nooggan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nooggan
Noog hayo; daallan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nooggan
der. [adjective] tired, fatigued, weary
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nooggan
-aa: (adj) tired (taayidh)-, fatigued (fatiigidh)-, wearied (wiyaridh)-, exhausted (ig-zoostidh) ~ daallan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nooggan
(tilmaame) qof daallan. Cabdi wu nooggan yahay oo fasax buu qaatay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nooggan
de: tired, fatigued, weary
lx: nooggan
pd: (noogganaa)
ps: adj-der
key: nooggan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
noogan
f.mg4 (-gnaa, -gnayd) Wax noogay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
noogan
f.mg4 (-gnaa, -gnayd) Wax noogay ahaansho. m.f.dh, noognaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mooggan
(tilmaame) aan waxba oggayn: wax war ah haynin. Dh: ogayn. Li: og.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
noogsan
(tilmaame) mid daal iyo rafaad qaba ah.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xooggan
-aa / ayd: (adj) strong (istaroong); tough (taf); powerful (paawer-fuul) ~ xoog leh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xooggan
(tilmaame) itaal leh; xoog hay Cidan xooggan ayaa loo diray furinta.
xooggan: (tilmaame) ku badan oo awood ku leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mooggani
-da: (magac, dhedig, keli) ogaansho li'i; ka warhayn la'aan. Li: warhayn, ogid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
noognaan
m.f.dh eeg noogan. la-mid: noognaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nooga
pron. and preposition: to ~ for us ... from (X)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nooga
(pronoun) to us; about him, her or them. Ex: nooga sheekee; tell us the story [about him, her or them]
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nooga
de: to ~ for us ... from (X) = na + u + ka
lx: nooga
ps: pro + prep
xe: Get Abdis car for us (from him).
xv: Cabdi baabuurkiisa nooga soo qaad!
key: nooga
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Oogan
La oogey; aad u shidan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oogan
oogan¹: f.mg1 (-gmay, -gantay; -gmi) 1. Dab wax la oogay noqosho. 2. Dacwo, rabsho iyo wixi lamida wax la oogay noqosho.
oogan²: f.mg4 (-gnaa, -gnayd) 1. Dab wax la oogay ahaansho. 2. Wax si wanaagsan loo fuliyey ahaansho (salaad). 3. Dacwo, rabsho iyo wixi lamida wax la oogay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
oogan
der. [adjective] blazing, afire
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oogan
(tilmaame) aad u abaabulan.
oogan: (tilmaame) ah dab aad u shidan, belbelaya, ololaya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
oogan
de: blazing, afire
lx: oogan
pd: (oognaa)
ps: adj-der
key: oogan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boggan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la bogay ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boggan
(tilmaame) wax dhammaystiran; wax ebyan oo faraha laga qaaday ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Foogan
Wax ku taagan: wax ku diran; taagan; kacsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foogan
f.mg4 (-gnaa, -gnayd) Wax soo taagan oo aan meel laga maro lahayn ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
foogan
der. [adjective] raised, lifted; erected
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Foogan
nickname; name-f busy; raised, lifted; erected
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foogan
(tilmaame) taagan ama qotoma.
foogan: (tilmaame) «ku ~» ku mashquulsan oo ka shaqaynaya. Dh: taagan, hawllan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
foogan
de: raised, lifted; erected
lx: foogan
pd: (foognaa)
ps: adj-der
syn: taagan
key: foogan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Moogga
1. Kolka; marka.
2. Mugga; hadda; amminka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
moogga
n. phr., time: when; now
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
moogga
de: when; now
lx: moogga
ps: np-time
syn: kolka, marka
key: moogga
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
oorgan
-ta: (n) organ (oor-gari)-, piano (piyaano) ~ qalab muusiko
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oorgan
-ka: (magac, lab, keli) qalabka muusikada mid ka mid ah oo codad aad u badan oo kala duwani ka soo baxaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Soogan
La soogey; kala jiidan; taagan; miiqan; togan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soogan
f.mg4 (-gnaa, -gnayd) 1. Cid meel taagan oo aan dhaqdhaqaaqayn ahaansho. 2. Qof dhuuban oo xoog leh ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
soogan
der. [adjective] stretched (out); thin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soogan
(tilmaame) mid kala jiidan; mid tataagan oo aan fadhi iyo socod toona lahayn. Col soogan baan u galay. Dh: taagan, qotoma.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
soogan
de: stretched (out); [ext.] thin
initial: s
lx: soogan
pd: (soognaa)
ps: adj-der
key: soogan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
googgaa
e.d Erey la sheegayo markaas googgaale la bandhiggi rabo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
googgaa
e.d Erey la sheegayo markaas googgaale la bandhiggi rabo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
googgaa
-da: (magac, dhedig, keli) maaweelooyinka waariga mid ka mid ah oo dumarka iyo carruurtu ku waaryaan habeenkii oo ah su'aalo deegaanka ku saabsan oo wax walba magac sarbeeb ah ama tilmaan uu leeyahay si maldahan loogu sheego dabadeed garo la is yidhaa ka wax su'aalayaa wuxu ku bilaabaa «googaa» ka ka jaawabayaana wuxu yidhaa «cigallee». Googaa, waxad sheegtaa oday bidaarle oo bari kaaga yimid? Jawaabtu waa dayaxa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Moogaan
(Moogaan-ta)
Ogaal la'aan; warqabid la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moogaan
m.f.dh eeg moog². la-mid: moogaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
moogaan
f. n., [abstract] ignorance; absent-mindedness; absence
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moogaan
(tilmaame) ogaansho la'aan; kas l'i
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
moogaan
a: moogaansho (/ha) [vn6-m-st]
de: ignorance; absent-mindedness; absence
lx: moogaan
pd: (-ta)
ps: n-f-abs
key: moogaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Moogtan
(Moogtan-ka)
Kaltan; fillan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moogtan
moogtan¹: m.l 1. Kaltan. 2. la-mid: moogtamid.
