafiya. Waxa la qalay wan xoosh ah. Dh: xay, caddaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xoosh
de: gray ~ light-colored hair
initial: x
lx: xoosh
pd: (-ka)
ps: n-m-mass
key: xoosh
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doqosh
m.l Waddo yar oo aan toos ahayn, ciriirina ah oo guryo dhexdooda marta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gomosh
m.l la-mid: gomoshaa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gomosh
m. n. plant species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gomosh
-ka: (magac, lab, keli) geed caleemo balballaadhan iyo midho la cuno leh. Dh: gombosh, gomosh, kombosh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gomosh
de: plant sp.
lx: gomosh
pd: (-ka)
ps: n2a-m
see: gomoshaa
key: gomosh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goxosh
-ka: (magac, lab, keli) laablaaban uu jidhku yeesho kolka uu qofku gaboobo.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
KOBOSH
Grewia mollis [?] 10, G. villosa 20
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
korodh
m. n. increment, increase
korodh [inchoative] v. increase, grow, be added to, develop
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
korodh
-ay I tay: (v) increase (inkiriis); multiply (moltipalaay); expand (ikispaandh) ~ siyaado
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
korodh
-ka: (magac, lab, keli) wax biiro yeesha ama siyaada.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
morose
/marows/ (adj) xanaaq badan (xanaaqlow).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
morose
morose, adj. - murugo.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
noióso
agg. - dhiblow ah, kahsi leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qobosh
m.l (-shyo, m.dh) Nafley lab oo gaboobay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qobosh
m. n. very old male (man ~ animal)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qobosh
de: very old male (man ~ animal)
lx: qobosh
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: qobosh
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xorshosh
(Xorshosh-ka)
Qori ama wax kale oo korka sare ka fayow, gudahase ka mootan oo bolol ka ah, oo kolkii la taabto burburaya, tilmaantood, (ama xorshosho).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xorshosh
m.l Qori ama wax kale oo korka sare ka fayow, gudahase ka mootan oo bolol ka ah, oo kolkii la taabto burburaya, tilmaantood. la-mid: xorshosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xorshosh
m. n. object that appears to be sound, but crumbles from decay when touched; decomposition (as of wood), brittleness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xorshosh
-ka: (magac, lab, keli) wax dusta fayaw hoostana ka burbursan oo xoxolle ab xorxosh ayuu noqdaye beddela, Dh: xolxolle.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xorshosh
de: object that appears to be sound, but crumbles from decay when touched; decomposition (as of wood), brittleness
initial: x
lx: xorshosh
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: xorshosh
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
boorash
-ka: (n) porridge (poorij)
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
borough
/borow/ (n) qayb ama xaafad ka mid ah magaalo weyn oo maamulkeedu gooni u yahay. e.g. the borough of Manhattan.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
borough
/borow/ (n) meel amy beled maamulshe goony ing eh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Docosho
(Docosha-da)
Saxarada adkaata, kubadhagaxow darti, kolka xoog la isaga keenayo; jiirasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
docosho
m.f.dh eeg doco. la-mid: ducasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
docosho
-docoshada: (n) pushing (pushing), especially in childbirth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
docosho
-da: (magac, dhedig, keli) majiirasho oo sidii wax sindho hayso u ducasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dokhosh
m.l Dhismo gaboobay oo jajabay oo ka samaysan qoryo iyo caws duug ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dokhosh
m.l Dhismo gaboobay oo jajabay oo ka samaysan qoryo iyo caws duug ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gocosho
m.dh la-mid: gocasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gombosh
-ka: (magac, lab, keli) geed caleemo balballaadhan iyo midho la cuno leh. Laamihiisa iyo midhihiisuba, waxay leeyihiin gas yar oo cawlan. Dh: gomosh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horasho
m.f.dh eeg horo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horasho
-da: (magac, dhedig, keli) isku cararka neefka irmaan iyo ilmihiisa. Horashada ayaa lagu kartaa labada is dhashay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hororsi
-ga: (magac, lab, keli) boob iyo degdegsi. Hadal nin kaa leeyahay iyo hawl nin kaa xigo midna lama hororsado. Dh: boob.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Korasho
(Korasha-da)
Sugid; dhawrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
korasho
m.f.dh eeg koro. la-mid: korad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
korasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhowrid ama sugid. Korasho samee intaanad degdegin oo dhowr. Dh: sugid, dhawrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kororsi
(Kororsi-ga)
Kororsasho.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Kororsi
Incrementare
To increment
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kororsi
-ga: (magac, lab, keli) wax biirsasho. Dh: kororsasho, kororsad, badsasho.