moogtan²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) U m.: cid la kaltamid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
moogtan
m. n. shared out work (etc.); turn by turn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moogtan
(fal) la kaayayso cid kale. Si saaxiibbadaa ad wax ula qabsan karto la moogtan. Dh: kaltan, jilayso, miilayso.
moogtan -ka: (magac, lab, keli) ilawsho joogta ah. Dh: illawtan. Li: xasuustan.
moogtan -ka: (magac, lab, keli) kaayaysi dad ay dhexdooda hawl u wada taal uu qofba kol qabto. Dh: kaltan, filtan jiltan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
moogtan
cf: meerto, miile
de: shared out work (etc.); [expr] turn by turn
lx: moogtan
pd: (-ka)
ps: n-m
key: moogtan
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Moorgan
nickname-m sharpshooter; sometimes confused with the english name of Morgan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Noolaan
(Noolaan-ta)
Wax nool ama nafi ku jirto ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
noolaan
m.f.dh eeg nool³. la-mid: nool², noolaansho, nooli¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
noolaan
f. n., [abstract] life, living, the state of living
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
noolaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax nool oo nafi ku jirto ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
noolaan
de: life, living, the state of living
lx: noolaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: noolaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nuuggan
f.mg4 (-naa, -nayd) Neef caano laga nuugay ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soogaan
m.dh la-mid: suugaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soogaan
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg suugaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
noogganaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid daal ku jiro ahaan. Dh: daallanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
googgo'an
f.mg4 (-'naa, -'nayd) Wax cad cad u kala qeybsamay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
googgo'an
f.mg4 (-'naa, -'nayd) Wax cad cad u kala qeybsamay ahaansho. m.f.dh, googgo'naan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
googgo'an
(tilmaame) wax la jarjaray oo la yaryareeyay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
noogitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg noogganaanta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhoogtan
-ka: (magac, lab, keli) toog ku tartamid ama wada samayn. Waataan ku dhoogtamay ninkii dhoosha ka qoslaayay. Dh: shiishtan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Foognaan
(Foognaan-ta)
Foognaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foognaan
m.f.dh eeg foogan. la-mid: foognaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
foognaan
f. n., [abstract] state of being raised ~ lifted
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foognaan
-ta: (magac, dhedig, keli) kor wax ugu taagnaan. Foognaanta maxaa kuugu wacan?
foognaan -ta: (magac, dhedig, keli) wax ku mashquulsanaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
foognaan
a: foognaansho (/ha) [vn6-m-st]
de: state of being raised ~ lifted
lx: foognaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: foognaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foojigan
f.mg4 (-gaa, -gayd) la-mid: feeyig.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
foojigan
-aa: (adj) cautious (koo-shas); careful (keerful) ~ feejigan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
googgoyn
m.f.dh eeg googgoo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
googo'an
der. [adjective] cut ~ chopped (up), broken apart; torn, tattered
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
googo'an
-aa: (adj) cut into small pieces; chopped (jaapidh)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
googo'an
de: cut ~ chopped (up), broken apart; torn, tattered
lx: googo'an
ps: adj-der
see: googgo'
key: googo'an
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
hooligan
/huuligan/ (n) fallaago (rabshoole aad wax u kharriba).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mo'ogaan
-ka: (magac, lab, keli) war ma oge aan waxba la socon. Dh: warmahaye. Li: oge.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Soognaan
(Soognaan-ta)
Wax soogan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soognaan
m.f.dh eeg soogan. la-mid: soognaan-sho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
soognaan
f. n., [abstract] stretchedness, being stretched (out)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soognaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax soogan ahaan, taagitaan; kala jiiditaan; togitaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
soognaan
de: stretchedness, being stretched (out)
initial: s
lx: soognaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: soognaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tooghayn
(Tooghayn-ta)
Qof u toogo hayn, xurmo iyo in wax loo galo u qabid, ka warqabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tooghayn
m.f.dh eeg tooghay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tooghayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ka warqabid. ka warhayn, tooghays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yoongayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid qaamaysan tudh ku dhihid. Nin deyn qabaa yoongayn buu ka baqaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moogganaan
-ta: (magac, dhedig, keli) ogaal la'aan; warqab la'aan. Dh: halmaansanaan. Li: ogid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tooggohayn
-ta: (magac, dhedig, keli) marka la filayo wax soo socda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Noog
(Noog-ga)
Daal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
noog
noog¹: m.l Dareenka la dareemo awood la'aan, hawl fara badanoo la qabtay iyo socod dheer oo la galay awgood.
noog²: f.mg1 (-gay, -gtay) Hawl darteed tamar yarayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
noog
noog¹: m.l Dareenka la dareemo awood la'aan, hawl fara badanoo la qabtay iyo socod dheer oo la galay awgood.
noog²: f.mg1 (-gay, -gtay) Hawl darteed tamar yarayn. m.f.dh, noogid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
noog
m. n., [abstract] fatigue, tiredness, weariness
noog [inchoative] v. be tired, feel weary
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
noog
-ay / tay: (v) become tired or fatigued; tired (taayar); fatigue (fatiig); weary (wiyari); exhaust (igzoost) ~ daal, xiiq
noog -a: (n) tiredness (taayidh nes) ~ daal-ka
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Noog
Stanchezza
Tiredness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
noog
-ga: (magac, lab, keli) daal ku yimaad haw! badan oo la qabto. Dh: daal.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
noon
/nuun/ (n) duhurkii (12ka duhurnimo).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
noon
n., duhur, -ki, hadh, -di; afternoon, duhurka dabadiisa.